SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waxaan rabaa in layga dhigo wasiirka gashaan dhigga .


Mahad dhamaanteed Eebbaa iska leh, nabadgelyo iyo naxariisna korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii Suubanaa Muxamed Ibnu C/laahi Scw .


Sida aynu ka wada warhayno baryahan danbe waxaa dhaqan iyo caado inoo noqotay in Qabiil kasta Saami-qaybsiga Kuraasta
Dawlada ay jecel yihiin in loo magacabo Wasiirada ay ka mid yihiin, W/arimaha Gudaha,W/arimaha Dibada ,W/Maliyada iyo W/Gashaan-dhigga. Wasaradahasi wixii kasoo hadhay Qabiilka loo magacaba waxa uu isu arkaa in uu yahay Qabiil aan si fiican looga qayb kalin taladii Dalka ,lana Xaqiray .

Waa dhaqan iyo Fikir aynu inta badan kaga duwanahay Dad badan oo Aduunka ku nool ,kasoo ina dhaxal siisay in horumar farabadan aynu ka gaadhi wayno Nidaamkii Dawladnimo ,madamaa Caqligeena iyo garadkeenuba uu dhaafi la yahay Afarta Wasaradood ,isla markana aynu dayacnay Wasaradii ka qiimaha iyo qayaha badnaa .

Bal u fiirso Wasarada Macdanta,Biyaha,Kalumaysiga iyo Khayraadka Badda iwm bilahi caleeg hadii ay heli lahayeen Aqoon dhaqajisa hirgalisana shaqooyin kooda ,kana saarta Cadilnaanta iyo Magac uyaalka ay yihiin , waxa ay ila tahay waxa ay ahaan lahayeen Wasaradaha u qiimo badan Dalka .

Bal sheekadan akhriso :-

Nin Siyaasi ah isla markana aqoontisa iyo Waya-arag-nimadiisuba ay tahay Biyaha iyo sida looga munafacadsado,loogana fa'iidaysto ayaa waxa isaga iyo Qabiilkisii Olole iyo Kaanbayn u galeen , in Dawlada laga siiyo Jago amma Kursi Wasiirnimo oo u Qalma ,Jagadasi oo ay ku asteyeen in ay mid ahaan noqoto Wasaradaha aynu kor kusoo xusnay .

Ayaamo ka bacdi ayaa Qabiilkii oo oodahiisa watta, intaaso Baabuurna is daba-galiyay ,isla markana uu hor-boodayo Ninkii Siyasiga ahaa ee ay Kursiga Wasiirnimada u wadeen , waxa ay isku shubeen Xaruntii Madaxtooyada ,Nasiib wanaag waxa ay fursad iyo wakhti u heleel in ay la kulmaan Madaxwaynahii Dalka .


Waxaa wakhti aad badan ka qaatay sidii ay Madaxwaynaha uga dhaadhicin lahayeen Jagada amma Kursiga ay rabaan ka uu yahay ,iyaga oo markasta Madaxwaynaha Xasuusinaya in aanu u magacabin ,Wasaradaha aan Dhac-dhaca lahayn, amma sida ay hadalka u dhigeen Wasaradaha Inan Gumeedka ,iyagoo dushana ka xariiqaya in loo magacabo Wasarada Gashaan-dhiga ,balse Madaxwaynaha laftiisu waxba kuma diidin .

Muddo yar ka bacdi ayaa Ninkii Qabiilku Wasiirka u sharaxay,waxa uu Xan iyo Xuuraan ku maqlay , in Madaxwaynihu uu la rabo in uu u magacabayo Wasiirka Biyaha, madamaa uu yahay Nin Aqoontisa waxbarasho ay ku astaysan tahay Biyaha iyo Wax-soosaarkoda sida ku cad CV ga uu Madaxwaynaha usoo gudbiyay .

Markii u horaysay ee uu arintaasi maqlayba waa uu ka cadhooday isaga oo u arkayay in anay isaga iyo Qabiilkisa toona anay Wasaradaasi muunaasab ku ahayn , isaga oo ilawsan in Aqoontii iyo Waya-aragnimadii uu Aduunka kala yimi ay ahayd Biyaha iyo sida loo munaafacaadsado .

Waxa uu jeclaan lahaa,Madaxwaynahana uu ka filayayna isaga iyo Qabiil-kiisuba in loo magacabo, Wasiirka MILATARIGA (Gashaan-dhigga !!!) Wasaradasi oo aanu Aqoon guud iyo mid gaar toona aanu u lahayn ,isagoo waligiina aan Xero Milatari iyo mid Boolistona aan istaagin !!cajiiib anaga wax aragnay .!

Hadaba si aan isaaga iyo Qabiilkisa iyo Dawladu iskugu dhicin , Jagadasina aanu u waayin waxaa uu keenay DHAKO iyo fikir .Waxa uu diyariyay Fikradii uu Qabiilkiisa kaga dhaadhicin lahaa kuna qanci lahaayen, una tusi lahaa in Biyahu ay yihiin shayga aduunka ugu faa'idada badan ,kadibna waxa uu si madax banaan u shiriyay Reerkii .

Hadaba si uu taas u faham siiyo waxa uu ka fikiray in Qabiilkiisii uu la shiro ugana sheekeeyo Faa'idada ay Biyuhu Aduunka u leeyihiin ,isaga oo si xeeladaysan ugu dhiigaya ,in uu jeclaan laha oo kale !! in Madaxwaynuhu Wasarada Biyaha u magacabo , ilayn hadii kale waxaa dhacaysa in Qabiilkii Madaxwaynaha ay ku diidaan Jagadaasi ,isaguna uu ku Wasiir waayo .
Waxa uu isugu wada yeedhay dhamaan Odayshii iyo Waxgaradkii Reerka ,kadibna waxa uu guda galay in uu Tafasiil iyo Maclumaad dheerada uu ka bixiyo Biyaha iyo faa'idada ay u leeyihiin Aduunyada oo dhan ,waxa uu sharaxay in Shay kasta oo ILAHAY CSW uu Abuuray marnaba aanu ka maarmayn Biyaha ,waxa uu tafsiir aad u badan ka bixiyay in Qofka Bini-Aadmiga Jidhkiisu %80 uu yahay Biyo ,waxa uu ku nuux-nuux saday sida anay Dunidu uga maar mayn Biyaha

Waxa uu soo Qatay Ayadaha Quraanka iyo Axadiista Rasuulka scw ee ka hadlaya Biyaha iwm .وهو الآية القرآنية ( وَجَعَلْنَا مِنَ الْمَاء كُلَّ شَيْءٍ حَيٍّ أَفَلَا يُؤْمِنُونَ ؟

Isla fadhigii ka bacdi dhamaan Dadkii Shirka isugu yimi waxa ay noqdeen kuwo aad ugu Qushuucsan Tobigan uu ka hadlay aqoon yahan koodu ,fahmayna Biyaha iyo Fa'iidada ay leeyihiin ee aanay hore u dareen sanayn ,iyaga oo Tamaniyay iskuna qanciyay in ay fiicnaan lahayd in uu Madaxwaynuhu u magacaabo Wasiirka Biyaha ,madamaa hada ay arkeen fahmeena Fa'idada Biyaha Aduunka u leeyihiin.



 
Maalmo ka dib ayaa sidii awalba la filayay waxa Idacada laga sheegay in Wasiirka Biyaha loo magacabay Mudane Galool oo ahaa ninkii Reerku watay.kadibna Wasiirkii waxa uu isugu yeedhay Qabiilkiisi .Waxanu ka sheekeeyey sidii uu usoo dhiciyey ,uguna hawl galay Kursigii ay Reerku tamaninayeen ee Wasiirka Biyaha ,taasi oo Reerkina aad ugu farxay.

Waxaa ka bilaabantay Reerka gudahisii in la dhawro lana ilaaliyo Biyaha oo aan dayac loo daadin. Dhalinyaro iyo odayaal, Rag iyo Dumar , Caruur iyo Ciroole ,Beeshii waxay bilawday in ay Dadka ku wacyi galiso meel walba kaga sheekeeyaan wanaagga iyo faa'idada ay Biyuhu leeyihiin Aduunka oo dhan .

Qabiilkii waxa ay u fahmeen Wasaradan Biyaha ee loo magacabay in ay tahay mid iyaga looga maarmi waayay , Madaxwaynuhuna u arkay madama ay Biyuhu yihiin Laf-dhabartii Dalka in cida kaliya ee shaqadaa kasoo bixi kartaa ay tahay iyaga (qabiil kooda) .

Waxa ay u arkeen in ay Amaan iyo qadarin u tahay Magacawga Wasarada Biyuhu, waaxa kale oo ay Niyada galiyeen isuguna sheekeeyeen in Dawladu ogaatay in ay yihiin Reer aan laga maarmi karin Siyasad ahan , SIDA AAN BIYAHA LOOGA MAARMI KARIN !

Waxa ay bilaabeen Faan iyo isla waynaan ,Markay beelaha kale u fanayaan waxa ay odhan jireen "HADAAD FA'IIDO LEDIHIIN SIDAYADA AYAA WASIIRKA BIYAHA LAYDIIN MAGACABI LAHAA . *

Waxaa kaloo soo korodhay in Caruurtii maalmahaas dhalatay ee Qabiilkas ku abtirsanaysay waxaa loo bixinayey Magacyo Biyaha ka turjumaaya sida: Xareed, Maax, Rooble, iyo Ciise Biyood, Biyo ma daadshe iwm .

Waxaa kaloo iyana soo korodhay in Qabiilkii aanu marnaba jeclaysan Warshadaha yaryar ee Biyaha Sifeeya ee loo yaqaano Moysaxada iwm ,waxaa kaloo Reerku ka xanaaqi jiray Dadka ka sheekeeya in Biyahu Wasakhaysan yihiin una bahan yihiin in la saafeeyo taasoo ay u arkayeen in Wasaaraddoodo wax laga sheegaayo amma la mucaaradayo .

Isku shaandhayn kasta oo la sameeyo Reerkii waxa ay odhan jireen Wasarada Biyaha yaan cid kale nalaga siin.

Hadaba miyanay ahayn in Fahamka qaldan ee laga haysto Wasaradaha Tirada badan ee dalka ,in faa'idada ay leeyihiin umada loo bandhigo,oo Raga Wasirada ah ee marka Jagada loo magacabo odhanaya aniga iyo Reerkayga nooma qalanto oo waanu iska casilaynaa in loo caqli celiyo sida Wasiirkani Reer kiisa uu ugu caqli celiyay .

Wasiirkaasi waxa uu ku guulaystay in Naftiisa iyo Reerkiisa uu ka dhaadhiciyo waxyabo Xaqiiq ah oo in badan la iska Indha tiraayay.

W.Q-Qareen /Khadar Ibrahim aar.