SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Halkay iska shabahaan 82 xildhibaan ee Baarlamaanka Somaliland iyo Rakaabka Baska raaca ee ka kooban 25 kursi.

Waliigaa Bas ma raacday ? hadaad raacdayse maxaad kala kulantay ? ma jirtaa waxyaabo aad ka xasuusato hadii aad ka mid ahayd dad waynaha sida joogtada ah u isticmaala raacista Basaska u kala goosha magalooyinka gudahooda sida Hargaysa iwm.

Qofkasta oo inaga mida waxaa hubaala in uu noloshiisa hal mar Bas raacay,ama uu yahay ba mid ilaa hada aan malin kaliya aan ka degin ,waayo Basasku waa gadiidka ugu badan ee ay isticnalaan dadwaynahu yar iyo waynba.

Iyada oo aan ogsoonahay in magaalo kasta oo Hargaysa oo kala ahi ay leedahay Basas u kala goosha degmooyinka iyo xafadaha ay ka kooban tahay,hadana Hargaysa waxa aan si gar ah ugu xasuusta qaabkii iyo ilbaxnimadii ay dadku Baska gudahiisa ugu wada sheekaysan jireen.

Basasku inta badan, waxa ay u kala qaybsamaan laba qaybood oo kala ah, kuwo waawayn oo qaada dad tiradooda lagu qiyaasi karo 24-25 maraka lagu daro lacag ururiyaha iyo darawalka Baska iyo Basaska yaryar oo dadka ay qadaan aanay ka badnayn 11-12 qof .

Hadaba waxyaabaha ay Basaskaasi caanka ku yihiin ayaa waxaa ka mida,waa xarun barkulan sida tan Baarlamaanka oo kale ,waa goob ay dadwaynahu ku kala warqataan wakhtiga yar ee ay Baska wada saaran yihiin .

Baska gudahiisa dadka isugu yimadaa maaha kuwo kuwo ku kala gadisan nolosha iyo dabaqadeeda, waxaa dhici karta in ay Basaska soo racaan dad iyagu kasoo jeedaa dabaqadaha dhaqalaha haysta, taas awadeed ayaa hadana waxa ay dadkaasi ka kooban yihiin qaybaha kale ee ay bulshadu u kala baxdo sida sheekh ,shariif,dhalinyaro,caruur,dumar,odayaal,waxgarad .

Hadaba magalada Hargaysa ayaa waxa ay ka mid tahay magalooyinka ugu badan ee aadka looga isticmaalo gadiidkasi ama Baaburtaasi Basaska ,waxaanay ukala gooshaan dagmooyinbka iyo suuqyada magalada Hargaysa .

Madaama aynu soo sheegnay in Baabuurtaasi Basasku ay ka mid yihiin goobaha ay dadku ku kala warqataan kagana sheekaystaan hadba waxyabaha markaasi magalada ay ku nool yihiin ku cusub, ayaa Hargaysana waxa ay si gaar ah uga mid tahay , magalooyinka sida aadka ah Sheekada Basku ay u tahay mid xaladeeda leh, way adag tahay in aad Hargaysa Basas keeda mid ka mida aad soo raacdo ,hadana aad ka dhex waydo sheeko markaasi ku farax galisa.

Basasku waxa ay leeyhiin ,dhaqan iyo caadana u ah, sheeko aad u xamaasad badan doodeeduna ay aad u xiisa badan tahay ,balse aan la garanayn cid bilawday markii hore isla markaana aanay jirin cid soo gunaanadaysa oo shir-gudoon ka ah .

Waxaa dhici karta in sheekada qofkii curiyay uu marhore Baska ka dhaadhacay,balse sida qori-isu-dhiibka,hadba kooxdii soo gaadhaa ay halkii kasii anbaqaado,taasina waa sababta keentay in la waayo cid soo gunanada ama shirgudoon ka ah.

Sida aynu soo sheegnay lama yaqaano cid sheekada bilawday,hadii aad nasiib u hesho in aad soo raacdo Bas Hargaysa gudaheeda u kala safraaya ,ku talagal in aad ka qayb qaadato sheekoyinka halaasiga ah ee ka dhex socda Baarlamaanka Baska gudahiisa ka samaysan,kana dhadhac adiga oo kalmadaada ama odhaahdaada tuurtay.

Waxba ha ka murugoonin ,adiga oo sheekada Baska ka dhex socota jeclaysanaya qaabka iyo hanaanka aadka u fiican ee ay u socoto iyo sida gacaltooyada iyo farxada leh la isugu dhiib dhibaayo,hadii Kirishboyga Basku ku xasuusiyo halkii aad ku dhaadhici layad.

Tas waxabanad uga murugoonin ma jirto mana dhacayso in wax go'an ah laga soo saraa,sheekadii iyo halku dhicii maanta oo dhan lasoo hadal hayay,waxana sabab u ah markaliya ma buuxsamaayo kooramka ama kuraasta Basku,Gudoomiyahuna hadii uu dadka ka codsan lahaa in aan Baska laga dhaadhicin ilaa sheekada lasoo hadal qaaday go'aan laga gaadhaayo ,waanay u suura galayn waayo isaga Baska oo buuxsamaa kadibna dadku halmeel kaga wada dhaadhaco waxa uga fiican in markasta dadku iswaydaarto.

Ma jiro qof ku odhanaya Baska ha ka dhaadhicin inta aynu sheekada soo gunaanadayno,qofkastaaba halkii uu u baahnaa marka lasoo gaadho ayuu iska dhaadhacayaa,balse sheekadii waxa ay marba Xalad sii yeelanaysaa markaya hadana Baskii soo racaan rakaab cusub oo halkii ay sheekadu maraysay kasii anba-qaada.

Inta badan sheekadaasi waxaa gadhwadeen ka ah dumarka gaar ahaan Hooyoyinka iyo Ayeeyo yinka Baska soo raaca,waxa iyaguna guurti ka ah Odayasha iyo dhalinyarada aqoonyahanka ah,waxaa wax lala yaabo ah iyada oo Doodaasi Baska ka socota ay u dhaxayso dhamaan dadka kooban Bulshada qaybnaheeda kala gadisan ee Baska soo racday.

Sheekadaasi Baska gudahiisa lagu soo hadal qaaday qofkastaba sida ay la tahay ayuu uga sheekeeyaa,way adag tahay in la is dhagaysto ,mararka qaarna xataa laba kasta oo is dhinac fadhiya ayaa doodu si gaar ah uga dhex bilaabantaa.

Doodaasi iyada ahi ma kala laha rag iyo dumar mana kala laga nin wayn iyo nin yar,sheekh iyo shariif waa dood ka dhaxaysa qofkasta oo hadli karo ,waxyabaha iyaguna layaabka ku ah doodaasi ayaa waxa ka mida in adiga oo ka mida doodayasha kuwii ugu fiicnaa in hadana Baskii ama Babuurkii uu soo gaadho goobtii aad u baahnayd in aad kaga degto,kadibna adiga oo aan doodaadi soo afjarin ayaad Baskii ka degaysaa dadkiina waxa aad leedahay saamaxnaakum.

Darawalka Basku isaga laftiisu mararka qaar ayuu ka qayb galaa,balse taasi waxa ay keentaa in dadka Baska saarani ay ka codsadaan in uu dooda isaga baxo madama uu yahay ninkii dadkan oo dhan masuulka ka ah,taasi oo ay uga jeedaan hadii uu Wadaha Basku dooda iyo qaylada uu ka qab galo in uu dhibaato gaadhsiin karo dad waynaha uu masuulka ka yahay.

Ninka yar ee isagu Lacag ururiyaha ahi inta badan door kuma yeesho doodaasi aan go'amada laga gaadhin, markasta waxa uu mashquul ku yahay ururinta Lacagta ,waayo isaga waxaa u taala hubinta iyo ka warhaynta dadka degaaya iyo kuwa soo koraaya ,taasina waxaa u raaca isaga oo markasta u baaqaaya Darawalka si uu ugu joojiya dadka degaaya iyo kuwa soo koraaya.

Dood kasta oo Bas ka dhex abuurantaa waxa ay soo afjarantaa ,marka uu Basku istaago xaruntii u danbaysay ee uu safarkiisu ku dhamaanayay,halkaasina waxaa ku dhamaada dood aan waligeed joogsan isla markana aan waligeed go'aan iyo waxtartoona aan laga gaadhin.

Darawalka Basku marnaba xaq uma laha in uu dadka Baskiisa raacayaa uu la xisaabtamo,sababta oo ah hadii oo noqdo mid la xisaab tama markasta dadka Baskiisa soo raaca taasi waxa ay ka xumaynaysaa danahiisa garka ah.

Ma jirto dadka Baska soo raacaaya cid Baska soo saartay ama kula talisay in ay Baskaasi racaan ,balse qofkastaaba waxa uu Baska usoo raacay dantiisa gaarka ah,qofna qofkale la dan maaha,walibana qofna kama warhayo qofka kale meel uu Baska kaga dhadhacaayo,rakaabka Basku waa ujeedo badan.

Qofkastaba xiliga uu doono ayuu Baska soo fuulaa,ma jirto saacad iyo wakhti u go'an oo ku khasbaysa in uu qofkaasi Baska suu fuulo,hadana iyada oo ay sidaasi tahay qofku halka uu doonaayo ayuu kaga degaa,xataa hadii uu talabooyin ninka Baska wadaa uu qofka dhaafiyo halku ka codsaday in loo joojiyo,waxa halkaasi ka dhasha buuq iyo is-fahamaa.

Malaha awooda Baska ninka markaasi wadaha ka ahi,taas waxa ad ku garanaysaa hadii uu wadaha Basku uu Rikoodhka Baska uu kaga dhawaajiyo cajalad aanay markaasi dadku rakaabka ahi aanay rabin,waxa ay markaaba si degdeg ah ay uga codsadaan in uu bakhtiiyo,taasina waa uu yeelaa waayo dantiisa gaarka ah ayaa ku jirta.

Waxa aad isaga qiyaas qadataa Baarlamaanka Somaliland oo ka kooban 82 xubnood,kuwaasi oo kursiga Barlamaanka ku fadhiyay muddo ku dhawaad 12 sanno hadana iyada oo ay sidaasi tahay,ilaa hada ma jirto waxyaabo la taaban karo oo ay kusoo kordhiyeen Somaliland marka laga tago haykalka iyo humaaga guud ee barlamaanimo.

Ma jecli in aan faahfaahin intaasi ka balaadhan aan ka bixiyo Baarlamaanka Somaliland, balse waxa aan isaga qiyaas qaatay 25 Kursi ee Baska iyo 82 Xildhibaan in aanay jirin wax ay ku kala duwanyihiin ,adiga ayay akhriste ku jirtaa sida aad isu qabad siinayso Baska iyo Baarlamaanka Somaliland .
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

Twitter @khadar_aar

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment