SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Farmaajo waxa uu Raysal-wasaare tiray Puntiland !!

Dorashadii dalka Somaliya oo maanta lagu kala calafqaaday, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo codod aad u badan kaga guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud, waxa kaloo meesha kasoo ifbaxay in Puntiland iyana ay waydo Raysalwasarahii ay dhaxalka joogtada ah u qaadan jirtay.

Hadaba madama inta badan doorashada Somaliya ay ku qiimaysan tahay qabyalad iyo qolo qolo,sida wakhti aad u badan looga bartayna Raysal-wasaraha iyo Madaxwaynaha ay kala qaybsanayeen Puntiland iyo Muqdisho balse wakhtigan xaadirka ah uu doorashadii kusoo baxay nin kasoo jeeda Gobolada Jubaland balse ay isku hayb qabiil yihiin reer Puntiland.

Maxay ayay noqon kartaa doorka wada shaqaynta ee ay Puntiland ka qaadan doonto in ay la shaqayso Madaxwayne Farmaajo,mase laga filikaraa in ay carqalad horlihi ay ka dhex dhalato Farmaajo iyo Puntiland madama uu meesha ka baxay Raysal wasarahii markasta ay kuu taami jireen reer Puntiland.

Madaxwayne Farmaajo oo wadanka hore uga soo noqday Raysalwasaare ,isla markana xukunka hayay muddo aan ka badnayn Lix bilood, ayaa mucaradadii barigaasi ku kacday waxaa kow ka ahaa reer Puntiland, iyaga oo u arkayay in uu Farmaajo ku fadhiistay kursigii Puntiland ay dhaxalka u lahayd.

Balse hadadan lafteeda ayaa waxaa shaki badani ka iman karaa madamaa uu Farmaajo Madaxwyne noqday in ay isu calool furnadaan wayaan Puntiland iyo Farmaajo,madamaa uu Raysalwasaarahu uu hada noqonaayo nin kasoo jeeda Mudisho.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment