SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Taariikhda Xuuthiyiinta Yemen iyo halka ay ka soo jeedaan .

Waxaa suurta gal ah in dad badan aysan si dhab u aqoonin Kooxdan Cusub ee kasoo baxday Yemen ee dalka oo dhan qabsatay, sababtayna in lagu qaado Guluf noociisa kii ugu horeeyey oo uu hogaaminayo Sucuudi Caraabiya oo aan looga baran dagaalada.

Magaca Jamaacada Ansaarulah Al-XUUTHI ee Yemen, wuxuu noqday mid haysta warbaahinta carabta , dowladaha Islaamka iyo caalamka ka dib markii lagu baraarugay si ka dis ah Guluf loogu magac daray Duufaanta Go’aanka (Caasiftul Xazm) taasoo ay hogaaminayso Saudi Arabia kana qayb qaadanayso dhowr dowladood oo carab iyo Muslimba leh sida Qatar, Imaaraatka Carabta, Kuwait, Bahrain, Turkey, Sudan, Masar, Morocco iyo Pakistan oo wali aan si dhab ah usoo gelin dagaalka.

Gulufkaas ayaa ku midaysan sidii loo joojin lahaa duulaanka dheeraynaya ee Xuuthiyiinta oo kaashanaya Madaxwaynihii xilka laga tuuray ee Cali C.lla Saalax kaasoo Yemen oo dhan ay ku qabsadeen iyo raadcaynta ay ku hayaan Madaxweyne Cabdi rabo Mansuur oo qaylo dhaan u dirsaday dowladaha Gacanka Carabta si ay uga badbaadiyaan dalka Khatarta Kooxdan oo dabada ku haysa IRAN oo iyadu taageerta maadaama ay Mad-hab ahaan Shiico ay islayihiin, rajo xooganna ka qabta inay isku ballaariso jasiirada Carabta.

Hadaba 10 ka qodob ee hoose ku baro Xuuthiyiinta iyo waxa ay yihiin:-


1. Bilowgii hore iyo samaysanka Xuuthi
Inkastoo si muuqda ay kooxda magaceeda loo maqlay sanadkii 2004, markii ay dagaal lagashay Dowladii Yemen, hadana waxaa la rumaysanyhay in asaaskeedi hore uu soo bilowday sideetameeyadii qarnigii lasoo dhaafay.

Sanadkii 1986 waxay aasaaseen " Midowga dhallinyarada" si wax loo baro dhallinyarada daa’ifada Zaydiga ( ama Shiicada ugu dhow Sunnada) kaasoo macallin uu u noqday SALAX AXMED FALITAH, waxaana ninkaas macallimiintiisa ka mid ahaa Majdu Aldiin AL-MU’AYADI iyo Badru Al-diin Al-Xuuthii.

Markii labada Yemen ay midoobeen Maajo 1990, lana furay xisbiyada kala duwan, Midowgii dhallinyarada ee Shiicada wuxuu isku badalay Mashruuc Siyaasadeed kaasoo labaxay magaca Xisbigii Xaqa (Xizbul Xaq)


2. Kulanka Dhallinyarada Mu’min ka ah.
Kulankaana waxaa aasaasay Mohamed Badr Al-diin Al-Xuuthii iyo rag ka mid ahaa saaxiibadiisa kaasoo ahaa kulan aqooneed soo bandhiga aqoon iswaydaarsi inkastoo markii dambe uu burburay. Sanadkii 1997 wuxuu kulankii isku badalay hadana Urur siyaasadeed oo labaxay magaca Ururka Dhallinyarada Mu’min ka ah, inkastoo ururkaas ay isaga bexeen FALITAH iyo MU’AYIDI oo ku eedeeyey ururku inuu khilaafay Mad-habka Zaydiga.

Waxaanna ururkaas halku-dhig u ahaa ilaa sanadkii 2002 "ALLAAHU AKBAR.. Maraykan Ha dhinto….Israa’iil ha dhimato… Lacnad ha ku dhacdo Yuhuuda.. Guusha Islaamka ayaa iska leh" kuwaasoo ku celceliya salaad walba dabadeeda.


3. Hogaanka Ururka

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Cabdimaalik

Sanadkii 2004 xilligii uu socday dagaalka ay kula jireen Dowlada Yemen waxaa hayay Xuseen Al-Xuuthi oo horay u ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Yemen 1993 – 1997, waxaa lagu dilay dagaalkaas waxaana hogaanka qabtay Aabihiis Badru Diin, mardambe ayaa hogaanka waxaa qabtay Cabdimaalik Alxuuthi oo ah wiilka yar ee uu dhalay Badrudiin, halka uu walaalkiis Yaxya Al-xuuthi uu magan galyo siyaasadeed uu ka codsaday dalka Jarmalka.


4. Maxay rumaysanyihiin (Caqiidada)
Waxaa lagu soocaa inay yihiin Mad-habka Shiicada ee Ithnaacashariya ee IRAN u badantahay, walow iyagu arinkaas ay iska foogaayaan waxay leeyihiin wali waxaan haysanaa Mad-habka Zeydiga iyadoo ay jirto masalooyinka qaar oo ay la qabaan Ithnaacashariyada sida ciida Al-Qadiir iyo Xuska Caashuuraa.

Ninka aasaasay ururkan ee ahaa Badru Diin Al-xuuthi ayaa dhashay 1926 wuxuuna ka dhashay qoysa kasoo jeeda Firqada Jaaruudiyah oo ka mid ah firqooyinka Zeydiyada taasoo u dhow fikirka shiiciga Imaamiyada ee ku dhan Shiicada Ithnaacashariyada taasoo ay haystaan shiica badan oo ka jirta IRAN, Ciraaq iyo Lubnaan.

Qoyska Xuuthi ayaa sheegata in abtirsankiisa uu galo Nabi Muxamed SCW, sida ay u badanyihiin firqooyinka Shiicada oo Ahlu Baydka geliya Nasabkooda. Badrudiin wuxuu leeyahay kutub uu ku raddiyey Suniyiinta.


5. Yoolka Kooxda
Waxay kooxdu aaminsantahay in Mad-habka Shiiciga uu ciriiri ku jiro lana caburiyo aqoonyahanka Shiicada. waxay kooxdu dalbatay in dowlada Yemen ay si rasmi ah ay usoo saarto xeer u ogalaanaya shiicada inay yeeshaan xisbi siyaasadeed oo madani ah lana dhiso Jaamacad ay iska leeyihiin oo qaybo kala duwan leh, sidoo kale in ardayda mad-habka Zeydigu ay mad-habkooda ku dhigtaan kuliyadaha sharciga, iyo in Mad-habka Zeydiga loo aqoonsado Mad-habka guud ee dalka kaasoo barbar socda Midka Shaaficiga ee Suniga ah. Dowlada Yemen waxay kaga jawaabaysay dalabkaas inuu yahay qasad Xuuthiyiintu ay ku rabaan inay kusoo celiyaan Imaamadii Zeydiyiinta oo Yemen soo xukumaysay 10 qarni.


6. Dagaaladii ay Xuuthiyiintu la gashay Dowladda
Xuuthiyiinta ayaa dagaallo lagashay milliteriga Yemen markii ugu horaysay 19 June, 2004, wuxuuna ku dhamaaday dagaalkaas inuu ku dhinto hogaamiyahoodii Xuseen Al-xuuthi 8 September, 2004. Sanadkii 2005 ayaa laba goor dagaal dhexmaray dowladda iyo kooxda Xuuthiiga.


7. Kacdoonkii 2011
Kooxda ayaa qayb ka ahayd kacdoonkii lagu riday Cali Cabdalla Saalax, waxayna wax ka saxiixday heshiis dhamaan Ururada Yemen ay ku dhigayaan Hubka laguna wareejinayo Dowlada.

Laakin Xuuthiyiinta Hubkoodii maysan dhiibin oo way buriyeen heshiiskas, waxayna dagaal ku qaadeen Ciidanka Yemen February waxayna ku qabsadeen Magaalada Cimraan Juun 2014.

18-kii Agoosto, 2014 kumanaan taageerayaasha Xuuthiyiinta ayaa banaan baxyo isugu yimid fagaarayaasha Caasumada Yemen ee Sanca iyagoo dalbanaya in la rido xukuumada lana dhaqan geliyo heshiiskii wadahadalka, wuxuuna ku goodiyey Hogaamiyaha Xuuthiyiin Cabdimaalik inuu si adag uga jawaabayo haddii la weeraro banaanbaxayaasha isagoo ballan qaaday inuu xukuumada ridayo hadii uusan Madaxweyne Haadi dalabkooda ka jawaabin.


8. Lawariigistii Sanca
Waxay socotaba, 21 September,2014 Xuuthiyiinta waxay gebi ahaamba la wareegeen gacan ku haynta Caasimada Sanca iyagoo qabsaday dhamaan xarumaha dowlada, wasaarada Gaashaandhiga, taliska hogaanka guud ee ciidanka, Bangiga dhexe, Raadiyaha Sanca, wasaarada warfaafinta, Telefisionka dowlada iyo wasaarada Caafimaadka.

Intaa markay dhacday, ayay madaxtooyada Yemen heshiis lasaxiixatay Xuuthiyiinta kaasoo lagu joojinayo dagaalka laguna dhisayo xukuumad wadaag ah oo ay ku midaysanyihiin dhamaan dhinacyada is-haya ee Yemen. Xuthiyiinta ayaa diiday heshiiska qaybtiisa Amniga ah.


9. Xiriirka Xuutiyiinta iyo IRAN
Ururkan ayaa lagu eedeeyaa inay tahay garab hubaysan oo Iran ay ku leedahay gacanka carabta, waxayna dhaqaale iyo saanad militeri ka heshaa Iran, sidoo kale kooxda ayaa cudud militeri ka hesha Faylaq la quds ee uu hogaamiyo General Qasi Sulaymani.


10. Qabsashada Yemen oo dhan iyo Gulufka Sucuudiga
21 January, 2015 ayaa Xuutiyiintu boobtay Hubkii ciidanka Yemen, waxayna xabsi guri gelisay Madaxweyne Haadi iyo xubno ka tirsan xukuumadiisa, markii uu u cararayna Cadan waxay ka daba dirtay guutooyin ciidamo ah iyadoo duqaysay Madaxtooyada Cadan, waana arinka ku kalifay Madaxweyne Haadi inuu aqaylo dhaan dirsado oo gurmad ciidan ka dalbado dowladaha Gacanka carabta ee uu hogaaminayo Sucuudiga, kaasoo ay kasoo jawaabeen oo weerar kan haatan ku socda Yemen uu ka dhashay.

Tixraac
Aljazeera

Qore: C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan
email: bincawf12@gmail.com

No comments:

Post a Comment