SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Nin Hawiye ah oo Hubka iibiya ayaa Bakhaar ka furtay Hargaysa !!

Badanaaba goobaha ay markasta ka jiraan dagalada iyo abnidaradu ,waxaa ka furma ganacsiyo intooda badani ay ku jahaysan tahay xaalada markaasi ka jirta goobtaasi,waxa lagu kala iibsadaa goobaha coladaha Hubka iyo rasaasta.

Wakhti lagu tilmaami karo in uu ahaa 2001, isla markaana Somaliland xaalkeedu uu ahaa mid aan abnigeedu fiicnayn ama aanu sidii la rabay aanu u caga dhigan ,dhamaan wadanka oo dhanna uu ku jiray xaalad khatar ah dhinackasta ,madaxwaynana uu wadanka ka ahaa AHUN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,ayaa waxaa madaxwaynaha iyo ciidankiisii wardoonka dhex maray sheeko.

Madaxwayne cigaal ayaa isaga oo la hadlayay dad odayaal ah oo kasoo jeeda Somaliland ayaa waxa uu uga sheekeeyay qiso aad u layaab badan oo soo kala dhex martay isaga iyo dadkii isaga la shaqaynaayay.

Waxa war u keenay Madaxwayne Cigaal nimankii wardoonka u qaabilsanaa ,kuwaasi oo ku yidhi ,nin Hawiye ah ayaa bakhaar ka furtay magaaladan Hargeysa,waxa kaloo ay u sheegeen in ninkaasi uu iibsada hubka iyo rasaasta ,qolada warka u keentay Madaxwaynaha ,waxa ay u arkayeen in warka ay keeneen uu yahay mid dhiilo ah madaxwaynahana ka farxin doonta ,madamaa ay kusoo wargaliyeen arin ay markaasi u arkayeen in ay khalkhal galin karta nabadgalyada Somaliland.

Halkii ay ka filayeen in uu Madaxwaynahu uu markiiba fadhiga ka kaco una hanbalyeeyo , warkoodana uu u fahmo in uu yahay mid lagu yididiisho, madama ay kusoo wargaliyeen in Hargaysa uu ku sugan yahay nin hubka iyo rasaaska ka iibsada ganacsi ahaana ugu dira Somaliya inteeda kale.

Hadaba Madaxwayne Cigaal isaga oo la hadlaya ciidankiisii warka u keenay,ayaa waxa uu si dabacsan ugu sheegay arintan ay kusoo wargaliyeen halka uu ka tagan yahay iyo fikirka uu ka qabo waxaanu ku yidhi :-

Hawiye maahe waxan jeclaan lahaa in Hindi iyo Carabiba ay meherado iyo dukaamo ay ka furtaan magalada Hargeysa ,taasi oo macnaheedu yahay ayuu yidhi Madaxwaynahu in ay Somaliland tahay mid abnigeedu sugan yahay ,waayo dal aan nabadi jirin ma imanayaan dad aan u dhalanini.

Madaxwayne Cigaal isaga oo faahfaahin ka bixinaya dhinaca iibsashada Hubka iyo dhibatada uu leeyahay marka aanu ku jirin gacanta Dawlada,shacbiguna ay yihiin kuwo dhamaan tood haysta hub iyo rasaas,waxa uu yidhi Madaxwaynahu:-

Waxa aad ogataan halkii Qori ee inaga tagaaba ,waa nabad inoo soo korodhay ,xabad kasta oo rasaasa oo dalkeena dibada uga baxdaa waxa ay ka dhigan tahay colaada oo inaga yaraatay iyo nabad galyo iyo abni inosoo kordhay.

Miyaanay kaaf iyo kale dheeri ahayn arigtida Madaxwayne Cigaal uu wakhtigaasi uu aamin sanaa iyo fikirka iyo arigtida markasta odhanaysa waa in Aduunku uu naga qaadaa cunaqabataynta Hubka.

Waxa ay xaqiijiyeen dadka aqoonta cilmi nafsiga u leh hubka iyo qoryaha, in hadii qorigu kaa ag dhaw yahay ,isticmaalkiisuna waa fudud yahay ; waxay si farshaxanleh u sheegeen ,farta ayaa keebka jiidda marka la ridayo qoriga hadda keebkuna farta waa uu soo jiitaa waanu jecel yahay markaasina qorigu wuu isridaa

Hadii aad aragto magaalo markasta dilka iyo dhacu uu ku badan yahay waxa aad ogataa in uu hubku uu gacanta shacabka uu ku jiro,taasina ay keenayso in markasta oo laba qof ay isu cadhodaan in ay isu adeegsanayaan qoryaha ay markaasi haystaan.

xigasho nuxurka.msmgees.blogspot.se

Qalinka.Khadar Aar.

 

No comments:

Post a Comment