SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Lacagtii aan biyaha ka shaqaystay,waxa ay dib ugu noqotay biyaha!!

Muddo hada laga joogo hal Qarni ,waxa ay magalada Berberi ahaan jirtay magaalo ay dhamaan isaga gooshaan ganacsatada iyo dadka dhaqalaha haysta ee isaga yimaada daafaha aduunka iyo badwaynta bada Cas.

Hadaba wakhtigaasi isaga ah waxaa Berbera ay caan ku ahayd, deganaashaha dadyaw aad u kala duwan sida Carab,Hindi,Turki iyo dadka Somalida oo iyagu ahaa kuwa magalada deegaanka ku ah.

Xiliyadaasi aan sheegaayo ayaa waxaa jiray nin ka ganacsan jiray Magalada Berbera oo magaciisa la odhan jiray Cabdoo Cali Cabdalla oo u dhashay Yemantii Berbera deegaanka ku ahayd ,waxa uu ahaa nin oday ah oo ka ganacsada iibka Biyaha lacabo oo Qabaw ah,madama ay magaladu tahay mid Xeeb ah aadna u kulul.

Ninkaasi isaga ahaa waxa uu biyaha ku qaadi jiray marka uu suuqyada la wareegaayo weel loo yaqaano Jalxad ,taasi oo uu hareeraha kaga soo xidhxidhi jiray Jawaano si aanay Biyahu aanay u kululaanin.

Ninkaasi odayga ah waxa la sheegay in marka uu suuqyada Jalxada biyaha Qabaw ah la wareegaayo,ayaa waxa uu ku dhawaaqi jiray hadalka ah "Maa'ul baarid maa'ul baarid " taasi oo macnaha aan noqonaysa Biya qaboow biya qaboow.

Hadaba ninkaasi Cabdoo ee Yemeniga ah ,ayaa marka biyaha laga iibsado ayaa waxa uu Lacagta ku ridan jiray kuna xafidi jiray kiish ka samaysan saan,taasi oo ay adkayd in ay lacagtaasi marnaba ka lunto ama ay tuugi ka xaddo.

Qofkasta oo yaqaana ganacsiga dadka yementa ah waxa uu fahmi karaa wakhtigaasi ninka yemeniga ah ee sidaasi u ganacsanayay halka ay lexejeclada iyo lacag urursigu ay ka taagnayd iyo sida aanu marnaba u dayacayn Lacagtaasi.

Hadaba ninkii yemeniga ahaa ee Cabdoo Cali Cabdalla ,ayaa waxa uu wakhti danbe ka fikiray madamaa uu waxoogaa lacag ah uu isu geeyay in uu booqdo dalkisii,halkaasi oo ay markaasi joogeen dhamaan eheladii iyo dadkii uu ka dhashay.

Cabdoo waxa uu magalada Berbera ka raacay Duuno yar,sida aad ogtihiina Berbera iyo magalooyinka ku yaala Yemen gaar ahaan Cadan waxaa loo kala socdaa sacado aad u kooban.

Cabdii oo isagu Doontii yarayd saaran,kiishkii yaraa ee uu lacagtii uu soo shaqaystay ay ugu jirtayna dacalka haysta lexajeclo awadeed,ayaa waxa dhacday in Doontii ay ciladawdo kadibna ay badda quusto oo ay qalibanto.

Cabdo waxaa markiiba badda gudaheeda kaga siibtay kiishkii maaska ahaa ee uu lacagtayari ugu jirtay,nasiib darana waa ay usuura galiwayday in uu badbaadiyo sababta oo ah isaga naftisii ayaaba halis gashay.

Waxaa dhacday in Cabdoo oo xaaladiisu ay adag tahay ayaa waxa dhacday in Doonkale oo meesha maraysay ay soo badbaadiso,taasi oo kusoo celisay magaladii uu markii hore ka tagay ee Berbera.

Cabdii oo Ilahay xaalkiisa og yahay,kana murugaysan dhaqalahii yaraa ee uu Biyaha uu iibinjiray ka shaqaystay oo Badda kaga dhacay, ayaa waxa kusoo ururay dadkii ay saxiibada ahayeen ee reer Berbera iyaga oo ka waraysanaya xaalkiisu sida uu hada yahay iyo wixii ku dhacay.

Cabdii oo dadkii la hadlaya ayaa waxa uu ku yidhi ,Walaahi anaa Alxamdu lilaahi ,lakiin Xaqalmaa rajucul maa, oo macnaheedu ,anigu waan fiicnahay lakiin ,Lacagtaan biyaha ka shaqaystay waxa ay dib ugu noqotay Biyaha.

W.Q/Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment