SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xigmaddii Shimbirka.

Nin ugaadhsato ah ayaa jiray oo deggenaa tuulo yar oo u dhow meel kayn ah. Ugaadhsadahu maalin kasta waxa uu tagi jiray kaynta oo waxa uu soo ugaadhsan jiray xayawaanada kala duwan ee kaynta ku nool.

Maalin ayaa waxa uu soo qabsaday shinbir aad u yar. Shinbirku waxa uu ahaa mid aad u qurux badan. Ninkii waxa uu ku tala galay in uu shinbirka suuqa u iib geeyo maadaama aanu kan qalan karayn oo cuntana aanu u noqoneyn. Ninkii qasaf uu sitay ayuu ku riday shinbirkii, waxaanu la qabtay xaggii tuulada.

Kolkii uu ninkii u dhaqaaqay xagga tuulada ayuu shimbirkii la hadlay ninkii oo uu ku yidhi, "waar nin yahow waxaan ka baryayaa in aad iska kay fasaxdo oo aad xornimadaydii ii soo celiso, sababta oo ah sida aad caruurtaada quudka ay cunaan ugu soo raadisay ayaan anna dhalahayga yaryar aan quud ugu soo raadiyay.

Fadlan waxaan kaa codsanayaa in aad iska kay fasaxdo." Ninkii ugaadhsadaha ahaa ayaa yidhi, "xaasha, haka yaabin in aan ku sii daayo. Wax kaleba ma anigaa haya oo aan ku sii daayo!" Shimbirkii ayaa haddana yidhi, "ninyoow haddii aadan iska kay sii deynayn waxaan ku siinayaa wax aan isku furto oo aad igu sii dayso.

Waana seddex xigmadood oo aad ka faa’iidi doonto, ee ma ogoshahay in aan isku furto?" Ninkii oo yaabban ayaa yidhi, "haa, ee bal soo daa xigmadaha aad hayso". Shimbirkii ayaa yidhi, "laakiin seddexda xigmadood midkood waxaan kuu sheegayaa anoo qafaska u jira.

Ta labaad na waxa aan ku sheegayaa marka aad qafaska iga soo saarto ee aad gacantaada igu qabato. Ta saddexaad iyana waxaan kuu sheegayaa marka aad i sii dayso ee aan geedkaas dul fuulo"! Ninkiina heshiiskii waa ka oggolaaday.

Shimbirkii ayaa hadlay oo bilaabay inuu u sheego xigmaddii koowaad oo yidhi, "xigmadda koowaad waxa weeye, waligaa waa inaad ilaalisaa waxa gacantaada ku jira." Ka dib ninkii shimbirkii waa u ka soo saaray qasafkii ka dibna gacantiisa ayuu ku qabtay. Shinbirkii ayaa haddana yidhi, "xigmadda labaad na waa in aadan waligaa u murugoonin wax kaa taagay".

Sidii ay ballantu ahayd ninkii shinbirkii farahuu ka qaaday oo waa uu sii daayay. Shinbirkiina duul oo dusha uga bax geed halkeer ah, ninkiina yidhi, "soo daa xigmadda saddexaad waanigaa ku fasaxee."

Shimbirkii ayaa yidhi, "oggoli oo waan ku siisanayaa xigmadda saddexaad balse intaanan kuu sheegin xigmadda saddexaad, waxaa kale oo aan kuu sheegi lahaa , in gudaha jidhkayga ay ku jirto qayb yar oo dahab ahi. Xigmadda saddexaad na aan kuugu daree, waligaa wax walba oo laguu sheegi ha rumeysan!"

"Dahaba! Intaas markuu maqlay ayuu ninkii cadho iyo is ciil kaambi bilaabay. Wuu calaacalay. Marna wuu isqoomeeyay. Isagoo dibinta ruugaya ayuu ninkii ku, "aheey ah, waar ma dahab ayaa maanta gacantayda soo galay oo sahalkaa igu dhaafay?"

Shinbirkii ayaa ninkii oo murugo la tiicaya ku yidhi, "sheekhoow shayddaanka iska naar oo i dhegeyso. Saddex xigmadood ayaan ku siiyay laakiin se midkood na kumaad dhaqmin. Waxaan ku idhi, ‘waan inaad ilaalisaa waxa gacantaada ku jira’, balse maad ilaalin oo anaa gacantaada ku jiray waanad isii daysay.

Xigmaddii labaad na waxay ahayd, ‘in aadan waligaa u murugoon wax kaa tegay’ taasna maad fulin oo waa digaa ka murugeysan sii deyntii aad i sii daysay. Tii saddexaad ee ahayd ‘waligaa ha rumeysan wax walba oo laguu sheego’, iyana maan fulin oo waa adigaa rumeystay in gudaha jidhkayga ay qayb dahab ahi ku jirto. Waana beentay oo jidhkaygu dahabba shaqo kuma laha. Kolkaas ogow wuxu gadhku kaaga soo baxay waa doqonniimo aan daawo lahayn.

Haddaba akhristahayga sharafta lahoow, halkaa waxa aynnu ka fahmeynaa in badanaa aynnu maqalno ereyo dhaxal gal ah oo haddii aynnu ku dhaqmi lahayn ina anfici lahaa, balse aynnaan badankeenniu ka faa’iideysan oo sahal inagu dhaafa. Waligaa dhugo xigmada oo dhaqanna ka yeelo si ay kuu anfacaan.

Ogow xigmadda ugu weyn ee inala dariska ahi waxa ay ku jirtaa kutubka uu Alle inoo soo dejiyay ee Qur’aanka Kariimka ah. Fadlan baro oo ku dhaqan. Ugu danbeyn xafid waxaad haysato. Ha u murugoon wax ka taagay waayo calaf kumaad lahayn. Ha rumeysan wax walba oo aad maqasho oo aan ka ahayn Hadalka Alle iyo Hadalka Rasuulka SCW.

.اللهم اجعلنا ممن يسمعون القول ، فيتبعون أحسنه . .

Sayid Maxamed Darwiishka

No comments:

Post a Comment