SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sidee Baan Ugu Salinaa Nebiga S.C.W

Alxamdullah rabbil caalamiin wassalaatu wassalaamu calaa rasuulillah scw: Ku Sallinta Nabiga SCW waxay ka mid tahay cibaadoynka kuwa uugu fadliga badan, uguna qiima badan, loona baahanyahay qofka muslimka ah inuu badsado kuna dadaalo.

Waxaa is weydiin mudan: Maxaa laga wadaa ku sallinta Nabiga SCW? Sideen ugu sallinnaa Nabiga SCW!

Waxaa Nabiga SCW laga soo wariyey markii la weydiiyey sideen kuugu sallinaa wuxuu ku jawaabay: Waxaad dhahdaan: "Allahumma salli calaa Muxammad wa calaa aali Muxammed kamaa salleyta calaa Ibraahiima wacalaa aali Ibraahima innaka xamiidun majiid wa baarik calaa Muxammad wacalaa aali Muxammad kamaa baarakta calaa Ibraahiima wacalaa aali Ibraamiina fil caalamiin innaka xamiidun majiid" (Buqaari iyo Muslim)

Qaar ka mid waqtiyaasha soo aroorey in lagu salliyo Nabiga SCW:
Tashahudka Salaadda uugu dambeeyo
Salaadda janaazada rakcadeeda labaad
Muxaadarooyinka iyo khutboynka, sida khutbada jimcada iyo khubada roobdoonka.
Aadaanka kadib
Markii la galaayo masjidka iyo markii laga soo baxaayo
Markii dad meel iskula kulmaan intii kacin kahor, sida shirka oo kale
Markii la bilaabaayo ducada
Markii qabriqiisa (SCW) la ziyaaranaayo
Maalinta jimcada
Fadliga iyo Miraha laga helaayo ku Sallinta Nabiga (SCW):


1. Waxaa la fulinaayaa amarka Allah SWT oo Quraanka nagu amray in aan ku sallino Nabigiisa (Nnkh).
2. Qofkii ku salliyo Nabiga (SCW) hal mar Allah SWT ayaa ku sallinayo 10 mar siduu Nabigu (SCW) xadiis saxiix ah noogu sheegay.
3. Waxaa loo qoraayaa qofkaas 10 ajir lagana tirayaa 10 dambi siduu Nabigu (SCW) xadiis saxiix noogu sheegay.
4. Qofkii ku salliyo Nabiga (SCW) Alle ayaa hammigiisa kafaalo qaadayo.
5. Waxay ku Sallinta Nabiga SCW calaamad u tahay jacaylkiisa.

ALLAH swt hana waafajiyo inaanu badino ku saallinta Nabigeena SCW. Wassalalaahu Calaa Nabiyinaa Muxamed Wacalaa Aalihii Wasaxbihii Wasalam.


Codsi: Fadlan walaal khayrkan usii gudbi walaalahaaga Muslimiinta inta aad taqaano
Allaah ajar hakasiiyee..jazaka Allaahu Khayraa
——————————————————-
Golaha Ducaada Soomaaliyeed
Daaciga@gmail.com




1 comment: