SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa maxay sababta ay raga iyo dumarku u kala Lacag badan yihiin?

Golaha Dhaqaalaha ee Dunida (WEF ), ayaa aaminsan iney qaadan doonto 118 sano oo kale, ama illaa iyo sanadda 2133, marka dunidu ay ugu danbeyn buuxin doonto farqiga u dhexeeya Ragga iyo Dumarka.

Dumarku haatan waxey helaan cadadka ay raggu qaadan jireen 2006-dii, warbixin laga soo xigtay WEF ayaa sidaa oraneysa.

Warbixinta ayaa sheegaysa in uu hakad ku yimid sii yaraanshaha farqiga sannadihii u dambeeyey, xilli dumar aad u tiro badan ay ku soo biirayaan goobaha shaqada.

Dhabtii, ku dhowaad rubuc billion dumar ah ayaa haatan ka hawl gala goobaha shaqada intii ay aheyd toban sano kahor.

Dalal kala duwan, haatan dumarka wax ka barta jaamacadaha way ka badan yihiin ragga, xaqiiqdii – tani kama turjumeyso in dumar badan ay buuxinayaan kaalin ahaan xirfadda jagooyinka hoggaaminta.


Image copyright PA

Warbixinta WEF ayaa lagu eegayey in ragga iyo dumarka ay leeyihiin xuquuq isku mid ah, marka ay timaado fursadaha dal waliba, gaar ahaan afar qeybood, sida caafimaadka, waxbarashada, ka qeyb qaadashada dhaqaalaha iyo kobcinta dhanka siyaasadda.

Dalalka Nordic-ga ayaa weli ah kuwa ay isku dhow yihiin farqiga ragga iyo dumarka si guud, sida ay toban sano oo hore ay ahaayeen. Ma aaney ka gungaarin dheellitir guud, ha yeeshee Iceland (1), Norway (2), Finland (3) iyo Sweden (4) ayaa weli ah afarta dal ee ugu horreeya, marka la eego 145-ta dal ee cilmi baarista lagu sameeyey.

"Waxey leeyihiin siyaasadaha ugu wanaagsan dunida ee lagu dhaqo qoysaska," ayey leedahay warbixinta ay qortay qoraa muhiim ah Saadia Zahidi. "Hannaankooda sharciga ee xannaanada caruurta ayaa ah kan ugu wanaagsan sida aabannimada, xannaanada hooyada iyo dhallaanka iyo fasaxa qoyska.

Inkastoo aysan aad u fogeyn, Rwanda waxey ku jirtaa lambarka (6), taasoo ka sarreysa dhanka kala horreynta Mareykanka iyo Ingiriiska dhanka tusmada. Tirada dumarka ee siyaasiyiinta ah ayaa ka dhigeysa dalka inuu kaga horreeyo oo ay ka hoose maraan dalal badan.

Ka markii uu dalkaasi ka dhacay xasuuqa, dadaal gaar ah ayaa la sameeyey sidii dumar xaddigoodu badan yahay lagu gelin lahaa siyaasadda. Haatan 64% xubnaha baarlamaanka dalkani waa dumar. Sidoo kale, dalku wuxuu leeyahay cudud shaqaale oo dumar ah oo ka badan tan ragga.


U halgamidda dhanka sare
Tobankii sano ee ugu dambeeyey waxaa is beddel weyn lagu sameeyey waxbarashada. Xaqiiqdii, warbixintu waxey muujineysaa cagsiga in farqiga dumarka iyo ragga dhanka tacliinta sare, ay dumarku ka badan yihiin raga 98 waddan.

Ms Zahidi ayaa sheegtay in lix jibbaar ay dumarka ku jira jaamacadaha ka badan yihiin ragga dalka Qatar, maadaama la arkay in culeys badan oo adag la saaray in dumarku ku biiraan goobaha waxbarashada tobankii sano ee la soo dhaafay. Dalalka Barbados iyo Jamaica, labo iyo bar laab dumar ka badan in la diiwaan geliyey jaamacadaha dhanka ragga, ayey ku dartay warbixinteeda. lawyers.

Marka ay dumar badan ku biiraan jaamacadaha, qoysasku waxey doonayaan in wax ka soo noqdaan dhaqaalaha waxbarashada la geliyey.

Inkastoo tani ay jirto, dumarka weli uma muuqdaan kuwo gaadhey jagooyinka sare ee ganacsiga, siyaasadda ama shaqooyinka bulshada mid la mid ah ragga. WEF ayaa aaminsan keliya saddex dal iney dumarka kaga badan yihiin jagooyinka hoggaaminta ragga, kuwaas oo kala ah Philippines, Fiji iyo Columbia.

Waxaa jira is-beddello yar oo sare u kac ah heerka Saudi Arabia (134) marka loo eego Jordan iyo Lebanon. Ha yeeshee Ms Zahidi ayaa ku qanacsan in isbeddelladan la sameeyey ay yihiin kuwo qiimo hooseeya.

"Runtii waa mid kamid ah dalalka horumarka weyn ka sameeyey tobankii sano ee u dambeeyey," ayey tidhi. "Waa istaraatiijiyad qurxan oo ay qorshaysay wasaaradda shaqaalaha, si looggu dadaalo in haween badan la galiyo goobaha shaqada."

Sawirka guud ee dunida, inkastoo uusan inta badan aheyn mid horumarkiisu u socdo dhanka isla ekaanshaha. Dalal dhawr ah ayaa dib u socday marka la eego tusmada: Jordan, Mali, Croatia, Slovak Republic iyo Sri Lanka.

Qoraaga ayaa sheegtay iney si gaar ah uga niyad jabsan yihiin in horumarkii ahaa isu soo dhawaanshaha farqiga ee dhanka gunnooyinka "si weyn uu hakad u galay" sanadihii u dambeeyey.

Xogta ayaa ku talineysa in dumarka haatan ay helaan wixii ay raggu qaadan jireen toban sano kahor, waa isku celcelin guud ahaaneed ee dunida £7,300 oo u dhiganta ($11,000; €10,400) marka la barbardhigo £13,500 ($20,500; €19,200) oo ragga la siiyo.

Ms Zahidi ayaa tilmaantay in warbixintan wax ka wanaagsan ay jiri karaan. "Haatan waxaa jira wacyi gelin aad u sarreysa oo ku wajahan dhibaatadan iyo tallaabooyin wax lagu saxayo oo la isla meel dhigay, laakiin weli aan la hirgelin," ayey tidhi. Sidaa darteed, halkuu ku wajahan yahay dagaalka xiga ee farqiga u dhaxeeya ragga iyo dumarka?

Ms Zahidi ayaa ku qanacsan in dabeecado badan oo guryaha ka jiro la beddelo – ma ahan oo keliya dowladaha iyo ganacsiyada waaweyn.
"Illaa aanu bilawno is-beddelka dhaqanka kala qaybinta shaqaalaha guriga, waxaa mar waliba sii jiri doona caqabadaha dumarka ku horgudban," ayey mar kale sheegtay. "Taasi micnaheedu waxaa weeye in aynaan awoodi doonin inaan sugno ku riixidda dumarka iney ku biiraan jagooyinka heerarka sare ee shaqada, innagoo ka amba qaadeyna jagooyinka maamulka dhexe illaa iyo kuwa sare."