SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ha-adeegsan tobankan maahmaahyo ee diinteena ka hor imanaysa.

Waxaa jiro caadooyin iyo hadallo dadka hal qabsi u ah laakiin xagga diinta marka loo fiirsho ay qalad tahay waxana idin lawadageyna dhowr maahmaahyo oo gabi ahaanba diinteena sharafta badan ka hor imaaneyso ogow maahmaahyadu markasto ma noqoto mid
ay alifan ama hal abuuraan dad ehel u ah micnaha diinta iyo af somaliga yaqan taas oo sababeysa in diintena sharafta badan ka hor timad

waa kuwan 10 Maahmaahyo oo qaldan

1: Nin laga adagyahay laga alle roon



2: Cishe iyo naag xunba wala dedejiyaa

3: Meel uu caalin tabtay cadaab ma gaaro


4: Meel il laga la yahay hadii ad tagto il a laiska ridaa


5: Meeliba sida ay u taal aya loola yala


6: Rag iska celi iyo Ilahey ka baq mel islama galan


7: Wacdi wadaad wax isii aya u dambaysa
.


8: Wiil ninkii korsan lahaa Ilahey masiinin


9:Caado la gooyay cadho Alle ayay leedahay
.



10: Aduunyo wa howle saladana halagu daro.
aqoon24.blogspot.se

No comments:

Post a Comment