SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qofkastaaba waxa uu kugu arkay, ayuunbuu ku moodaa !!

Garashada iyo caqliga waa aynu ku kala wada duwanahay,qofkasta oo inaga mida faham iyo maskax isaga u gaar ah oo aanay cidina la wadaagin ayaa ku jirta,taasina waxa ay keenaysaa in qofkastaa uu wax ku qiimeeyo sida uu u arko.

Qofkastaaba qofka kale inta uu yaqaano ayuunbuu ka sheegi karaa,inkasto Somalidu ay inta badan caado ka dhigato in ay qofka walaalkooda ka sheegaan wax aanay ku aqoon,taasna waxa sababaaya baryahan danbe oo aad moodo in uu Xasandku inagu badan yahay.

Qofkasta inta uu ku yaqaano ayuu kugu qiimeeyaa, isla markana waxa uu kugu arkay ayuunbuu kugu sheegaa,taasina waxaa laga yaaba in aanay saxba ahayn,waayo qofka bini-admiga ahi waxa uu markasta galaa duruufo kala wada gadisan.

Hadii uu ku arko adoo fadhiya ,waxa uu ku odhanayaa isla markana uu kugu sheegayaa kuguna qiimaynayaa in aad tahay nin fadhi badan,waxaana suura gal ah in laguugu yeedhi ama lagugu dacayadeeyo kii fadhiga badna.

Hadii uu ku arko adiga oo ordaaya oo markaliya aan fadhiisan,waxa uu kugu qiimaynaya in aad tahay nin orad iyo socod badan ,waxaana laga yaaba in laguu bixiyo naanays aad ku mutaysatay oo kaliya socodkaasi lagugu arkay,kadibna laguugu yeedhi Cag-madhige iwm.

Hadii lagu arko markasta adiga oo shaqaynaaya ,mashquulna ku ah dantaada ,waxaa dhici karta in laguu arko in aad tahay nin shaqo badan oo madaale ah,taasina waxaa laga yabaa in aad amaan iyo boogaadin aad kala kulanto bulshada dhexdeeda.

Hadii ay ku arkaan adoo Horda waxa dhici karta in ay kugu qiimeyaan in ad tahay nin Hurdo badan,sababta oo ah waxaa laga yabaa in ay halmar ama ayaamo kooban ku arkeen adiga oo Hurda ama jiifa, taasina waxaad ku kasbankartaa in naanays iyo ceebi kaa raacdo laguguna magac daro Hurdaaye.

Hadii ay ku arkaan adiga oo faraxsan,lagabana yaabo in ay si kadisa uun kuula kulmeen adiga oo markaasi duruuf farxadeed ku jira qosolna kuu dheer yahay ,waxaa laga yabaa in ay dadkaasi wakhtigaasi ku bartay ama kula kulmay ay kuu yaqanaan ama kuugu soo hagaagaan in aad tahay nin farxaana markasta.

Hadii ay ku arkaan adiga oo Cadhaysan isla markana ay dhici kartaba in xaalada aad markaasi ku sogan tahay ay tahay mid cadhada keentay ,waxaa laga yabaa in ay kugu shaanbadeeyaan in aad tahay nin had iyo goor cadho badan.

Hadii ay kula kulmaan adiga oo wakhti xiliyada kamida qof wax siinaaya,waxaa laga yabaa in dadkaasi xiligaasi sida kadisada ah kuula kulmay in ay kuu aqoon sadaan in aad tahay nin deeqsiya oo dadka wax siiya.

Hadii ay wakhtiyar si lama filaana ay kuula kulmaan adiga oo qof wax ku waydiistay u diidaaya,calashaan jeebadaada oo markaasi madhan , waxaa suura gala,in garasho darro awadeed ayaa kuu aqoon sadaan in aad tahay nin bakhayla oo aan dadka wax tarin.

Balse waxayaabahaasi oo dhami maaha kuwa ka turjumaaya dhaqankaaga iyo dabeecadaada aad sida saxa ah iskaga leedahay,balse waa wakhtiyo iyo xiliyo kala wadagadis oo qofkastaaba uu mid kamida kula kulmay.

Hadii aad istidhaado Iska dhex daawo sida aad u eegtahay ,Biyo soconaaya oo aan markaasi taagnayn, way adag tahay in sida Muraayada aad isaga dhex aragto ,waayo waa ay socdaan oo maaha kuwo meel fadhiya oo taagan.

Way dag tahay in dadka qaar hadii layidhaado,bal hab-dhaqan kaaga wax nooga sheeg,waxaa dhici karta in dadka qaar aanay iska bixin karin warbixin sax ah,taasina waxa keenaaya in qofka laftiisu aanu aqoon durugsan isu lahayn ,balse dadka sida fiican u yaqanaa in ay sharaxi karaan qofka aad tahay.

Hadii aad soo dul istaagto Biyo meel fadhiya oo aan dhinacna u socon,kadibna aad damacdo in aay sida muraayada ama sawirka aad iska dhex aragto,waxaa xaqiiqa in aad arkayso muqaalkaagii oo sax ah.

Waxa aad gasho iyo sida ay dabeecadaadu ay tahay qofka kaliya ee ka warami karaa wa saxiibkaa oo muddo aad u badan aad soo wada noolaydeen,balse qof adoo meel fadhiya ku arkay kadibna kugu tilmaamay mid fadhi badan,ama adoo shaqaynaya ku arkay kadibna kugu qiimeeyay nin shaqo badan, midna xaqiiqdaada iyo qofka aad tahay ma sheegi karo.

Nabigu csw mar la waydiiyay qofka iyo dhaqan kiisa,waxa uu ku jawaabay qofku waa Diinta Saxiibkii ama qofkasta waxa uu haystaa dhaqanka saxiibkii,taasi oo aynu ka faa'idaysanayno in aan qof aadan aqoon buuxda u lahayn in ad cay kula degdegto ama aad amaan dusha uga tuurto.

W/Q.Khadar Aar.

 

 

No comments:

Post a Comment