SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dhaqalaha Maraykanku bixiyaa waa mid Xalaal ah,balse dhaqalaha Iiraan bixisaa......!!

Madaxwaynahii hore ee dalka Afganistaan Xamiid Karsaay oo tariikhdu markii ay ahayd 29/9/2014 wareejiyay jagadii madaxnimo ee uu u hayay dalka Afgaanistaan ,kaasi oo wadankasi madaxwayne ka ahaa muddo dhan 12 sano.

Afganistaan waa wadan aad ugu daalay dagalada iyo siyasadaha dawladaha iyo ururada iskasoo horjeeda,Kabuul oo ah Casimada Dalka Afganistaan ayaa waxa ay sundan-tahay magalooyinka dunida iyo nabadgalyada xun.

Madaxwayne Xamiid Karsaay ayaa inta badan waxa uu cawimo iyo taakulayn aan kala go'lahayn ka heli jiray wadanka Maraykanka iyo dhamaan wadamada uu xulufada la yahay ee reer Yurub,kuwaasi oo ka caawin jiray dagaalka uu markaasi kula jiray ururadii Dalabaan iyo Al-qaacida.

Hadaba Xamiid Karsaay waxa kusoo biiray in uu xulufo iyo saxiibo dhaw uu la noqdo dalka Iraan oo aanay saxiibo aad isugu fiican aanay ahayn Maraykanka iyo dalalka kale ee reer Galbeedka.

Madaxwayne Karsaay waxa uu si degdeg ah dhaqaale aan sidaasi u badnayn uu ka helay Dalka Iraan wakhtigaasi uu madaxwaynaha ahaa ,dhaqaalahaasi oo gadhaayay wakhtigaasi lacag lagu qiyaasay Laba Milyan oo doolar oo si gaar ah loogu talagalay Xafiiska Madaxwaynaha.

Hadaba markii wadanka Maraykanku uu ogaaday in dawlada Iraan ay caawimo siiso dalka Afganistaan,waxa halkaasi ka dhashay iska hor imaad siyasadeed oo soo wajahay Madaxwayne Xamiid Karsaay iyo dalka Maraykanka ,madaxwaynaha Afganistaana aakhirkii waxa uu cadeeyay in ay jirto Lacagtaasi kooban ee kasoo gashay wadanka Iraan.

Joornaalka kasoo baxa dalka Maraykanka ee loo yaqaano NewYork Times ,ayaa waxa uu si aad ah u qaadaa dhigay wakhtigaasi in Lacagtii yarayd ee dalka Afgaanistaan kasoo gashay Dalka Iraan ee ay Jaarka yihiin, waxaanu joornaalku lacagtaasi yar ku sheegay in ay tahay mid loogu adeego Argagaxisada iyo madaxda qaba'ilka wadankasi .

Jaraa'idku isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in dhaqalaha iyo maalka wadanka Maraykanku uu ku caawiyo dalka Afganistaan uu yahay mid loogu adeego danta dadwaynaha Afgaanistaan,balse lacagta iyo dhaqalaha Dawlada Iraan ee Islamiga ah kasoo gala in uu yahay mid ay dawlada Afganistaan u adeegsato dhinaca qaldan.

Runtii waa wax lala yaabo, in hal dawlad ama hal Madaxwayne dhaqalaha soo gala ee lagu caawiyo midna lagu sheego in uu Madaxwaynahaasi u adeegsado sida qaldan midna u adeegsado sida saxa ah.

Balse arintaasi maaha sida la moodaayo ,baroortuna Orgiga waa ay ka wayn tahay,dagaladuna inta aynu moodayno iyo hadba waxa idacadaha la inooga sheego waa ay ka xeeldheer yihiin,siyasada aduunkuna waxa ay wakhtiyadan danbe ay noqotay mid indha-sarcaad ah oo dadka badankiisu aanay sadalin karin.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment