SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ninkii i guursaday,wax walba oo noloshiisa ku saabsan, wuu iga qariyey!

Qaybtii 3-aad Qisooyinkan noocan ahi ,waa kuwo ku badan inta badan in ay bulshada ka dhex dhacaan,isla markaasi waxa ay u baahan yihiin in casharo laga barto,balse aan sheeko ahaan amma madadaalo aan loo qaadan.

Waxaa halkii inooga sii socon doonta ,sheekadeenii ,taasi oo inoo maraysay ,iyada oo wadaadkii iyo inantii yarayd la isu guuriyay ay guri galeen ,halkaasna ay ku noqdeer reer kusoo biiray qoysaska Somaliyeed,waatan iyada oo sheekadii halkeedii inooga sii wadda:-

Waxa aan hore idiinku sheegay in wadaadkii i guursaday waxkasta oo noloshiisa ka mida aan waydiiyay,haba ugu yaraado magaciisuye,kadibna uu ii sheegay anna aan ku qancay ,taasi oo aan u arkayay in aan sax ku ahay.

Wakhtigii yaraa ee koobnaa ee arooska waa aanu ka baxnay,tiraba waxa aanu maraynaa Hal Bil iyo dheeraad in aanu guri leenahay,booqashada dadku waa ay nagu badan tahay, madamaa aanu nahay aroos,balse dadka nasoo booqanayaa waa hal dhinac oo kaliya,ilaa hada ma haya gabadh amma nin iiga yimaada wadaadka xagiisa.

Waxa aan jeclaan lahaa in aan dhinaciisa dad ka arko oo aan kala sheekaysto,xataa hal gabadhna ha ahaatee,dadka isoo booqanayaa madama ay ka socdaan dhinacayga oo kaliya,waxa dhacday in markasta ay gurigii ku kulmaan hal reer amma hal dhinac,taasina waxa ay dadkii ehelkayga ee ii imanaayay dareen siisay in aanay wali arag dad isoo booqanaaya oo ka socda dhinaca wadaadka.

Anigu wax badan danba ma ka galeen,balse dadkii guriga ila joogay ee igula noola iyo kuwii markasta boqashadoodu igu badnayd ayaa igu soo celcelinaaya su'aal ah ninkan ku guursaday ma mid aan ehel lahaynbaa mise waa Oromo maxaa qaldan?!!

Marka su'aalaha noocaasi ah la i waydiiyo malihi khibrad dheer oo aan kaga jawaabo,waxa kaliya oo aan dadka amma saaxibaday u sheegaa waxa ay tahay intii uu uu sheegay oo ah in dadkiisu aanay degaan ku ahayn gobolkan Maroodi-jeex amma Hargaysa kana fogyihiin ,balse jawaabtaasi dadku kuma qancaan.

Warwarkii iiga imanaayay su'aalahaasi aanan jawabaha sugan u hayn ayaa igu batay,waxa ay noqdeen culays aan hayn kari waayay,waxa kaloo iyana igu soo biiray barnaamij kale oo ah, in uu wadaadku lasoo baxo barnaamij cusub uu ah ,safaro iyo socod dheeraada.

Waxa uu gaalaa bixiyo safaro gaagaaban iyo kuwo dhadheerba,taasi oo marka uu baxaayo uu ii sheego in uu shaqo u baxaayo,kadibna waxa uu maqnaadaa mararka qaar dhawr iyo toban casho amma ka badan.

Noloshayda kale waa caadi,biilkaygu waa fooqal-daaqa , Ilahay mahadii calooshayda waxaa ku jira sida aan isleeyay Ilma yar,Uur aan ka badnayn Konton casho ayaan leeyahay,durba waxa igu bilaabmay xaalkii dumarka,waxkasta oo idhibi jiray waan iska ilaabay,oo ay ugu horayso baafinta wadaadka,waxaan la tacalayaa waxan cusub ee igu soo biiray.

Farxadi waa Naxdin ayaan dhex deeda taagnahay ,sababta oo ah,waxaa igu jira warwar ah,talaw Ilmahan caloosha kuugu jiraa waa ayo,waa qolama,taas macnaheedu maahan in aan ahay dadka aaminsan waxa loo yaqaanmo Midgaanka iyo Ajiga ,balse xaalku intaasi waa uu ka wayn yahay .

Waxa aan garan la'ahay dhamaan ninkan i guursaday iyo axwaashiisa,balse hada waxa aan go'aan saday dhibkastaaba haygu qadatee in aan ka salgaadho oo ninkan aan dabagal rasmiya ku sameeyo si aan uga nasto warwarkiisa.

Waxa aan arintii la socodsiiyay Eedaday oo markii hore ninkan ii guurisay,walaw ay sidayda daacad ka ahayd hadana waxaan dareemayaa Eedaday in ay talo badani seegtay,Eedo waxa aanu ku balanay in si wada jira aanu ninkan u daba galno.

Habeen habeenada ka mida oo uu gurigayga joogo ayaa waxa aan waydiiyay,su'aal ah,wadaadow ilaa maalintii aynu is guursanay oo hada laga joogo Sadax Bilood wali ma'aanan arkin cid qoyskaaga ah,ma jin ayaad tahay isu kay sheeg,waan kaa shakisanahay.

Waxa uu iigu jawaabay isaga oo aan is dhibin,maxaad ka rabtaa waxa aan ahay ,sawtaan hore kuugu sheegay,miyaad ku qanci wayday,mise dad ayaa igu kaa diray,kadibna waxa aan ku idhi ,waxa aan u baahnahay in cid-reerkiina ah aad i barto si aan ugu niyad samaado,waayo waxaa igu jirta malaha ninkani maba aha Insi ee waa Jin.

Arintayadii waxa ay dhalisay buuq aad u farabadan ,waxaan ka dhamaan wayay su'aashi aan xaqa ugu lahaa,isna waxa uu iigu soo celinayaa jawab aan sax ahayn ,anna aanan ku qancin ,taasi waxa ay keentay in markii danbe uu Gurigiiba ka tago kana firdhado.

Waa dhib kale oo hadana igu soo biirtay, hal Bil ah ayuu guriga ka maqan yahay,ma aqaano meel aan u raadiyo,waxa aan isleeyahay walee aflibaax ayaad ku dhacday,balse waxaan ka fikirayaa sidaan uga bixilahaa.

Wax aan sidii ahaadaba,Amar Alle Ilmihii calooshayda ku jiray ayaa dhintay ,markii uu xamili waayay warwarkii iyo walacii ilasoo darsay,xiligaasi Eedaday waxa ay ku maqan tahay safar ay u tagtay Adis-ababa ,waxa gargaar caawimo ah ii fidiyay asxaabtaydii aan khibrada badan lahayn iyo Jaarkii.

Waxa aan muddo jiifsaday Isbitaalka,intaa aan bukaanka ahaa ninkii ma arag nuurigiisana mahayo,balse Ilahay ayaa ku tawakalay ,Somalidu waxa ay tidhaahdaa Macal cune soo bixi doonee.

Waxa aan kasoo baxay Dhakhtarkii,waxa aan imi Gurigii uu garanwaagu igu aroosay,waxkasta oo yaala oo qurux badani iima muuqdaan sababta oo ah maba garanaayo wax uu yahay ninkan aan guriga ugu soo xarooday,dadku waxa ay danbiga oo dhan saarayaan Eedaday balse anigu waan ka mildhaabayaa in aan Eedaday afka ku taago amma aan si xun ula hadlo.

Qisadaydii waxa ay noqotay mid dadka xaafada deegaanka ku ah badankiisu ay ku sheegaystaan,dhagtana la iigama duwo hadalada ay ka mid yihiin" waatan tii guursatay nin anay garanayn meel ay u raacdo"waa runtood waa calool xumo wayn ,haba ku xumeeyee qofka aad garanayso waad ku niyad samaataa .

Malin maalmaha ka mida,ayaa waxa Guriga iigu yimi wiil dhalinyaro ah oo ka shaqeeya Maxkamada,waxa uu u waydiiyay xaalkayga aniguna bilaw ilaa dhamaad sidii ay ahayd ayaan ugaga sheekeeyay.

Waxa uu igula taliyay in aan ninkii Maxkamada ka ashkateeyo kadibna la baafiyo,hadii wakhtigaa ku iman waayana Maxkamadu ay Warqadayda i siiso,taladaasi aniguna waan ka aqbalay,kadibna hawshii ayaanu guda galnay.

Anigu Maxkamad iyo xaalkeed waxba kama aqaano wiilkii ii gargaarayay ayaan kolba xafiis daba wareegayaa,waxa uu i yidhaa saxeex ayaan saxeexayaa,qalinka isaga ii haya,waxa la ii sheegay in hadii Maxkamada uu hal Bil ku iman waayo warqadayda ay maxkamadu i siinayso,balse anigu waxa aan ka jeclaa in ninkaasi la helo oo uu warqada afkiisa iigaga dhawaaqo,hamoodina in jacayl iga hayo balse aqoon uma lihi waxa loo yaqaano FASAQA amma ceeb ayaan u haystaa iwm.

Ilahay mahadi ha ka gaadhee ,maalin maalmaha ka amida aniga oo suuqa maraaya, ayaa waxa aan sheeda(meel durugsan) ka arkay wadaadkii isaga ahaa oo gabadh la socda,farxada iyo qosolkana aad yaabto iyo sida uu gabadhaasi uu la socdo uu u marxabaysiinaayo ,anigana uu kadeed iyo halaag isoo dhamaaday,ha ugu waynaato Ilmihii calooshayda ku jiray oo iga dhinta dhibtuu ii gaystay awadii.

Maan is ogayn goor aan qabsaday,waxa aan is arkay uun aniga oo ninkii shaabka haysta Magaladiina ay nagusoo ururtay,waxa aan ku qaylinayaa,ninka ii qabta,ninka ii qanta,dadku iyaga ka horeeya Booliska ,markiiba inta la qabtay oo toban isugu timi ,ayaa waxa la yidhi maxay ayuu kugu sameeyay.

Waxa aan halkii ka sheegay waxkasta oo dhacay,xataa waxa aad moodaa in xishoodkii iyo xayadii ay iga tagtay,isma ogo waxa aan sheegayo iyo ninka sida aan ugu maranahay,maba ahi inantii yarayd ee aad taqaneen, waxaa iyana si dhakhsa noogu yimi niman Boolis ah kadibna waxaa nala geeyay Saldhig Boolis oo noo dhawaa.

la soco qaybta 4-aad
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar