SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waxaan ahay darbi-jiif dayacan,dawlad iyo dad iga-naxana ma haysto !!

Wuxuu yaqaanaa magaciisa, mase garanayo ujeedadiisa. Da’diisu ma fadhiisato, waxaanu ii sheegay in ay hadba xaalad isla badasho. ‘Waxay ku xidhan tahay kolba meeshaan joogo.

Markaan cid iska celinaayo qof wayn baan noqdaa, markaan cid iga naxda helona waan yarrahay' buu yidhi. Wuu waji furan yahay oo kaftan badan yahay, xaalad kastoo lasoo gudboonaatana afkiisu ma ilaawayo qosolka. Xataa haduu ooyaayo waxaa xiga dhoolacadayn. Waxaan la kulmay maalin dhawayd.

Dadka qaarkii way i dhibsadaan, way i necebyiin, badanka way iskay idho tiraan ama way i eryaan’.

Markaan ku idhi soo gal gaadhiga oo fadhiiso agtayda, wuu u qaadan waayay. Dhowr jeerna wuxuu ku celiyay. Miyaan soo galaa. Maan soo galaa?

Hooyadii meelahaasay soo masaxi jirtay, marmarna dhulkay xaadhaysay. Wuxuu yidhi: "Aabahay wuxuu ahaa kaaryoonle(gaadhi gacan) markii iigu dambaysay. Imika dhow biladood maan arag. Waxaan ahay derbi jiif !

Waa toban jir mar la noolaa hooyo masaxaad ku biilisa iyo aabo kaaryoone xamaasha. Laba caruurtooda kamid ahi way ka roon yihiin, midna isaga ayaa ka wayn. Waxay reerkoodu deganaayeen xaafad nolol hoosaysa, maalmahooduna aad bay u liiteen siduu ka yari qiraayo.

Kadib markii ay qasab ku noqotay inuu Maxamed shaqo tago oo qoyska wax taro, halkay labada roonrooni dugsi yarna aaddayeen buu go’aansaday inuu baxsado. Firdhadkiisii dabadeed, qoyskoodii way ka guureen halkii uu ku yaqaanay oo meel kale ayaa loo rarray, waxaanu halkaa ku waayay inuu war iyo wacaal dambe ka helo waalidkii iyo walaaladii.

Waxay igu tidhi soo shaqee, lacagtii aan u keenay oo dhanna way iga wada qaadatay. Dharkii ciida xataa way diiday inay ii iibiso. Markaan diido inaan soo shaqeeyo way i dili jirtay. Marmar albaabkay igasoo xidhan jireen oo irrida buulkayagaan hor seexan jiray habeenkii’. Sidaa waxa yidhi Maxamed.

Markay noqoto inuu xoogsi tago, wuxuu soconaayay masaafad aad u dheer oo xidhiidhisa xaafadooda iyo suuqa hoose.

Indhihiisu waa dhaygag oo cabsi ma yaqaano, jidhkiisana waxaanad kaba garanaynin gudaafada uu u hoydo kolkuu ku dhex jiro. Noloshii gidaarada wuxuu Maxamed ku bartay carruur kale oo sidiisan dayacan kuwaasoo huwan dhaxan, goggolna ay u tahay gudaafadi. Meelaha ay dadku hadiyo goor qashinka ku qubaan ayaa iyaga hoy u ah, mana laga ag waayo wax waloo ishu dhibsato. Noloshoodu runtii aad bay u adag tahay.

Maxamed wuxuu masaxaa gawaadhida, oo uu ka qaato lix kun siduu isagoo qoslaya ii sheegay. Lixdaa kuni markay u uruuraan waxay bishii u gaadhaan ilaa soddomeeyo. Laakiin ayaandarro’e Maxamed, wuxuu lacagtaa inta ugu badan u addeegsadaa xabag uu ka iibsado darbi jiif kale oo iska dhex ganacsada.

Markastoo aanu helin hawl ama wuxuu qabto, Maxamed wuxuu nuugaa caagad xun. Kama maarmayo tani, maxaa yeelay wuu qabatimay. Sidaa awgeed, wuxuu mar kasta dedaal ugu jiraa inaanu marnaba waayin.

Haddiiba ay dhacdo oo Maxamed awoodi waayo inuu iibsado xabagta, wuxuu yidhi waan kasoo xadaa kuwa iibinaaya. Markay tani dhacdona, wuxuu faraha la galay rarran oo kama ammaan helo kuwaa ilaa ay qabtaan oo jidh-dilaan, wixii walee ay ugu tagaana ka fara maroojiyaan.

Hadaad mar ka baxsato, koluunbay ku helayaan adigoo meel iska jiifa. Markaasay kuugu daran tahay oo naf kaagama kacayaan. Waa kuwo waawaynoo, si xun bay dadka u dilaan’. Ayuu yidhi Maxamed.

Kuwan iyo la’aantoodba, nabad ma leh aaggani. Noloshuna waa mid aan marnaba laysku halayn karin. Hadh uma galo, habeenkooduna waa cabsi miidhan; waase markay soo jeedaan oo ah kaliya dhif.

Maxaa yeelay maankoodu inta badan wuu doorsan yahay oo wuu saamoobay. Carruurtani iyagaa lafahooga cadaw isu ah, intaan cidiba soo gaadhin oo waxay ku colloobaan calafka xunee ay helaan amaba meel dhinac la dhigo. Mararka qaar kale, waxay ku dagaalamaan lacagaha ay helaan oo ay iska baadaan. Kolkol way is muquuniyaan oo siday u kala xoog roon yiin bay isu ciijiyaan, say doontana way ku dambaysaa.

Maxamed se, wuxuu ii sheegay inaanu nabarku u kala dhixin. Haddaduu mid ku dhufto oo waxyeello u gaystoba, goorteeda kale ayuu ka aar gutaa, haba gaado markay ugu yartahay hadii kalena waa laysu kooxaystaa. Lafahoogaa hortoodna waxaa dhaawac daran ku haya deegaanka ay ku noolyiin.

Dhamaantoodba, carruurtani waxay la deris yihiin dhibaatooyin tiro badan oo kusoo ururi kara laba midkood. Tu niyadeed ama jidheed. Waxay gafeen waxbarasho, oo seegeen nolol iyo daryeel. Caafimaadkoodu tiirsimaad ma laha, oo way kufaan oo hadana kacaan. Way dawarsadaan, waxbay xadaan, si xunna waa loola dhaqmaa.

Maxamed wuxuu badiyaa jiibsadaa jidadka hareerahooga, iyo biyo mareenada dhexdooda. Marka roobku da’o, waxay carruurtani u yaacaan dhinaca meel kasta oo hadhgalin karta sida gawaadhida hoostooda, maxaa yeelay dadka ayaa ka erya agagaarkooda hadii ay u dhawaadaan.

Maxamed wuxuu ku ag wareegaa makhaayadaha si uu waxuu cuno u helo maalin kasta. Badanka way siiyaan hambooyinka, laakiin marar badan oo kale ayuu ka waayaa.

Markaan lacag haysto waan iibsadaa. Markaan hambo waayana, wixii walee aan dhulka ka heloba waan cunaa, xataa cuntada dadku qubaan. Marmarna kuwa ku dhex qadaynaaya hudheelada ayaan ku idhaahdaa wax iga sii. Qaar way i siiyaan, laakiin markay ii diidaan waan kala baxsadaa bilaydhkaba.’. Isagoo qoslaya ayuu sidan leeyahay Maxamed.

Aragti la dhibsado, dhacdooyinkaasi ibtilaysan ee agahooda ah iyo dayaca waxa u dheer rajo la’aan. Ma sugaan waaga barigiisa, mana ku talo galaan inay cadceedi u dhacdo. Noloshoodu waa miridho, xaq waxay u leeyihiina ma helaan. Da’ kastoo ay yihiinba waxay dhamaantood la koraan ciil, waxayna ku koreen cidlo. Waxay doonaana way u joogaan !!

‘Waxaan ku riyoodaa anigoo intaan wasiir ahay, gaadhi wata; oo la i illaalinaayo". Ayuu yidhi Maxamed.

Xigasho .arooryo-baxsan.blogspot.se

No comments:

Post a Comment