SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Badhi-saab kasta ha loo daayo Gobolkuu u dhashay si uu Nabad galyada wax uga qabto



Wakhtiyadan Danbe waxa Jamhurida Somaliland kusoo Noqnoqonaya Dilal aad Moodayso in qaarkood Qorshaysan yihiin iyo kuwo aan Qorshays'naynba,taaso Laf dhabarta ka jabinaysa Nabadgalyadii iyo Horumarkii .
 
Waxaa in badan soo Noqnoqda Dilalka Sarakiisha Cidanka iyo Mudaharaado aad moodo in qaab Qabiilaysan losoo abaabulay oo ay dhici karto in ay wax badan yelaan Horumarkii iyo Nabadgalyadii Gobolkaasi amma Dalka oo dhanba.

Aduunka oo dhan waa ay ka dhacaan Dhacdoyinkaasi mana aha kuwa Somaliland gaar u ah ,lakiin waxa aad modaa in si isku Dhaw dhaw ay markasta usoo labanayaan iawladuna anay wali xal ka gadhin ,yada oo dhinaca kale marka aad egtana Sababta keenaysaa ay tahay Qabyaladii oo aad usoo Xoogaysanaysa isla markana mararka qaar aad is odhanayso Dalkani waxa uu halis ugu jiraa in Qabyaladu ay Naafayso amma ay dumisaba ALLA ha ka nabad galiyee .
 
Waxbadan oo Wadanka ka dhacaya mararka qaar waxa aad is odhanaysaa ma Dawlada ayaa ka danbaysa ,taas waxa aan u leeyahay Waxa aad arkaysaa Shaqaqo amma Xurguf yar oo Xiliga ay bilawga tahay u bahan in wax laga qabto,balse aanay Dawladu Dhagba Jalaq usiin .
 
In badan ayaa waxaa dhagaheena kusoo Duulayay Bariga Magalada Berbera gaar ahaan Degaanka Ceel Garde ayaa waxaa laga samaynayaa Dekad Macmal ah ,Dawladu Samaynta Dekadasi iyada ayaa ku lug lahayd iyada ayaana ka danbaysay oo wax dhici kara maha Caqligana gali mayso Dawladu arintaa War iyo wacaal kama hayso sida ay marar badan sheegaan ,lakiin Dawladu arinta Dekadaasi waa ay ka aamustay intii hore uu dhan .
 
Hadaba aamuskii DAWLADA MAXAA KASOO BAXAY ,waxaa ka sooxay Dhacdadii Lagu Dilay Sarkaalkii C/Risaaq Yusuf (Casayr) Taliyihii Cidanka Boliska ee Gobolka Saaxil .
Hadaba Dhacdooyinkan aadka u Foosha Xun ee soo noqnoqonaya qaabkee amma Taladee ayaa looga Gudbi karaa.
 
Aniga Rayigayga waxa ay ila tahay in Madaxwaynahu Qaabkan uu u Magacabayo Madhisabada Gobolada in uu wax ka badalo ,oo Badhisaabkasta oo la Magacabayo loo Daayo Gobolka uu u dhashay ,waayo Gobolka aad u dhalatay hadii aad tahay Nin soo jeeda Xaladiisa waad oganaysaa,waxa aad Aqoon Fiican u leedahay Saladiinta Gobolkagasi,Cuqaasha,Ganacsatada,Culimada,Ardayda iyo Dhamaan Aqoonyahanka Gobolkaasi ,taasi waxa ay Ninka Badhisaabka u sahlaysa in waxkasta inta anay dhicin uu ka War helo kadibna ka hortago , hadii ay dhacaana Xalinteedu aanay Wakhti dheer ku qaadan .
 
Hadii se sida hadaba dhacda ee Madaxwaynahu sameeyo Gobolkasta la keeno Nin aan waligii arkin.waligii aan tagin ,Qof kaliya aan ka aqoon,waxaa ku adkanaysa in uu Gobolkasi dhibkasta oo ka dhacda uu Xaliyo ,waxaa kaloo Wakhti dheer ku qadanaysa in uu Horta Gobolkan uu yimi uu barto Dhaqankiisa,Deegaankiisa ,Dadka Gobolku waxa ay isku hayaan iyo waxa ay heshiiska ku yihiin iwm.
 
Waxa aad arkaysaa Badhisaab Cusub uu Gobol aanu garanayn la keenay oo dhacdo kasta oo Gobolkiisa ka dhacda waxa kaliya ee uu ku xalinayaa waxa ay tahay in uu Edacadaha iyo TV inta uu ka hadlo uu yidhaahdo waxa aanu Gacan bira ku qabanaynaa kuwii Farkaas gaystay ,kadibna Hanjabadaha iyo Aqoondarada uu Gobolka ku dhexjoogo waxa ay ka cadhaysiinaysaa Dadbadan oo Gobolka Dagan.
 
Mudane Madaxwayne waan fahmi karaa Sababta kugu kalifaysa in Badhisaabkasta aad u badasho Gobol aanu u Dhalan waxa aad Taaga isletahay Is dhexgalka Bulshadu ha ku hagaago.
Waxaa kaloo meesha ku jira waa casharadii aynu ka baranay Dawladii Siyaad Barre oo ahayd in ninkasta la geeyo Gobol aanu garanayn waxanan odhan karaa waa midii dumisay kadib markii Ninkasta lagu ooday Guri iyo Gobol aanu aqoon . taasina waxa ay keentay Aniga Rayigayga Aqoondaro ,Indha la'aan iyo dhaga la'aan is biirsatay iyo Nin Gobol aanu garanayn ladoonayo in uu xaliyo dhibatadiisa.
 
Waxaa wax lala yaabo ah Nin badhisaab ka ah Gobol oo aan hal qof ka garanayn waxa uu Gobolkaasi ka qaban karo. madiidani in shaqalaha dalka iyo madaxda dalka lays dhexgaliyo lakiin waxaan ka hadlayaa waa badhisaabka oo ah Laf-dhabarka Gobolkaasi uu joogo .
 
Waxa ay ila tahay Badhisaabkasta ha loo daayo Gobolka uu u dhashay walibana Badhisabada la Doranayaa ha noqdaad Dadka Ehelu Baladka ee Gobolkaasi yaqaana waxa aan isleyahay hadii sidaa la sameeyo in waxbadan ay iska badali karaan Wadanka iyo dhamaan Nabadgalyada Goboladaba.
 
W/Q .Qareen /KHadar Ibreahim Aar .