SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hadaad is Diwaan galin waydo wax ma dooran karaysid !

 
Somaliland waxa ka socota Diwaan galintii Qaranka taaso ka bilabantay Horaantii Sanadkan Gobolka Togdheer ee Burco, iyada oo hadana lagu guda jiro Goboladii kale ee Dalka .
Hadaba Maxay tahay Diwaan galin ,muuxuse yahay Diwaanka amma Buuga laysku Qorayaa ,maxaase la isu diwaan Galinayaa laysuna tira koobayaa , hadii aan si kooban uga jawaab Su'alahaasi :-

MAXAY TAHAY DIWAAN GALIN ?
 
Diwaangalin waa Eray Af Soomali ah, Macnaha ugu wayn ee uu Xanbaarsan yahayna uu yahay BUUG ISKU QORID , si kale hadaan u idhaahdana waa Cadayn sheegaysa in aad ka mid tahay Dadka u Diwaan gashan iskana leh Wadankaas,Gobolkaas ,Dagmadaas ilaa Tuladaas.
 
MAXAY FAA'IIDO LEEDAHAY DIIWAN-GALINTU ?
 
Diwaan galintu Fa'iido aad u badan ayay leedahay waxana ka mid ah :-
 
In aad ogaato Tirada Dadkaaga ku Nool Wadankaga ,waa arin muhiima ,hadii adan garanayn Dalkaga inta Qof ee ku Nool ,hadii adan garanayn Dalkaga inta Qof ee Ajanabi ah iyo inta aan ahayn ,waa ay adkaanaysaa in Dalkaasi uu horu mar gaadho, waayo Sababaha horu marka lagu gaadho waxaa kow ka ah in Dadkaagu kuu tira koban yahay ,si ay kuugu fududaato ,in Dadkaga aad u hesho Dhaqale ku filan ,isla markana aad ku Jaan-goyso Misaaniyada dalkaga Sanadkii usoo hoyata iyo in Doorashooyinkagu ay noqdaan kuwo Xor iyo Xalaal u dhaca.
 
Dalalka Maanta layidhaa Way Horu-mareen waxyabaha ugu waawayn ee ay Bilawgii Dawlad nimada ku Gulaysteen waxaa ka mid ah ,in ay tirakoob sugan ku sameyeen dhamaan Dadkooda ,taas markii ay ku guulaysteen waxa ay usoo jeedsadeen in xataa ay tira kobaan Dhamaan Xayawanka ku Nool Dalalkooda , si ay uga warhayaan Xaladahooda .
 
MAXAA LAYSU DIWAAN GALINAYAA ?
 
Waxaa la isu Diwaan galinayaa in Gobol walba la oogaado Tirada Dadkiisa taasi waxa ay qayb ka noqon kartaa hadhaw in lagu Xisaabtamo Dhaqalahiisa Aqoontiisa iyo Wax Soosaarkiisa ,waxaa kaloo la isu Diwaan galinayaa in aad ka Mid noqon doonto hadaad is Diwaan galiso in aad u Codayn karto Xisbigaad Jeceshahay ,Madaxwaynaha aad Doranayso iyo Xildhibaankaga aad Doranayso.
 
Hadaba waxa aynu wada ognahay in Diwaan galinta iminka ay ku Lamaan tahay qadashada Kaadhka Codbixinta Dorashooyinka inagu soo Socda. Kaadhkasi Codbixinta oo ah mid aad u muhiima ,waxanan filayaa in Komishanka Dorashooyinka laftoodu ay Qadashada Labada Kaadh ay kala madax bana-neeyeen, iyaga oo sheegay in Kaadhka muwadinkii uu markasta socondoono balse Kaadhka Diwaan-galintu wakhti kooban ayuu leeyahay .
 
Qadashada Kaadhka Codbixintu waa muhiim Qofkastana in uu qaato waa arin lagama maarmaan ah ,hadii aad qadan waydo Cod ma lihid ,waxanad noqonaysaa Qof aan Doran karayn Cidii uu rabay in uu u Codeeyo.
 
Madaxwaynaha aad Doran doonto iyo Xildhibaankaga ha dayicin Cidlana ha kaga tagin taas waxaan uga jeedaa hadaad qadan waydo Kaadhka Codbixinta Dorashada waxaad Dayacday Jalahagii iyo Saxiibkaagi Siyasada iyo Xildhibaankii aad ku faani lahayd waxna kuu qaban lahaa .
 
Waxa aad ogataa Gobol kastaa amma Dagmo Kastaa inta ay Kaadh ee Codbixin ee ay qadato ayay ku xidhan tahay Awooda Cida ay soo saarayso haday tahay Madaxwayne iyo haday tahay Doorasho Xildhibaan.
 
Waxaba dhici karta in marlabaad ay adkaan karto in Kaadhka codbixinta aad hesho ,Maanta Fursad ayaad haysata yaan laga badin .
 
Aduun War iyo Sheeka ka hadha Somalina dhaqan keeda waxaba ka mida anaa ka badan anaa kaa Laandheraysan anaa ka Gobol wayn iyo anaa ka Dagmo badan,NIN LA TOLAY AYAY TALO JOOGTAA ,FARDO LAYSU HAYO MAXAA LAYSUGU FAANIN ,Ninkii Seexda Sacii Dibi Dhalay ,waxa loo kala Laandheraan donaa sida loogu kala badan yahay Qadashada Kaadhka Codbixinta .
 
Waxa kaloo aan Qormadaydan kusoo Gaba gabaynayaa in aad loogu Dadaalo Dadka ka baxsan Xuduudaha Dalka lagu dadaalo in Gudaha lasoo galiyo si ay uga qaybqataan Isdiwaan galinta iyo Qadashada Kaadhka Codbixinta.
 
Qareen / Khadar Ibrahim Aar .


No comments:

Post a Comment