SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa Qaybtii 4-aad ee Shekadii TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN GALAY .

Mid ka mid ah Dhalinyarada sida dirqiga uga samatabaxay masiiboyinkaasi Tahriibka ee marba marka ka danbaysa kasii daraya,ayaa waxa uu iiga sheekaynayaa dhibatadii aadka u Xauuunka badnayd ee uu lasoo kulmay intii uu Tahriibka kusoo jiray .

Intinii sheekada Qaybteedii hore la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo wiilkii dhalinyarada ahaa iyo dhamaan Akhayartii ay Tahriibka isku barteen ay soo galeen Wadanka Sudan Gaar ahaan Magalada Khartuum.

Isaga oo sheekada halkii inooga qaadi doona waxa uu yidhi :-

Sacadu waa Tobankii Habeenimo ,Jawiga Magalada Khartuum waxa uu marka ila ahaa mid aad u kulul, waxa aanu wada soconaa Dhalinyaro aanu isku baranay Jidka ,balse dhalintan aan hada la socdaa maaha kuwii aanu isku qorshaha ahayn ee aanu Adis-ababa kasoo wada baxnay ,balse sidiisaba Qorshaha Tahriibku maaha mid ku tala gal'leh ,hadba cidda ay dantu ku raaciso ayaad iskala rafiiq noqonaysaa, waxaa tahaya Baal Dabayli sido.

Markii aanu Magalada soo dhex galnay ayaa waxaa markiiba noo yimi Nimankii Mukhalasiinta ahaa ee Dhalintan horboodayay kadibna waxa nala geeyay Guri ,waxaa naloo keenay Cuntooyin ,waxaa nala siiyay meel aanu jiifsano ,waxaa kaloo nalagu cawiyay Talafon ay Lacagi ku jirto si aanu ula hadalno Dadkii aanu ka nimi iyo Walidiintii .

Dhalinyarooy soo dhawayntan Mukhalasiinta iyo waxyabahan ay nagu cawinayaan haw qaadan Ilahay Dartii ee Dantooda ayaa ku jirta ,Dhalinyarow ogsoonow Nimanka Mukhalasiinta ahi marna arxan kuu gali mayaan Naftada waxaa kala qaalisan Shilinka ay kaa helayaan.

Waxa kaloo aan ogaaday in ay Nimanka Mukhalasiintii ay jecel yihiin Qofka Badda ku Dhinta ,balse ay Neceb yihiin Qofka ka badbaada Dhibatada Badda, sababta oo ah waxa ay ogyihiin in Qofkaasi Geerida ka badbaaday uu ka sheekaynaayo dhibatada ay Dhalinyarada ay ku hayaan Mukhalasiintu isaga oo Qof Qof u magacaabaya.

Akhristaw Talafonkii ay Mukhalasiintu noo dhiiben si aanu Walidkayo ula hadalno waxa aan ahaa Qofkii ugu horeeyay ee Talafonka Gacanta ku dhiga kadibna waxa aan si kadisa ah u radiyay meeshii aan ku qoray Lanbarkii Saxiibkaygii qaaliga ahaa ee joogay Wadanka Norwey ,kaasi oo ahaa Ninkii igu qalqaaliyay in aan soo Tahriibo isaga oo ii balan qaaday in uu si fiican ii Gacan qaban doono Malinta aan soo gaadho Dalka sudan.

Waxa aan garacay Lanbarkii Saxiibkay Cabbaar markii uu dhacay ee aan arkay in aan la qabanayn ayaan waxa aan ka fikiray in uu Saxiibkay Seexday amma uu mashquul yahay,anoo ku niyad san in uu igu soo celin doono marka uu arko in Lanbarkani uu yahay Sudan, maadama aanu ku balan sanayn in Sudan marka aan soo gaadho aan lasoo hadlo.

Wakhti yar ka bacdi ayaan hadana Talafoonki ku celiyay ,waa uu dhacayaa lakiin cid-qabanaysaa ma jirto ,mararka qaar waxa aan is idhi malaha Lanbarka ayaa ka qaldan kadibna markasta dib ayaan u hubiyaa,ma jiro wax Lanbara oo haba-yaratee iga qaldani, ma garanayo waxa isbadalay .

Runtii qabasha la'aanta Talafoonk aad ayay ii Calool xumaysay, waayo waxa aan ogaa in Saxiibkay uu ahaa Mid aniga dhankayga igu qaali ah ,waxa kale oo meesha ku jiray isaga oo saxiib kay ahaa Ninkii ugu qalqaliyay Safarkan .

Saxiibayaal markii aan ka quustay Talafonkii Saxiibkay waa aan iska seexday madama aan dalanaa ,kadibna Waagii ayaa baryay qofkastaba waxa uu galay qorshahiisii Safar ,waxaa halkan agtayda heshiisyo ku wada galayaa Mukhalasiintii iyo Dhlinyaradii,kuwaasi oo badankeedu sita Lacagtii ay Safarka Sudan kaga bixilahayeen ,balse anigu wax Lacaga oo aan sitaa ma jirto ,Saxiibkaygii aan ku soo talagalayna waaka aan ku Hungoobay.

Waxaa iga Xasuusina Qofkasta oo Dhalinyaro ahna aan kula talaniyaa yaan laysku halaynin Saxiibka Xun ,ha ku tashanina Saxiibkay ayaa Tahriibka iga saaraya oo Nafta ii huraaya,waxa aan ogaaday in Dhalinyarada Somalida badan keedu %99 ay Saxiib ku yihiin sheekada iyo Qosolka khiyaaliga.

Asxaabey waa Malintii Labaad ,waxaa Baryay Waagii waxa aan Damcay madama aan Saxiibkay ku Hungoobay in aan la Hadlo Waalidkii idhalay waxa aan garacay Talafonkii Abahay uu sitay,Ilayn Hooyo waa BEERE Nasiib wanaag waxaa markiiba Talafonka iga qabatay Hooyo Macaan.

Markii ay codkaygii garatay ayaa waxa ay ku celcelisay!! !Hooyo Hooyo Hooyo ma nooshahay, kumee miya lagu xidhay waa sidee xaalku,Hooyo iyo Aabe kala Calool jilacsane waxaa markiiba hadana talafoonkii igala hadlay Abahay isaga oo hadalkii ku biilabay WAARYAHE HALKEED QABATAY ,MIYAAD TAHRIIBTAY WAAR ,WAY INOO TAHAY !!CAANAAN WAALID CEEB MALAHA .

Intaa markii aanu Abahay is waydaarsanay ayaan ku idhi Aabo dhib majirto ee Talafonka Hooyo iigu dhiib ,waayo waxa aan ogahay in Hooyo maantoo kale aanay cidlo igaga tagayn ,inkastoo Go'aanka iyo Gurmadkaba uu Aabe leeyahay balse Hooyo Xaalkeeda Qofna loo sheegi maayo.

Akhristaw halka marka uu marinaayo sheekada Wiilkii Dhalinyarada ahaa ayaa waxaa si lama filaana uga timi Ilmo iyo Oohin ,waayo waxa uu dareemaya Xanuunkii soo maray xiligii xumaa ee Tahriibka ,waxa uu ka damqaday Calool xummo wayna ku Beertay Lugoyadii Saxibkisii iyo Talafonka ka qaban waayay.

Waa kan isaga oo sheekadii inoo wada:-

Dhalinyaroy marka aynu arimahan oo kale aynu galayno waa ay inla fududahay waxa aanay inla tahay ciyaar ciyaar ,balse marka ay Runi Run gaadho ,waxkastaba waa ay isbadalayaan, waxaana ku hor imanaya Xaqiiqda jirta .

Markii aanu wada hadlay walidkay Fajac iyo amakaag kadib, waxa aan ka codsaday in ay si dhakhsa ah lacag iigu soo diraan,aniga oo horeba ugu ogaa in anay jirin wax Lacaga oo Qayska aan ka dhashay uu haysto Boqol Dolarna Alla ha ka yeelee, Reerkayaguna uu ahaa mid ilaa xad faqiir ah,waxa aan Hoyaday uga xaal waramay meesha aan joogo iyo Xalada aan ku suganahay.

