SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Nin la yidhaa Awees oo Xamar ka tagay iyo Hargaysa maxaa kala qabsaday.

Tilifoon baa kusoo dhacay Muuse :-"Hallaw….Waxaa hadlay Shiiq Dheerow Abuukar Casharow. "…Muusaa, see tahay wiilkeey? Yariiskii oo Awees ahaa aa soo bexeey; Minankaa uu kusoo fool leeye... waw cabsahaa, wiilkey ka war haay, Soomaali waxaay dhahdaa ‘Lamma Kala Baridi, Kala War Laay; Luuq-luuq Maroow, Laazim Laamigaas Kusoo Dhacaa. Canugaas wax uu suubihaay ma le, adiga lee adoogiis ah. Lehh! lafihiis aa bursahaayo, abootadiis saa lee jirrantay; sookoroow aa ebber ka dhigay canugeey… wa ku salaamoosaa.

Awees Hargaysa ayuu yimi ,kadibna Aqalkii buu yimi duhurkii, wuxuuna degay qol loosii diyaariyay. Cabbaar kadib, waa kanoo wuxuu ku jiraa madbakhii reerka oo wuu heesayaa Awees waxa uu mashquul ku yahay calal yaruu maydhanaayo,waanu heesayaa kulahaa "Abbaaboo, abbaaboo… warkaasaa u bogaa aniga… abbaaboo, abbaaboo… waa buuwaa, badaan galaa… bacda dhuuqsoo, bacdaa dhuuqsoo, bacdaa dhuuqsoo…… baalweeynta yaan laga boojeenin… bacda dhuuqso, bacdaa dhuuqsoo….

Dumarkii guriga joogay ayaa arkay Awees "Hajjaaaay, waar waa ku sidee. Sawka taydhii yaraydoo dhanba ku walla afrogtay ! Bal kaalay hadda, halkan daarada ku maydhoo ;Waar madbakha saabuunta kala soo bax dee, huuno; cunnaa taalee.

Awees kulahaa "Xaa waaye, abaay! Sigsaan aa dhaqan rabay noo, intanaaysaga qubeysahooyaa kastuunadaan… iyo waxaan yariiskoo xunka. Dhib maa jiro, wax maa haleeyay?

dadkii guriga "Yaaah! Naa Ugbaadeeey, soo carar…

gabadh kale oo guriga joogta "Alla badhaadhay, waa ayyo shaamboo xayraankanna?

"Mooji, waa addoogaa dee…

"Yaasiinka !

Awees "Baahi aa i heeyso, dooro maa tiisho? Way is eegeen labadii dumar ahaa iyagoo yaaban. "Hayy, waa hilmaamay. Wa gaasheeysnahay nooh; canjeero maa helaay. Xaa waaye, ma arkin miyaa anoo saa lee u-dhahaayo".

Intay kalyaha qabsatay cadho, bay tiiyo huruufaysa Ugbaad tidhi: "Maxaa la dooranayaa baas. Meesha ma maqaaxibuu wuxu u haystaa toloow". Waxaa kadaba hadlay Muuse kiiyoo qoslaaya oo yidhi, "Naa wax uu cuno u keen inanka…. digaagad buu ka wadaaye.

"Wadh-waaadh, waar baasto dallac ah jaggac makuusoo siiyaa habaryar, mise waad kasii dayn. Digaagad kulahaa, halkuu digaagadahana ku cunay !

Waxyar dabadeed…

Muusaa xaga dibadda u kacay. Kadibna Awees baa damcay inuu lasii sheekaysto Ugbaad oo ku yidhi: "Habarrteey, abkaaw saa xannuunsan qamiistii la duugay, meeqa bari aa hareeyso?

Ugbaad"Hadhayy! Ma anuu habarr igu leeyahay cirfiidku ! "Waar waxaan ku idhi, waxaan ku idhi…. odaygii… odaygii…… ka haadday! Khalaaas, wuu ku daayay. Waxay dhibtaba…….. fenesh ! [Sidii qof dhagoole ah bay faraha saydhsaydhasaa tiiyoo qaylinaysa, oo gacmahay kala hadlaysaa]. Aweeysna wuu fajacsan yahay, oo wax Alliyo waxay leeday habaryartii ma garan.

Markaluu is dhaafiyoo, haddana wuxuu Awees yidhi: "Fiiri, cidii oo minanka shoogtey maa jiifteen. Sunqarr… wax, ma lahan.

Ugbaad "Naa yaa muslinoo malag-loo-keenkan iga afgarta dee, haddaba!

Wayska dhaqaajisay oo waxay u kacday xagaa iyo dheri dabka u saarnaa, tiiyo xanaaqsan. Goor dambe ayaa tilifoonkii gacantee Awees soo dhacay, kadibna wuu qabtay.

"Axmadeey, warraa saxiboow qeer sheeg, nabbadaada. Inta lee Hargeesa imaaday…. Banooni maa dheelaysaa? Ma kasaayi… Naga dhaaf noo, saa u shactarro badan tihiin adinke.

"Ba’nnayy. Naa wuxu muxuu yidhi !!!

Cabbaar kadib…

Awees: Habarrteey, cusbo ii qiriir?
Habaryartii Ugbaad: Waar i weydaaro, lagu qaadye…
Xigasho .arooryo-baxsan.blogspot.se


No comments:

Post a Comment