SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ninkii Caalimka caayay iyo cuqubadii uu la kulmay!!

Dad badan oo waxaa jira Culimada inoo haysa Diinta afka ku taaga kuna gardarooda,taasina waxa ay leedahay dhibteeda iyo waliba khatar badan ,Culimada aan sheegaya waxa ay yihiin kuwa sida saxa ah Diinta inagu soo gaadhsiiya.

Nin ayaa waxaa wakhti wakhtiyada ka mida looga taagwayay cayda nin sheekha oo caalim ah ,dadkuna ay u yaqanaan in uu yahay ninka kaliya ee Diinta Ilahay dadka deegaanka bara,una sheega waxa xun iyo waxa wanaagsan.

Sheekhii isaga ahaa nin kii waxa uu wayay geed uu ka hadhsado,markasta iyo xilikastaba waxa loo keenaa war odhanaaya sheekh ninkan maad haabaartid ha kaa hadhee,balse sheekhii mana habaarin ee Ilahay ayuu u baryay in ninkan iyo isaga uu kala badbaadiyo.

Ninkii Sheekha caayi jiray barigii danbe waa uu xanuun saday,waxaana ku dhacay xanuun loo maaro waayay oo uu dhakhtarkasta ula tagay,kadibna waxa uu noqday nin dhul yaal ah oo uu xanuunku daashaday.

Muddo markii uu sidii ahaa,ayaa dadkii deegaanka daganaa qaar ka mida ayaa ninkii xanuusanayay waxa ay ku yidhaahdeen,waar maad sheekha inta aad u tagto aad kasoo ducaysatid Qardhaasna maad kasoo qoratid ,waxaa laga yaaba wadigii sheekha caayi jiree in dhankiisa wax kaaga yimadeen.

Ninkii inta garbaha la qabtay ayaa waxa loo geeyay Sheekhii oo Masaajidkiisa iska fadhiya,kadibna inta uu la hadlay ayaa waxa uu ku yidhi ninkuu bukaanka ahaa,Sheekhow waxaan u malaynayaa in barigii wax igaga kaa duleen ee Qardhaas ii dhig.

Sheekhii madamaa uu ahaa nin Ilahay cilmi siiyay,muu odhanin orodoo iga tag waxba Qardhaas kuu dhigi mayee,waxa uu aayar oo dhalaytay u qoray Qardhaas,kadibna waxa uu ku yidhi halkaasi dhundhunka gacanta ku xidho.

Ninkii markii uu Qardhaastii xidhay,ayaa xanuunkuu ka yaraaday waxaana la odhan karaa waxa uu ku dhawaaday heer uu Bogsaday,muddo ka bacdi ayaa ninkii xanuusanayay oo Cudurkii ka caafimaaday ayaa waxa uu is yidhi bal Qardhaastan aad ku caafimaday maad eegtid waxan uu sheekhu kuugu qoray.

Markii uu Qardhaastii furay ayaa waxa uu ku arkay waraaq ku dhexjirta oo ay ku qoran yahay "Abaha iyo Inantiinaba la jannee wax aad i caydaba ma iga maarmi wayday" ninkii inta uu yaabay ayaa uu isla hadlay oo waxa uu yidhi " waar malaha caydan warqada ku qoran kumaad bogsane waxkale ayaa jira".

Inkastoonan qoraalkaygan aanan kaga hadlay Qardhaasta iyo sida uu ninkii ugu daawoobay ,hadana culimada badankooduna waxa ay isku waafaqsanyihiin in Qardhaasta oo Quraan lagu qoraa aanay banaanayn in qof jidhkiisa meel ka mida loogu xidho,sababta oo ah qofkaasi markasta oo uu Suuliga ama meel la mida uu tagaayo waxaa suura gala in uu sito oo aanu iska furin Qardhaasta.

Balse muhiimada qoraalkaygu waxa ay tahay in aan lagu degdegin wax ka sheega Culimada Wanaagsan ee wacdiga iyo waanada inoo soo jeediya,taasi oo hadii aynu caadaysano ay inooga iman karto dhibaato aynaan kasoo waaqsan.

W/Q.Khadar Aar

No comments:

Post a Comment