Hoyaday iyo Abahay waxa ay u tafa-xayteen in ay meel uun Lacag iiga radiyaan,waxa ay u tageen oo Danta iyo Aniguba aanu ku khasabnay Baryada iyo Yaboohda Dad aanay Waxba waydiisan jirin ,waxa ay Gacanta hoos dhigteen isla markana ay baryeen Dad Quudhsaday ,waxa ay ka ag baroorteen oo Ilmada Hortooda iskaga tirtireen Dad Cadaw ah oo marnaba aan il-naxariisle aan tusin.

Maalin taasi oo dhan Hoyaday iyo Abahay waxa ay u ahayd Wareeg iyo socod , kuwaasi oo ay gaacmo Madhgan iyo Hungo kala huleelay Dadkii ay wax waydiisten ,murugadii iyo ciilkii goor Habeenima waxa ay Hoyaday kusoo noqotay Gurigii iyada oo aan waxba isoo helin.isla sidasi oo kale waxaa isna soo Hadh-galiwayay Abihii i dhalay .

Goor Habeenimo ah ayay Guriga isugu yimadeen Hooyo iyo Aabe midkastaba waxa uu midka kale u sheegay in aanu wax Aduuna soo helin,waxa ay isla garab fadhisteen Murugada iyo Ciilkii aan baday .

Hooyo iyo Aabe midna Hurdo dhaban ma dhigin Habeenkaasi waxa uu waagu ugu baryay ka fikirka iyo falanqaynta halkii ay LACAG IIGA HELI LAHAYEEN.

Waxaa baryay Waagi, Aabo iyo Hooyo midina isaga oo aan Quuraacan ayaa uu Gurigii ka jarmaday ,ma jirto iminka Cid gaar ah oo ay isleyihiin waxbaad ka helaysaan ,balse waxa ay ku Socdaan Ilahay Dartii iyo Ducada oo ay Badiyeen ,iyaga oo markii horana ahaa Dad Salaad Sax ah.

Dhibta labaad ee meesha tala waxa ay tahay inta badan Dadku wax iskuma siyaan Ilahay Dartii ,balse waxaa dhacda in wax lagu Amaahiyo,hadiiba Aabo iyo Hooyo ay Lacag isoo Amahan lahayeen waa ay adag tahay in Dadka ay Lacagta ka amahanayaan ay aqbalaan in Lacagta intan leeg ay bixin karaan Qoyska aan ka dhashay ,madama lagu og yahay Faqiirnimo ilaa xad ah.

Isla Malintii labaadna waxa ay kusoo dhaceen Hungo iyo wax-la'aan,Malin Sadaxadii ayaa Abbo iyo Hooyo waxa ay ku tashadeen in ay u tagaan iyaga oo wada jir ah Amaahna ay ka raadsadaan Nin anay aqoon isu lahayn , Ninkaasi oo ah Nin Wadaad ah kana mida Dadka Dhalinyarada aadka uga wacyi galiya Tahriibka ,markii ay u xaal warameen Ilahay idimkii Ninkii waxa uu ka Ogoladay in uu Lacag siiyo isla markana aanu Dayn kaga dhigin.

Waxaa si dhakhso ah la iigu soo diray Lacagtii aan dalbaday,waa wax lagu farxo amma lagu yididiisho marka adoo halkaas oo kale maraya dhaqale aad dalbatay dhakhso laguu soo gaadhsiiyo ,balse hadana Farxadaydu waa mid kala dhantaalan waayo waxa aan dareemaya caqabadaha iga horeeya.

Iyada oo xaalkaygu halkasi maraayo , hadana lama ogo xaalku si uu ku danbayn doono.Gurigan aan joogo waxa ku nool dhalin aad ugu dhibataysan Sudan Lacag la'aanina ay ku hayso, cid wax usoo dirtayna aanay jirin amma aan lahaynba Walidiin, balse Lacagtii yarayd ee la isoo diray Guntiga ayaan gashaday cidna umaan juuqin.

Waxa aan u diyaar garobay Safarkii Saxaraha ee Dhinaca Liibiya ,waxa aan Bixiyay Lacagtii Tahtriibka ee Sudan ilaa Liibiya ,waxa aan qayb ka noqday Dhalinyarada loo sheegay in ay Baritoole baxayso.

Sheekada la soco wali fari kama qodna dhibta u wayni haday bilaabmaysa.

la soco qaybta 5 aad.
warwanaag.blogspot.com

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment