SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waligaa ma aragtay Dameer la kanfay lana xabaalay?

Waxa jiray nin faqiir ah oo ku noolaa meel miyi ah oo tuulo yar u jirta dhawr mayl. Ninkani iyo qoyskiisu wax adduunyo ah waxa ay lahaayeen xayn yar oo adhi ah iyo dameer.

Dameertani ayaa idil ahaan qoyska u ahayd gaadiid. Marka raashin loo baahdo iyada lagu dooni jiray, marka biyo loo baahdo iyada ayaa lagu soo dhaamin jiray, marka la guurayo iyadaa la rari jiray oo lagu guuri jiray, sidoo kale na waxa ay ahayd mid qoysku ku qabsado danaha kale ee ay leeyihiin. Dameertaas la’aanteed reerku nolol la’aan ayuu noqon lahaa.

Odaygii reerku kolkii uu aad ugu bogay waxtarka intaa leeg ee ay dameertu ugu jirto nolosha qoyskiisa, ayaa waxa uu u bixiyay Geello, isaga oo uga jeeda in ay buuxisay kaalinta uu geelu uu u buuxiyo reer-guuraaga. Sida oo kale na waxa uu odaygu nidar uu ku galay, haddii ay Dameertiisa Geello ay isaga ka hor dhimato, in uu kanfi doono sida Ibnu aadaamka loo kanfo oo kale goorta ay dhintaan, waliba uu sidoo kale uu u aasi doono sida dadka loo aaso!

War waa ka danbeeyee, habeen ayay tii Alle ay u timi Dameertii Geello oo waa ay dhimatay. Odaygii aad buu uga xumaaday geerada ku timi Dameertiisii. Isaga oo ay geeriyi guudkiisa ka muuqato ayuu waxa uu u dhaqaaqay in uu oofiyo axdigii iyo ballantii uu qaaday.

Dameertii maadama ay ahayd wax cuf ahaan iska liidata waa uu isku jabiyay oo waa uu kanfay! Waxa uu habeenkiiba bilaabay in uu qodo xabaashii uu ku asaasi lahaa inta uu habeenku isku jiro, waayo wuxuu ogaa in dadku haddii ay arkaan in ay la yaabi doonaan caqli-xumadiisa, moodina doonaan in uu waashay!

Haddaba xabaal-qodistii ayuu bilaabay. Habeenkii oo dhanbuu gaftaa ku hayay oo uu la baaxaa-degayay, nasiib darro se cadceeddii ayaa ugu soo baxday. Dadkii jaar ka ahaa kolkii ay soo tooseen ayay arkeen odaygii oo xabaal kaligii qodaya. Waa ay yaabeen waana ay naxeen! Waxa ayna wayddiiyeen cidda xalay dhimatay. Waxaanu si been ah ugu jawaabay "xalay goor danbe waxa ii yimid nin wadaad ah oo socoto ah, ka dib waan marti galiyay.

Goor danbe ayuu xanuunsaday, waxaanu igula dardaarmay in haddii uu dhinto halkan lagu aaso oo waliba loo sameeyo qudbi laguna soo siyaarto. Sidaa darteed waa uu dhintay xalay waanan kanfay, xabaashiina waanigan wada!"

Dadkii halmar ayay isu habar-wacdeen oo mid iyo mandaraq la soo yaaceen iyaga oo leh "waar sheekha haloo kaco waa awliyee!" Sidii ayaana Dameertii Geello lagu aasay iyada oo la moodayo ninkii Sheekha ahaa!

Dadkeennu sida caadada u ahaan jirtay, wax siyaaro la yidhaahdo ayay qubuuraha ku dul sameyn jireen iyaga oo moodaya in uu yahay Awliyo Alle uga ergoonaya looguna naxariisan doono, Sheekuna uu Alle u baryi doono! Waa se caqli-xumo jirtee, qudbigii waa la dhisay, iyada oo lagu asteeyay "Qudbigii Sheekh Hebel!" Dhawrkii biloodba hal mar ayaa la siyaaran jiray qudbiga.

Waxaana la sameeyay khasnad lagu ururiyo xoolaha siyaarada, waxaana khasnadda furaheeda loo wakiishay inuu hayo odaygii maadama uu ahaa qofkii ugu danbeeyay ee uu wadaadku la dardaarmay.

Haddaba intaas ka dib, dhulkii abaarta ahaa mar qudha ayuu Alle ku shubay roob oo waxa uu noqday gayi barwaaqo-sooran ah. Abaar iyo omos danbana waa laga raystay. Taasina waxa ay dhalisay in siyaaradii la sii badiyo oo bil walba qudbugii la siyaarto.

Odaygii khasnadda hayay ayaa waxa uu meeshii ka helay xoolo iyo dhacdhac aad u badan, waxa aanu ku dhawaaday in uu dhiisha faqriga xagga danbe ka tuuro. Koox bulshadii ka mid ah ayaa ku tashaday in odayga furaha laga wareejiyo, oo cid iyaga ka mid ah loo dhiibo. Arrinkiina waa lagu kala qaybsamay oo waa la isku diiday. Ugu danbeynna waxa cod hal-dheeriya go’aan lagu gaadhay in odayga laga wareejiyo furaha kasnadda.

Waa la isa soo raacay oo odaygii loo yimid, "furaha soo wareeji" ayaa lagu yidhi. Waa uu diidey odaygii in uu furaha wareejiyo. Dood iyo difaac dabadeed, odaygii waxa uu kashifay sirtii mudada dheer dadnayd, waxaanu cod dheer ku sheegay in aanu jirin wadaad iyo wabiin toona oo meesha ku aasani.

Hase ahaate sheeg in waxa meesha ku aasani ay tahay Dameertiisii ducada qabtay ee Geello! Waa la yaabbay oo xabaashii ayaa dib loo qoday, waxaana loogu tagay lafo-dameeraad! Dadkii fajaciso ayay ku noqotay arrintani. Qudbigii halkii ayaa lagu baabi’iyay, qof walbaana halkii ku toosnayd ayuu cagta saaray isagoo gunuusaya!

Bilo ka dib, waxaa deegaankii ka dhacday abaar aad iyo aad u daran oo dhulkii xaalufisay. Bulshadii ayaa garanweyday xagga uu dhibkani ka yimid. "Waar ma dameertii aynu aasnay ee aynu boqornay ayaa roobka la inoogu shubi jiray, mise iyadaaba awliyo ahayd tolow?" Ayaa la iswayddiiyay! Qof cilmi leh in arrintan la soo wayddiiyo ayaa lagu tashaday. Meel nin caalim ah lagu ogaa ayaa cid loo diray. Kolkii ciddii ay gaadhay goobtii ayaa arrinkii Dameertii Geello iyo wixii ka dhashay loo sheegay.

Jeerkii uu ninkii caalimka ahaa dhageystay dhambaalkii ayaa waxa uu yidhi, "ilmaadeerayaalow runtu waxa ay tahay, in aanu jirin sheekh iyo shakhsi roob shubi karaa aan ka ahayn Illaaheenna Wayn.

Dameer la aasay oo aad siyaaran jirteenna Alle roobka idiin kuma shubi jirin, bal se markii hore waxa aad ahaydeen dad isku qalbiya oo isu calool fayow, sidaa darteed ayuu Allena cirka idiinku furay. Markii danbe ee aad isu calool xumaateen ee aad is khilaafteenna Alle waa idanka xidhay nimcadii cirka. Waana sidaas arrintiinnu!"

Yaabku wuxuu yahay Soomaaliland abaaraha ka jira waxyaalaha sababta u ah waxa kow ah, macsida soo badanaysa iyo khilaafka ka dhex oogan madaxdii waddanka iyo bulshadooda. Iyaga oo xisbi xisbi, qolo qolo iyo qof qof la isku haysto, oo arrinteennuna tahay middi middi ku taag ayaynu haddana odhanaynaa Salaad roob doon ah ayaynu tukanaynaa! Xaqiiqdu waxa ay tahay Alle waxa uu aqbalaa qaluubta saafiga ah ee isku laabta xaadhan isuna caloosha fayow! Taas na qorshaha laguma darsan. Allow na hanuuni.

Wa billaahi Tawfiiq.

Sayid Maxamed Cumar Darwiishka

No comments:

Post a Comment