SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waan ka xumahay Maxamed Xiisow Quruxda Hargeysa ee hoosta ka qaawan .

 
Tariikhdu markay ahayd 11/4/2016 Malin Isniin ah ayaa wakhti ay iniga ii ahayd Saacadu abbara 5:38 Galabnimo isla markana aan Filaayo in Hargaysi waxyar uun ay naga horayso Sacadaha ,ayaa waxaa si lama filaana Telefonka viber'ka iga soo wacay Saxiibaday Maxamed Xiis Cabdi Naleeye iyo Siciid Caynab oo xiligaasi Casariye Shaah ku Cabayay goob ka mida gobaha Magalada Hargaysa loo nasashada tago.

Maxamed Xiis oo anan ismaqal muddo kooban ahna Nin la socda xalada uu dalku maanta maraayo , ayaa markii aanu sidii gaar ahayd isu waraysanay kadib ayaa Maxamed waxa uu iga sheekeeyay Quruxda iyo Ash-qaraarka ay Magaladii Hargeysa ay yeelatay Mudadii yarayd ee aan soo moogana .

Maxamaed iyo Siciid waxa ay Casariye ka cabnayeen siday ii sheegen mid ka mida Hotelada iyo Restaurantiyada aadka loogu raxaysto ee wakhtiyadan danbe Hargaysa laga yagleenay ,kasoo ku yaala inta u dhaxaysa Ambassador hotel ilaa Istar Hotel .

Maxamed waxa uu ad igaga sheekeeyay Carabkana uu ka dhigi waayay Saxna uu ku ahaa Hotelada iyo Goobaha lagu Raxaysto ee dhismayashoodu ay Hargaysa ka socdaan, isaga oo tilmaamo aad fiican iga siinaya isla markana aad moodo in uu Gacanta i hayo ayaa waxa uu hadba i dul joojiyaa Dhismeyaal aad u qurxoon oo Dabaqyo ah kuwasoo qaarkoodna Gacanta lagu hayo qaarna ay dhamadeen.

Runtii Saxiibkay markii uu Horumarkasi la taaban karo ee Hargeysa iiga sheekaynayay waa aan ku farxay waana wax lafu farxo oo lagu yididiisho ,balse waxa markaliya Maskaxdayda kusoo dhacday ,Saxiibkay Maxamedna aanu isku si u wada aragnay in ay Hargaysi Maanta ay u baahan tahay Qurux ka gadisan midaasi uu Saxiibkay iiga sheekeeyay .

Saxiib kay Maxamed Xiisow Wax badan oo nolosha Adanaha horu-mar iyo Asaas u ah Haregaysi way ka aradan tahay ,kuwaasi oo kala ah ,Biyaha ,Laydhka Waddo iyo Cafimadka iwm :-

BIYAHO LA'AANTA HARGEYSA .
Biyuhu waa aasaaska iyo jiritaanka nolosha bani’aadanka, waana shay la'aantii aanay Nololi jirayn,Biyo la'aani waa Nolol la'aan,Nolol la'anina waa Biyo la'aan .hadii aad aragto Dhul lagu ooman yahay ha ka filin in uu horumar iyo qurux gaadho

Haregaysa waa Magaalo maalinba maalinta ka danbaysa ay dadkeedu sii badanayaa siina kordhayaa qiyaas ahaan Dadka Hargaysa ku nool waxa lagu tilmamaa maanta ku dhawaad Laba Milyan .

Qofkasta oo Nooli waxa uu u bahan yahay Sacad kasta Biyo uu cabbo ,wax ku karsado ,waxna ku maydho , Biyuhu waa asaaska nolosha, Hargaysina waxa ay noqotay Magalo Biyo ku filan sida loogu helaa ay adkaatay walaw dadaal badaniba uu jiro-.

LAYDHKOO QAALIYA HARG.
Aduunka aynu maanta ku nool nahay waxa uu isu badalay wax loo yaqaano Dunidii Korontada ,Dunidan aynu maanta arkayno waxyabaha ugu badan ee ay horu marka ku gadheen waxaa ka mid ah in ay heleen oo ay lasoo baxeen Laydh amma Koronto Jaban ,taasi oo Dadkii ka saacidaysa dhamaan noloshii oo dhan ,iyaga oo kaga maarmaya waxbadan oo Noloshooda Cidhiidhi ku ahaa .

Koronto amma Laydhka oo qiimahiisu jaban yahay waxa ay soo kordhisaa in dhamaan wadanku dhinacyo badan horu-mar uu ka gaadhi lahaa ,hadii Laydh jaban la heli lahaa waxaa yaraan lahayd Jarista Dhirta aynu Dhuxusha ka dhigano,waxaa inoo suura gali lahayd in dhinacyo badan aynu horu mar ka gaadhi lahayn .

Dhamaan Somaliland oo dhan waxa aan ogahay in Laydhku uu yahay mid aad u qaali ah isla markana aanay goyn karayn Dadka Danyarta ahi ,iyada oo aan la iska idha tiray Sababta uu Laydhku qaali u noqonayaa in ay tahay culayska dhanka Shidaalka ka haysta Shirkadaha Laydhka bixiya .

CAFIMAADKA HARGAYSA
Hargayasa oo wakhtigan Xaadirka ah Casimadii Dalka, hadana Dhakhtarka kaliya ee Dawladu gacanta ku haysaa waa Isbitaalkii uu dhisay Ingirisku 1958 kaasi oo haba yaratee dhismahiisa waxba aan lagu soo kordhin marka laga reebo Dhismaha aadka u kooban ee Maxamed Xashi Cilmi afafka dhakhtarka uu ka dhisay .Taasi waxa ay ina tusinaysaa in Hargaysa aad u liidato dhinaca cafimaadka

Runtii waa wax aad loola yaabo caqliguna aanu qadanayn in 1958 ilaa wakhtigan xaadirka in Hargaysa loo dhisi kari waayo Dhakhtar Dawladu Gacanta ku hayso oo Dadka lagu Daweeyo laguna Dabiibo qiimo jaban .Hargaysa waxaa Cafimaadkeeda inta badan Gacanta ku haya Dhakhatiir ay iska leyihiin Dad gaar ahi , kuwaaso inta badan ay dadku kaga cawdaan in ay ka qadan Lacag Qaali ah .

CAFIMAADKA DHIMIRKA
Cudurada Dhimirku waxa ay ka mid yihiin Xanuunada aan isleeyahay waxa ay u bahan yihiin in si aad ah looga hor tago, waxa aad dareemaysaa in dhamaan dadka qaba xanuunka dhimirka ay ku dayacan yihiin dariiqyada iyo wadooyinka iyaga oo Guri iyo Gaboodba ay u yahay Dibadu.Daryeela'aanta ay qabaan Dadka Maskaxda ka Xanuusanaya waa wax laga xumaado.

SIXIR BARARKA
Somalailand oo dhan waxaa la soo gudboonaadey qiima dhac ku yimid lacagta Shilinka taasoo saameyn dhaqaale ku yeelatey bulshada gaar ahana kuwooda danyarta ah.sababaha keenay in sixir bararku aad u sareeyo waxaa kow ka ah ,waa wadan aan habayaratee aan wax uu Aduunka u iib-geeyaa aanu jirin marka laga Reebo Xoolaha Nool ee aynu si aan habays nayn ugu dhoofino wadamada Carabta .

Waxa aad arkaysaa meel walba oo ka Mida Magalada Hargaysa iyo dhamaan Dalka oo dhan , sida goobaha ganacsiga, sheyga ugu badan ee ay dadka wax ku iibsanayaan waxa uu noqday lacagta Doollarka, taasi oo dhamaan dhabar jab ku noqotay Lacagtii Dalku uu lahaa .

WADDO XUMADA
Saxiibkay Maxamed markii uu iga sheekaynayay Quruxda Magalada Hargaysa gaar ahaan dhinaca Bilicda Hotelada ,ayaa waxaa markaliya maskaxdayda ku hirdamay laba arimood oo iska soo horjeeda ,kuwaasi oo kala ah ,Guryo dhaadheer oo aad u qurux badan oo haba yaraatee aanay Guryahasi lahayn wax waddo ah oo ka qayb qaata quruxdooda .

Horumarka Dal gaadho waxyabaha ugu wayn ee laga sahamiyo waxaa ka mid ah in dalkaasi amma Magaladaasi ay leedahay Wadoyin aad u qurux badan oo Indhaha dadka soo jiita ,taasina Hargeysa maanta malaha,cida kaliya ee laga sugayana waa Dawlada Maanta dalka u talisa .

Iyada oo Waddo xumadu caynkaas inagu ah ayaa hadana waxa aynu leenahay oo Ilahay inagu manaystay waxyabahii wadada laga samayn lahaa sida Cidii,Dhagaxii,Biyahii waxa kaliya ee aad Dibad uga bahataa waa Daamur ,bal ka waran hadii maanta dhulka aynu ku nool nahay oo ahaan lahaa Saxara aan waxba lahayn .

WAXBARASHADA IYO SHAQO LA'AANTA
Heerka shaqo la'aanta dhalinyarada waxbaratay ayaa markasta sii kordhaysa, xilli sidoo kale ay sii kordhayso tirada dhaliyarada ka qalin jabinaysa jaamacadaha iyo dhamaan goobaha waxbarashada ee Dalka .

Sanad kasta waxaa jaamacadaha Somaliland ka baxa in ka badan kumaan kun Arday hadana sidaas oo ay tahay ma helaan marka ay waxbarashada dhamaystaan shaqooyin, taasina waxa ay niyad jab ku noqonaysaa Dhalinyaradii iyo wax soosaarkii Aqoonta .

Waxaa ila fiic naan lahayd in Ganacsato badan oo maanta wadanka joogta ay dhalinyaradaasi u abuuraan wax ka gadisan Hotel iyo Goob lagu raaxaysto waayo hadii Dhalinyaradii wadanku ay shaqo wayaan waxaad ogataa in Dalkuna anu qurux yeelanaynin.

GUNTII IYO GUNAANADKII.
Guntii iyo gabagabadii Marka aan kasoo tago caqabadahaasi jira ee aan kor kusoo sheegay waxaa hubaal ah hadii Ganacsatada Dalku ay maal galin xoog leh ku samayn lahayeen abuurista shirkado soo saaro Kalluun iyo Cuntooyin baddeed ,kadibna iyaga oo qasacdo ku jira loo dhoofin laha Wadamada Caalamka dalku waxa uu noqon lahaa markaasi mid horu mar wayn sameeya .balse maanta kaluun keenii ayaa isaga oo Nool badaheenii lagWaan ka xumahay Maxamed Xiisow Quruxda Hargeysa ee hoosta ka qaawan .W/Q.Qareen.Khadar Aar

Tariikhdu markay ahayd 11/4/2016 Malin Isniin ah ayaa wakhti ay iniga ii ahayd Saacadu abbara 5:38 Galabnimo isla markana aan Filaayo in Hargaysi waxyar uun ay naga horayso Sacadaha ,ayaa waxaa si lama filaana Telefonka viber'ka iga soo wacay Saxiibaday Maxamed Xiis Cabdi Naleeye iyo Siciid Caynab oo xiligaasi Casariye Shaah ku Cabayay goob ka mida gobaha Magalada Hargaysa loo nasashada tago.

Maxamed Xiis oo anan ismaqal muddo kooban ahna Nin la socda xalada uu dalku maanta maraayo , ayaa markii aanu sidii gaar ahayd isu waraysanay kadib ayaa Maxamed waxa uu iga sheekeeyay Quruxda iyo Ash-qaraarka ay Magaladii Hargeysa ay yeelatay Mudadii yarayd ee aan soo moogana .

Maxamaed iyo Siciid waxa ay Casariye ka cabnayeen siday ii sheegen mid ka mida Hotelada iyo Restaurantiyada aadka loogu raxaysto ee wakhtiyadan danbe Hargaysa laga yagleenay ,kasoo ku yaala inta u dhaxaysa Ambassador hotel ilaa Istar Hotel .

Maxamed waxa uu ad igaga sheekeeyay Carabkana uu ka dhigi waayay Saxna uu ku ahaa Hotelada iyo Goobaha lagu Raxaysto ee dhismayashoodu ay Hargeysa ka socdaan, isaga oo tilmaamo aad fiican iga siinaya isla markana aad moodo in uu Gacanta i hayo ayaa waxa uu hadba i dul joojiyaa Dhismeyaal aad u qurxoon oo Dabaqyo ah kuwasoo qaarkoodna Gacanta lagu hayo qaarna ay dhamadeen.

Runtii Saxiibkay markii uu Horumarkasi la taaban karo ee Hargeysa iiga sheekaynayay waa aan ku farxay waana wax lafu farxo oo lagu yididiisho ,balse waxa markaliya Maskaxdayda kusoo dhacday ,Saxiibkay Maxamedna aanu isku si u wada aragnay in ay Hargaysi Maanta ay u baahan tahay Qurux ka gadisan midaasi uu Saxiibkay iiga sheekeeyay .

