SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Majiraa Qabiil layidhaa Kuul Carre oo Qaranka Habar Yoonis ka maqani ?

 

Qaranka H/Yoonis waxaa lagu tilmaama in ay yihiin Qabiilka Somaliland Dhul iyo Dadkaba ugu badan ,waa waa Qabiil wayn oo soo jireena isla markasina Deegan ku ah Dhul badan oo Soomalidu ay Tagto .

H/Habar yoosin inta la hubo waxa ay u kala baxdaa Qabilooyin kala ah :-

Ismaciil Carre ,Isaxaaq Carre,Muuse Carre iyo Cali Siciid ,Makahiil Carre , balse waxaa tariikhda lagu xusaa oo marnaba aan la ilaabin Qabaa'il kale oo H/Yoonis la dhashay lana walaala sida ,Kuul Carre iyo Daandan Carre ,Ganbo Carre .

Hadaba waxaa jira Warar aan la hubin oo sheegaaya in Reerkii la odhan jiray Kuul Carre la hayo tafiir toodii ,kuna jiraan kuna dhex milmeen Reerka layidhaa Madhibaan oo ka tirsan Beesha Gabooye .

Garaad Axmed Diriye Gaylan oo ah Garaadka Guud ee Kuul isla markana aan Wakhti la sheekaystay waxa iiga sheekeyay Tariikhdan iyo sida ay ku timi ,waana runtii Garaad aminsan in uu yahay Garaad H/Yonisa ,isaga oo soo dhawan iyo XZaflado loogu sameeyay Magalada Hargaysa una sameeyeen Rag ka tirsan H/yoonis ,taas oo ay ugu WANQALAYEEN reerkodii oo ay heleen.

Cadaynta Reerkan wax badan ayay dhagaha iyo Dareenka Reerka ay soo jidatay waxna la iska waydiiyay Dibad iyo Gudaba ,waana arin Doorkeeda leh una bahan in loo xaqiijiyo si dhab ah iyada oo aan wax lagu qiimaynayn Nacayb amma Jacayl.

Tariikhdu markii ay ahayd 2009 Arinta Cadaynta Kuul Carre waxa ay muran wayn ka dhalisay kuna kala qaybsamay Reerka ,iyada oo Madax-dhaqameedka Reerku uu arintan iska tagay meel cad ,hadana Dadka qaar waxa ay ku doodayaan in arintan lagu eego Dhinaca DNA si ay usoo gaba-gabawdo hadalkeeduna u hadho .

Sida aan amin-sanahay muran kama jiro in Reer layidhaa Kuul Carre oo la walala ah Reerka H/Honis uu Baadi ku maqan yahay Tariikhda Reerkana lagu xuso ,taasi oo ay marag u tahay marka wax la iska waydiiyo intee Reer ee Habar yonis ka koob nayd wakhtiyadii hore waxaa laguu soo qabanayaa sheeko odhanaysa in H/yonis ka koobnayd 5 Reer sida aynu kor kusoo sheeg nay. balse waxa uu muranku ka jiraa TReerkan hada ma yihiin Kuul Carre H/yonis ku Abtirsanayay .

Kuul Carra hada soo If baxay Halkuu ku maqnaa :-

Kuul-Carra hada soo if baxay sida ay ku doodayaan amma laga dheehanayo Tariikh badan oo hadii si dagan loo baadho wax badan iftiminaysa waxa ay in muda'aba ka mid ahayeen kuna Abtirsiin ahayeen Reerka Layidhaa MAXAMED MADHIBE (MADHIBAAN) ee Beesha Gabooye ,Reerkasi oo ah Reer aad u baladhan Deegana ku ah Dhulka Somalida Badan kiisa.

Madhibaan waxaa uu u kala baxaa 12 Reer :-

1.Mude Maxamed Madhibe

2.Cumar Maxamad Madhibe
3.Adan Maxamad Madhibe
4.Waa-Suge Maxamad Madhibe
5.Khayr maxamad Madhibe
6.Xuseen maxamad Madhibe
7.Hurugle maxamad Madhibe
8.Hufane Maxamad Madhibe

Hadaba markii aan arintan waydiiyay Dad badan oo ay ka midyihiin Saladiinta Madhibaan waxa ay ii xaqiijiyeen in Reerka Kuul Carre aanu Abtirsiin la wadaagin malse ay Danwadaag ku wada yihiin Bahwaynta Madhibaan .iyada oo aad arkayso in Jilibada ay Madhiiban u kala baxaan in anay ka mid ahayn .

