SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

TALABADA MID GAALKII SHABAHA TAGAY MA LIIBANE .Xaaji Aadan Af-Qalooc.

Allah haw naxariistee ,Gabaygan waxa uu Xaaji Adan uu tiriyay xiligii aynu ka qaadanay Gobanimada Guumaystayaashii , isla markana ay dhalatay Dawlad Soomaliyeed ,kadibna Xajiga oo ahaa Nin aad u fiiro dheer waxa uu markiiba Qawaday qaabkii ay Madaxdu wax u wadeen .

Gabaygani waxa uu si cad u tabanayaa wakhtigan aynu ku jirro akhriste adiigoo ku cabiraya Dawlad nimada iyo Wakhtigan xadirka bal ila akhri Gabaygan :-

Ta’da gabayga waa taanan oran tan iyo waa dheere
Isticmaarku maantuu tegey baan taydii gaabsadaye
Maantana ma tiriyeene waa igu tahdiideene.
 
Ragbaa ararta tiigaaliyee taana ma’aqaane
Afartaan wataa iyo dantaan uga tacjiilaaye
Tuyaroo tilmaan iyo warba ah an’idin taabsiiyo.

Meeshuu Waraabuhu ka tegey Tarandac Doofaare
Taltallaabsey Daayeer markuu taygarkii lumaye
Tukii Haadka’adag buu noqday oo tuur laftuu sidaye
Tartankii Dameerkii Fardaha Tahan ka dheeraye.

Tiir libaax Currigu uga baxay oo taahayoo ciya’e
Marba wuxu Orgigu tiigsadaa Awr tabaadiyahe
Rahuna wuxu tummaati ula baxay tuur caddow Dibiye
Wuxu diig Haldhaaga ugu tegey Taaggi Xodayoode

Guburigii tigaad cunay marooduu u toocsadaye
Timirtii Basriyo waxis bedeley Midhihi Toomoode
Goortuu Galoolkii tifmay buu Tawlay Carigiiye
Halkii Damalka laga tuugi jirey timi Dhalooshiiye

Dhibta timi Jamhuuriyaddan oo tahan la boobaayo
Iskaa wax u tabciyo khaa’inimo la’isku Taageerye
Qawaaniin u taaliyo nadaam taxan ma yeelaane
sida Tafare amar ma jiro laysku taabaco’e.

Ninba tiginka meeshuu dhidbaday taabka ku adkaye
Waashmaan kulay tahay ninkii taabay meel dheregye
Warqad jananku teeb kuugu qoray kaabul kugu tuurye
Kumana tayso galo Aadanuhu taad u filateene
waa tacab qassaar xaajadaad gacan toglayseene
Taakulo Gacmaha lays qataa lagu tanaadaaye
Tartankiyo is garab yaacu waa tu’an bannaanayne.

Tusmaa uunku kala leeyahaye teennanaa simane
Dadka kale ninkiisii wax tara waa tix geliyaaye
Idinkuna caqliga taabudka ah waa ku tumataane
Tartar baad ka dhaaftaan ninkii toos idiin wada’e
Taako iyo Mayl kala fog baad mid u taqaaaniine

Ragbadan oo Aqoon lagu tuhmey buu tuuray shilinkiiye
Tuurcaddihiyo Jaahil baad Tamar u yeesheene
Toorrey afbadan baw xidheen Taarig xoogsadaye
Timbi baad u dhiibteen nimaan tuna kasheegayne.

Awr madaxa Taaj loo geshaa waa tusmo habaabe
Toogada dhuulkeenna iyo dhibaha tacabka doonaaya
Ninna kuma tallamayee qasdigu waa tolla’yeeye
Nin waliba kursi ad taabtid buu taaggi leeyahaye
Waxbadan baa habsaan tegey intaynu isku taagnayne

Kabatolkii Maxkamad loo tirshey oo tolomaduu jeexday
Hadduu Buugga teel-teel u dhigo taasu yaab malehe
waxse Tacaddi ku ah inuu mid kale uga tabaystaaye
Inkastaba istiil oo waxaad taag u heli weydo
Ninkii kaaga togan uga tag baan tani Awoodayne.

Tallaabada mid Gaalkii shabbaha tegey malliibaane
Adiga oo waxuun tabanayoo tegey halkuu joogo
Markuu sida libaax raqi u taal qoorta kor u taago
Oo uu Tayga luquntiisa sudhan taabto faraqiisa
Oo inaad Addoonkiisa tahay taasna la ahaatay
Oo aan dadkana wax u tarayn callanna tageerin
Oo inuu adduun badan tabcado taa qudha u jeeda
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.
Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego.

Jaamacad nin tegey oo Digriiga tuu layimi haysta
Oo inuu dadkii wax u tariyo tacabo doonaaya
Oo taasna loo baahan yahay toogtan sida joogta
Oo jaahil tigin adag dhidbaday taqadimkuu diidey
Oo reerki tegi waayeyoo camal la’aan taagan
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego
Haddaan saracu taam noqon ummadi ta’akhur weeyaane
Waxbana kuuma taro Raashin aad debed ka tuugtaaye
Turaabta iyo ciidaba raggii tamarta loo dhiibey
Iyagoon wax tarin bay dadkii tahan lugooyeene
Ninkaan qaadka tuurta ugu sidin uma tiraabaane
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego.
Taangiga Biyaha loo dhisiyo iyo Riigga lagu taagey
Oo shicibka oo oon latuban Toonta lagu beero
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.
Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego

Danta togan batroolkeenna waa laga tashiilaaye
Todoba mayl nin jira oo bukaan talalayoo liita
Oo inuu Xakiimka u tagiyo taakulo u baahan
Inkastuu tawaawaco ninkii khabarka soo tuuray
Misna temeshlihiyo xaafaddaa lagu tegaayaaye.
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego
Mid tacliinta loosoo diroo tadhaq ah oo liita
Oo tuhun kujiro inuu kategey toobadiyo diinka
Oo aqal tilmaaman iyo Khamriga gacan-toglaynaaya
Oo uu Talmiidkii yaraa taas ka baranaayo
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego.
laba boqol nin maaliyaddu tahay tirada loo dhiibey
Aan tacabo Baadiye lahayn tuludi waa maale
Oo toban baloodh jeexday oo tumanayoo keyf ah
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego
maalbadan nin tahan soorogiyo kii katirinaayey
Oo loo tashaday aan cashuur Buugi lagu taaban
Oo Toban kun oo shay habeen tuhun la’aan qaaday
Oo aan Ammaanona tix gelin waajibkana tuuray
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego
Goortaad maxkamadaha tagto baad tacajebeysaaye
Tab ninkeeda xaajada ninkii taabi kari waaya
Inkastaad xaq taabuda wadigo marag cad oo taagan
Ama aad xujada toosisoo looyarku istiilo
Gartu hadalka kuuguma tamiye taasu waa lacage
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego
Ninkii raasamaaliyo Istaaf waa isugu taale
Iyagaysku tiirsane cidkale uma tagaabane
Teelona uma dhigtaan dawlad iyo kii ka taagdarane
Ninkaan tooda waafiqin Xabsi bay ugu tabaystaane
Taqyiirteenna maaliyadda iyo tawsta bixi weydey
Waa labada qolo oo lategey waxaydun tawdeene.
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego
Hadday Boogi kugu taal ninkale tiisu kaa dedane
Haddad adigu Tuur leedahay iyoo Tootir iyo Qaallo
Tu kaleeto inaad toosisaa waa tu’aan dhicine
Waxa khaa’inada looga tegey tacabadii boobay
Ninba Qoon ku taal buu kabaqay inay ka taabtaane.
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego
Ragga talada maamulahayoo taanna hidin waayey
Oo waxay islaamnimadu tahay taababka u gooyey
Oo tooda keliyuun helayoo tarandacoo seexday
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego
Taaloogga Naagaha jartay oo timaha qaar xiiray
Oo sida waraabaha tartama toonka cararaaya
Oo dhaqaale u tudhayn ubadna tuugaynin
Oo taranta soomaaliyeed teed ka kala gooyey
Oo toban jirkii kori lahaa fadhay tagoogiisa
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego
Tacluus iyo Abaar wada socda oo taagan baa timiye
Waatii huluumbuhu lategey Togayadeeniiye
Tarab-tarab u lay Goolashii tegi lahaa dhoofe
Tuulooyinkii caydhihii waa kuwaa tubane
Togagii Yubiyo beerihii lagu tabaalowye
Matagto e Daruurtii Cirkaan tiix ka di’hayne
Goortay nimcadu taam tahay oo tahan laguu siiyo
Oo lagaga tago toobadday taasi dhalataaye.
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego
Tuweyskii la’eed iyo hablaha tababarkoodiiye
Towxiidka nimanbaa nayidhi waa tu aan jirine
Tukashaduba qaarbay latahay teenash iyo luufe
Tiihii Israil helay bay tani sallawdaaye
Anoon Boogta wada taaban oo idin tusaaleyey
Oo aan Tanbiih iyo Islaax taana uga jeedo
Waa Taar an Boosta ugu ridey zoobbe haw tago’e.

Qareen /Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment