SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN JAAHILIYADII HORE IYO ILBAXA REER YURUB .?


 

Qofkasta Ilahay waxa uu u sameeyay Qaab iyo samays uu kaga duwan yahay Qofka kale, ma jiro Aduunkan qof qof u eegi xataa haday Mataano Uur kasoo wada baxay yihiin waxaa jira wax badan oo ay ku kala duwan yihiin.


Dhamaan Bini Aadmiga waxaa wada haysata Kalsooni darro iyo Qawadaad ay qawad san yihiin Qaab Dhismeedka Rabbi u abuuray iyo sida Quruxda badan ee uu isugu jaan gooyay ,inii ILAHAY u naxariistay mooyaane.

Sidiisaba Bini'aadmigu waxa uu sharaf iyo karamo ku leeyahay marka uu qaato kuna dhaqmo amarada iyo Talooyinka wanaagsan ee kasoo Fulaya ILAHII Khaaliga ahaa ee abuurtay ,kaasi oo yaqana waxa ay Maslaxadoodu ay ku jirto ,isaga oo usoo diray Rusul ay wax ka bartaan oo Macalimiin u noqda .

Aduunkan aynu ku Nool nahay Bilawgiisii Adam iyo Xaawo cs waxa soo jiray Laba waxyabood oo markasta is garab ordaayay kuwaasi oo kala ahaa Wanaag iyo Xumaan Il'baxnimo iyo Jaahil Nimo ,Markasta Rususha Ilahay soo diraa waxa ay Dadka ugu yeedhaysay Xadarada iyo Ilbaxnimada fiican ee ku qotonta qaadashada Amarada ILAHAY iyo raacida Rususha uu soo diray.

Hadii si fiican loogu dhabo galo waa ay adag tahay in ay Dadku isku si u wada fahmaan waxa loo yaqaano Badaw amma waxa loo yaqaan Ilbax, Qofkasta amma umadkasta waxbaa la wanaagsan kadibna waxaas ayay u yaqanan Ilbax ,isla markasi waxbaa la xun waxaasna waxa ay u yaqanaan Badwi amma Badawnimo .
Inta badan Dadka maanta Aduunka ku nooli Wadamadan Yurubta waxa ay u yaqaana wadamadii Dadka Ilbaxa ahaa ,sidoo kale Dadka ka dhaqan Wadamadan Gaalada sida Reer Yurub iyo Maraykan iwm waxa ay isu yaqaanan Dadkii aduunka u Ilbaxsanaa wixii iyaga kasoo hadhana waxa ay u yaqanaan Dadkii Aduunka u Badawsanaa una liitay.

Hadaba Waxyabaha igu dhaliyay in aan qoraalkan qoro ayaa waxa ay yihiin:-

Maanta ayaa waxa aan soo raacay Tareen kadibna waxa aanu Kursi wada fadhiisanay Wiil dhalinyaro ah oo Da'diisa aan ku qiiyasay 24 Jir una dhashay Wadanka Sweden siduu ii sheegayna waxa u ka Qalin jabiyay Jamacad ku taala Magalada Göteborg .
Wiilkasi dhamaan Wajigiisa waxaa qariyay oo uu sida Kuusha ugu taxay RIBODHO kuwasi oo uu ku wada qotomiyay Wajigiisa intii badnayd, isaga oo ka raadinayay Qurux ka badan midan uu haysto ee uu Rabbi siiyay .ugu yaraan 20 Xabbo oo Ribidhadasi ah ayaa Wajigiisa ku wada lusha ,qaarkood waxa ay leekanayaan Fargalada aynu Faraha galino .

Weelkasi dhalinyarada ah waxanu sheekaysanay wakhti aad u kooban kadibna waxa aan waydiiyay waxyabaha ku kalifay in uu Wajigiisa qaabkan Argagaxa u dhigo isaga oo qurux ka raadinaya kadibna waxa uu iigu jawabay sidan.

MAAN JECKAYN IN AAN WAJIGAYGA QAABKAN AAD ARKAYSO IN AAN BIRO IYO RIBIDHO UGU MUDMUDO WANAN OGAHAY IN ANAY QURUX ISOO KORDHINAYN BALSE HADANA WAAN ISKA JECLADAY OO WAXA AAN ARKAY DAD SAMEEYAY!!

Waxa aan waydiyay Xiliyada uu rabo in uu Wajiga dhaqdo waxa uu sameeyo iyo Dhibta ay xiligaasi ku hayaan ,waxa uu ii sheegay in uu sameeyo Laba arimood midood, kuwaasi oo kala ah :- in Birkasta uu ka Furo Wajiga madamaa loogu talagalay oo ay Boolal leyihiin. mida labaadna waxa ay tahay ayuu yidhi Wiilkasi in anan Wajigaba anan ka furin balse marka aan Wajiga Fool-dhaqayo aan si Tartiiba wajiga Biyaha u mariyo aniga oo ka ilaalinaya in Gacantaydu ay dhawac isoo gaadhsiiso.

