SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

FAALO KU SAABSAN MD. MUUSE BIIXI CABDI IYO XISBIGA KULMIYE .

Waxaan Qalinka u qaatay intii karaan kayga ah , in aan qoraal idiinku soo gudbiyo, fikirka iyo dareenka aan isleeyahay Dad-waynahu waa ka qabaa Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxiisa Muuse Biixi .

XISBIGA KULMIYE
Xisbiga Kulmiye waxaa la asaasay laguna dhawaqay 26/5/2002 ,kadibna 2002 Bishii Desember Xisbigu waxa uu ku Guulaystay Tartankii Golaha deeganka , waxanu u gudbay in uu ka mid noqdo Xisbyadii Qaran ee Somaliland .


Kulmiye waa Xisbul Xaakimka maanta talada dalka haya ,waa Xisbi Guun ah kana mida Xisbiyada waya-araga wayn ku ah siyasada Somaliland iyo ta Geeskaba ,waa Xisbi uu muddo aad u badan majaraha siyasadeed usoo hayay Hogamiye wayn ee Ruug-cadaa siyasi ah,horu socod leh , aadna looga yaqano dhamaan Dhulka ay Somalidu dagto iyo Geeska Afrikaba, kaasi oo ah Axmad Maxamed Maxamuud Siilayo .

Kulmiye Waa Xisbi la odhan karo waxaa uu soo maray durufo iyo tartanno aad u fara badan ,sida tartankii doorasho ee uu lasoo galay Xisbigii saacufay ee Udub ,iyada labadii doorasho ee uu Udub lasoo galay midna 80 cod lagaga guulaystay ,kii kalana ay guushu ku raacday .

Kulmiye waa Xisbi la galiyay juhdi iyo dadaal,  dhaqaale aad u fara badanina uu ku baxay  ,iyada oo lagu tilmaami karo Xisbi ay usugu tageen kana wada muuqdeen dhamaan akhyaarti iyo hormoodkii siyasiyiinta Somaliland yar iyo wayn, rag iyo dumarba .

Shirwaynihii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee Hargaysa ka qabsoomay 10/11/2015,ayaa Madaxwayne Siilaanyo si aan gabasho lahayn ugu dhawaaqay in dorashadii Madaxnimada ee Somaliland iyo musharax-nimadii xisbiga Kulmiye uu ka tanasulay ,si dariiqa uu ugu baneeyo raga uu damaca Madaxnimadu uu hayo ,taasi oo tariikh lama ilaawana noqotay.

Isla maalintaa 10/11/2015 waxaa si kalsooni leh musharaxa xisbiga Kulmiye loogu doortay Muuse Biixi Cabdi ,iyada oo uu ku guulaystay codad dhan 344 Cod,kadib markii la wayay cid golaha kula tartanta, taasi waxa ay keentay in Muuse noqdo Musharaxa Xisbiga ee dorashada 2017 hadii ALLE yidhaa .M/Xigeena uu u yahay C/Raxmaan saylici.

WAXBARASHADII MUUSE BIIXI CABDI .
Muuse Biixi Cabdi Waxa uu dhashay 1948,Waxa uu ku dhashay Galbeedka Hargeysa tuullo yar oo u dhaxaysa Arabsiiyo iyo Fara-wayne waa sida uu muuse uu sheegay ,iyada oo aan wali laga maqal Muuse Tuulada uu ku dhashay Magaceeda intan ogahay .

Waxbarashadisi waxa uu ku qaatay Magalada Hargeysa ,gaar ahaan Dugsigii Sh Baraawe ee Hargeysa ku yaalay ,Wax-barashadiisi hoose dhexe waxa uu ka bilaabay Dugsiga Hoose dhexe ee Biyo-dhacay. Tariikhdu markay ahayd 1959-kii . waxa uu ka mid ahaa Ardaydii wax ka baratay Boodhankii Camuud ee Boorama .

1970-kii waxa uu ka midnoqday ardeydii loo-qaatay Ruushka si loogu soo tababaro saraakiisha Akadamiyada-barashada cilmiga duulimaadka diyaaradaha ,gaar ahaan nooca dagaalka (Fighter-bomber aircraft-M28)

Soo-noqadkiisi waxa uu ka midnoqday Ciidamadii-Cirka ee Soomaaliya kuwoodii ugu cad-cadaa xaga ciidamada Militeriga ee cirka, wakhtigii dagaalkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Ethopiya -1977-kii.waxa uu kasoo shaqeyay kana hawl gali jiray magaloyinka,Xamar ,Baydhaba iyo Dafeed.

Muuse-Biixi markale waxa uu aqoontiisa dhanka ciidanka cirka ku soo-qaatay waddanka Maraykanka kuliyadii –(Virginia Military Institute -VMI) Kooras kooban oo-ahaa mudo hal-Sano iyo Sideed Bilooda. Muuse waa Nin ku hadla Luqadaha Afka Somaliga ,Carabiga ,Engilish ka iyo Faransiiska .

1985 Bishii May Muuse waxa uu si toos ah ugu biiray Jabhadii SNM.isaga oo xidhiidh hoose la-lahaa Rabi haw naxariistee Maxamed Xaashi-Lixle oo ay balan hoose lahaayeen sida uu Muuse wakhtiyo badan Warbaahinta ka sheegay .SNM waxa uu kasoo qabtay xilal kala gadisan .

