SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Caqabadaha waaweyn ee hortaagan Madaxwayne Farmaajo waa kuwo sidee ah?

Runtu iyada ku hortiimaada markaad Runta u dhaadhacdo, farxada iyo mashxaradahuna waxa ay ku eeg yihiin ayaamo kooban ,xaqiiqda iyo waajibaadka ku horyaalana waa macalinkaaga ku tababara.

Xamaaska iyo Heesahu waa wax iska caadi ah in ay Bini-aadmiga oo dhami ay sameyaan marka ay wax cusub oo noloshooda ka farxiya ay helaan,balse waa ay adag tahay sida ay dadku ugu samraan jidka dheer ee guusha loo marayaa.

Umadi in ay guulaysataa maaha wax hawl yaraan lagu helo,guusho waxa ay u bahataa dadaal aad u badan oo aan lahayn nasasho,guusha waxa loo bixiyaa naf iyo maal balse guusho laguma gaadho fadhi iyo sacaba-tumad.

Madaxwayne Farmaajo in loo heesaa oo loo sacab-tumaa maaha wax wayn oo siidaas u sii ridan,waayo Maxamed Siyaaad Baraba ma jirin madaxwayne ka heeso badnaa ,balse muhiimadu waxa ay tahay in lala shaqeeyaa oo daacad loo noqdaa waa arin aan dhaqankeena iyo dabeecadaheena waayadan danbe aan ku jirin.

Madaxwayne fiican oo daacad ah waxaa ka fiican kana waxtarbadan dadka oo iyagu ah kuwo daacad u ah Madaxwaynahooda,jidka uu Farmaajo wax ku hogaaminayaa waa uu dheer yahay ,waanu dhib badan yahay,dhaqalaha iyo shaqalaha (dadka) uu haystaana waa kuwo aad u yar.

Ma fiicna in waxkasta sida khaldan loo saadaliyaa,balse in xaqiiqda iyo runta jirta farta la iska saraa waa mid meesha ku jirta,hadii kale waxa aynu noqonaynaa umad aan dareen sanayn xalada ay ku nooshahay iyo halka ay usocoto.

Somaliya waxaa Madaxwayne loo doortay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo 8/2/2017 kaasi oo ku cusub xilka Madaxwayna nimo, balse muddo aan ka badnayd Lix bilood soo ahaan jiray Raysalwasaare .

Waxa kaloo iyana meesha ku jirta in loo hanbalyeeyo Xildhibanadii doortay kuwaasi oo mujiyeen rabitaanka saxa ah,marka laga eego in ay dadka tuseen in laga hortagi karo nidaamka ah in waxkasta oo aad doonayso ay kuu yeedhiyaan dad aan dantada wadin.

Madaxwayne Farmaajo waxaa la odhan karaa waa nin dadbadan ay jecel yihiin, kuwaasi oo u arkaaya in uu yahay nin Somaliya kaligii wax ka badali kara ,sida inoo cadada ahna doonaaya in ay iyagu masuuliyadooda ka cararaan.

Hadaba Su'aasha meesha taalaa ayaa waxa ay tahay, Madaxwayne Farmaajo intee inleeg ayuu kasoo bixi karaa caqabadaha iyo culaysyada aadka u badan ee Dawladiisa maanta hortaala.

Ma-noqondoonaa mid si dhab ah u muujiya halkii laga filaayay? mase suura gal tahay in ay sida ay dadku doonayaan ay waxkastaaba u qabsoomaan?ma yahay nin ay uu muuqato hawlaha iyo mushkiladaha horyaala in midkastaba sida ay tahay uu uga gudbo?

Tusaale:hadii maanta adiga akhriste uu guri wayn uu Shub ah ama Sabad ah uu korkaaga ku dumo,balse aadan haysan cid kuu miciinta, kaligaana aad tahay ,aad rabtana cid culayska korkaaga saaran kaa korqaada , in aad ku dhimanayso ma shaki ayaa ka jira hadii aad gargaar waydo ; taas waxaan uga jeedaa Somaliya maanta waxa ay ka dhigan tahay Guriga wayn ee Sabada ah ee dadkisii ku jiifa.

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxaa horyaala caqabado iyo taakoyin farabadan,kuwaasi midkastaba ay leedahay culayskeeda una baahan tahay in lagu wajaho karti,daacadnimo,samir iyo shaqo dheeraada.

MUSHKILADAHA AAN U ARKAY IN AY HORYALAAN MADAXWAYNAHA.

1.Mushliladaha shabaab.

Hadii aynu ku horayno mushkiladaha aadka u wayn ee ka yimadaa dhinaca Shabaan ,sidee ayuu farmaajo wax uga qaban karaa mushkiladaha Shabaab ,kuwaasi oo ah caqabada iyo culayska ugu wayn ee xataa u diiday in nin dawlada u shaqeeyaa uu Magalada Muqdisho in uu banaanadeeda usoo baxo.

Shabaab maaha wax la dhayalsan karo,tiraba Boqalaal ka mida madaxda dawlada ayay Aakhiro u direen, ilaa hadana may muuqan sansaan iyo argti ku tusinaysa in laga adkaaday ama ay u eegyihiin kuwo ay awoodoodu sii liciiftay.

Waa laga yabaa in marar badan ay dawladu ku celceliso in ay shabaab ka adkadeen kana sareen dhamaan dhulkii ay haysteen intisii badnayd,waa run taasi mana aha wax la diidi karo.

Hadaba iyada oo ay sidaasi tahay, Shabaab fikirka iyo mabadiida ay rumaysan yihiin waxa ay ku jiraan kuna qarsoon yihiin Laabaha dadka dhuylkaasi deegaanka ku ah ,waana arin u baahan in siyaabo aad fara badan loo wajaho aan lagu dayn oo kalya dhinaca Milatariga.

2.Mushkiladaha Qabiilka.

Mushkiladaha Qabiilku waa kuwo meelkasta oo Somali ku nooshahayba ka jira,balse hadana waxa ay markasta ku xoog badan yihiin goobaha aanu abnigoodu sidaasi u fiicnayn,Qabiilku maha wax si gaar ah loo bartilmameedsado ,waa bulshada aad adigu u talinayso oo u dhaqanta si kasoo horjeeda sida wanaagsan.

Arimaha qabiilku waxa ay iminka Somaliya ku hayaan faro baas,umana muuqdaan hal nin iyo in ka badantooniina in ay wax ka qaban karayaan,mana jirto daawo lagu buufiyo oo dishaa sida tan xasharaadka oo kale.

Farmaajo aad ayay ugu adkanaysaa in uu wax ka qabto arimaahisi,xataa hadii uu yahay nin dacad ka ah arimaha qabiilka ,waxa meesha yaala oo aanu marnaba dhafayn dabaysha qabiilka ee iyadu taala Guri kasta oo Somaliyeed.

Qabiilku maaha wax sahlan,xataa dadka maanta Farmaajo u xamasadaysan ay sida jibada iyo qiirada leh ay ka muuqato,way adag tahay in ay Madaxwayne Farmaajo dageeraan hadii uu si dhab ah danaha Qabiilkooda uga horyimaado.

3.Mushkiladaha Dawladaha shisheeye iyo danahooda kala gaar ah.

Mushkiladaha Dawladaha Shisheeye maaha wax la sahlan karo,waana dhibtii markii horaba Farmaajo ka saartay dawlad-nimada,waana kuwii caqabada iyo is-hortaaga aadka u wayn ku sameeyay shaqadisii Raysalwasaare.

Wakhtigan xaadirka ah ee uu Farmaajo madaxwaynaha noqday ,khasab ayay u tahay in uu taloyin badan oo ay leeyihiin uu qaato, ma fududa mana hawl-yara sida uu uga soo horjeestaa,iskadaa abniga dalka uu xukumaayee xataa abnigiisa gaarka ah iyaga ayaa gacanta ku haynaaya ,ku darsoo hada waa ragii ay shalay coloobeen markii uu Raysalwasaraha ahaa .

Dawladaha Shisheeye waa kuwa maanta Farmaajo gacanta ku haya la-aantoodna aanu wax u soconayaa aanay jirin,dadka qaar ay siyasadu la fududahay ayaa waxa ay hadal yar oo kooban ku yidhaahdaan,Farmaajo dhamaan dawladaha shisheeye ayuu saarayaa ;Dawladaha Shisheeye maaha caruur Dugsi ku jirta oo markii la doono Albaabka laga dareerinaayo.

Waan ogahay oo ma jeceli in ay dalka sii joogaan,balse dadwaynaw xaalku halka uu maraayo yaanu idinla noqon maahmaahdii ahayd ,habar-fadhida lagdini wax uga fudud,xaqiiqda marka la eegana inta kaliya ee Xamar lagu kala jooga waa iyaga,waa dhib iyo dheef wadajira.

Ma og tahay akhriste ama ma daawatay TV mase aragtay markii Farmaajo Madaxnimada uu ku guulaystay ,in ciidankii kaliya ee markiiba abnigiisa iyo ilaalintiisa la wareegay in ay yihiin cidamada Ajanabiga ah ee Muqdisha jooga.

Ma iswaydiisay sababta ay taasi ku dhacday,maskaxdaada ma kabaadhay sida ay u dhici wayday in ciidan Somaliyeed lagu aamino Madaxwayne Somaliyeed,mase ogtahay runtu in ay waxa ku horyaala balse aanay ahayn waxa aad ka fikirayso.

4.Mushkiladaha Maamul goboleedyada.