Waa arin lala yabee waxa kaloo oo uu sheegay in ay RIBIDHAADASI anay ku koob nayn oo kaliya wajigiisa iyo intan muuqata balse ay jidhkiisan hoose ee qarsoon ay sida Tusbaxa ugu taxan yihiin ,kaaga sii darane waxa uu ku leeyahay xataa Cawradayda ayaa ka mid ah meelaha aan ku Muday ee aan ka Qotomiyay sida Birta Calanka .qayb jidkayga hoose ka mida waxa aan ugu tolay ayuu yidhi Ribidhadan sida Dunta Dawaarka. waxyabaha aan aadka ula yaabay markii aan Wiilkasi arkay waxaa ka miada in ugu yaraan 6-5 Ribidhadasi ay ku qotomaan Carabkiisa .

Wiilkasi dhalinyarada ahi waxa uu sheekada iigu daray in xiligii uu Ribidhadan Wajiga ku Rakibayay ay kaga baxday Lacag aad u qaali ahi, waayo ayuu yidhi birahani midkastaba waa Lacag gooniya qaar ayaa Dahab ah .Waxa kaloo soo raaca ayuu yidhi waxa aan qataa Daawo iga ilaalisa in ay Birahani ugu sameeyaan Caabuq iyo Nabaro ,waayo ayuu yidhi waa ay igu cusub yihiin .

Waxa aan waydiiyay maxaa dhici kara hadii uu hada iska furo iskana daayo madama ay dhibatoyinkaasi oo dhan ku hayaan ,waxa uu i yidhi ma furi karo waayo hadaan furo waxa uu Wajigaygii soo baxayaa dhamaan Nabaro iyo Daldaloolo marka waxa muuqanaysa foolxumo aad u badan. sida awgeed waxaan ku Khasbanahay in aan sidan aan hada ahay la qabsado una dhabar adaygo dhibkasta oo iga soo gaadhaysa .

Sheekoyinka wiilkani iiga sheekeyay ee ah dhibatada ay birahani ku hayaan naftiisa ayaa waxa ka mid ahaa in uu iska ilaaliyo Dagaal iyo wax la mida waayo hadii aan dagalamo ayuu yidhi markaba waxaa wajigayga soo gadhaya Dhibato wayn ,waayo waxa aan ahay Nin Wajigiisa ay Biro ka wada Lushaan.

Waxa uu ii sheegay in uu ka taxadiro iskana ilaaliyo meelaha aad laysugu Jeedhjiidho ee buuqu ku badan yahay ,waayo ayuu yidhi waxaa dhici karta in dhawac iga soo gaadho Dadkasi is Riixriixaya ,ilayn waa Nin Tin iyo Cidhib miinaysane .

Akhristaw hadii aad joogto Wadamadan Galada waxaa laga yabaa in Malinkasta aad wajiga isku dhufataan amaba aadba istaqanaan Qof sidan oo kala ah ,balse Dadka wadankii amma Afrika iyo Carabaha jooga waxaa laga yabaa in arintan oo kale ay ku noqoto wax qariib ah ,iyada oo aan ogahay in Aduunku maanta uu wada Noqday Tuulo yar.

Afrika iyo Eshiya qaybo ka mida waxaa ku nool Dad Jidkooda Jarjaray oo aad arkayso iyaga oo Dibnahodii kala Dilaaciyay kadibna ka dhigay sidii Gacan wayn oo kii Maroodiga oo kale ah ,taasi oo ay u arkayeen Qurux iyo Laandhero nimo ,qaarkood waxaba laga saara dhamaan Ilkaha iyaga oo u haysta Qurux .

Inta badan dhaqamada Jahiliga ah ee laga sameeyo Wadamada Afrika iyo Eeshiya qaar ka mida waxaa laga sameeyaa Dhulka Miyigaa (baadiyaha) aad ayay u yartahay in Dadka Reer magaalkii ay waxasi sameyaan.

BALSE WADAMADA YURUB IYO MARAYKAN IWM WAXAA DHAQANKAN SAMEEYA KUNA FAANA WAA DADKA MAGALOOYINKA DAGAN EE WAXNA BARTAY ,BADAN KOODUNA KA BAXAY ISKUULADA IYO JAMACADAA .

Su'aasha iswaydiinta lihi waxa ay tahay Labadan Dhaqan ee Midna laga Isticmaalo Magalooyinkii iyo Wadamadii Ilbaxa sheeganayay, midna laga isticmaalo Miyigii labadaasi umadood kuwee ayaa Ilbaxnimada iyo Xadarada u dhaw.

Akhristaw waxa aynu Arkaynaa in Aduunku uu ku noqday Dhabihii Jahiliyada iyo Isqaawinta sababta uu ugu noqdayna waxa ay tahay waxaa jooga oo shaqadiisii marba aan ka seexan Shaydaan iyo Ibliis.
Guntii iyo gaba'gabadii Iblays cadow ayuu inoo yahay sida aynu ka dheregsanahay cadaawad guun ah ayuu inoo qabaa markii Illaahay ku yidhi Adam u sujuud wuu diiday oo wuxuu ka yidhi ma mid dhoobo laga abuuray ayaan u sujuudaa ,maalintaas laga billaabo inaga cadaawada uu inoo qabaa waa mid aad u qoto dheer ,waxa kaliya oo aynu kaga badbaadaynaa waa in aynu Xadhiga ILAHAY qabsano raacnana Sunahii Nabigeena Suuban csw.
Waxaa Qoray

Qareen .Khadar Ibrahim Aar


 

 


No comments:

Post a Comment