SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

WASIIR SHACBIGIISA KU EEDEYAY IN AY KA XADEEN BOBIL NOKIA 3100 .

 

Aduunkan aynu ku Nool nahay waxkastaa waa ay kusoo marayaa ,malinkasta oo Noloshada kusoo korodhaana waxa ay kuu kordhinaysaa wayo-aragnimo dheerada.

Madaxda Dawlada waxa aynu u dooranaa in ay Dadka iyo Dalka u shaqeyan , una noqdaan kuwo u Daacad ah ,lakiin waxa ad hada mooda in Aduunkii isbadalayo ,oo Dad waynahii ay iyagu u shaqaynayaan Madaxdii .

Shacbigu xaq ayuu u leeyahay in Dawladiisa iyo Madaxdiisa uu wax ka tirsado una waaya sheegto ,la hadlo iyaga oo ka doonaaya in dawladu ay Waddo u samayso,Dhakhtaro u samayso shaqo u abuurto iwm .

Balse hada waxaba soo Ifbaxaya in Madaxdii Qaranku ay gadheen heer ay maanta Shacbigoodii Tuug iyo Tirifatoore ku sheegaan.

Mahamud Binu Ramadan waa Wasirka Gadiidka ee Dalka Tunisia ,waxa uu malin malmaha ka mid ah ku tashaday madamaa uu yahay Wasiirka Gadiidka in uu soo kormeero Gadiidka ka dhex shaqeeya Casimada dalka ee Tunis si uu xog dheerada uga helo qaabka ay Dad waynaha ugu adeegaan.

Waxa uu soo racay si kadisa ah isaga oo aan cidna sii ogaysiin Bas kamida Basaska ka shaqeeya Casimada Dalka Tunisiya ee TUNIS ,isaga oo u kuur galaya bal in uu Indha indheeyo xalada basaska iyo Dadwaynahu waxa ay dhib ku qabaan, taasoo Dadwaynahu ay in badan ka cawdeen basaskaasi.

Wasiirku markii uu Baska soo koray waxa uu si caadi ah isaga fadhiistay sida sawirka idiinka muuqata Kuraastii Baska mid ka mid ah ,gaar ahaan Dad waynaha dhexdooda ,isaga oo taas uga jeeday in uu kalsonida shacabka kasbado .

Hadaba Wasiirku sidii uu kursiga u fadhiyay ayaa hal mar waxa uu wayay Qadar lacaga oo dhan 450 Dinaar iyo Mobaylkii uu sitay oo ah Nokia 3100 .

Wasiirkii aad ayuu u warwaray Hareerahiisa ayuu eegay Dadkii dhinacyada ka fadhiyay ayaa waxa uu waydiiyay, Mobilkaygii miyaa aragteen!! Lacagtaydii miyaad aragteen iwm!!waa la yaabay dad waynahii waxa ay fahmi wayeen wasiirkan dadkisii uu Maanta oo kaliya soo dhex fadhiistay ee hadana ay kasoo yeedhayso hadalada ah MOBIL KAYGII MIYAAD ARAGTEEN!! isaga oo marba qof jaleecaya.

Dadka Mobelada yaqana waa ay fahmi karaan Mobaylkasi Lanbarkiisu kor ku xusan yahay Qimaha uu maanta Aduunka ka tagan yahay ,balse Wasiirkii afka ayuu Furtay isaga oo leh Dadkuba waa Tuug. balse Jara-idka wadankasi ayaa qada dhigay arintan Wasiirkana waxa ay ku noqotay Canbaar ku taal .

Akhriste waxaa laga yabaa in Wasiirka Nin Tuugii ka xaday Qadarka yar ee kooban ee aynu kor kusoo sheegnay ee Lacagta iyo Halkaa Mobayl ee qiimahiisa ad wada fahmi kartaan , balse waxaa dhici karta in Wasiirku uu Umada ka xaday Malaayiin Dolar ,hanti badan iyo Daaro badana ka dhistay ,balse dadku may ceebayn oo may odhan waa Tuugii WAYNAA lakiin waxa ay ugu yedhaan Sacadatal wasiir oo macnaheedu yahay Wasiirkii Sharafta laha .

Kala fogaa madaxda iyo Dadwaynuhu .

W.Q : Khadar Ibrahim Aar



No comments:

Post a Comment