SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Somalidu isumo ducayso ee way isu balan qaadda in ay isu ducaynayso !

Somalidu inta badan marka ay rabaan in ay isu duceeyaan ama isu Rabi-tuugaan ,waxaa jira waxyaabo badan oo ka qaldama,way jecel yihiin in qofkastaaba qofka walaalkii ah uu u ducooyo si Ilahay uga dulqaado dhibatadaa markaasi haysata,balse way isu balan qadaan in ay isu ducaynayaan kadibna waa iska ilabaan.

Ma jiro qof dunida ku nool oo aan dhib aanay haysani, ha yaraato ama ha badato,taasina waa suraha kownigaa ee Ilahay uu Adoomahiisa Gaal iyto Muslim uu ugu talagalay,waxkastaa marka ay kugu adkaadan ,cida kaliya ee loola cararaa ama la baryaa waa Rabiga Koonkan iska leh.

Baryada Ilahay cidkale oo loo mari karaa ma jirto ,aan ahayn in isaga kaligii la baryo ,hadaad isku daydo in ducadaada aad cid ku lamaynaysiiso Allaah taasi waxa ay kuu keenaysaa in laga aqbalo iska-daaye in aad danbi iyo Shirki ku gasho.

Ma jirtaa cid Ilahay SW la abuurtay dunidan, masa jertaa cid ku wehelisa awoodiisa baaxada waynle,sida ay dadka qaar ku doodaan Ilahay cid aad u mari kartaa ma jirto markaa aad wax waydiisanayso ,kaligii barri isaga ayaa kugu filan, waxkasta oo isaga kasoo hadhay oo aad baridaa waa makhluuqiisa waana danbi.

Hadaba waxa aan u kuurgalay dadka Somalidu marka ay isu ducaynayaan,waxa aad moodaa in aanay si dhab ah isugu ducayn, balse waa ay isu balan qadaan in ay isu ducaynayaan,tusaale ahaan,haduu kuu yimaado qof u baahan in loo duceeyo waxaa Somalida u caado ah in ay ku yidhaahdaan qofkaasi waanu kusoo ducaynaynaa .

Marka sidaa lagu kala tagana wali maan maqal dad inta ay isu yimadeen ka wada hadlaya oo leh qofkii maanta ducada inaga codsaday aynu wada jir ugu ducayno ee u diyaar garooba,waxa kaliya oo lagaga hadhaa balantii qofkaasi losoo qaaday oo ahayd waanu kusoo ducaynaynaa.

Qofka isagu laftiisa ducada u baahani, waxa uu dadka uu rabo in ay usoo duceyaan kaga hadhayaa balanta ay qadeen,way adag tahay in uu dadkii inta uu ku warceliyo uu yidhaahdo ma ii ducayseen mase xasuusateen ducadii aad iga balan qaadeen,ilayn marka aynu qof bini'aadmi ah wax waydiinaynaba waxa aynu nidhaahnaa hebel ma ii waydiseen wixii aan uga baahnaa.

Waxa jira xiliyo iyo wakhtiyo uu Ilahay inoo balan qaaday in ducooyinka la aqbalo,inkastoo sideedaba duco oo dhan ay ku xidhan tahay aqbalkeeda shuruudo aad u farabadani,hadana iyada oo ay sidaasi tahay ayaa Nabigeena suubanaa CSW waxa uu inoo sheegay shuruudo ducooyinka lagu aqbalo .

Hadaba dadka Somalida oo ka caado dhigtay hadii mid walaalkoodii uu duco ka codsado in ay yidhaahdan isha Allah waanu kusoo ducaynaynaa,hadana iyada oo sidaasa ay adag tahay in ay si wada jira ama qof qof ah in ay u xasuustaan ,qofkii walaalkood ahaa ee ducada uga baahnaa,waxa aan kula talin lahaa in ducooyinka la balan qaado la xasuusto lana oofiyo.

Hadaad u fiirsataan dhaqankeena ku saabsan dhinaca ducada,waxa aad arkaysaa in dadka badan koodu aanay isu ducayn balse ay isu balan qadaan in ay isu ducaynayaan,hadaad u kuurgasho arintaasi aad ayay u yartahay dadka iyaga oo qofka dhibanaha ah hortaagan u ducaysaa oo gacmaha inta ay kor u taagto Ilahay u Alla barida in uu Ilahay qofkaasi kurbada ka qaado.

Wali inta aan garanaayo maan maqal,laba qof iyo in kabadan oo inta ay isu yimadeen ka wada xaajoonaya sidii ay wadajir ugu ducatyn lahayeen walaalkoodii ay ka balan qadeen in ay usoo ducaynayaan.

Maaha in aan qoraalkan uga jeedo in aanay Somalidu isu ducayn,waan ogahay in ducadu aanay ahayn is-tustus iyo Iidhe,balse ay tahay arin u dhaxaysa Rabiga iyo qofka adoonka ah,hadana iyada oo sidaasi ah ayaan waxa aan u kuur galay in Somalida badan keedu ay ku kala tagto labada eray ee ah IISOO DUCEEYA IYO WAANU KUSOO DUCAYNAYNAA; kadibna la iska ilaabo.

Anigu ma odhanaayo qofka dhibanaha ah ee ducada walaladii u baahani ,ha yidhaahdo ,hadda ii duceeya oo haygala dhaqaaqina ducada ,aniga oo idin arkaayana Rabbi ii barya gacmahana kor u taaga, taasi waa duco khasab iyo xoog ah.

Balse waxa aan dadka Somalida ah ee Muslimiinta ah ku boorinayaa ducada aad balan qadaan fuiliya oo marka aad Masajiida iyo Saladaha ku jirtaan qofka ducada idinka codsaday usoo duceeya haday daacad idinka tahay.

Waxa kaloo jira xiliyo iyo wakhtiyo iyagana ducada la aqbalo sida xiliga saladaha gaar ahaan sida Nabigu CSW uu inoo sheegay xiliga uu qofku Sujuuda dhulka ku hayo iyo xiliyada habeenkii,iyada oo aynu noqonayno kuwo buuxiya dhamaan shuruudaha ducada lagu aqbalo.

Waxa kaloo iyana dhaqamadeena ka mida, in dadka qaar ay yidhaadaan iyaga oo duco u baahan QOF LAGU JIRAA ILAHAY AYAA OGE,iisoo duceeya,maan fahmin eraygan ah qof lagu jiro,balse waxa uun aan u qaatay eray salka ku hayo dadka Jimanka iyo waxaasi ku shaqaysta oo inta badan laga dhex hadlo Somali badana ay ku aafawday una haysato in uu yahay qofkaa laga dhex hadlaya mid Ilahay u dhaw AMA WALI AH .

Hadiise looga jeedo Qof lagu jiraba *qof imaan lehba,taasi ma xuma ,inkastoo laga fiican yahay eraygan ah LAGU JIRO,aanay ku haboonayn dhanka ducada,waayo qof lagu jiro ,waxa ay ku tusinaysaa sidee qofkan loogu jiraa,maxaase ku jira.

Kalmadani JIRITAANKU waxa uu kasoo jeedaa dadka Jimanka iyo waxaasi ku shaqaysta,kuwaasi oo isticmali jiray eraygan iyo kuwo kale oo kasii xeel dheer,taasi oo ay uga jeedeen iyagu aragti ahaan in qofkani laga dhex hadlayaa uu yahay Awliyo,waxa ku jira ee ka dhex waramayana uu yahay shaydaan.

Hadaba waxa ay ila tahay in eraygan lagu badalo kalmad ka fiican kana sharaf badan oo ah QOF IMAAN LEHBA ILAHAY AYAA OG E; kalmadaasi ayaa inooga sharaf badan, rayi ahaana aan isleeyahay waa ay kaga haboontahay kalmadii KUJIRITAANKA.

Waxa aan qoralkaygan kusoo gaba-gabaynayaa ducada la balan qaado yaynaan la bakhaylin ee waa in aynu qofkeena dhiban ducadiisa uu inooga baahan yahay aynu xasuusano,si ducada laynooga aqbalana aynu shurudahii ducada lagu aqbalanayay aynu la nimaadno,wixii intaasi ka dambeeyana Ilahay u dayno talada isaga ayaa awood u lahe .


W/Q.Khadar Aar

No comments:

Post a Comment