Somaliya maanta waxa ka jira Maamul goboleedyo ku wada dhisan arin qabiil,midkastabana waxa uu soo ootay xayndaab iyo weegaar gooniya oo uu isleeyahay aad Dawlad ku noqotid.

Mamul goboleedyadaasi ma jirti xad iyo xayndaab sharciya oo ka dhaxeeyaa ilaa hada,waana qabiilkii oo shaad dawladeed loo galiyay,midkastabana waxa uu ka talo qataa qabiilkiisa marka labaadna dawladaha Dariska oo qaar kamida ay sameeyeen ;inkastoo la odhan karo waxa ay dhamaan foodadii iyo dagaladii hadana iyaga laftoodu waa dhinbiil hoos ka nool.

5.Mushkiladaha siyaasada Puntiland.

Mushkuladaha Madaxwayne Farmaajo kaga imaan karo Puntiland maaha kuwo la sahashan karo,waana cashar aynu hore usoo qaadanay kadib xil ka qaadistii farmaaji 2011 waxa markaaba Raysalwasaraha loo dhiibay Cabdiwali Gaas oo maanta Puntiland madaxwayne ka ah.

Puntiland waxa ay maanta u arkaysaa in Kursigii ay u haysteen in uu yahay mid iyaga dhaxal u ah ,in loo dhiibay nin aanay markisa horaba aanay jeclayn taasina waxa ay keeni kartaa isku dhac siyasadeed.

Cabdiwali Gaas oo ah maanta Madaxwaynaha Maamul-goboleedka Puntiland ,waxa uu maanta u arka in uu Farmaajo yahay mid miisha ka saaray kana hudiyay (eryay) kursigii ay Puntiland ku fadhiisan jirtay.

6.Mushkiladaha Mamul goboleedka Koonfurgalbeed.

Mushkiladaha ka iman kara Maamul goboleedka Koonfur galbeed ee uu Madaxwaynaha ka yahay Shariif Xasan casimadana ay u yahay Baydhaba,taasi oo la odhan karo waxa ay yihiin kuwo aanay ka farax galin Madaxwayne nimada Farmaajo.

Ma og tahay tariikhdu markii ay ahayd 19/6/2011 heshiiskii Farmaajo lagaga qaaday madaxnimada in uu ahaa ninkii ugu waynaa ee waday Madaxwaynaha wakhtigan xaadirka ah ka taliya ismaamulka Koonfur galbeed ee Baydhabo.

Heshiiskaasi waxaa si wada jira Kanbala ugu saxeexay Madaxwayne Sheekh Shariif sheekh axmad iyo Shariif Xasan kuwaasi oo ku heshiiyay in aanu marnaba xilka Raysal wasaraha aan loo dhiibi Farmaajo.

7.Mushkiladaha Siyasada Jubaland.

Mushkiladaha Jubaland kaga iman kara Madaxweyne Farmaajo,waxa laga yabaa in dad badan ay isyidhaahdaan Madaxwayne Farmaajo deegaan ahaan waxa uu kasoo jeedaa deeganka Jubaland hadana iyada oo ay sidaasi tahay maxa sabab u ah in ay caqabad ku noqon karaan Madaxnimadiisa.

Waa run waxa uu Farmaajo kasoo jeedaa Degaanka Jubaland,balse Farmaajo waxa si aan gabasho lahayn loogu xantaa in uu si toosa iyo si dadbanba uu uga soo horjeestay xiligii la asaasayay Mamulka gobolkaasi Jubaland ,taasina waxa ay keentay in aanay wax niyad-sami ah aanay u haynin madaxda kasoo jeeda gobolkaasi oo uu u horeeyo Axmaed Madoobe.

8.Mushkiladaha Siyasada Somaliland.

Mushkiladaha Somaliland,Somaliland oo iyadu Somaliya inteeda kale hore uga goday ,ayaa hadana waxa ay Buuga tariikhda ee Madaxwayne Farmaajo ku haysaa in uu yahay nin waxbadan iska indha tiray Halgamadii iyo mushkiladahii soo qabsaday dadka Somaliland.

Somaliland waxa ay u aragtaa in uu Farmaajo yahay nin nacayb gaar ah u haya Somalilandm, nabaykaasina aanu ahayn mid dhinaca Siyasada ah, balse uu yahay mid shakhsiyan isaga gaar u ah.

Farmaajo waxaa marag madoona in xiliyo badan oo noloshiisa ka mida oo ka hadlay kana sheekeeyay dhibatooyinkii iyo dagaladii soo qabsaday Somaliland kuwaasi oo uu badan kooda ku sheegay in ay ahayeen kuwo ay ku saxsanayd dawladii Kacaanku.

Waxa kaloo meesha kasoo bixi kara in wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya u socday ee Usha-Boocda ah ku tukubaayay in gabi ahaanba ay meesha ka baxaan,taasina waxa ay Farmaajo ku keeni doontaa xagal-daac kaga yimada dhinaca Aduun waynaha.

9.Mushkiladaha Muqdisho gudaheeda.

Mushkiladaha Muqdisho iska leedahay, waa dhib aan cidina dafiri karin,waana culays ninkasta oo madaxa horyaala,madamaa ay Mudisho tahay magalada hoyga u noqonaysa dawlada Farmaajo,waxaa ku adkanaysa in uu si raaxo leh dawladnimadiisa ugu maamulo.

Waxa kaloo Muqdisho ka dhalan karro mucaradad aanu si toosa u dareemin, taasi oo ka iman karta dadka ku dhaqan Muqdisho oo iyaga laftoodi sida Puntiland isa siiyay Madaxwaynaha Somaliya in ay markasta uu kasoo jeedo qabaa-ilka Muqdisho deegaanka u ah.

Qaraxyada iyo qulqulatooyinka markasta Muqdisho kasoo asaasmaa waa kuwo niyad jab ku dhalinkara geedi Socodka Dawlad Farmaajo,taasina waxa ay keeni kartaa in dawlado badani ay kasoo horjeestaan siyasada Farmaajo iyaga oo ugu duurxulaaya abni xumada Casimada.

Muqdisho oo wakhtigan xaadirka ah uu Madaxwayne Farmaajo ku shaqayn doono maaha mid leh dhaqaale aad u fara badan oo la taaban karo,waxa kaliya oo ay waxkasoo galaan waxa uu yahay, Madaarka,Dekeda iyo waxooga caawimo ah ee ay dawladaha shisheeya siiyaan Somaliya gaar ahaan Muqdisho.

10.Mushkilada Dhaqala darada dalka.

Mushkiladaha ka imaan kara dawladaha Jaarka ama dawladaha iminkaba ciidanka u ah dawlada Somaliya gaar ahaan Muqdisho taasi oo aan isleeyahay waxa ay ku keeni karaan in ay u arkaan nin danahooda siyasiga ah ka horimanaaya.

Itopiya ,Kenya ,Ugandha dhamaantood siyasada Farmaajo lama aysan dhacsanayn,xiligii dorashadana waxa ay si toos ah ula safteen Madaxwayne Xasan sheekh oo ay u arkayeen iyagu dhankooda mid wax badan ka qaban kara arimaha Somaliya iyo tan dantoodaba.

Maaha waxa la sahashan karo ama loo qaadan karo wax fudud,dawladahaasi waxa ay Somaliya ku qataan dhaqaale iyo maal aad u farabadan,waxa ay dawladahaasi yihiin kuwo masariifta iyo dhaqale badan ku hela waxa aanu ilaalinaa Somaliya.

Hadaba sidee ayuu Madaxwayne Farmaajo dawladahaasi uga dhex fushan karaa danta uu isagu leeyahay,waxa kaloo iyana xasuusteeda leh,sidee ayuu farmaajo ku dhisi karaa ciidan Somali leedahay madama aanu haynin dhaqaale maanta uu waxbadan ku maamulo.

Waxa aan qoraalkaygan kusoo koobayaa ma jecli dadyawga faraha badan ee Somaliyeed ee farxada iyo yididiilada aadka u badan u haya Madaxwayne Farmaajo in aan niyad jabiyo,balse waxa aan diidayaa in farxadiina iyo kalgacalka aad u haysaan Madaxwayne Farmaajo in uu idinka noqdo tii reer Bini-israail ay ku yidhaahdeen Nabi NMuuse CS ee ahaa, Muusow adiga iyo Ilahaago ka hortaga Fircoon.

Waa in maanka iyo maskaxda lagu hayaa caqabadaha iyo shaqada culus ee u taala isaga iyo cida uu dooran doono,ha la ogaado hana lagu baraarug sanaado in jidku uu yahay mid dheer oo qodxo badan.

Siyasada Roog cas ayaa la isu dhiigaa balse hadana waa in aad ogataa Roogan cas cida kuu dhigtay maha macnaheedu in ay ku jeceshahay,ku talagala in xaaladu sida aad modaysaan si ka gadisan ay noqon karto,u yeesha kartideeda iyo samirkeeda.

Farmaajo yaan loo fahmin qof ka gadisan Somalida,Farmaajo waxa uu ka mid yahay ardayda sida fiican ugasoo sharaabtay dawladaha aynu ka cabanayno sida Maraykan iyo reer Yurub,Farmaajo isaga laftiisa iska ilaaliya, iskuna ilaaliya,taas waxaan uga jeedaa iska ilaaliya yuu idiin dhuuman iskuna ilaaliya inta uu fiican yahay la shaqaqeeya.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar
 

No comments:

Post a Comment