Kuul Carre waxa uu u kala baxaa :-

1-Siciid Kuul
2-Sacad Kuul
3-Faarax Kuul

Mahad Ayaanle Shire waa Nin aqoon yahan ah isla markana ka mid ah wax-garadka Beesha Kuul , Mahad oo la odhan karo waa nin aqoon yahan ah ayaa waxa uu ku doodayaa in Reerka uu kasoo jeedo ee Kuul uu yahay Reer ka mida Qabiilka wayn ee H/yonis .

Mahad Ayaanle shire waxa uu ka shekeeyay qiso aad u dheer isaga oo ka sheekaynaya qaabkii ay uga mid noqdeen Qabiilka Madhibaan .

Waxanu ku bilabay sheekada :-

Kuul waxa uu dhalay Caruur dhan Sadax oo kala ah , Siciid kuul , Sacad kuul iyo Faarax kuul ,kadibna waa uu Dhintay ,sida tariikhda lagu hayo hoyadii Caruurtasi Sadaxda dhashay waxa ay usoo hayaantay Caruurtina la timi Gobolada Bariga gaar ahaan Sool iyo Sanaag ,kadibna waxa ay Degaan ku noqotay iyada iyo Caruurtiiba Magalada BEER layidhaa ee Burco dusheeda .

Magaladasi Beer waxaa dagana XIR (Dariiqo) uu Shekhal Balad u ahaa Sheekh Maxamad Madhibe ,kadibna Hoyadii iyo Sadaxdii Caruura waxa ay u Gacan galeen kana mid noqdeen Xirtii Sheekha iyaga oo ku Abtirsaday Magacii Dariiqada amma Magacii Sheekha oo ahaa Sh Maxamae Madhibe.

Waa dhaqan iyo caado inta badan ka muuqda Abtirsiinta Somalida kasoo ah in Reerkasta Abtirsigiisu kusoo Af-go'do Sheekh amma Shariif ,taaso lagu sababayn karo Qadarinbta iyo Ixtiraamka loo hayay wayadasi Culimada oo la odhgan karo malaha wadanka oo dhan ayay ku cusbayeen.

Mahad Ayaanle Shireisagoo sheekadisii sii wata ayaa isaga oo donaya in uu qeexo in anay ahayn Qabiil Madhiibana waxa uu cadayn uga dhigayaa dhinaca Abtirsiinta oo ay ku kala duwan yuihiin iyaga iyo Madhibaan .

Mahad oo Abtirsaday waa kan :-

Mahad , Ayaanle,Shire,Iidle,Warsame,Sahal,Naleeye,Dudub,Adan,Siciid,Kuul,Carre,Siciid ,Garxajis .

Isla markaasi mahad waxa uu ku dodayaa in abtirsiintiisa iyo mida Reeraha H/yonis ay isku mid tahay dhanka tirada isaga oo Mahad cadaynaya in Carre Siciid uu ugu tagayo 11 oday inankisuna ugu tagayo 12 oday.

Mahad Ayaanle Shire isaga oo hadal kiisa sii wata ayaa waxa uu caday nayaa in Abtirsiinta Madhibaan iyo Abtirsiintoodu anay meel ka wada bilaaban meelna ku wada dhamaan ,waxa kaloo uu caday naya in aanay dhinaca Tirada Odayasha ay ku kala gadisan yihiin ,kadibna waxa uu u Abtiriyay Suldaan ka mida Saladiinta Madhibaan gaar ahaan Suldaanka Guud Iid Gaws -.

Suldaan Iid,C/laahi,Xirsi,Ibrahim,Cateeye,Mude,Maxamad Madhibaan .

Waxaa kaloo uu ku xigsiiyay Abtir-siinta Suldaanka Labaad Suldaan Nadiif

Suldaan Nadiif, Saydh, Jibriil, Mire, Sinagees, Cumar, Maxamad , Madhebe .

Mahad waxa uu ii shegay in Abitirsiinta reerka layidhaa Madhibaan marka ay abtirsanayaan waxa ay Maxamad Madhibaan ku tagayaan 5 Oday, isla markana Mahad waxa uu cadaynayaa in isaga iyo Reerkooda Kuul Carre in ay Carre ugu tagayaan 11 Oday .


Waa fikir iyo xog ururin ,wixii sidaa ka duwan cidii haysa waa laga sugayaa

Khadar Ibrahim Aar .