SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ha galin siyaasada hadii aadan rabin in lagu ceebeeyo.

Madoonaysaa in aad siyaasi noqoto ? haa waan doonayaa ,wakhti iyo dhaqale aad u badana waa aan ku lumiyay sidii aan siyaasi u noqon lahaa, hadii ay jawaabtaadu tahay haaaaa ,ku talagal waxaa ku sugaysa in laguu bixiyo magacyo aadan hore u lahaan jirin sida ; Tuug,khaayin,beenaale, kurubshan, laaluushqaate iwm.

Hadaba magacyadan aadka u wada foosha xun mataqaanaa cida kuu bixinaysa?haaaaaa waan aqanaa waa dadka aniga i necbaa! maaha ha qaldamin siyaasi,dadkan magacyada shaydaan kuu bixinayaa waa kuwii dadka kuugu jeclaa,lagana yaaba in xiligii aad xilka doonaysay in ay ku garab taagnaayeen.

Waxa kaloo iyaguna ku sugaaya isla markana ka qayb qaadanaaya ceebayntaada siyasiyiintii ku fashilmay shaqada siyasada oo ay kow ka yihiin kuwii laga qaaday kursigan adiga hada laguu dhiibay,waayo iyaga horaa loo soo caayay.

Tan iyo maalinta laguu magacaabo xilka siyasada,marnaba ha filin in geed hadhqabaw laguu goglo,sababta oo ah, nin xilqaaday eed qaad,hadii waxkale laguu gaysan waayana, waxaaba ceeb kuugu fulin, ilayn qof bini'aadmiya ayaad tahay ,wixii aad ceeb hore usoo samaysay oo dad waynaha losoo bandhigo.

Qofkasta oo inaga mida xiliga uu siyasada ku cusub yahay,waxaa dhici karta in uu ka fikiraayo in ay siyasadu ay tahay in hadh-qodaal qaboow la isu goglaayo, balse maaha ,waanay ka fogtahay qofkastaaba sida uu filaayo.

Somalina waabay ka xig jirtaa,waxa lagugu ceebaynayaa qabiilkaaga,waxkasta oo aad qabato waxaa loo badalayaa waxyeelo, waxa aad noqonaysaa tuug canbaarle,waxa ku caydh-sanaaya cidkasta oo cadaw kuu aragta sax iyo khaladba.

Hadaad doonayso in aan waxba laga sheegin hasoo faragashan siyasada iyo masraxyadeeda,taas ugama jeedo in umadu aanay yeelan dad siyasiyiin ah oo arimaheeda u jan gooya,lakiin waxaan talo guud siinayaa raga moodaya in Roogan cas ee madaxda diyaradaha loo hoos dhigaa in uu yahay, mid uu kalgacal ku dheehan yahay.

Waxa aad siyasada soo galaysaa adiga oo nadiifa,waxa aad al-baabka siyasada gudaha usoo galysaa adiga oo faraxsan oo qoslaya,waxa madax laga dhigayaa iyada oo qabiilka iyo reerka aad ka dhalatay ay dhamaantood kugu wada faraxsan yihiin magacaabistaada,laguuna wada mashxaradaayo.

Maalmaha u horeeya ee Siyasada waxa aad mashquul ku noqonaysaa ,baratakoolka iyo habka ay u socdaan madaxdu,waxa aad ku foognanaysaa tolashada dharka ay madaxdu ku labistaan ee uu ka mid yahay suudka oo aynu wayadan danbe aad u jeclaanay.

Waxa aad siyasada galaysaa adiga oo ahaa nin go'aamo leh,kuna ad adag go'amadiisa uu soo jeediyo,balse waxa aad wakhtiyar ka bacdi waxa aad arkaysaa adiga oo aan lahayn wax talo ah,go'amadaada iyo ujeedoyinkagana ay jaan goynayaan cidkasta oo markaasi ka awood wayni.

Waxaa lagu dhiibayaa xafiisyo ay taladooda leeyihiin dadyaw aadan markii hore aqoon buuxda u lahayn, balse markii aad siyasada soo guda gashay iskaa tusay,kuwaasi oo inta badan qalinka iyo warqada aad wax ku qorayso iyagu isu kaa korhayndoona, kadibna kuu yeedhinaaya danta ay iyagu kaa leeyhiin,waana dawladaha aduunka.

Hadii aad tahay siyaasi cusub,waxa aad mararka hore la kulmaysaa caqabado iyo culaysyo aadan qaadi karayn,kuwaasi ayaa waxa ay mararka qaar kugu kalifayaan in ay cadhadaadu badato,balse siyaasi kasta oo cusubi ayaamaha hore waxa uu badsadaa kiniinka madax xanuunka dajiya.

Cida ugu horaysa ee marka aad siyasada gasho kuu hor nacdaysaa maha kuwii nacabkaaga ahaa,balse waa kuwa kuu xiga qabiil ahaan ama saxiibadaadii kuugu dha-dhawaa,kuwaasi oo markii hore kuu sacaba tumayay, balse hadda xaalku waa uu is badalay.

Waxaa ninkasta oo magac iyo mamuus lagu yaqaanay, macna tiri dabinada iyo shirqoolada ka socda madasha siyasada ee uu ka midka yahay,taasina waxa ay keentaa in uu la qabsado kadibna uu ku danbeeyo kuwa wax loo yeedhiyo.

Siyaasi kasta oo siyasada ku cusubi, marka hore waxa uu dadka iyo dalkaba u sheegaa in uu wax qabanaayo,hadiiba se ay runtii tahay niyad wanaagna uu shaqada siyasada ku galay,aakhirka waxa uu arkaa in talada iyo tamarta uu leeyahay aanay shaqayn.

Dadka shacbiga ahi waxa ay kuu arkaan libaax ,wayo waxa ay markasta ku arkaan adiga oo Babuurkaaga daqada lagaa furaayo, laba askarina hareeraha ka taagan yihiin,balse madaxda iyo cida ku magacawday waxa aad u tahay badhiwale iyo nin hadba shaqo loo dirto amarkana aan diidin.

Siyaasadu maaha mid lagu raaxaysto,siyasadu waa soo jeed iyo hurda-la'aan joogta ah,waxa dhici karta in uu ninka siyasiga ahi uu dayaco gurigiisa iyo caruurtiisa,isaga oo ka door bidaaya in uu fikirkiisa iyo maskaxdiisa galiyo sidii uu dadka ,diinta iyo dalkaba wax ugu qaban lahaa.

Siyaasi kasta waxa uu markasta ka fikiraa una muuqda waxyaabo badan oo ay fiicnaan lahayd in uu dadkiisa iyo dalkiisa u qabto,balse taasi waxa ay aakhirka ku danbaysaa riyo iyada oo lasoo jeedo lagu riyooday,taas macnaheedu maha in uu wax qaban waayay ,balse waxaaba dhici karta in maamulka uu ka tirsan yahayba aanu ogolayn in wax la qabto.

Waxa aad aragteen in badan iyada oo rag badan oo siyasiyiina, marka ay waftiyo dibadaha ugu baxayaan loo goglo Rooga cas,taas macnaheedu maaha in dadka kuu goglayaa ay ku jecel yihiin,lakiin waa siyasada iyo siraheeda.

Hadaad doonayso in aad noqoto siyaasi ay dadku hadal hayaan , waxa aad ka mid noqotaa siyasiyiinta xisbiyada Mucaaradka ah,balse hadii aad jeceshahay in aad ka mid noqoto siyasiyiinka kasoo jeeda xisbiga Muxaafidka ah kana sheekaysana horumar iyo wax qabad, ku tala gal in aanay dadku aad kuu hadal haynayn.

Hadaba maxaa inaga qaldan ,ma siyasada aya inaga qaldan oo aynaan faham sanayn mise siyasiga ayaa siyasada qaldaaya ,waxa aynu u baahanahay in aynu wax badan ka baaran degno si aynu inaga lafteenu u kala garano siyaasiga fiican iyo kan xun ee beenalaha ah.

Waxaa ila fiican in ninka siyasiga ah aynu ku qiimayno wax qabadkiisa, ee aynaan ku qiimayn aftahanadiisa, Ilahay waxa aan ka baryayaa in uu tawfiiqda ina waafajiyo markastana uu inoo dooro kuwa dalka iyo dadka wax u qabanaaya.

W/Q.Khadar Aar.

 

No comments:

Post a Comment