SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

HADIIBA AY QORANTAHAY MAXAAN KA DAALAYAA!!

Dhalinyara badan ayaa hadba soo qora su’aal ku saabsan qadarta, wexeyna oranayaan su’aal nagu wareegeysa: Hadiiba aniga uu uurka hooyo ku jira 120 beri jano iyo naar midkaan ku dambaynayo, maxaan iska daalinayaa, natiijada wayba qorantahaye? Bal Arrinkaa Na Fahamsii…


Jawaab: Adeer waan kuu qodobaynayaa si aad tartiib u fahamto, waxaanan isku deyi sida ugu sahlan:


1) Qadartu Waa Cilmi iyo Sir Ilaahay oo cid ogaan karta aaney jirin.


2) Ilaahay inta aanu khalqiga oo dhan uumin ayuu ogyahay wax walba oo dhici doona iyo sidey u dhacayaan.


3) Ka dibna wax walba wuxuu ku qoray looxa maxfuudka ah.


4) Ka dibna wax walba wexey ku dhacayaan ogolaanshihiisa khayr iyo sharba sidii loo qoray.


5) Qof walbana waxaa lagu la xisaabtamayaa oo lagu abaal marinayaa camalkiisa iyo waxa uu sameeyo khayr iyo shar, ee lagu ma xisaabiyo wixii u qornaa.


6) Qadarta waxa kuugu qoran ma ogid. In la qoray keliya ayaa laguu sheegay qof walba. Laakiin adiga laguma oran shaqi nimo ayaa laguu qoray, waxaana lagu yiri shaqayso sida aad shaqaysato ayaad heleysaa, meel ayaan fariisanayaa marka maba soo geli karto.


7) Qadarta waxa kuugu qoran waxaa ka mid ah riziqa, laakiin waa inaad orodo. Oo shaqaysato. Qadartana mar walba dhaafi meysid.


8) Nolol maalmeedkaaga hadaad dib yar u fiiriso waxaad arkeysaa inaad wax cunto, daawa raadsato, wax barato, shaqa doonato, guur xalaala iyo ilmo raadiso, miyaad oran kartaa meel ayaan iska fariisanayaa waxaasoo dhanna samayn maayo, weyba ii qorantahay? Maya waad ordeysaa, qadartuna waa sir ilaahay, adigu shaqa kuma lihid.


9) Xumaan aad adigu samaysay qadarta xuja loogama dhigto, waayo ilaahay qofna ma qasbinbee wuxuu yiri khayrka u tartama wadaduna waa caddahay, taasi janadey ku socotaa taasina naar ayey gashaa, tan janada raac, wax kasta oo aad samaysana waa laguu qorayaa weliba khayrka waa laguu wafeynayaa.

Hadii sidaa lagu yiri: maxaa ku daba dhigay wax kaa qarsoonnoo aadan ogayn inaad ku wareegaalaysato?

Waxaan rajaynayaa inaan xoogaa Mas’alada Caddeeyey, waxaa dhiman culimadu wexey oran jireen arrinka qadarta lama galo oo laguma fogaado waayo waa meel lagu simbiriirixdo, ilaahay hana sugo, waana midii la gashay firqada (qadariya) la yiraahdo iney Qadartaba inkirto ilaahay ayaan ka magan galnaye..
Sheekh Maxamed Idiris.

No comments:

Post a Comment