Saxiib kay Maxamed Xiisow Wax badan oo nolosha Adanaha horu-mar iyo Asaas u ah Haregaysi way ka aradan tahay ,kuwaasi oo kala ah ,Biyaha ,Laydhka Waddo iyo Cafimadka iwm :-

BIYAHO LA'AANTA HARGEYSA .
Biyuhu waa aasaaska iyo jiritaanka nolosha bani’aadanka, waana shay la'aantii aanay Nololi jirayn,Biyo la'aani waa Nolol la'aan,Nolol la'anina waa Biyo la'aan .hadii aad aragto Dhul lagu ooman yahay ha ka filin in uu horumar iyo qurux gaadho

Haregaysa waa Magaalo maalinba maalinta ka danbaysa ay dadkeedu sii badanayaa siina kordhayaa qiyaas ahaan Dadka Hargaysa ku nool waxa lagu tilmamaa maanta ku dhawaad Laba Milyan .

Qofkasta oo Nooli waxa uu u bahan yahay Sacad kasta Biyo uu cabbo ,wax ku karsado ,waxna ku maydho , Biyuhu waa asaaska nolosha, Hargeysina waxa ay noqotay Magalo Biyo ku filan sida loogu helaa ay adkaatay walaw dadaal badaniba uu jiro-.

LAYDHKOO QAALIYA HARG.
Aduunka aynu maanta ku nool nahay waxa uu isu badalay wax loo yaqaano Dunidii Korontada ,Dunidan aynu maanta arkayno waxyabaha ugu badan ee ay horu marka ku gadheen waxaa ka mid ah in ay heleen oo ay lasoo baxeen Laydh amma Koronto Jaban ,taasi oo Dadkii ka saacidaysa dhamaan noloshii oo dhan ,iyaga oo kaga maarmaya waxbadan oo Noloshooda Cidhiidhi ku ahaa .

Koronto amma Laydhka oo qiimahiisu jaban yahay waxa ay soo kordhisaa in dhamaan wadanku dhinacyo badan horu-mar uu ka gaadhi lahaa ,hadii Laydh jaban la heli lahaa waxaa yaraan lahayd Jarista Dhirta aynu Dhuxusha ka dhigano,waxaa inoo suura gali lahayd in dhinacyo badan aynu horu mar ka gaadhi lahayn .

Dhamaan Somaliland oo dhan waxa aan ogahay in Laydhku uu yahay mid aad u qaali ah isla markana aanay goyn karayn Dadka Danyarta ahi ,iyada oo aan la iska idha tiray Sababta uu Laydhku qaali u noqonayaa in ay tahay culayska dhanka Shidaalka ka haysta Shirkadaha Laydhka bixiya .

CAFIMAADKA HARGAYSA
Hargayasa oo wakhtigan Xaadirka ah Casimadii Dalka, hadana Dhakhtarka kaliya ee Dawladu gacanta ku haysaa waa Isbitaalkii uu dhisay Ingirisku 1958 kaasi oo haba yaratee dhismahiisa waxba aan lagu soo kordhin marka laga reebo Dhismaha aadka u kooban ee Maxamed Xashi Cilmi afafka dhakhtarka uu ka dhisay .Taasi waxa ay ina tusinaysaa in Hargaysa aad u liidato dhinaca cafimaadka

Runtii waa wax aad loola yaabo caqliguna aanu qadanayn in 1958 ilaa wakhtigan xaadirka in Hargaysa loo dhisi kari waayo Dhakhtar Dawladu Gacanta ku hayso oo Dadka lagu Daweeyo laguna Dabiibo qiimo jaban .Hargaysa waxaa Cafimaadkeeda inta badan Gacanta ku haya Dhakhatiir ay iska leyihiin Dad gaar ahi , kuwaaso inta badan ay dadku kaga cawdaan in ay ka qadan Lacag Qaali ah .

CAFIMAADKA DHIMIRKA
Cudurada Dhimirku waxa ay ka mid yihiin Xanuunada aan isleeyahay waxa ay u bahan yihiin in si aad ah looga hor tago, waxa aad dareemaysaa in dhamaan dadka qaba xanuunka dhimirka ay ku dayacan yihiin dariiqyada iyo wadooyinka iyaga oo Guri iyo Gaboodba ay u yahay Dibadu.Daryeela'aanta ay qabaan Dadka Maskaxda ka Xanuusanaya waa wax laga xumaado.

SIXIR BARARKA
Somalailand oo dhan waxaa la soo gudboonaadey qiima dhac ku yimid lacagta Shilinka taasoo saameyn dhaqaale ku yeelatey bulshada gaar ahana kuwooda danyarta ah.sababaha keenay in sixir bararku aad u sareeyo waxaa kow ka ah ,waa wadan aan habayaratee aan wax uu Aduunka u iib-geeyaa aanu jirin marka laga Reebo Xoolaha Nool ee aynu si aan habays nayn ugu dhoofino wadamada Carabta .

Waxa aad arkaysaa meel walba oo ka Mida Magalada Hargaysa iyo dhamaan Dalka oo dhan , sida goobaha ganacsiga, sheyga ugu badan ee ay dadka wax ku iibsanayaan waxa uu noqday lacagta Doollarka, taasi oo dhamaan dhabar jab ku noqotay Lacagtii Dalku uu lahaa .

WADDO XUMADA
Saxiibkay Maxamed markii uu iga sheekaynayay Quruxda Magalada Hargaysa gaar ahaan dhinaca Bilicda Hotelada ,ayaa waxaa markaliya maskaxdayda ku hirdamay laba arimood oo iska soo horjeeda ,kuwaasi oo kala ah ,Guryo dhaadheer oo aad u qurux badan oo haba yaraatee aanay Guryahasi lahayn wax waddo ah oo ka qayb qaata quruxdooda .

Horumarka Dal gaadho waxyabaha ugu wayn ee laga sahamiyo waxaa ka mid ah in dalkaasi amma Magaladaasi ay leedahay Wadoyin aad u qurux badan oo Indhaha dadka soo jiita ,taasina Hargaysa maanta malaha,cida kaliya ee laga sugayana waa Dawlada Maanta dalka u talisa .

Iyada oo Waddo xumadu caynkaas inagu ah ayaa hadana waxa aynu leenahay oo Ilahay inagu manaystay waxyabahii wadada laga samayn lahaa sida Cidii,Dhagaxii,Biyahii waxa kaliya ee aad Dibad uga bahataa waa Daamur ,bal ka waran hadii maanta dhulka aynu ku nool nahay oo ahaan lahaa Saxara aan waxba lahayn .

WAXBARASHADA IYO SHAQO LA'AANTA
Heerka shaqo la'aanta dhalinyarada waxbaratay ayaa markasta sii kordhaysa, xilli sidoo kale ay sii kordhayso tirada dhaliyarada ka qalin jabinaysa jaamacadaha iyo dhamaan goobaha waxbarashada ee Dalka .

Sanad kasta waxaa jaamacadaha Somaliland ka baxa in ka badan kumaan kun Arday hadana sidaas oo ay tahay ma helaan marka ay waxbarashada dhamaystaan shaqooyin, taasina waxa ay niyad jab ku noqonaysaa Dhalinyaradii iyo wax soosaarkii Aqoonta .

Waxaa ila fiic naan lahayd in Ganacsato badan oo maanta wadanka joogta ay dhalinyaradaasi u abuuraan wax ka gadisan Hotel iyo Goob lagu raaxaysto waayo hadii Dhalinyaradii wadanku ay shaqo wayaan waxaad ogataa in Dalkuna anu qurux yeelanaynin.

GUNTII IYO GUNAANADKII.
Guntii iyo gabagabadii Marka aan kasoo tago caqabadahaasi jira ee aan kor kusoo sheegay waxaa hubaal ah hadii Ganacsatada Dalku ay maal galin xoog leh ku samayn lahayeen abuurista shirkado soo saaro Kalluun iyo Cuntooyin baddeed ,kadibna iyaga oo qasacdo ku jira loo dhoofin laha Wadamada Caalamka dalku waxa uu noqon lahaa markaasi mid horu mar wayn sameeya .balse maanta kaluun keenii ayaa isaga oo Nool badaheenii laga guranayaa kadibna inta lasoo qasacadeeyo ayaa inaga dib laynooga iibiyaa inta ay aqoon darro sidaa tahayna Quruxi kaa dheer .

Madamaa asalkeeno iyo faraceenuba uu ku arooro Xoolo dhaqatada iyo Reer guuraanimada waxa ay ahayd in aynu noqono Dadka loo daaba fadhiisto dhaqida iyo xananaynta Xoolaha Nool, waxaa fiic naan lahayd in Ganacsatadeenu dhaqalaha badan ee ay galinayaa dhismaha Magalooyinka iyo Daaraha dhaadheer in ay galiyaan kobcinta iyo wax soo saarka Xoolaha iyo Beeraha ,Dad aan waxa ay cunayaan aan beranini horumar ma gadhaan .

W/Q Qareen Khadar Ibrahim Aar .