SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Faallo ku saabsan Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxamaan Cirro iyo Xisbiga Wadani .


 
Waxaan Qalinka u qaatay, intii karaan kayga ah , in aan qoraal idiinku soo gudbiyo, fikirka iyo dareenka aan isleeyahay, Dad-waynahu waa ka qabaan Md.C/raxman Maxamed C/laahi (C/raxman Cirro) iyo Xisbiga Wadani.

XISBIGA WADANI :-
Xisbiga Wadani waxaa lagu dhawaaqay Asaaskiisii 6/10/2011, waxana asaaskiisa Bud-dhig u ahaa xubno ka soo jabay (goostay) Xisbigii Ucid kuwaasoo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro, iyadoo wakhtigaasi loo arkayay ,samaynta Xisbiga Wadani in ay ka dhalatay cadho iyo ficiltan ay ku kala xanaqeen Xisbigii Ucid gaar ahaan Faysal Cali -Waraabe, waana ta aad markasta ka dheehanayso in Xisbiga Wadani ay ku badan yihiin ,Siyasiyiintii horeba uga dhex muuqan jiray Xisbigii Ucid .

XASUUS,KHUDBAD C/RAXMAN JEDIYAY ASASKII XISBIGA:-
Tobankii sano ee dambeeyey waxaan ka mid ahaa asaasayaashii iyo Madaxda Xisbiga UCID waxaanse hortiina ka cadeynayaa inaan maanta iska casilay xilkii aan ka hayey iyo xubinamdii Xisbiga UCID kana mid ahay aasayaasyaasha Urur Siyaasadeedka WADANI, markaan eegay Qod 5aad Faq 9aad, Qod 9aad Faq 2aad, Qod 9aad Faq 4aad, Qod 10aad, Qod 24 Faq 1aad iyo Qod 24 Faq 2aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda lana tashaday Garyaqaano oo ii cadeeyay in talaabadan aan qaaday ay waafaqsantahay Dastuurka iyo Xeerarka JSL.

Xisbiga Wadani waxaa lagu dhawaqay in uu ka mid yahay Sadaxda Xisbi Qaran ee Somaliland Tariikhdu markay ahayd 26/12/1012 .Runtii Xisbiga Wadani waa Xisbi Curdin ah kuna Cusub Saxada Siyasada Somaliland. Waa Xisbi Tagerayaal aad u badan ku leh Dibad iyo Gudaba ,waana Xisbiga labaad ee aad is odhan karto waxa uu Tartan dhab ah la gali karaa Xisbul xaakimka Kulmiye .

Wadani waa Xisbi si dhakhso ah loogu hagar baxay lana galiyay dhaqaale iyo Naf-hur aad u xoog badan ,si uu u hiigsado Xisbiyada Hanaanka Siyasada kaga soo horeeyay, Sida Kulmiye iyo Ucid, balse waxaa wax aad loola yaabo ah in Xisbiga Wadani uu markaliya Sida Shucaaca Cedceeda uu Cirka isku shareeray .waa Xisbi ay ku jiraan kana mid yihiin Siyasiyiin Hadalo kulkulul .

Hadaba Waa Kuma Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cabdiraxman Cirro )

C/raxman Maxamed Cabdillahi (C/raxman Cirro ),Waxa uu dhashay Tariikhdu markay ahayd 1955 waxaanu ku Dhashay Magalada Hargaysa .

Wax-barashadisii u horaysay waxa uu ka bilaabay Magaaladda Berbera oo uu ku qaatay wax-barashadda Dugsiga hoose,isla markaasi Wax-barashadii Dugsigii dhexe iyo kii Sare waxa uu kusoo qaatay isla Gobolka Saxil gaar ahaan Magaaladda-Sheekh Tariikhdu markay ahayd 1977 .

Gudomiye C/raxmaan-Cirro,wixii intaasi ka danbeeyay waxa uu Waxbarasho dheerada u raadsaday Muqdisho ,waxaanu Shahadada MBA, ka qaatay SIDAM-Collage ka qaatay Xamar .Shahadoyinka kale ee uu qatay waxaa ka mid ahaa ,Shahaadda Degree, oo uu ka qaatay wadanka Masar(Institute of National Planing in Cairo Egypt) iyo Postgraduate -African Institute Moscow Rusia).

C/raxmaan-Cirro, oo Runtii ahaa Nin ku dadaala dhinaca waxbarashada ayaa Waxa uu Shaahado qiima leh ka qaatay sanadkii 1983-1985 (Bachelor of Science-BSC,USA South Corolina University )

Intaa wixii ka danbeeyay Gudoomiye C/raxmaan waxa uu u Waxbarasho dheerada u doontayu wadanka Maraykan kadibna waxa uu ka qaatay Shahaadadda Master of business administration MBA- Newyork State University .

C/raxmaan Cirro,waxa uu ku hadlaa Luuqaddaha,Soomaali , Ruushka, Finland diska Carabiga iyo Luqada Ingriisiga .

Waayo aragnimada Shaqo ee Cabdiraxmaan Cirro :-

Tariikhu markay ahayd 1977-1978,Waxa uu Macalin ka ahaa Dugsigii hoose-dhexe ee Magaaladda Oodweyne . Tariikhdu markay ahayd 1981-1988,Waxa uu ahaa Isu-duwaha Madaxa-waaxda iskaashiga dhaqaalaha Wasarada Arrimaha Debedda ee Somalia.

Tariikhdu markay ahayd 1988-1991-waxa uu ahaa Qunsulkii- Dan-wadaagaha Safaaradda Ruushka u fadhiya Somalia.Tariikhdu markii ay ahayd ,1997-1998,waxa uu ahaa Hanti-dhowra waaxda-socdaalka ee Finland..

Sida oo kale C/raxmaan waxa uu ahaa (Project Assistant International Organization for Migration (IOM) Findland)Kaaliyaha Ururuka Caalamiga ee laanta Socdaalka Filand . Xilalka kale ee uu qabtay waxa ka mid ahaa in uu ahaa xoghaya (Somali Social Democrat (SDP) Xisbiga arimaha Bulshada ee Filand .

Intaasi wixii ka danbeeyay Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu u soo jahaystay Somaliland gaar ahaan dhinaca Siyaasada isagoo ka mid ahaa Asaasayaashii Xisbigga-Ucid kasoo uu ka ahaa Xoghayaha Arrimaha Debadda ee Xisbigga-Ucid hadana Ku-xigeenkii guud ee xisbigga-Ucid isla markana ah Sii-hayaha jagada xoghayaha guud ee xisbiga Ucid 2003-2005.

Cabdiraxmaan Cirro,Sanadkii-2005,waxa uu ka mid ahaa Ragii u tartamay Jagada Xildhibanada Baarlamaanka Somaliland isaga oo ka tartamay iskana sharaxay Gobolka Saaxil ,kadibna waa uu ku guulaystay isaga oo helay Codkii Gobolka Saaxil ugu badnaa ,kasoo ahaa Afar-meeloodow meel 25% .

Runtii C/raxmaan Cirro,marnaba Hankiisa siyaasigii ma is taagin ,Ayaamo ka bacdi waxa uu u tartamay Gudoomiyahii golaha wakiiladda ,jagadaasi oo ahayd mid aad u xasaasi ah balse C/raxmaan si Fudud ugu guulaystay ,kadibna waxa uu nooqday loona dhaariyay Gudoomiya Golaha Wakiiladda-Somaliland.

SIYASADA C/RAXMAAN.

Inta aynaan u galin Faalada iyo Dhaqanka C/raxmaan ,waxaa is waydiin leh isla markana dhacda Dadka qaarna ku Murmaan Laba arimood oo kala ah :-

1.C/raxmaan Cirro maxay ayuu iskaga casili waayay Kursiga Gudoomiyaha Barlamanka? 2.C/raxmaan Cirro maxay ayuu u qaban waayay Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Wadani?

Inkastoo ay fiicnayd in aynu Su'alahasi waydiino Gudoomiyaha ,horana loo waydiiyay ,balse C/raxmaan waxa uu kaga jawaba Jawaab Siyaasi ah oo Dadka badankiisu anay Fahmin,amma anay ku qancin .

:-Dadbadan ayaa waxa ay aamin san-yihiin Sababta C/raxmaan uu isaga casili-wayay Xubinta Baarlamanka isuguna dhajinayaa in ay tahay, waxa uu Jecel yahay in Xisbigiisa Wadani uu kusoo SHAACSAARO ,madamaa uu Madax badan oo Aduunka kulamo Qarsoodiya iyo kuwa muuqdaba uu la yeelanayo,isla markana ay dhici karto in uu iibiyo siyaasadiisa Xisbiga Wadani oo kaliya.

:-Sidoo kale Dad ayaa waxa ay aamin sanyihiin in Gudoomiye C/raxmaan sababta uu u qaban waayay Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga in ay tahay,ISHAA FALATO IYO XARFAD HORLEH, OO AAN HORE LOOGA BARAN SIYAASADA SOMALILAND ,taas oo uu ku qiimaynayo,isu dheeli tirka Wadani iyo Xisbiyada kale ,ISAGA OO KA FA'IDAYSANAYA FIRDHADKA IYO FINIINKA SIYASADEED EE KASOO GO'A LABADASI XISBI. taas oo la odhan karo waa uu ku guulaystay.

C/RAXMAN CIRRO WAA KUMADadka qaar marka ay C/raxmaan Cirro Dhaqan kiisa ka faalonayaan waxa ay ku sifeeyaan in uu yahay ,masuul leh sifaha hogaamiyaha wanaagsan, kaasoo ka mid ah masuuliyiinta tallada dalka ka haysa kuwooda ugu fiican , waana masuul ka koray Ruuxda, Qalbiga iyo Garaadkaba, isla-markaana leh dhaqan iyo dabeecad wanaagsan, hawl-karnimo daacad ah, qiyam Diiniya, ixtiraam, balan fiican iyo fahmo badan, sidoo kalena aan lahayn qab iyo isla wayni ,Dadka oo dhana isku si u ixtiraama, الصغيرة والكبيرة .

Wanaaga dadka lagalama masuugee Runtii C/raxmaan Cirro waa Nin waji furan, isla markaana leh hab-dhaqanka hogaamiyayaasha wanaagsan, waa Nin Foojigan ,Deeqsi ah,aan bakhayl Gacantii goday ah aan ahayn .waa Nin Saaxibal Salaada ,waa Nin inta badan aan ku koobnayn Dagmada uu marka ka dagan yahay Hargaysa waa Nin aad ku arki karto Gobo badan oo Dadku ku Caweeyo ,waa Nin Reer Berbera ah,Reer Hargaysa ah,Reer Burco ah ,isla markana Reer Ceeri gaabo ah ,wana Nin DHULKA TAAKO TAAKO UGU JIRA .

DAGAALKII C/RAXMAAN CIRRO EE BARLAMAANKA
Tariikhdu markii ay ahayd 12/9/2015 waxaa Dagaal Gacan ka hadalii uu ku dhex maray Xarunta Barlamanka Somaliland dhex-deeda , Gudomiyaha Barlamanka C/raxmaan Cirro iyo Gudoomiye ku Xigeenkisa Baashe .

Dagaalkasi oo Runtii waxa uu ahaa mid aan Dad badani anay Jeclaysan ,walaw tageerayasha Xisbiga Wadani ay ku macneyeen in uu Dagaalkasi , FEEDHKII GUUSHA amma FEEDHKII BARAKAYSNAA .

Runtii Dagaalkasi amma Xalada markaa ay madasha Baarlamaanka ka muuqatay waxa ay ahayd mid si kadisa ah u dhacday,Dadka qaarna waxabay u arkayeen in C/raxmaamn Cirro aanu haysan Xal kale uu uu arinta ku maareyo, balse Dadbadan oo Akhyaar iyo Indheer-garadba lihi waxa ay u arkayeen in uu ahaa Dagaal C/raxmaan iyo Qayr-kiiba aan ku fiicnayn Sharaf dhacna ku ah .lagana fiican yahay Nin Hogamiye C/raxmaan oo kala ihi Madasha Nocaas ah uu cid u Gacan qaado, Siyasaduna sideedaba waa Hadal iyo Xarfad Xeeladaysan .

Guntii iyo gaba-gabadii Dad badan oo ka mid ah tageerayasha C/raxmaan Cirro waxa ay aamin sanyihiin in uu Cabdiraxmaan yahay ninka kaliya ee maanta lagu aamini karo Somaliland.


W.Q /Qareen .Khadar Ibrahim Aar .

 

 

 

 
 

No comments:

Post a Comment