SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dhacdo layaable :-Gabadh Jeclaatay mid ka mida Horjogayasha Al.Shabaab Abaheedna Suufi yahay .

 
Qisadani waxa ay dhacday xiliyadii Xarakada Al Shabaab ay haysteen Gobolada Jubooyinka ee Kismaayo iyo Nawaaxigeeda ,waana sheeko Guur oo dhex martay Wiil iyo Gabadh deegaan ku wada nool.

Wiilku waxaa uu ka tirsan yahay Xarakada Shabaab ,waxaa nu Naanays iyo magaca wayn ba ku dhex leeyahay Al-Shabaab, waxaanu qaabil san yahay ,Qaybaha Sahanka iyo Sirdoonka ,waana Nin Degaankasi si wayn looga yaqaano , kasoo Shinbirtii dhaqaaqdaba ay garanayso,waa nin ku caan baxay ladagalanka iyo nacaynbka Culimada loo yaqaano , Ehelu Sunna wal-jameeca ,amma Culimadii hore qofba siduu u yaqaano .

Sidoo kale gabadha lafteeda waxaa Dhalay ,Wadaad lagu magacaabo Aw-Jaamac kasoo laftiisu ka mid ahaa Culimadii aadka looga yaqaanay deegaanka ee Kutubaha Mawliidka iyo Munaqibka wakhtiyada qaar shamiri jiray, intii anay Deganka qabsan Al Shabaab.

Aw Jamac wakhtigan xadirka way adag tahay in Fikirka Diineed ee uu rumaysan yahay iyo siduu Diinta Islaamka Fahamka uga haysto in uu Deeganka ka hir-galiyo .taasi oo ay sabab u tahay is diidanaanta ka dhex jirta Labada Dhinac .

Aw Jamac laftiisu ma jecla Nimanka Al-shabaab ,waxanu ka amin-sanyahay in ay yihiin Niman Cidhiidhi iyo Caqabad galiyay Kutubihii ay akhrisan jireen Dadkana u akhrin jireen waayo waayo ,sida Mawliidkii ,Burdahii , Munaqibkii Cabdilqadir Jilaani iyo Xarakayntii iyo ku luqayntii Qasaa'idkii Sh Aways Al-Qadiri kuwaasoo wakhtiyada qaar lagu Xadrayn jiray. Aw Jamac laftiisu si Qarsoodiya ayuu u Akhristaa Kutubahasi aynu kor ku soo xusnay ,waana Nin aad iyo aad u neceb nimanka Al Shabaab.


Wiilkii dhalinyarada iyo Gabadhii waxa ay is yaqaneen mudo aad u badan waxanay lahayeen sheeko wadaag qarsoon ,balse hada waxa ay ku balameen in ay wakhti qabsadaan si ay hawshooda Guurka inta u dhiman usoo gabagabeeyaan, waxaa la qabsaday Balantii ,Malintii iyo Sacadii ,waxanay ku balameen in ay Abaheed u sheegto in lasoo doonayo iyana waa ay ka aqbashay .

Mushkiladu waxa ay ka taagan tahay ,Gabadha oo aan Abaheed kula dhici karin in uu soo doonayo, unasoo Dadab galaayo Nin ka tirsan Xarakada Al Shabaab ,balse taas waxaaba kasii daran Aw Jamac oo Wiilkaas u yaqaana Nin dhaawac iyo dhibato wayn u gaystay Culimadii Ehlu-suna-waljameeca ee uu Aw Jamacna ka tirsan yahay .

Gabadhii talo way ku cadaatay si ay yeesho oo ay Abaheed arintan ugu sheegtana way garan wayday ,wakhtigiina waa uu is gurayaa ,ayaniba ayaan ayay riixaysaa ,kaga sii darane Ninkii dhalinyarada ahaa isagu dhankiisa ababul iyo diyuaar garaw ayuu ka galay ,Doonista gabadhana waxaba loo qorsheeyay in ay ka qayb galaan Cidan gaadhaya 100 askaro oo Naftood hurayasha Al-Shabaaba .

Waxa la gaadhay malinkii la balamay ,

Sacadu waa Casar gaaban ,Wadadkii Aw Jamac ahaa ee inanta dhalay Gurigisa hortiisa ayuu soo dhigtay Ganbadh yar oo uu ku fadhiisto ,waxa kaloo uu si qarsoodiya, isagoo Baala'daymoonaya! uu u akhrisanaya Kidaab Mawliida oo ay mudo ugu danbaysay ilayn waatan oo layso dacareeye .

Aw-jamac Kitaabkii ayuu Hadba Baaj rugayaa ,waa uu jeclaan lahaa in uu ku luqeeyo Naftiisana ku Raaxaysiiyo Qasaa'idkii ,SHALILAA YAA CABILQADIR ALMADAAD YAA QALBI XADIR !balse wakhtiga iyo waayaha lagu jiro ayaan u saamaxayn .hadii lagu maqlana waxa uu khatar ugu jiraa in uu Naftiisa ku waayo .

Aw Jamac Tusbax Boqolana Gacantu ku haysta ,Kildhi yar oo Qaxwa ahina Dabka ayuu u saran yahay .Salaadii Casar ayuu kasoo baxay waxanu sugayaa inta Maqrib laga gaadhayo .

Aan idin xasuusiyee Ceebta kaliya ee meesha talaa waxa ay tahay Gabadha uu dhalay Aw Jamac way la socotaa in maanta ay tahay maalintii Abaheed laga soo Doonayay ,balse waxa ay go'aan satay in anay Abaheed waxba ogaysiin , iyada oo filaysa in Abaheed Cabsida uu Ni,mankasi ka qabo aanu marnaba u diidayn .

Waxay isu diyarinaysaa Gal Bis iyo Guri gal,Cusbur iyo Cilaan ayay shaqadeedii noqotay,balse kama madhna warwarka iyo Walaaca ka haya wixii dhici doona Sacada soo socda .

Aw Jamac oo Halkiisa Salawadka Nabiga csw ku qaadaya , AYAA HAL MAR WAXA AY INDHA HIISU QABTEEN CIIDAN XOOGAN OO DACALADA BAABUURTA CAGAHA KALA SOO WADA DHACAY ,QUDH IYO MAANA UU WADA GARANAYO IN AY YIHIIN NIMANKII AL-SHABAAB .

Isla markiiba waxa ay gaadh ka qabteen Gurigii Aw Jamac iyo Hareerahiisii , ilayn waa Niman taxadarka iyo is ilaalintu ay ku badan yahaye ,Albabkii iyo dhamaan Gurigii Aw Jamac waxaa lagu sameeyay Dab-xidh .

Dadkii Aw Jamac la jaarka ahaa waxa ay markii ay arkeen Ciidanka kusoo af-yeeshay Guriga aw jamac, waxa ay u fahmeen ,in Aw.Jamac Layn soo galay madama ay horana ugu ogaayeen in uu yahay Nin kasoo jeeda Culimada Ehelusuna wal-jameeca la baxday .

Aw-Jamac waa uu yabay wax uu sameeyo ayuu garan wayay talo way ku cadaatay .waa ay ku adag tahay in uu Sugo inta ay Fadhiga ugu imanayaan ,haduu cararana waxa uu ka baqanaya in uu Cago kaga dheerayn waayo .amma XABAD AY KUSOO RIDAAN .

Ismaan dhaafka meesha ka jira waxa uu yahay , Nimanka Al-Shabaab way yaqanan waxa ay u socdaan oo ah in Gabadha la siiyo loona Guuriyo,Balse aw Jamac waxa uu u qaatay in si toosa maanta loogu soo duulay loona soo Hujuumay ,Tiisina ay dhamaatay .

Aw Jamac waxa uu is yidhi maxaad sugu ,NAFI ORAD AYAY KUGU AMINTAA ,Orod ayuu wax ka dayay Gurigiisa inta uu galay ayaa waxa uu KA BAXAY ALBAAB danbe oo Guriga ku yaala ,kadibna Aygii iyo Kaymaha ayuu Jiibaxay ,Saala saale walee Sakanan ka hadhin ayaa ka dhacday, Aw-Jamac Labadii Kabood midba meel ayay kaga Halawday,Cumamadii aanu waligii Madaxa ka dhigi jirin Bal adba halkay ku danbaysay, Hiinraga ka baxaya iyo Orodka waad yaabta ,kaca fadhisiga iyo turunturadu way xadbeleen. Inkaraha iyo Habaarka kasoo yeedhaya looma adkaysan karo ,ALLA IDINMA BARAKEEYO ayuu ku cilcilinayaa inta uu rooraayo.

Nimankii Inanta usoo Geed fadhiistay way arkayaan in odaygii Aw Jamac uu Guriga orod ku galay lakiin ma oga in uu Xaga Danbe ka dhacay oo uu Baxsaday.

Way sugeen cabaar kadibna waxa usoo baxday Inkarantadii mushkiladan oo dhan Abaheed u gaysatay .

Ninkii Dhalin-yarada ahaa ee Gabadha usoo Geed fadhiisanayay ayaa waxa uu Su'aal way diiyay Inantii waxanu ku yidhi .

:Waa sidee xaalku Maanta miyaynaan Balan sanayn ?!!

:Waxa ay ugu jawaabtay ,waynu balan sanayn.

:waxa uu ku celiyay ,Walidka meeyay aan hawsha dhamaynee,annaga shaqaa na sugaysee ?

:Waxa ay ku tidhi, walidkay waxa uu ka cararay waxaas oo Ciidan iyo Tiknika ee aad wadato hadana ma joogo meel uu u cararayna garan maayo .

:Waxa uu ku yidhi oo Abahaa in maanta aanu idiin imanayno miyadan u sheegin ?!!

:Waxa ay ku jawaabtay , Abahay waxba umaan sheegin !! hadaan inaad isoo donayso u sheegi lahaa markasuu sii firdhan lahaa, waxaan islaha isaga oo jooga HAW YIMADAAN KADIBNA WAXAAN HUBAY HADAAD IS ARKI LAHAYDEEN ,FADHIGANA KU QABAN LAHAYDEEN CABSIDA UU IDINKA QABO IN AANU IKIIN DIIDEEN, IGUNA KAA DARI LAHAA .

Sheekadu markii ay halkasi maraysay Ninkii dhalinyarada ahaa iyo Odayashisii way fahmeen ismaan dhaafka meesha ka dhacay iyo in Aw Jamac u qaatay Cidankani in uu yahay mid isaga ku duulan ah, madama uu aha Culimadii Hore ,shaki badan oo lakala qabaana uu jiro.

Nimankii waxaa ay ku tashaday in odaygii Aw Jamac la raadiyo .

Aw Jamac waa la baafiyay iyada oo la leeyahay cidii Aw Jamac aragtaa hanoo soo sheegto ,Aw Jamac kaga sii darane waxa uu maqlay Dadkii deegaanka oo ku sheekaysanaya Aw Jamac waxaa radinaya nimankii odayasha ahaa ee Al-Shabaab ,walibana waxaa radinaya Ninkii magaca lahaa !!!! balse dadku ma oga ilaa hada wax loo radinayo ,waxayse Dadkii qiiyaasteen madama Aw-Jamacna yahay Culimadii hore in Raad soo galay.

Waxba yaan hadal idinku dalinine Aw-Jamac Masajid ku yaala meel Tuulo ah ayuu Baroosinka aastay, markuu Laba casho ku jiray oo aanu kasoo bixin, ayaa isaga oo Salaad ku jira waxaa Masaajidkii soo galay Nimankii Dhalinyarada ahaa ee raadinayay ,waxa ay sugeen inta uu Salaada ka baxayo ,markuu Salama naqsaday Midig iyo Midix, ayaa waxa ay Indha hiisu qabteen Nimanku Cadawga u haystay balse iminka Nasteex iyo Xidid nimo iyo Guur ula socda.

Aw Jamac haduu isku dayi lahaa mar Labaad in uu baxsado oo Cagaha wax ka dayo Jaho u banaani ma jirto ,oo Korkiisa iyo Hareerahisaba waa la dul Hoganayaa ,kadibna waxaa la hadlay Wiilku Sodoga u noqon lahaa oo Cumamad Madaxiisa ay ugu duuban tahay, waxaanu ku Bilaabay hadalkiisi Asalamu Calaykum Aw Jamac maxaa kugu dhacay Aabo.

Aw Jamac isaga oo aan Salaantii ka qaadin ,ayaa waa uu qayliyay isagoo leh !!!,waaar yaadha !waa nimanka! hadii Alahiin Alle yahay maxaan idinka sitaa oo aad ii Cayrsanaysaan ,oo aan Geed aan galo idiinka waayay .waar ii daaaaya ,idinma nibci oo walaaaaahiya !!!

Waa la yaban tahay, Nimankii Guurdoonka ahaa way is egeen , Wiilkii Gabadha ka doonayay oo fahamsan qaladka dhacay iyo is-maan-dhaafka ,ayaa la hadlay oo ku yidhi, Aabo xageed ka dhacday maxaa ku helay miyaan balantii aanu Guriga kuu dhignay kuu imaanin.

Aw Jamac waabu kasii daray isagoo leh , Balantee! maxay ahayd balantu ,Aw Jamac waa uu kacaa fadhiistay. isagoo leh ,aaaar yaan been la iga kiin soo sheegin ,anigu idinma nebci!!

Waxaa la hadlay hadana Inankii ,Aabo is daji Balo ma jirto waxa aan u soconaa oo kugu nimi waxa aanu nahay Niman kaa Doonaya Gabadha aad dhashay ,Arin Guurna waanu kuula soconaa .

Aw-jamac markii uu intaasi maqlay aad ayuu u farxay isaga oo aan ka warhayn gabadha ay donayaan mida ay tahay madama Hablo badan uu dhalay ,waxanu isaga oo aan is ogayn ku dhawaaqay IDIN SIIYAY IDIN SIYAY IDIN SIYAY .

W/Q Qareen :Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment