SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ma og tahay in Madaxwayne Farmaajo isagu Twitter kiisa ku qora wararka Viilla Somaliya kasoo baxa!!

Hadii ad tahay ruux danaynaaya siyasada iyo fariimaha kasoo baxa Madaxtooyada Somaliya,adiga oo aan wakhti badan iska lumin, gal oo ka raadi barta uu Twitterka ku leeyahay madaxwayne farmaajo,waxa aad markasta ka heli doontaa wararkii oo daray(cusub) ah Madaxwaynahuna uu gacantiisa ku qoray.

Madax badan oo siyasiyiin ah, ayaa waxaay amin sanyihiin in baraha warbaahinta gaar ahaan Facebook iyo Twitter iwm, in ay yihiin goobaha laga kaanbayn gareeyo siyasada, taasi oo ay u amineen in gobahaasi ay yihiin goobo ay shacbiga taageero kaga heli karaan.

Hadii aad mararka qaar u fiirsato goobaha ay dad waynahu wararka isku gadhsiyaan, maha kuwo si fudud loo dhayalsan karo, balse hadana dadka qaar sida ay moodayaan waa ay ka duwan tahay.

Hadaba halkee ayay iska shabahaan Musharaxii hore ee Xisbiga Ucid aqoon yahaan Jamal Cali Xuseen oo isagu wakhtigan xadirka ah ka mida madaxda Xisbiga Kulmiye,Jamaal ayaa waxa uu wakhti aad u badan hawlahiisa siyasada ku bahin jiray baraha warbaahinta gaar ahaan barta uu Facebooka ku leeyahay.

Jamaal inta badan warkasta iyo amarkasta oo kasoo baxa xisbigiisa, inta aan lagu arkin Idacadaha iyo TV-yada waxa ay dadka isaga sida gaarka ah ugu xidhani ay fariimaha Jamal ka heli jireen barta uu ku leeyahay Facebooka inkastoo jamal aanu nasiib u yeelan in uu madaxwayne noqdo.

Hadaba waxa aad moodaa in baryahan ay soo shaac baxayaan isu-eekaanshaha Jamal Cali Xusen iyo Madaxwayne Farmaajo kuwasi oo iska shabaha in ay bulshada iyaga tageersan ay kula xidhiidhaan baraha warbaahinta.

Madaxwayne Farmaajo ayaa waxa dadka badankiisu u yaqanaan in uu yahay nin tageerada aadka u badan iyo soo caanbaxa siyasada cusub ee hada in uu ka helay baraha warbaahinta sida Facebook iyo barta caanka uu ku yahay ee uu Twitter ka ku leeyahay.

Hadaba madaxwayne Farmaajo ayaa wakhtigii yaraa ee uu hada joogay guriga looga taliyo Somaliya ee ee loo yaqaano Villa Somaliya ,ayaa waxa si isdaba joog ah ugasoo baxaya barta uu ku leeyahay Twitterka fariimaha uu markasta u gudbinaayo dadwaynaha Somaliyeed iyo kuwa isaga sida gaarka ah u tageersanba.

Madaxwayne Farmaajo ayaa hada waxa uu u muuqda ama ay dadka badan koodu u arkaan in uu yahay nin barta uu ku leeyahay twitterka in uu u isticmaali doono amarada iyo go'aamada kasoo bixi doona dawladiisa .

Wareeg-tadii u horeeyay Madaxwayne Farmaajo waxa uu ku soo saaray ,wareegtadii uu ku magacabay hawlwadeenada Madaxtooyada kaasi oo soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka intii aanay warbaahintuba aanay helin.

Waxa sidoo kale uu Madaxwayne Farmajo barta uu ku leeyahay Twitterka soo dhigay,lakulantii iyo wada hadalkii uu dhinaca talafoonka kala yeeshay Boqor Salmaan binu Cabdilcasiis-ka Sucuudiga.

Waxa iyana barta uu ku leeyahay Twitterka Madaxwaynahu uu ku bayaamiyay kulanta ay wada yesheen isaga iyo Madaxwaynahii hore ee Somaliya Xasan Sh Maxamuud kaasi oo uu Farmaajo kaga hadlay wixii u qabsoomay.

Waxa sidoo kale iyana uu fariin tacsiya soo dhigay boga uu ku leeyahay Twitterka Madaxwayne Farmaajo ,isla maanta oo uu qarax ka dhacay magalada Muqdisho,kaasi oo ay ku waxyelobeen dad yawbadan oo Somaliyeed.

Madaxwaynahu fariinta uu bogiisa Twitterka uu soo dhigay waxa uu ku sheegay in uu ka xun yahay qaraxyada bahalnimada ah ee dadka lagu xasuuqaayo,iyada oo uu Madaxwaynahu yidhi waxa qaraxaasi ka danbeeyay Al-shabaab.

Baraha iyo goobaha warbaahinta ayaad moodaa wakhtigan xaadirka ah in ay wararka madaxwayne Farmaajo ka raadcaynayaan barta uu ku leeyahay Twitterka,taasina waxa ay ku tusinaysaa in Farmaajo uu aamin san yahay in baraha warbaahintu ay waxbadan ka tari donaan kalsoonida shacbiga isaga jecel.

Waxa iyana meesha taala dad badan oo aqoon yahan ahina ay iswaydiin karaan, in madaxwayne Farmaajo aanu wax badan kalsooni ku qabin wariyayaasha Somalida ,taasina ay keenayso in uu waxooga ka waji dadba in waraysiyo laga qaado.

Hadaba waxa meeshaa taala Madaxwayne Farmaajo wakhti intee leeg ayuu sii wadi doonaa barta uu ku leeyahay warbaahinta ee uu u isticmalaayo qaabkii afhayeenka madaxtooyada,mase laga yabaa in hadii uu dawlada dhiso in uu inta badan ka maarmi doono sidan xawliga ah ee uu markasta fariimaha gacantiisa ugu soo qoraayo.

Madaxwayne Farmaajo in dardargalinta iyo ku hawlanaanta bartiisa uu ku leeyahay Twitterka ay tahay mid uu iminka ahmiyad gaara siinaayo , waxa aad ku garanaysaa , tirada iyo korodhka ay bartiisa Twitterku hada marayso oo ah ku dhawaad 16000 iyo in ka badan ,iyada oo horaantii bishan aanay ka badnayn 1000 kun qof oo kaliya.

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

twitter.com/@khadar_aar

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment