SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Nijaarkii Naxashka samayn jiray.

Nolosha iyo Geeriduba dhamaantood waxa ay ku jirtaa Gacanta Ilahay sw,ma jirto hadii ay Geeridu ku maagto cid kaa hor marinkarta amma kaa dib dhigi karta, xiligii lagugu tala galay,waana mida aynu rumaysan-nahay hadii aynu nahay Muslimiin.

Waxaa jiray nin niijaar ah,kaasi oo inta badan shaqadiisu ahayd samaynta Naxashyada Maydka lagu rido,waxa uu ahaa nin deegaankiisa caan ka ah,aadna looga bartay sida fiican ee uu u sameeyo Naxashyadaasi.

Hadaba madamaa uu magalada uu joogo iyo wadankaba dhamaantii uu ka taliyo nin boqor ah oo sida uu doono dadkiisa ka yeela,ayaa waxa dhacday in Boqorkii iyo ninkii Nijarka ahaa ee Naxashyada samayn jiray ay isku dhaceen.

Taasina waxa ay keentay in Boqorkii uu ninkii ku xukumo Dil toogasho ah,waxa kaloo jirta in ninkasta oo Boqorku uu tooganaayo gurigiisa lagala baxo xiliga habeenimada ah ee ay dadku badi wada hordaan.

Waxa kaloo iyana meesha ku jirta in mar hadii Boqorku uu xukun dil ah kugu xukumo in habeenkaa lagu dili doono gurigaaga ay ilaalin doonaan askar ku waardiyaysa,kuwaasi oo kuu imin doona marka ay gaadho sacadii dadka la toogan jiray oo ah habeen badhka.

Ninkii Nijaarka aha,markii la ogaysiiyay in caawa nafta laga jari doono,ayaa waxa la keenay gurigiisi,waxa uu u sheegay xaaskisii in caawa habeen badhka la dili doono,inkastoo ay arintaasi aad uga murugootay hadana waxa ay ninkeedii ku tidhi Ilahay aya jira wakhtiga uu kugu talagalay ayuunbaanad dhimanaysaa.

Ninkii habeenkii oo dhan waa uu soo jeeday ,Hordana waa ay ka iman wayday,balse waxa uu Xaaskisii kula dardaarmay in ay iska seexato, xaaladii gurigu waxa ay noqotay mid ay geeriyi kusoo fool-leedahay.

Markii la gaadhay sacadii balantu ahayd ee dilka la fulin lahaa,ayaa waxa albaabka si kadisa ah usoo garaacay cidankii Boqorka,kadibna ninkii Nijaarka ahaa waxa uu albaabka furay isaga oo gargariiraaya,markii uu arkayna waxa uu kor u taagay labadiisii gacmood isaga oo ka codsanaya in ay katiinada ku xidhaan kadibna ay kaxeeyaan ,dilkiina ay ku fuliyaan

Markii gacmaha taagay,ayay askartii yabeen,waxanay ku yidhaahdeen,inakeen oo soo bax,waxa DHINTAY BOQORKII WAXAA LAGA RABAA IN AAN NAXASH AAD U FIICAN IN AAD U SAMAYSO.

Xaaskiisoo ee indha naxariis iyo murugo leh awalba ku eegaysay ninkeeda, ayaa waxa ay tidhi,gacaliye Boqorka Naxash adag inooga samee yuusan mardanbe inagusoo noqone,waxa kaloo ay raacisay sawtaan ku idhi qofna ma dhaafaayo xiliga uu Ilahay geeridiisa ugu tala galay,

Khadar Aar.