SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Muxuu yahay farqiga u dhaxeeya Shiico iyo Sunni?

Assalaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu, walaalayaal waa markale iyo taxanayaasha Jimce kasta aad uga barateen "Walaalaha Faafi Diinta Islaamka" oo todobaadkiiba mar aynu mawduuc muhiim ah xoogga ku saarno maantana waxaynu ka hadli doonnaa "Farqiga u dhaxeeya Sunnah iyo Shiico".
Ma’ahan 2-aragti oo leys bar-bar dhigi karo waayo midkood waa mid ku tiirsan jidka Allah midna waa mid baadil ah oo aan asal ku laheyn diinta Islaamka, hase yeeshee waxaan mawduucan u dooranay si’ aysan ugu kadsoomin walaalo badan oo aan faham sax ah ka heysan "Farqigan".
Maxay tahay Shiico?
Culimada badankood waxay isku raaceen in Shiicadu ay soo if-baxday kadib geerida Rasuulka SCW, waxayna rumeysnaayeen xilligaas in Maamulka Qilaafada ay Aalu Beytka Rasuulka ka mudan yihiin Qureysh inteeda kale, oo waxay Saxaabada waa weyn sida Abuu-bakar iyo Cumar RC, ku eedeeyeen inay talada ka boobeen Cali Binu
Abii Daalib RC, waxaana fikirkan asaasay rag uu hor boodayay C/llahi Ibnu Sabaa oo ahaa Yahuudi Islaamnimo muujistay markuu Muslimiinta iska celin waayay.
Fikirkaasi gurracan wuu tadawuray ilaa Shiicadu ay muslimiinta ku qilaaftay dhowr arrin oo asaas u ah Caqiidadda Islaamka, sida in wax laga bedelay Quraanka Kariimka, in saxaabadu badankood ridoobeen markuu nabiga SCW, geeriyooday iyo inay Shirki caadeystaan.
Gundhigga Qormada
5-qodob oo ah kuwa ugu muhiimsan ee ay "Shiicadu ku qilaaftay sunnada" ayaan qormadan xoogga ku saari doonnaa insha Allah, waxaana ay kala noqon doonaan, Tiirarka Islaamka, Qur’aanka Kariimka, Axaadiista Nabiga SCW, Saxaabada RC, iyo caqiidada.

1-
Tiirarka Islaamka
Sunniyiinta raacay Jidka Allah waxay Shanta Arkaanul Islaam u yaqaanaan
B) Shahaadateenka: in la qiro kalinimada Allah iyo Farriinta Rasuulka SCW
T) Salaadda: Shanta waqti ee nalaku farad yeelay iyo sunnooyinka
J) Sakada: Fidriga iyo tan maalka.
X) Soonka: in la soomo bisha Ramadaan.
Kh) Xajka: in la gutto waajibka Xajka hadii uu qofku awoodo inuu tago.
Shiicada diiday Jidka Allah waxay Arkaanta ugu waa weyn Islaamka kadib shahaadada u yaqaanaan "Imaamnimada Sayid Cali RC" iyo inaanay dhaafi Karin Carruurtiisa. Imaamnimadan ay sheegayaan waa mid u dhiganta Nabinimo oo waxay leeyihiin waa Macsuum oo dambi maleh, dhashiisa dhalasho illaa dhimasho.
2- Qur’aanka Kariimka
Sunniyiintu: waxay dhamaantood rumeysan yihiin in Qur’aanka Allah uu dhowrsan yahay aysan cidna waxba ka badali Karin iyagoo daliil ka dhiganaya
ِ إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُون)
Shiicadu: waxay qabaan in Qur’aanku uusan dhameystirneyn, waxayna leeyihiin waxaa jira Quraan aan la qorin iyo qaar aan soo aroorin oo qoran, waxayna Quraanka u dhigaan si’ ka duwan qaabkii uu u soo degay, taasina waa Dambi weyn.

3- Axaadiista Rasuulka
Sunniyiintu: masdarkooda xiga Qur’aanka Kariimka waa "Axaadiista Nabiga" SCW, raacitaanka Rasuulkana wuxuu agtooda ka yahay sunnah Mu’akkadah, waxayna qabaan in axaadiistu fasireyso Quraanka oo ah qowlka Eebbe.
Shiicadu: ma rumeysna Axaadiista rasuulka ilaa wixii laga soo wariyey "Aalu Beytka" nabiga oo ay ixtiraam ka fog xaqiisa ay siiyeen, waxayna beenaalayaal ku tilmaamaan Saxaabada waa weyn ee warisay Axaadiista Suubanaha SCW.
4- Saxaabada Rasuulka SCW
Sunniyiintu: waxay ixtiraam weyn u hayaan dhamaan saxaabadii Rasuulka, waxayna ilaahay uga baryaan naxariis iyo dambi dhaaf, iyagoo qirsan fadliga uu ilaahay siiyay, marka la eego aragtida Sunniyiinta ee Sayid Cali Binu Abii Daalib, waxay qabaan inuu yahay qofkii ugu horreeyey ee carruurta ka mid ah oo rumeeyey nabiga SCW, waxay sidoo kale aaminsan yihiin inuu ahaa Khaliifkii 4-aad ee Islaamka, waxaana jannada loogu bishaareeyey isagoo nool ilaahayna wuxuu ku irsaaqay "Shahaado".
Shiicadu: waxay gaaleysiiyeen saxaabadii waa weyneyd sida Abuu Bakar Al-Sidiiq RC, Cumar Ibnu Khidaab RW, iyo Cismaan Ibnul Cafaan 3-daasina waxaa jannada loogu bishaareeyey iyagoo nool laakiin Shiicadu waa diidan tahay.
Taas beddelkeed waxay qabaan in Sayid Cali Ibnu Abii Daalib RC, yahay qof ka duwan dhamaan saxaabada oo waxay leeyihiin isagaa xaq u lahaa Khilaafada Islaamka maadaama uu Nabiga ugu dhawaa, qaar ka mid ah Shiicada waxay qabaan Sayid Cali waa Nabi, Qaar waxay leeyihiin wuxuu ahaa qofkii loo dar-daarmay Hogaanka Islaamka qaarkoodna waxay ku doodayaan inuu ahaa Ilaah.
5- Caqiidadda kali yeelidda caabuditaanka Allah
Sunniyiintu: waxay rumeysan yihiin in Ilaahay Subxaanahu watacaalaa, yahay Keli, aan lamaane ama qof talada la wadaago laheyn, Ilaahay isaga mooyee mid kale oo xaq lagu caabudo ma jiro, mana lahan Allah Ubad uu dhalay isna lama dhalin.
Sunniyiintu ma baryaan cid aan aheyn Allah Subxaanah, mana rajeeyaan cidaan isaga aheyn, mana jiro xijaab u dhaxeeyo iyaga iyo Allah, mana u baahna cid Allah uga suka marta.
Waxay rumeysan yihiin in dhamaan rusushu ahaayeen ergo ilaahay oo waday "Risaaladda Allah" ee ah in isaga uun la caabudo oo aan loo yeelin Shariik ama cid kale oo talada la wadaagto.
Shiicadu: waxay qabaan inuu Allah kali yahay laakiin hab dhaqankooda kuma dabaqaan oo waxay la yimaadaan Shirki, waxay Tawasulaan ama ilaahay ka suka marsadaan A’imadooda iyo Awliyadooda markay dhibaato jirto, taasina waxay xad gudub ku tahay xaqa uu ilaahay ku leeyahay Adoomadiisa.
Waxay shirki ku sameeyaan Aalu Beytka Sayid Cali wajigiisa Allah ha karaameeyee, iyagoo ku xad gudbay xaqii Allah, waxay u nadraan oo wax u gowracaan ilaahay cid aan aheyn, waxay qabaan in Imaamadoodu yihiin Macsuumiin garanaya Cilmul Qeybka, "Waxa dhici doona".
Gunaanad
Ilaahay ha inaga badbaadiyo halista Shiicadu leedahay iyo caqiidadeeda faasidka ah oo ay ku dhantaaleyso Awoodda Allah iyo Sunnada rasuulka oo qof kasta oo Muslim ah sal u ah.
Hadaba waxaan filayaa in maanta wixii ka dambeeyo aan nalaku indha sarraxaadin doonin matalaadda magac Islaam ee ay sheegtaan Shiicada ay ugu horreyso Iiraan, waxaana ciddii u baahan faah-faahin intaan ka badan baari karaan casharro ay ka duubeen culimada ugu caansan Soomaaliya sida Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Digniin.
Qof kastoo Muslim ah haka feyjignaado halista Shiicada, waxaana meelo ka mid ah Soomaaliya sida Muqdisho laga soo sheegayay goobo lagu faafiyo afkaarta Shiicada oo halistooda xambaarsan.
Waxaa Qormadan isku soo duway oo noo tarjumay

Abdishakur Hussein Mohamed
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka
FG: Walaal ku soo biir Faafinta Diinta Islaamka
FAAFI.BLOGSPOT.COM
Facebook.com/faafidiinta

No comments:

Post a Comment