SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Saw Wade xumoo, Gaadhi Xun wadaa ,Wadadii xumayd ,kuma noqon Wadkii .

Waxa aynu nahay Dad Muslina waxa aynu wada ogsoonahay in Qofkastaba uu ku dhimanayo Halkii Alleh ugu talagalay ,iyada oo sabab looga dhigaayo Mushkiladaha Aduunka ka dhacaya mid ka mid ah,balse hadana Islanimada lafteedu waxa ay ina faraysaa in aynu waxkasta Taxadarkeeda yeelano.

Dunidan aynu ku nool nahay waxyabaha ugu badan ee Dadku ku Dhintaan waxaa ugu badan Gadiidka Baabuurta ,kuwaaso aad Maalin walba arkayso amma aad Maqlayso dhibatootin ay Gadiidkaasi gaysanayaan.

Shilalka iyo Dhibatooyinka aadka u badan ee markasta inaga soo gaadha Gadiidka waxa ay noqdeen kuwo Xadkoodii ka baxay ,inkastoo Aduunka oo dhan ay ka jiraan Shilalka Babuurtu isla markana ay yihiin wax aan sinaba loo xakamayn karin.

Dawladaha aduunka ugu waawayni waxa ay aad ugu dadaleen in markasta ay ka hortagaan waxyabaha keenayay Shilalka Gawadhida ,waxa ay sameeyeen sharciyo aad u adag oo dhinaca Waddo marista ah ,waxa kaloo ay sameeyeen Sharciyo Xakamaynaya shuruudo adagna ku xidhaaya Qofka noqonaya Wadaha amma Darawalka Babuurka.

Waxa hubiyaan sharciyo qabanayana ay u samaysteen in Babuurka aad wadataa uu yahay mid sidii loogu talagalay u shaqaynaya iyo in kale, waxa ay fiiro dheer u yeesheen Babuurkasta oo Waddo marayaa in uu yahay mid israacsan Habkiisuna u dhan yahay .

Waxa ay kala sareen Herarka Lisamada Gadiidka ,iyaga oo midkasta amma Liisan kasta ku xakameeyay Shurudo aad u adag oo mararka qaar aad is odhanayso waar malaha loogumaba talagalin in cidiba ay Baabuur kaxayso ,Sharciyadaasi oo lagaga hortagaya Dhibatooyinka ka yimaada Gadiidka .

Dawladahaasi waa wayni Wakhti kasta waxa ay badhis iyo daba-gal ku sameyaan isu socodka Gadiidka iyo Wadooyinka ,waxa ay gadheen in aanu Qofna Gaadhi kaxayn karin ,Furahana aanu galin karin,haduu galiyana aanu Gadhigaasi u istadhmi karin ,hadii uu Qofkaasi yahay mid Daroogo soo isticmaalay.

Suura-gal maha in aad Gaadhi ku dhex wadataa amma aad saarato iyada oo aanu kuu xidhnayn Beelku(Suunka)waayo waxaa la ogaday in hadiiba si kadisa ah uu Shil kugu dhaco isaga oo Beelkuna kuu xidhan yahay ,waxaa hubaala hadii anad ku Dhiman Shilkaasi, in Dhawacagu Sahlanaado.

Akhristaw iyada oo horumarka inta leeg ay Dawladahasi sameyeen aya hadana Shilalka Gawadhidu waxa ay noqdeen kuwo markasta dhibatadoodu ay tagan tahay,balse waa ay kala duwan yihiin qaabka shilalku uga dhacaan Wadamadaasi iyo Wadankeena .

Hadaba waxa aad iswaydiisa madama Wadamadii inaga Aqoonta badna,dhaqalaha badnaa,inaga Wadada fiicna sharciyadooduna ay yihiin kuwaas aynu waxyar uun kasoo sheegnay ,hadiiba shilalku ay Malin walba ka dhacayaan bal qiyaas inaga oo dhamaan horumarkasi oo dhammi inaga maqan yahay sidee ayay noqonaysaa xaladeenu .

DHINACA SHARCIYADA
Ma jiraan sharciyo adag oo dhinaca Waddo marista ah oo wadanka ka dhisani ,hadiiba ay wax jirana cid ku dhaqantaa ma jirto,sharciga iyo Dadkuna waabay kala xanaqaan .

Ma arkaysid amaba ma kuu muuqanayaan wax Tabeela ah oo kala Xadaynaya Babuurta wadooyinka maraysa,hadiiba ay wax uun jirana cid ixtiramaysa ma jirto.

Dhamaan Tabeeloyinka laga taago Goobaha Magalooyinka ka fog waaxaa fujiya oo la baxa Dadka Tulooyinka amma Reer miyoga xataa waxa aad arkaysa Kabado dhan oo la dhisay kadibna la burburiyay.

Way adag tahay in aad aragto Qof Liisag gaadhi loogu diiday waxa aad ku dhacday Imtixaankii Wadista Babuurka,Dadka oo dhami waxa ay wada sitaan Lisan,QOF IMTIXANKA KU DHACAANA MABA JIRO DADKU WANKAY WADA GALAAN WANA WADA XARFAAN ,waa hadiiba uu jiro meel Imtixanka lagu qadaa.

Inkastoo ay aad u dadalayaan Cidanka Nabad galyada Wadooyinku oo wakhti kasta oo aad arkayso iyaga oo Wadooyinka tagan oo shaqoynaya ,hadana ma haystaan Dhaqale ku filan Nolol maalmeedkoda ,madama ay wada yihiin amma u badan yihiin Niman Xaaslay ah,tasina waxa ay keentay in Dad badan oo sharciga ku gafay ay Sharciga baalmariyaan kana qataan waxooga shilimo ah.

HANAANKA WADAYASHA
KHasab maha Darawaloow hadii Wadankaagu dhinaca sharciyada uu ka liito in aad adiguna sida aad doonto Babuurkaga u wadato ,Haadka aad doontana aad marto,waxaa lagaga bahan yahay in aad markasta TAXADAR SAMAYSO oo aad Naftada iyo Nafaha kaleba aad badbadiso.

Waxa aad ogataa Darawalow in Babuurka aad waddo dhamaan dadka saran aad adigu masuul ka tahay Ilahayna uu ku waydiindoono Malinta Akhiro hadii Masuliyadaa sida ugu fiican aad uga soo bixi waydo.

Iska ilaali Darawalow markasta in aad isticmaasho waxyabaha Maanka dooriya ,khaasatan iska ilaali wakhtiga aad Gadhiga waddo ,waayo waa ay adkanaysaa in aan Babuurka Kantarosho hadiiba aanay maskaxdaadu dhamayn amma aad Qadiraysan tahay .Mobaylku qayb wayn ayuu ka yahay shilka.

QAADKA IYO SHILALKA
Maadama Darawalinteenu u badan yihiin Dadka Qaadka cuna ma dhici kartaa in uu qayb wayn ka yahay Qaadku shilalka ka imanaya Babuurta,mise waxa aad rumaysan tahay in Qaadku Caajiska uu biiyo Darawalkuna la'aantii aanu Gadhigaba kaxayn karin .

Anigu waxa aan amin sanahay in Qaadku uu kow ka yahay Shilal badan oo wadanka ka dhaca,sababta oo ah Qofka qaadka cunaa inta badan ma helo HURDO KU FILAN ,markasta Qofka Qaadka cunaa waa uu Xayran san yahay oo dhiigisa ayaa kacsan sababtuna waxa ay tahay Hurdada oo markasta ku yar ,Qofkana hadiiba Hurdadu ku yaraato waxaa ka lumaya Garashadii oo dhan.

Waxaan kula talin lahaa Dadka Babuurta wada gaar ahaan kuwa safarada gala in ay si fiican u seexdan ka hor wakhtiga aanay safarka galin isla markana aanay Qaadka cunin inta ay safarka ku jiraan .waxaan hubaa hadii shilal badan la baadhi lahaa wixii sababay, in Qaadku qayb wayn ka ahaan lahaa.

WADDO XUMADA DALKA
Waxaa la isku waafaq-san yahay in dhamaan Dalku aanu lahayn wax Waddo ah oo hagaagsan oo Babuurku si raaxa leh uu u mari karo,hadii aad Babuur ku dhex kaxayso Magaloyinka Gudahiisa way kugu adkanaysaa in aad socod fiican hesho ,waxaa ku xanibaya oo anad Talaabo ka qadayn Godadka iyo Boholaha ka dhex diilacay Wadad badh-tankeeda.

Inta badan Wadooyinkasi Dawladu waxa ay ku dadaasha in ay wax ka qabato oo Malin walba ay Lakab yar saarto, balse hadana Waxqabadkoodu ma noqdo mid waara ,sababta oo ah Wadooyinka Dalku waa kuwo aad u gaboobay,lana soo kulmay Duruufo aad u badan ,dayac badanina uu kusoo dhacay,waa ay adag tahayn in waxyabaha yaryar ee lagu kabayaa ay sii jiraan muddo.

Sidaa awgeed Waddo xumadu waxa ay ayana qayb wayn ka noqotay Shilalka babuurta ,waxaa laga yaba in Babuur si xawliya u socda uu ku soo hagaago Bohol ka dhex qodan Wadada badhtankeeda kadibna uu Darawalku isyidhaa dhinac uga baydh,halkaasi waxaa ka dhasho in ay isku dhacaan Babuurkale oo isaguna Boholkale kasoo leexday.

DAYACTIRKA BABUURTA
Babuurta wadankeena yimada waxa ay yihiin ammaba ay u badan yihiin Babuur lasoo isticmaalay oo aad u Baali ah ,kuwaaso marka ay Wadanka muddo ku socdaan la kulma dhibatoyin badan kadibna ay adkaato in loo helo Dayactir fiican,waxa aan isleeyahay qayb ayay ka noqon karan shilalka soo noqnoqonaya.

SHILALKA DOOXYADA
Waxaa kaloo jira Shilal ka yimada Xiliyada ay Roobabku da'ayaan ,kuwaaso Babuurta ku qaada Wadooyinka Biya mareenka ah,balse arintaasi lama odhan karo waa shil dhacay ee waxaa la odhan karaa waa badheedh loo badheedhay in la is dilo .

Waxa aynu in badan maqalnaa amma aynu Indheena ku aragnaa Doox Rogmanaya oo Biyuhi ay Dacalada dhafeen oo loo badheedhaayo in Babuurta iyo Dadka saaran laga taalabiyo kadibna halkaas ay dhamaan ku wada halaagmayaan..

Shilalkaasi ka dhaca Dooxyada waxaa masuuliyada kowaad qadaya Dawlada waayo waxa ay ahayd in ay dhamaan Dooxyadasi Xiliga Roobka ay Cidan geeyaan oo ay xidhaan ilaa inta ay Biyuhu ka dhamanayaan,cidii amarka u hogansami waydana ay Talabo ka qadan.

Masuliyada labaad waxaa qadaya Ninka Darawalka oo isagu Naftiisii iyo tii dadka uu masuulka ka ahaaba ku halagaya Biyahaasi,waxana fiican in dawladu ay sharciyo shaqaynaya kasoo saarto arimahaasi.

GADHIIDKA MADAXDA
Madaxda Dalku waa kuwii umadan u noqon lahaa Caqliga iyo garashada ,balse maaha in ay noqdaan kuwii iyagu kaba horayn-lahaa dhinaca sharci jabinta dadka shacabka ah .

Waxyabaha aynu kasoo sheekaynaynay oo dhan waxaba kasii daran socodka iyo Xawaraha Gadiidka Madaxda xiliyada ay Waftiyada iyo Safarada u baxayaan,kuwaasi oo aad moodo in uu Col eryanaayo Xawiliga iyo Orodka ay Babuurta ku wadaan ,kaga sii darane waxa ay maraan Labada Haad ee wadada .

Gadiidka Madaxdu waa in ay qaabka ay u socdaan wax ka badalaan,waa in ay noqdaan kuwii wanaga lagaga dayan lahaa,waxaa wax lalo yaabo ah in Malinta uu Madaxwaynahu booqanayo Magalada uu joogo qayb kamida ,waxa aad arkaysa in Gadiidka uu watto iyo inta daba cararaysaba ay si masuuliyad darro ka muuqato ay wadooyinka u marayaan,hadii ay ku jiidhana xataa kuu istagi mayaan ,waxa aad tahay Dameer Bakhtiyay.

Iskusoo wada geeyoo way tira beleen inta Qof ee inagaga Dhimatay Gadiidkaasi,lama xisabin karo inta Qof ee ku Nafoowday ee Laxadkodii qaaliga ahaa ku waayay ,waxa ay ila tahay Talo ayaa Shacbi iyo Dawladba looga bahan yahay.

Waxa aan ku talin lahaa in Sharciyada wadooyinka iyo gadiidka aad loo adkeeyo,waxaa fican in Liisanka Wadista Babuurta aad loo adkeeyo ,lana siiyo oo kaliya cidda Imtixaanka Gudubta,waa in Tababaro loo sameeyo Cidanka wadooyinka lana siiyo Mushaar ku filan oo ay kaga maarmaan Laluushka ay qadanayaan ee Dantu ku kalifayso.

twitter @khadar_aar

warwanaag.blogspot.com

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

W.Q.Qareen/ Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment