SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxaad ku qiimayn lahayd Madaxwaynaha aad dooran doonto ?

Ma waxa aad ku qiimayn lahayd af-tahanimada iyo af-miishaarnimadiisa? ma waxa aad ku qiimayn lahayd labiska iyo hadba Suudhka uu sitaa caynka uu u eeg yahay ? ma waxa aad ku qiimayn lahayd Diinta iyo dacad nimadiisu inta ay leeg tahay ? ma waxa aad ku qiimayn lahayd Dimuqradiyada iyo hadba sida uu u aamin san yahay ? ma waxa aad ku qiimayn lahayd kuna doorataa in uu yahay qabiilkaaga oo kaliya ? ma waxa aad ku qiimayn lahayd hadba inta uu dhaqaale haysto adigana uu ku siin karo ? ma waxa aad wax ku qiimayn lahayd in uu yahay nin dadka iyo dalkaba hore wax ugu soo qabtay?

Ninkasta oo madaxnimo doonayaa marka uu raba in uu dadka ka dhaadhaciyo waxyabaha uu isku soo hagaajistay,kana hor akhriyaayo dadwaynaha hortiisa ama cida markaasi dadwaynaha wakiilka ka ah ,waxa ay u eegyihiin khudbado iyo hadalo ku yaab galinaaya.

Ninkasta oo madaxnimo doonayaa marka oo Suudhka iyo Tayga isku soo taago,masraxana uu lasoo istaago hadalo marka aad dhagaysato wada fani ah aadna aad uga wada mabsuudayso,waa mid ay ku dagmi karaan dadka iyagu aan markaasi wax badan ka fahmaynin sida loo qaban karo shaqooyinkaasi aadka u badan.

Quruxbadana hadalada ay jeedinayaan marka ay madaxnimada rabaan,maxay Roob iyo raxmad shubayaan sida ay iyagu gacanta ku hayaan,maxay ayay qurux iyo barwaaqo saadalinayaan isla markana aad moodaa in ay jeebadaha kala soo baxayaan shaqo aad arkayso in ay qabashadeedu adag tahay.

Maxay ceelal iyo harooyin Biya ah wada buuxinayaan,maxay dhaamam iyo wabiyaal qulqulaaya sheegayaan in ay ayaamo kooban ku samaynayaan,maxay iskuulo iyo jamacado ka wada saarayaan ardayda iyo dhalinyarada , maxa shaqo abuur iyo barwaaqo miidhan wada saadalinayaan.

Inbadan ayaan waxa aan soo dhagaystay Khudbadao iyo hadalo ay jeediyeen niman badan oo siyasiyiin Somaliyeed ah,midkastaaba waxa uu madasha lasoo hor istagayaa hadalo marka aad u fiirsato ku yaab galinaaya balse ay adag tahay sida ay hadhaw uga run sheegaan.

Hadaba sidee ayaynu ku qiimaynaa ama ku garanaa ninka daacada ah ee markaasi aynu ku aamini karayno dadkan iyo dalkan u baahan in horumar iyo wax qabad loo sameeyo,ma waxa aynu raacnaa oo aynu ku dooranaa oo kaliya hadalada iyo kalmadaha macaanka badan ee ay dadka u jeedinayaan, mise waxa jira siyaabo kale oo lagu garan karo nin kani uu yahay mid ay ka daacad yihiin waxqabadka uu jeedinayaa.

Marka ugu horaysa ku talagal in ninkastaaba uu yahay nin isa sharaxaaya isla markana is-faaninaaya, ma jiro nin odhanaaya anigu waxaas iyo waxas qaban kari maayo,waayo hadii taasi aamin san yahay mabuu yimadeen goobtan doorashada, ha u qaadan wax run ah hadalada iyo kalmadaha uu ka leeyahay makarafoonka, hana beensan in ay dhici karto in uu waxyaabo badan qaban karo haduu dadaalo.

Ku qiime ninkan doonaaya in aad madax uga dhigto wadankaaga,marka u horaysa in uu yahay nin ehelu diin ah,nin aqoon iyo waayo aragnimo dheeraada u leh Diinta Islaamka,nin daacad oo ah oo aanu ku jirin eex qabiil iyo qabyaalad.

Dooro ninka aad isleedahay wax badan ayuu arimahan dalkaaga ka badali karaa,ku cisii kuna soo dhawee dabeecad wanaaga iyo akhlaaqda,u dhiibo talada dadkaga iyo dalka ninka aad isleedahay waxa uu wax ka qabanayaa amniga ,Cafimaadka,Biyaha iyo waxbarashada.

Hadii aad aragto nin dadka hortiisa kaga khudbadaynaaya waxyaabo aad u qurux badan isla markana aad dareemayso in ay yihiin kuwo aan si fudud wax looga qaban karin,ogow ninkaasi waxa uu rabaa in uu dadka iyo dalkaba been ku hogaamiyo.

Tusaale ahaan : nin ayaa waxa uu madasha musharaxnimada lasoo istaagay in uu muddo dhan hal sano in uu Qabyalada ku baabiinaayo,taasi waa marag madoon in uu yahay nin umada markaasiba been u sheegaaya.

Qabyaladu maaha wax meel yaala oo inta meeshii laga qaado meel kale loo wareejinaayo,Qabyaladu waa fikir iyo faham si khaldan loo adeegsaday kuna jira qalbiyada iyo laabaha dadka,taasina waa ay adag tahay in ay si fudud uga tagaan.

Waxaa mararka qaar dhacda in siyasiyiin kursi doon ahi ay khudbadahooda kusoo qatan in ay dhaqaalaha wadanka kobcinayaan,in dhamaan mushaarka shaqalaga ay u kordhinayaan,in ay dhamaan dad waynaha ka wada dhigayaan maalqabeeno ,balse waxaas oo dhan maaha wax si fudud hal mar loo qaban karo.

Aniga fikir ahaan waxa ay ila tahay dadka Muslimka ahi kuma hagaagayaan kumana horumarayaan,ilaa ay sameeyaan wixii ay sameeyeen Muslimkii iyaga ka horeeyay,qabyaladu waa furaha burburkeena,cadaalad daradu waa dhabar jabka dadka iyo dalka ilaa laga fogaadana wax isbadalaya ma jiro.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment