SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Gurigayagu waa sida Qabriga(Xabaasha) oo kale.

Hadaad magalada aad degan tahay dacaladeeda uga baxdid, waxa aad arkaysaa in ay jiraan dad badan oo ku nool nolol ciidhi ah, isla markana aan haysan Biyo,Laydh,Cunto iyo weheltoona, isla markana aan lahayn cid u gargaarta iyo cid ka warhaysatoona.

Waa goob ku taala magalo wayn darafkeeda,waxaa ku wada nool Guri yar oo ka samaysan maryo la isu geegeeyay Inan(wiil) iyo Abihii oo markaasi ah nin wayn oo oday ah,ma haystaan dhamaan adeega ay haystaan dadka magalada gudaha u dagani.

Waxa ay noloshoodu tahay in ay maalinna qadaan malinna ay wax cunaan,xiliyada habeenkii waxa ay xataa tahli-wayeen in ay samaystaan Faynuus ay guriga ku ifistaan,waayo ma awoodaan lacagta fawniiska lagu iibiyo iyo gaastiisaba, waxaaba taasi kasii daran Roobka oo marka uu da'o dhamaan gogosha yar ee ay ku jiifsadaan ka qada kana wada qooya.

Odaygu malaha wax ehel ah oo u yimaada,Somaliduna mar hadii ay dantu kuu run sheegto waa ay adag tahay sida ay xidhiidh kuula sametyaan,taas awadeed ayaa odaygani oo wakhtiyadii hore ahaan jiray nin jeebkiisu iska fiican yahay balse hadda xaalkiisa Ilahay ogyahay.

Halkan dhul ama boos ee uu uga dhisan yahay aqalkan yar ee kasamaysa maryaha la isu geegeeyay Somalida qaar ka midiina u yaqanaan Beebeyga,isaga ayaa Dhulka iska leh,waana hantidii kaliya ee uga soo hadhay waxoogagii uu jeebka ku haynjiray.

Wiilka yar ee uu odaygu dhalay ma jirto wax waxbarasha ah oo uu haystaa,balse waxa uu aroortii u kalahaa sidii uu suuqyada magalada iyo xaafadaha ugasoo dawarsan lahaa wax ay cunaan isaga iyo Abihii,kadibna waxa yar ee uu soo helo ayay labadooduba cunto ka dhigtaan.

Maalin maalmaha ka mida,ayaa wiilkii yaraa waxa uu arkay dad aad u farabadan oo sida qof dhintay oo ay markasi Xabalaha ku wadaan,waxa kaloo uu wiilkii yaraa dhagahiisa ku maqlay ,dadkii maydka waday oo iskula hadlaya hadal ah,qofkan dhintay waxa aynu ku wadnaa qabiriga oo aan lahayn Laydh ama korinto,Biyo,Wehel.

Wiilkiiyaraa inta uu naxay ayaa waxa uu is-yidhi walaahi Qabriga ay sheegayaan waa gurigiina,kadibna waa uu cararay ,inta oo Abihii oo waayeel ah aqalkii yaraa ugu galay, ayaaa waxa uu ku yidhi, Aabo halkan waxaa maraya dad Gurigeena inagu haysta.

Odaygii inta uu naxay ayaa waxa uu ku yidhi Inankiisii yaraa,maxay ayaad Aabo maqashay? inankii yaraa ayaa waxa uu yidhi waxa a an maqlay, Niman isku leh ninkan maydka ah waxa aynu ku wadnaa Qabriga kaasi oo an lahayn,Laydh,Biyo iyo wehel toona,taas awadeedna waxa aan u fahmay in Qabriga ay sheegayaan uu yahay gurigeena madama aynaan lahayn Layd,Biyo iyo wehel toona oo aynu cidladaasi daganahay.

Odaygii inta uu fahmay arinta uu Inankiisa yari ka hadlayo ,ayaa waxa uu ku yidhi ,Aabo Qabrigu waa meesha la isku aaso ama la isku xabaalo marka la dhinto,sidoo kalana Qabrigu waa meel aan wehel iyo qaraabo toona lahayn,Laydh iyo Biyo toona aan laga helin ,maarkas Aabo maha gurigeena.

Inankii yaraa waxa uu Aabihii ku celiyay hadal ah,Aabo Qabrigu hadii uu yahay kaas aan gudahiisa wax nololii ka jirin sida aad sheegtay, maxay ayuu kaga duwan yahay Gurigeena ilayn inaguba Laydh ,Biyo iyo eheltoona ma lihine.

Runtii waa qiso aad u cajiiba,una baahan in ay dadka wax haysta iyo dadka masuulka ka ah dadwaynaha in ay ku baraarug sanadaan in ay jiraan dad noloshoodu aanay waxba dhaamin Qabriyada aan Biyaha,Laydhka iyo ehelka toona aan lahayn,deegaana ku ah magalooyinka waawayn dacaladooda.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment