SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dadka qaar ayaa aamin san in noloshu ku fiican tahay Ilbaxnimo la'aanta!!g

Waa maxay Ilbaxnimadu ? yaase lagu tilmaami karaa in ay yihiin dad ilbax ah? labadan su'alood hadii aan is idhaahdo midkastaba uga jawaab si faahfaahsan waxaa laga yabaa in ay iga qaadato wakhti aad u badan,balse waxa aan midkasta kusoo koobayaa jawaab aan isleeyahay aniga rayigayga waa ay ku filaan karaysaa.

Su'aasha ugu horaysa ee ah waa maxay ilbaxnomo? hadii aan kalmada ama su'äaasha sideeda u abaaro waxa ay ka kooban tahay laba eray oo isa-saaran oo kala ah IL IYO BAX, kuwaasi oo marka la isku daro noqonaaya Ilbax.

Ilbax macnaheedu waxa uu yahay aragti cusub ama Il(isha)oo aragtay wax aanay hore u arki jirin,hadii aan si kale u idhaahdo waxa ay noqonaysaa Il ama aragti ka baxday wixii ay hore u taqaanay, kadibna shiishka saartay waxyabo ku cusub muuqeeda.

Su'aasha kale ee ah yaa lagu tilmaami karaa in ay yihiin Ilbax? waxa aan isleeyahay su'aashani waa ay ka guda balaadhan tahay tii hore,sababta oo ah Ilbaxnimada ayaa dunida dhamaanteed meelkasta qaab gooniya ayaa looga yaqaana ama cidkastaba si gaar ah ayay Ilbaxnimada u taqaana,taasi ayaa keenaysa in aanan halkan kusoo qori-karin jawaab idin wada qancisa.

Hadii aan isku dayo anigu sida aan u aqaano cida Ilbaxa ah ama dadka loo yaqaano ilbaxa ,sifaha iyo aragtida ay leeyhiin,waxa aan u kala qaadayaa laba qaybood,mida hore waxa ay tahay Ilbaxnimada ku aroorta dhinaca Diimaha iyo Ilbaxnimada aasaaskeedu yahay hadba waxyabaha cusub ee dunida kusoo biira sida Computar ,Mobil,Diyaarad iyo Markab iwm.

Hadii aan wax yar oo kooban ka idhaado Ilbaxnimada ku asalka leh Diimaha Samaawiga ah gaar ahaan Diinta Islamka ,waxa aan isleeyahay waa Ilbaxnimada rasmiga ah ee aan isleeyahay waxa ay horseed u tahay dhamaan waxkasta oo Ilbaxnimo lagu sheego.

Ilbaxnimada Diintu,waxa ay kasoo farcantaa Allah oo isagu ah kan iska leh Dunidan aynu dhex mushaaxayno,waxkasta oo Allah ka yimada waa Ilbaxnimada iyo dariiqa saxa ah ee kuu tilmaamaaya noloshan Dunidu halkii ay hore ugasoo bilaaban tay iyo halka ay ku danbayndoonto .

Qofkasta oo ka madhan ama ka qatan aqoonta iyo garashada Diinta, waxa hubaala in ilbaxnimadiisu ay tahay mid aan geedkan gaadhsiisnayn,Diintuna waa warkii Ilahay oo inooga waramaya xaalkeenu halka uu ku danbayndoono,taasina waxa ay ku tusaysaa in ay Diintu tahay Ilbaxnimada rasmiga ah madamaa ay kuu sheegayso wax adan wali arkin balse xaqiiq ah oo dhici doona.

Marlabaad aan uso noqdo Ilbaxnimada qalabka iyo waxyabaha casriga ah ee maanta dunida yaala,dadbadan ayaa waxa ay u haystaan in Ilbaxnimadu ay tahay tignolojiyada iyo qalabkan maanta dunida dhex ceegaaga ee ay ka midka yihiin Kombutarada iyo dhamaan aaladkasta oo sida ay u shaqaynaysaa ay layaab tahay.

Balse in aanay taasi Ilbaxnimo ahayn ayaan ku tusayaa, hadii maanta aan Mobil qaadan waayo ama anaan lahaynba, isla markana aan joogo goob an markaasi aan loogaba baahnayn Mobil ,taas macnaheedu ma waxa ay tahay in aanan Ilbax ahayn, ama sida ay Somalidu u taqaano aan ahayn Badaw bawdyo gaagaaban.

Khasab maaha waxkasta oo aanan hore u arag garasha la'aantiisa in aan badaw ku noqdo ,hadda dhulka Miyiga ahba ,hadii aad tagto adiga oo ah nin reer magaala ilbaxnimo iyo xadaradna sheeganaaya ,waxa laga yabaa in aadan garan dhurta iyo geedaha dhulkaasi ku taala magacyadooda,markaas sow noqon maysid nin ama qof badaw ah mise reer magaalku badaw ma yeesho.

Hadaba waxa aan halkan idiinku hayaa dad yaw badan oo Aduunka ku dhaqan oo iyagu dhamaan faraha kala baxay waxkasta oo Tignolojiyad ah oo dunida laga isticmaalo,hadii ay tahay computar iyo hadii ay tahay Mobilba.

Dadka ku dhaqan magalo yar oo ku taala dal waynaha Shiinaha lana yidhaa Serter kuwaasi oo ah dadka isticmaala Diinta Budisanka, ayaa iyagu waxa ay go'aan sadeen in aanay marnaba la falgalin dunidan *jahawareerka ah, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dadkaasi dhamaantood ma yaqanaan mana qataan qalabkan aynu maanta hareerkasta iska dhignay,waxanay uba arkaan marka ay Diintooda ku cabireen ,in ay fiican tahay in ay dadku u noqdaan asaliyadoodii oo ah sida ay yidhaahdeen ,xiligii lagu noolaa kaymaha sida xayawaanka.

Waxa aan xasuustaa wakhti aad u fog,qoraal aan meel ka akhriyay oo ka hadlayay nin ka mida Madaxda waawayn ee Maraykanka gaar ahaana ku jiray golaha Odayasha ama aqalka Sanadka,ayaa waxa laga soo xigtay in uu yidhi waligay Mobil maan qaadan iminkana ma rabo in aan qaato ama aan isticmaalo.

Markii ninkaa odayga ah la waraystay sababta uu u qaadan waayay,ayaa waxa uu ku jawaabay ,jawaab aad u fudud balse macno badan laga dheehan karo oo ah "ma jecli in markasta lay helo" u fiirso jawaabtani waxa ay ku tusinaysaa in aanu ninkani rabin in xiliyadiisa u kala qorshaysan ama soocan in markasta la ogaado halka uu maraayo iyo meesha uu markaasi joogo.

Ninkaasi isaga ah ayaa waxa kaloo la waydiiyay sidaan xasuusto su'aal ah ; madamaa aad ka mid tahay odayasha iyo madaxda dalka aduunka ugu wayn,sidee ayaa laguu helayaa hadii aadan lahayn Mobil lagala soo xidhiidho ?

Waxa taasina ka bixiyay jawaab aad u waafi ah oo odhanaysa,waxa Gurigayga ii yaala talefoonka Dhahga oo uu markaasi uga jeedo gurugayga waxaa ku jira layn Telefoon,kaasi qofkii aniga dan iga lihi ha igala soo hadlo ama fariin haygu reebo.

Dad badan oo dunida ku dhaqan ayaa maanta Ilbaxnimada khalad ka fahamsan, *ma og-tahay in dadka qaar ay kuu malaynayaan in aadan ilbax ahayn hadiiba aadan dhagaysan Muusiga iyo heesaha .

Iyada oo aan dhagta lagaga duwayn wali ma lagu yidhi waxa aad tahay madaw maxruuf oo looga jeedo in aad waxooga la jaan qaadi wayday, xadaaradii iyo dhalanteedkii dadka qaar ay u haysteen Ilbaxnimada.

Dhalin yaradu wa kuwa u nugul ee inta badan qaata ama raaca jidadka jahil nimada,kuwaasi oo u arkaaya Ilbaxnimada iyo xadarada aduunka,dhalintu waa dadka kaliya ee uu la tago wiishka dhaqan habaabintu iyaga oo markaasi u arkaya in ay saaran yihiin doontii xadarada iyo ilbaxnimada.

Muddo iminka aan isleeyahay waxaa laga joogaa dhawr bilood oo qudha ,ayaa waxa aan qoraal aan saxaafada usoo gudbiyay kaga faalooday , wax aan ugu yeedhay ilbaxnimada dhalinta Yurub iyo badawnimada cawaanta Afrika.

Waxa aan qoralkaygaasi tusaale ugu soo qaatay,inan (wiil) dhalinyaro ah oo Yurubiyaan ah balse wajigiisa sida uu dhan yahay ku xardhay kuna sharaxay Biri iyo kilibyo yaryar oo sida fargalka ama kaatunka ah,kaasi oo xataa gaadhsiiyay Carabkiisa,dhagahiisana ku qotomiyay tiraba 20 xabbo oo qalabkaasi ah.

Waxa kaloo aan hadana qoraalka kusoo qaaatay aniga oo barbar dhigaaya wiilkaasi Ilbaxa ah ee reer Yurub ,gabadh u dhalatay dadka Cawaanta ah ee afrika,taasi oo iyana wajigeedi ku samaysay xaradh iyo liidad,Dibinteedii quruxda badnaynda ka dhigtay mid balaadhkeedu dherer leekaanaayo masafka ama bilaydhada aynu wax ku cuno.

Kadibna waxa aan iswaydiiyay anigu su'aal ah,Ilbaxnimadii Yurub iyo Cawaantii Afrika halkan ay isaga eekaadeen,waxaana si sahlan markiiba iisoo baxday jawaab odhanaysa,cidkasta oo Diinta Islaamku ay ka maqan tahay in aanay Ilbaxnimo lahayn waligeedna aanay yeelanayn.

Somalidu waxa aan anigu rumaysnahay in ay sidan ay hada tahay ay ka ilbaxsanay,wakhtiyadii ay dhulka miyiga ah ay joogtay,waayo waxa ay ahayd mid samaysata dhamaan agabka iyo alaabta ay u bahan tahay sida weelka wax lagu cuno,kan guriga looga baahan yahay iyo waliba iyada oo cuntada ay quudanayso iyadu Beerata.

Akhriste makula tahay in ilbaxnimadu ay tahay aalada casriga ah ee maanta aduunka kusoo biirtay,mase isleedahay fikirkaaga alaylahe malaha Ilbaxnimada iyo xadaaradu waa Diinta Samawagi ah ee uu Ilahay aduunka keenay gaar ahaan tan Islaamka,taasi oo kuu tilmaamaysa Nolosha Aduunka iyo mida ka danbaysa ee Aakhiro, iyada oo akhbaartasi oo dhana uu ku siinaayo Rabbi SW AHNA MID AAN LA BEENSAN KARIN.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment