SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Su'aal aanad fahmin,ha ka jawaabin .

Dunidan aynu ku nool nahay ,dadku waxbay iswaydiiyaan haday koox yihiin iyo hadii ay qof qof yihiinba,xaq waxa lagugu leeyahay hadii su'aal lagu wadiiyo oo aad garanayso in aad si degan uga jawaabto.

Waxa hadaba jira ,hadii aynu Somali nahay ,waxyaabo badan oo dhaqan inoo noqday,oo ay ka mid tahay, qaabka aynu su'aalaha iyo jawabaha isu waydiino amma isaga sugno,taasina waxa aad arkaysa in dadyaw badan oo Aduunka ah aynu kaga duwanahay.

Hadii maanta qof aad garanayso amma aadan garanayn uu su'aal ku waydiiyo,waxa kuu banaan laba arimood midood in aad yeesho:-in aad tadhiihdo waan garanaya kadibna aad ka jawaabto iyo in aad tidhaahdo garan maayo su'aashaasi.

Balse maanta waxa jira,qof ayaa su'aal ku wadiinaya,inta uu ku guda jiro su'aashii uu ku waydiinayay isla markana aanu dhamayn, ayaa qofkii su'aasha la waydiinayay oo waxa aad arkaysa ku mashquulsan raadintii iyo baadidoonkii su'aashasi la waydiindoono,taasi oo aan wali kasoo dhamaan afkii su'aal waydiiyaha.

Waxa aad ka dareemaysaa dareenka qofka iyo shucuurkiisaba in aanu su'aashan aad doonayso in aad waydiiso aanu dhagaba aanu u lahayn ee uu ku maqan yahay jawaabteedii.

Waa wax aad loola yaabo ,waana wax inagu badan,sidee ayaad su'aal lagu waydiiyay jawaab waafiya uga bixin kartaa hadii adanba si fiican su'aashi u dhagaysan amma aadan u maqalba,taasu saw ku tusi mayso degdega inagu jira.

Waxyabaha kale ee arintaasi raaca waxa ka mida,in hadii uu qof su'aal ku waydiiyo aad tidhaahdo waan garanayaa,isaga oo aanay wali su'aashi uu ku waydiinlahaa aanay afkiisa kasoo wada dhamaan.

Khadar Aar.