SIYASADA MUUSE BIIXI
Muuse Biixi Waxa lagu tilmaama mararka qaar , qof ay adagtahay in laga saadaaliyo amma la-mala-awaalo waxa uu yahay .waxa Dadka qaar is-waydiyaan Muuse ma hogaamiye aragti leh baa ? ma dagaal ooge? ma qabiilayste ? ma Nin Aftahanaa ?.

Dad badan oo Muuse yaqanaa waxa ay ku tilmamaan in uu yahay qof hal- adayg leh, isla markana aan dhinaciisa Dhul la dhigin, Nin Run badan oon cidna been ku Haasawin , Nin adkaysi iyo naf hurba leh , nin Somaliland iyo gooni isu taageedu Caqiido (lama taabtan) u tahay wixii aan iyada ahayna gorgortan kagali kara.

Muuse Biixi, waxa uu ka mid yahay Siyaasiinta kooban ee ugu hadal haynta iyo saamaynta badnaa Somaliland 20 kii Sanno ee u dambeeyey, waana nin inta badan dadku afka ku hayaan,Warbahintuna ay uga hadlaan sifooyin kala duwan .

Bulsho badan oo Somaliland ahi waxa ay Muuse Biixi u aragta in uu yahay nin go'aan qaadasho leh , halka Somaliland maanta joogtana hore uga sii wadi kara, gaar ahaan Dhinaca Milatariga iyo la dagalanka Musuqmaasaqa.

Muuse Biixi waa nin dadku iska Jecel yahay in ay iska hadal hayaan markasta ,Sax iyo Qaladba ,inta badana ay dhacdaba in laga been sheego .waa nin kaftan badan ,Qosol badan ,haduu doonana Dadka u Maadeeya ,marka uu hadlayana Luqunta warwareejiya .waa Nin Saaxibal Salaada ah, Diintana aan ku Xumayn .waa Nin inta badan jooga oo laga Helo ,kuna kooban Dagmada uu Hargaysa ka dagan yahay ee Ibrahim Koodbur amma 26 Juun iyo nawaxigeeda .

Sidoo kale Dadbaa waxay amin sanyihiin in Muuse Biixi uu yahay Dagaal ooge ,iyaga oo tusaale u soo qaadanaya dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay sanadki 1994 kii, kasoo uu ahaa Wasiirkii Arrimaha gudaha iyo Amniga,wakhtigaas oo laga qoray hadalo taariikhda galay ,sida Gabaygii Hadrawi ee uu Dagaalka usoo Daliishaday :-

kasoo ahaa ,Anigoo wax dili kara Duco qadan mayee ,Dabci Qorigu hay faro ,iyo hadaladii daba socday ee ay ka mid ahayeen waa inoo Dagal. taaso wakhtigan la joogo aad u damqday Muuse,siyasadiisana raad wayn ku yelatay .su'aalo badan oo laga waydiiyayna aan Jawaab saxa u helin.

Horaantii Bishii Shanaad 2014 waxa si is-daba joog ah Hargaysa loogu qarxiyay Qaraxyo loogu yeedhay SHAANI taasi lagu xidhiidhinayay is haysadkii iyo loolankii Xisbiga Kulmiye,Qaraxyada shanida oo Dadbadani ay ku ee day-nayeen in uu Muuse Biixi ka danbeeyo in kasto uu gees isaga duway dhacdooyin kaasi , balse waxaa ka raacday Naanays aan taabbo gal- noqon, iyada oo loogu magac daray, Muuse Shaani .

Bulshada qaar waxa ay ku tilmamaan in uu Muuse yahay Nin Nasiib badan markastana waxa uu u dhaqaaqo ku Guulaysta ,taasi waxa ay ku tusinaysaa in qof kasta oo marar badan guulaystay ay jirto sabab macquul ah iyo sababo keenay in uu guulahaas gaadho Idamka ILAHAY . Guushuna sideedaba maaha wax hadyad la isu siiyo .

Muuse Biixi, inkasta oo dadka qaar u arkaan inuu yahay hogaamiye aan soo jiidasho fiican lahayn, hadana waa siyaasi aad u faham san aqoona u leh Taariikdha dadkan iyo dalkani soo maray . Waa hogaamiye jecel horumarka ,una muuqato jidka uu u marayo. Waa siyaasi indheer garadnimo ay ka muuqato .

Muuse waxa uu soo agaasimay in badana kasoo shaqeeyay Shirarkii faraha badnaa ee Nabadaynta Somaliland, sida shirkii Burco,Sheekh iyo Shirkii Boorama ee lagu doortay Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal ALLA haw naxariistee ,kasoo markii Danbe Muuse u magacabay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amnigaba .

Waxaa ay dad badani u arkaan Muuse Biixi in uu yahay ninka kaliya ee Madaxwayne Siilaanyo uu Dalkan iyo Dadkan ku aaminay kagana tagaayo .


Wa bilahi Tawfiiq.

W/Q:- Qareen. Khadar Ibrahim Aar