SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Daahir Calasow dadkii khaladka ku tageeri jiray,ayaa maantana ka cabanaya!!

Hadaad shalay ahayd mid Daahir Calasow ku taageera qaladka iyo gardarada cadaanka ah ee uu dadka ku hayn jiray ,kana mid ahayd kuwa ugu sacaba-tuma cayda iyo aflagadada dadka kale ee Somaliyeed uu u gaysan jiray ,xaq uma lihid in aad maanta Daahir Calasow ka cabato.

Dadkii Daahir Calasoow soo saaray,kana midka dhigay in uu ka mid noqdo dadka Somalida loogu hadal-haynta badan yahay ,kuna taageray xumaanta iyo cayda aan xigmadu ku jirin,ayaa maanta waxa ay ka cabanayaan Libaaxii ay dadka ku diri jireen oo iyagii kusoo jeestay.

Hadaad u arkaysay shalay in uu Daahir Calasow qabiilkaaga iyo fikirkaaga uu tageersan yahay ,waad qaldanayd,sababta oo ah waxa aad tageeraysay dad aad walaalo tihiin oo uu Daahir Calasow dulmi iyo been ka sheegayo.

Daahir Calasoow wa nin xun iyo waa nin wanaagsan labadaba Somali ayaa laga hayaa,Daahir Calasoow waxa uu ahaa ninkii loo adeegsan jiray burburinta, Aqoonta,garasha iyo wanaaga,Daahir waxa uu haystaa oo uu ku dagalamayaa tageeradii aad hore u siiseen,markii uu gardarada iyo iihanada ku waday dadkale oo walalahiina.

Daahir Calasow Seeftii aad hore ugu dhiibteen Somaliyeed,idinka oo ku tageeraaya Seeftaasi cidkasta oo uu so indha-la'aana ula dhaco,hadii uu maanta Madaxwaynahii aad tageersanaydeen kula soo jeedsaday,cidna ha eersan adaa gacanta u galiyay Seefta,una malaynmaayo in aad ka qaadi karaysaan.

Dhalin yaradii faraha badnayd ee uu Daahir Calasoow caqliga iyo garadka hore uga xaday,kuwaasi oo tageerada iyo farxada la daba socon jiray, ayaa maanta waxa ay ka cabanayaan Daahir Calasoow,dhalin yarooy waraabe hadaad rabaysato kadibna aad ku tageertaan nacaybka iyo xumaanta uu dadka u qabo ,hamoodina in uu idinkana hadh idiin jiidaayo.

Ninka layidhaa Daahir Calasow oo iska leh Websitka la magacbaxay Waagacusub,waxa uu ka mid aha dadka aan sida aan gabashada lahayn u caaya una aflagadeeya haldoorka iyo aqoonyahanka Somaliyeed qabiilkasta oo ay yihiin.

Waxa aan anigu shakhsiyan aamin sanahy in Daahir Calasow uu ahaa ninka kaliya ee ku caan baxay cayda iyo aflagadooyinka qabaa-ilka Somaliyeed ,kaasi oo aan u aaba yeeli jirin una tudhi jirin xataa Qabiilka uu ka dhashay.

Daahir Calasow ,waxa uu inta badan si aan gabasho lahayn u weerari jiray Somaliland, gaar ahaan Qabiilka Isaaqa,waxa uu caayi jiray dhamaan haldoorkooda haday tahay Culimo iyo hadii ay tahay Madaxba.

Daahir Calasow waxa uu halbeeg ka dhigan jiray shirkadaha waawayn ee ay Somalidu leeyahay sida Dahab-shiil,isaga oo ku talagalay garaad kiisa in uu shirkadaasi ceebeeyo , sababta kaliya ee ku kalifi jirtayna waxa ay ahayd in Dahab-shiil uu Somaliland kasoo jeedo.

Daahir Calasow waxa uu si aan gabasho lahayn uu ceebayn iyo aflagadooyin ugu gaysan jiray Madaxda iyo haldoorka Somaliland, waxa uu isku dayi jiray in uu Somaliland gudaheeda Nabadgalyo daro ka abuuro,balse dadka Somaliland deegaanka ku ahi waxa ay ahayeen kuwo Daahir Calasow ka dharagsan fidnada iyo isku dirka uu waddo.

Daahir Calasow waxa uu qayb wayn ka ahaa isku dhufashadii qabiilka sharafta leh ee Dhulbahante iyo Mulkiilaha shirkada Dahab-shiil,kadib markii uu shirkada ku eedeeyay si indha-la'aan ah in ay ka danbaysay Dilkii Saado Cali Warsame oo ay cadaysteen dilkeeda Shabaab,kadibna uu ka dhaartay mulkiilaha shirkada Dahabshiil in aanu arintasi Saado dooc iyo dareen toona ku lahayn.

Somaliland cayda iyo aflagadada uu ku hayo Daahir Calasoow ,dadka kasoo jeeda Koonfurta Somaliya waxa ay ahayeen kuwo Daahir Calasoow ugu sacaba tuma cayayda iyo aflagadada uu Somaliland ku hayo,ma jirin mana maqal cid odhanaysay Daahir waa uu ka gardaran yahay Somaliland ,waxaase loo yaqaanay marka uu Somaliland cayaayo Geesi iyo Halyay Somaliyeed.

Daahir Calasow waxa uu si maangaab nimo ah u caayi jiray Maamul goboleedka Puntiland,waxa uu halhal u beegsan jiray madaxda Maamulkaasi,waxa uu abaari jiray birmagaydadooda iyo haldoorkooda siyasada u haya,wali maan maqal xiligaasi cid ka dhiidhiday ama ka hadashay oo kasoo jeeda gobolada kale.

Daahir Calasow waxa uu si arxan darro ah u weeraray Madaxwaynaha Maamul goboleedka Gal Mudug oo ah kan uu Daahir Calsow kasoo jeedo,Daahir waxa uu wax badan ka sheegi jiray Madaxwaynahii Maamul goboleedka Cabdikariim Guleed,kaasi oo uu ku tilmaami jiray wax matare u shaqeeya qabaa'il kale.

Daahir Calasow waxa uu fadeexad iyo ceebayn kula dul kufi jiray Madaxwaynahii hada xilka ka degay ee Xasan Sheekh Maxamuud,cidina kama qarsoona Daahir sidii milgaha iyo sharafta ka baxsan ee uu u caayi jiray xasan.

Daahir Calasoow marka uu Xasan Sheekh Maxamuud uu caayayay,dadka Somalida badan koodu waa ay ku raacsanayeen ,waanay ku taageri jireen,ma jirin intaan garanaayo hal qof oo odhan jiray kadaa fadeexada iyo cayda Madaxwaynaha.

Dad yawga badan ee maanta tageerada u haya Farmaajo, waxa ay ahayeen kuwo ku diirsada fadeexada iyo cayda uu Daahir Calasow u gaysanaayo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligaasi ku suntanaa astaantii iyo karamadii Somaliya.

Daahir Calasoow,waxa aan ku xasuustaa, weerarkii aadka u xumaa ee uu ku qaaday Mamul Goboleedka Jubaland gaar ahaan Axmad Madoobe iyo Qabiilka uu kasoo jeedo,kaliya waxaa markaasi daahir waxoogaa kalmado ah ku tuurtuuri jiray dadka tageersan Axmad Madoobe iyo Maamulkiisa,balse inta kale somali waxa ay ahayeen kuwo Daahir Calasoow calanka u sida.

Daahir Calasow Madaxwaynaha Jabuuto meel ayuu kaga soo hadhay ,cayda fadeexada iyo liidnimada uu ku sheegay,waxa uu ka faafiyay sawiro iyo bigjaro aad uga fog anshaxa iyo akhlaaqda muslimka.

Madaxwaynaha Ismaamulka Somalida Cabdi Muxumad waxa uu ahaa Daahir Calasoow mid ku sheega daba-dhilif u shaqeeya Itobiya,hadana iyada oo ay sidaasi tahay Somali waa ay ku tageeri jirtay waanay ku faraxasanayd cayda Daahir Calasow.

Daahir Calasow wax uu dadka Somalida hadba gobol iyo qabiil wax ka sheegaba, hada waxa uu soo gaadhay xiligii uu wax ka sheegi lahaa Madaxwaynaha Somaliya dooratay ee Farmaajo,balse waxaa layaab igu noqotay in dadkii wakhtigii hore Daahir u sacaba tumaayay in ay maanta ka cawdaan una arkaan in uu Daahir Calasoow yahay nin xun.

Hadaad shalay ku tageeri jirtay in uu Daahir Calasow umada Somaliyeed uu hadba qabiil caayo,aad ka mid ahaydna kuwa ku faraxsan,adeer raali ahay maanta adiga ayuu kusoo gaadhay,adkayso ha ka cadhoon.

Daahir Calasow waxa uu hada wax ka sheegay Madaxwayne Farmaajo iyo Raysalwasaraha uu magacaabaw oo waliba kasoo jeeda qabiilka Daahir Calasow ee Hawiye,balse ayaamo ka hor waxa uu wax ka sheegaayay Xasan Sheekh waana ugu wada sacaba tumayseen.

Anigu ma raacsani cayda iyo fadeexada uu Daahir Calasoow Dadka Muslimka ah ku hayo,balse Somaliyeed Daahir hadba cida uu caayaayo ayaan ugu sacabatunaa,hadii aad shalay ku farax sanayd Cayda Daaahir Calasoow uu cayaayo Qabiilkaaga mid aan ahayn,hada ayuu adigana kusoo dhigtay ee Weelka ka dhaanso caydiisa .

Waxa aan maantay arkayaa oo ii muuqata, rag badan oo aanu saxiibo nahay ,kuwaasi oo ayaamaha qaar aanu wax iska waydiin jiray ,Cayday iyo fadeexada uu Daahir Calsoow dadka ku hayo,balse Daahir ku taageeri jiray xumaanta uu wado , ayaa maanta baraha warbaahinta ku caayaya Daahir Calasoow.

Dulmigu maaha laba ee waa hal,hadii aad aragto qof Muslim ah oo la dulmiyaayo ,waxa kaliya oo kugu habooni waxa ay tahay in aad intii karaankaaga ah aad ka qabto, walaw afkaba ha ahaatee,balse dulmiga hadaad u aragto marka reerkaaga wax laga sheego taasi maaha cadalad.

Soomali waxaa caado u ah,in marka qabiilkiisa cid amanaysa uu arkana uu farxo,marka qabiilkiisa iyo cida uu yahay wax laga sheegana in uu budhka qaato,taasina waxa ay ku tusinaysaa cadalad darada ina haysa.

Hadii aynu markii hore Daahir Calasoow meel ugasoo wada jeedsan lahayn,ma uusan heleen tageerada iyo aftahanimada uu maanta kula dagalamaayo dad badan oo aqoon yahan ah,balse saxiib adaa shalay u haystay halyay maantana ka cabanaayo.

Wakhtigan xaadirka ah waxaa soo baxday in uu Daahir Calsoow iska horkeenay dadkii iyagu markii hore isaga dageerada dheeraadka ah u wada hayay,kuwaasi oo aad moodo in uu iminka Daahir Calasow u kala qaybinaayo qabaa'il iyo gobolo,waxa aad arkaysaa kuwo isaga qabiil ku taageraaya iyo kuwo kasoo horjeeda ;Daahir Calasow isaga laftiisa looma yaraysan ,waa nin habeen iyo maalin umada Somaliyeed ay hadalhayso.

Waxa laga yaaba in dadka qaar ay u qataan in aan ahay nin ku faraxsan fadeexada iyo cayda uu Daahir Calasoow ka fidinaayo Dawlada Somaliya,maya ma ihi Daahirna anigu shakhsiyan isma naqaano,balse waxa aan dadka qaar xasuusinayaa ,Daahir Calasoow gardaradii aad shalay Sacabka ugu tumayseen ayaa maanta aad midhaheedii haysaan.

Waxa aan qoralkaygan kusoo gaba-gabaynayaa,Somali hadii ay doonayso in ay wanaag iyo walaalnimo ay ka dhaxayso ,qofka xumaanta wada meel ha uga soo wada jeesato ,oo yaan loo arkin in uu yahay nin wanaag iyo sharafleh ,qofka wanaaga wadana halawada tageerto.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

Twitter @khadar_aar

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment