SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

LABADII BOMBO EE AAN KUU DHIBAY MA QARXISAY ?

​Muqdisho waxa ay wakhtiyada qaar ahaan jirtay Magaalo Qofkasta oo Soomaliyii uu Janto isla markana uu jeclaysto in uu ku Noolaado amma mar uun uu soo arko,balse wakhtigan xaadirka ah Muqdisho waxa ay Daris iyo Dibad yaal u noqotay Qaraxyo iyo Qulqulatooyin aan dhamaad lahayn .
 
Maalin kasta waxa aad maqlaysaa Qarax ayaa ka dhacay meel Heblaayo taasi darteed waxa ay Dadkii Muqdisho noqdeen kuwa markasta Cabsidu ku taagan tahay , Qof kasta oo Muqdisho joogana waxaa ku taagan dareen ah in mar uun Qarax iyo Ismiidamin uu la kulmi doono .

Waxaa kaloo iyana Cabsi wayn Dadka ku keentay Qaraxyada iyo waxa loo yaqano is Miidaminta oo aan loo Aba yelayn kana dhacaya Goobkasta haday tahay Gobaha Ganacsiga,haday tahay Gobaha Waxbarashada,Isbitalada iyo Dhamaan Suuqyada Dadku ka Dukamaysto .
 
Hadaad Muqdisho tagto Maanta oo aad Sidato Bac-badaw oo alaabi kugu jirto ,waxaa dhici karta in lagaa kala cararo amaba ay adiga laftaadu aad khatar gasho ,waayo waxaa loo qadanayaa in aad Bacdasi iyada ah aad ku sidato Walxihii Qarxayay ee Dadka Muqdisho Cabsida aan kala Go'a lahayn ku beeray.
 
Qisadani waxa ay dhex martay Laba Nin oo Farsama yaqaan ah kana shaqeeya Samaynta iyo Hagajinta Babuurta Mishiinku ka xumaado .
 
Labada Nin waxaa la kala yidhaa Magacyadooda MAADEY IYO KUUSOW ,Maadey ayaa waxa uu rabaa in Saxiibkii Kuusow uu u dhiibo Laba BOMBO NAAFTO(Bombo naafto waa Kucladayar ee Naaftada ka shaqaysiisa Babuurta )
 
Waxaana la rabaa in uu Kuusow soo iibiyo Bumboyinkaasi Suuqana uu geeyo madamaa ay iska cusub tahay Erayga QARXIS waxa dadka oo dhami u isticmaalaa IIB ALAABTA INOO SOO QARXI ,ALAABTAASI WAY QARXAYSAA IWM
 
 Kuusow waxa uu soo qaday Labadii Bombo waxaanu la yimi Suuqa Bakaraha .
Kadibna waxaa dhacday in Bomboyinkii hore looga iibsan wayay  mida ka mida Bomboyinkii waxa uu kaga yimi Nin ay Saxiib Yihiin si uu usii Iibiyo, tii Labaad ayuu soo qaaday kadibna waxa uu lasoo Fuulay Basaska Muqdisho Gudaheeda u kala Goosha oo loo yaqano BL amma Caasi.
 
Sheekadu marka ay halkaasi marayso ayaa Ninkii Kuusow oo Baskii BL Saaran ayaa waxa Talafoon kusoo Dhuftay Saaxiibkii Maaday , isaga oo doonaya in uu waydiiyo halka uu xaal u marayo iyo In Bomboyinkii uu Qarxiyay (Ibiyay) iyo inkale,.
 
Ninka isaga ah ee Kuusow waxa uu sitaa Moobayl aan fiicnayn oo Sameecadu ay ka Xuntahay taasi oo sababaysa in Hadalka Qofka kula soo hadlaya la Maqli karo .
 
Baska Casiga waxaa saaran Dad aad u badan oo waa uu buuxaa Kuusawna waxa uu fadhiyaa Albaabkii Dadku ay kana soo korayeen kana dagayeen Bacdiisii Madawbaydna Gacanta ayuu ku haystaa .
 
Hadaba maxaa dhacay ,waa kuwan iyagoo wada hadlaya :-
 

MAADEY:-Halow Kuusow Aboowe see tahay ma fiicnidoo ?
 

KUUSOW:-Waa fiicnahay Aboowe Maadey miyaaaaa ?
 

MAADEY:-haa Aboowe Madeey waye ,see kaa noqotay ma i maqlaysidoo
 
KUUSOW:-Aboowe waa ku maqlaa Talafoonka xooga iga halaysan .
 
MAADEY:-Waa kasay ,Aboowe waxaa ku waydihaa ?
 
KUUSOW:-haa aboowe !!
 
MADEEY:-Labadii Bambo aan kusoo Dhiibay ma Qarxisay????
dadkii oo dhan Dhagaha ayay wada tageen waxa ay Sugayaan Jawaabta Kuusow amma Dayaanka iyo Jugta qaraxa ee Baska ka dhex yedha.
 

KUUSOW:-Maadey Aboowe Maanta Suuqu saas ma u Dad Badnayn .
 
MADEEY:-Kuusow adiga daacad ma tihid ayaan u malaynayaa ,markasta oo ku dhaho wax soo qarxi Dad badan ma joogan ayad dhahaysa .
 
KUUSOW:-Aboowe Maadey ani daacad waa ahay ,lakiin si Bombo loo qarxiyo ma aqaani hada aya igu horaysa ,ani Dhalinta yaryarka ayaan u dhiibi jiray ayagana dhakhso u qarxin jiray .
 
Wada shekaysigii marka uu halkaasi marayo maxaad filaysaa amma hadii aad ka mid noqon lahayd dadka Baska saran ficil nooceya ayaad qadan lahayd .
 
Ka fikir Dadka wax Qarxiya waxaa caado u ah hadii ay arkaan qof dareen san amma fahamsan waxa ay samaynayaan, waxa dhici karta in isaga loogu hor Toogto .
 
hadaba Dadka Baska saran si qofkasta Naftiisa u ilaashado waxa kasoo hadhay oo kaliya Ash-hadadii iyo Subxanalaa........
 
MADEEY:-Aboowe waa ku fahmay barkee ii waran goorma lee qarxinaysa Labada Mobmo ?
 
KUUSOW:-Aboowe Halkii Bombo ee Yarayd waxaan UGA SOO TAGAY Isgoyskii Bakaraha .
 
MADEEY:-Maxaa uga soo tagtay yaa Qarxinaya ?
 
KUUSOW:-Aboowe wiil ayaan uga soo tagay waxa uu dhahay marka hada dadku sooqa ku soo bato ayaan Qarxinayaa !!
 
MAADEY:-hada inay qaraxday iyo inkale see ku oganaysa Kuusow ,yaaab
 
KUUSOW:-may qarxin wali ,Dhagahayga ayaan ku maqli lahaa !!oo Dad ayaa isoo Wacaaya no .
 
Fajacii iyo amakagii ayaa Dadakii ku batay ,Dadka badankisii xataa waxa ay halmameen goobtii ay Baska kaga dagi lahayeen.
 
MAADEY:-Kuusow hada Bombada aad Gacanta ku haysee waa midee?
 
KUUSOW:-Aboowe Bombada hada Bac-madawda iigu jirtaa wa midii WAYNEED EE CUSLAYD .dhakhsana waa u qarxaysaa !!
 

MAADEY:-Aboowe Kuusow wakhti ayaa inagu socda Bomboyin kale ayaan rabnaa in Magalada oo dhan lagusoo qarxiyo ,markaa waxa loo bahan yahay in hada Mida Bombada ee aad Bacmadawda ku hayso aad Dhakhso u Qarxiso.?????
 
Kuusow inta uu Bacdii uu sitay hoos u firiyay Gacantana uu galiyay ayu waxa uu yidhi .
 

KUUSOW:-Aboowe hada ayaa dadkii suuqa usoo wada baxay hadalee Qarxinayaba walee midaa say u qaraxdo adaa yaabi*******
 

HAL MAR AYAA DHAMAAN DADKII BABUURKII OO SOCDA NINKASTA HALKUU ISLAHA WAAD KU BADBADAYSAA AYUU KA BOODAY .XATAA DARAWALKII MA SUGUN IN UU GAADHIGA SI FIICAN U JOOJIYO TALO FARAHA WAY KA HAADAY WAXAA KA DHACDAY ,ILAYN GEED LA QABSADAANA.
 
Babuurkii oo iska Tararaxaya ayaa Gidaar Madaxa ku Dhuftay .Dadkii dhamaan Babuurkii way ka yaceen , Nafi orod ayay kugu aaminta aya ka dhacday .
 
KUUSOW laftiisu Cagaha ayuu wax ka dayay ,waayo isaga laftiisu Cabsida ay Reer Muqdisho qabaan wa ay ku jirtaa ,hadana waxabu is yidhi malaha waa kuwan Dadkii Baskii ka daatee Qarax ayaa cidi magan tahay .
 
Kadibna isaga oo Bacdii Madoobayd la Rooraya ayaa waxa uu Daba Cararay Dadkii ,Dadkii anfariir ayaa kusii dhacay markii ay arkeen Ninkii Qaraxa hadal hayay oo hadana Bacmadawdii la daba rooraya .
 
Xajadii xumaatay Dadku Jahada ay u kacaanba waa uu ula kacayaa .mardanbe ayaa waxa uu ogaaday waxa ay dadku ka cararayaan in uu yahay isaga iyo Bacadan madaw ee uu leeyahay Bombaa ku jirta oo hadaan qarxinayaa
Kadibna dadkii ayuu u Dhawaaqay isaga oo leh :-
 
WAAR BACDA WAXAA IIIGU JIRA ALAAB AAN SUUQA U IIB GAYNAYO WAAAAR JOOGA ISMA QARXINAYO .
 
XAMAR HADAAD TAGTO BOMBANA HASOO HADAL QADIN BACMADAWNA HA QAADAN.
 
khadar-aar.blogspot.com
facbook.khadaraar@hotmail.com
khadaraar7@gmail.com

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar