SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Saxiibkay Cali Waran-Cadde waxaan kula talin laha Dulqaadka ka baro Xirsi Cali X Xasan.

 


Waxaa hubaala in uu Dulqaadka iyo Deganantu ay tahay kaaramo iyo Sharaf ILAHAY uu bixiyo waxyabaha ugu wanaagsan , Qofka ILAHAY Dulqaad siiyo wuxuu siiyay shay uu Ifka iyo Akhiraba uu ku liibanaayo ,Dadkuna ixtiraam iyo sharaf ay ugu haynayaan.

Qofka masuulka ee Talada umada hayana waxaa ku waajib ah in uu yeesho Dulqaad iyo Daganaan ka badan kan laga rabo Dadka Shacabka ,waayo waxa uu masuul ka yahay Dad iyo Dal dhan, balse haduu Qofkii Masuulka ahaa lahan waayo Dulqaad iyo Daganaan taasi waxa ay wiiqaysa Sharaftii iyo Karamadii uu umada ku dhex lahaa ,Tariikh xumana waa uu ka dhaxlayaa .

WASIIR XIRSI
Wasiirkii hore ee Madaxtoyada Xirsi Cali X Xasan waa nin dhalinyaro ah isla markana ku cusub Saaxada Siyasada ,Xirsi inta an ka ogaa waxa uu ahaa Wasiirka ugu Samaynta iyo Hadal-haynta badnaa Somaliland intii uu Xilka hayay ,kasoo waagii ILAHAY keenaba Baraha Warbaahintu ay qaada-dhigayeen Hadal hayntiisa sax iyo qaladba ,balse Wasiirkaasi waxa uu ahaa Nin aad ugu dulqaata eedaymahaasi iyo dhaleecayntaasi loo soo jeedinaayo .

Wasiir Xirsi Mararka qaar waxyabaha lagula kici jiray waxa ay ahayeen kuwa dhegtisa iyo sharaftisaba dhawacaya ,eedaymahasi qaarkood waxa ay kasoo yeedhi jireen Siyasiyiin waawayn oo Magac ku leh dalka ,balse Dhag jalaq umuu siin jirin waxaanu ka raaci jiray dantiisa , mararka qaarna waxoogaa Gabay ah iyo Halkudhigyo aan turxaan badan lahayn ayuu ku dhaafi jiray, sida SANKAA CAANO LAGA KEENI iwm .

TALO SAXAFADA.
Qof kasta oo ka shaqeeya Mihnada iyo Shaqada Saxafada waxaa waajib ku ah in uu shaqadiisa u guto si ixtiraam iyo sharaf leh ,sheegano runta iyo xaqiiqda , balse waxa aad Saxafi sharafle ku noqonaysaa marka aad Anshax,Tulqaad iyo Run ku shaqayso , hadaad Saxafi tahay Sharafta Dadka ilaali si taadana loo ilaaliyo .

TALO KU WAJAHAN WASIIR CALI WARAN-CADDE IYO CIDKASTOO MADAXA .
Wasarada arimaha Gudahu waa Wasaarad culayskeeda leh , isla markana u baahan in lagu hogaamiyo Dulqaad iyo daganaan , waa wasaarad ku hawlan ilaalinta Abniga Guud ee dalka ,waa Wasaarad Ninka ka masuulka ka ah looga baahan yahay in uu noqdo Nin Hayin'ah , balse maaha in uu noqdo Nin Gacan fudod .

Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde wakhtiyada qaar waxa uu ahaa Nin Daganaan iyo Dulqaad lagu majeerto , isla markana Dadku marka ay si guud u qiimaynayaan Cali waxa uu ula muuqday Nin Dhibir san ,dagan Biyo ma daad-shaa .

Mudane Wasiir waxad ku fadhidaa Magacii ugu sarreeyay dalka marka laga reebo Madaxwaynaha, waxaa tahay qofka keliya ee maanta masuulka ka ah ummadda reer Somaliland ILAHAYNA kala xisaabtamayo,amnigooda iyo amaankooda waayo waxa ad qaaday masuuliyad aad u culus oo qaro wayn.

Waa in uu ogadaa Ninkasta oo Wasiir ah amma Madax ah waxaa laga sheegayaa wax XAQ loogu leeyahay iyo wax aan XAQ loogu lahayn ,balse waxaa looga bahan yahay in wixii XAQ loogu leeyahayna uu qaato , wixii aan XAQ loogu lahayn ee Daw-darro ku ahna waa in uu u maraa Hay-adaha Sharciga qabilsan isaga oo sharciga dhawraya ,balse maaha in uu isagu sharciga Gacanta ku qaato .

Sidaas awgeed Wasiir xaqbaa laguugu leeyahy in qofkastoo muwaadin ahi kula hadlo, kula taliyo, wax kuu sheego, kuu nasteexeeyo, ku cananto ,waxna laaga sheego,Nin Duurbaan Tuntay Ilaaq dalbay .

Waxaa kaloo Xaq laguugu leeyahay in shaqadada wax laga sheego , dhaliiL kasta oo aad leedahay iyo mid adan lahaynba waa lagugu odhanayaa , waayo Adiga ayaa Masuul ka ah Umadan ,horaa loo yidhi Nin Xil-qaaday eed qaad .

Waxaa lagaga bahan yahay adiga iyo qayrkaba in aad u dhabar adaygto Hadalada Kulul ee Saxafada Somaliland kaga imanaya ,uguna dhabar adaygtid sidii ay ugu dhabar adaygeen Ragii adiga kasoo hereeyay .


W/Q Qareen/ Khadar Ibrahim Aar .

No comments:

Post a Comment