SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Wiilyar oo Ilahay Warqad u qoray,W,q.Qareen Khadar Aar.

Waxa aynu ka wada dharag sanahay in marka aynu caruurteena doonayno in aynu ogaano jacaylka iyo raxmada ay u qabaan walidkood, ayaa waxa aynu ku nidhaahnaa Aabaha iyo hoyada midkeed jeceshahay ,kadibna waxa laga yabaa in Ilamaha yari kolba kii la jooga uu yidhaahdo waan jeclahay ammaba waxa uu yidhaahdo labadaba waan jeclahay.

Akhristayaal waxa jiray qisso dhab ah oo ka dhacday Dalka Masar ayaa waxa jiray Qoys faqiira oo aan wax Aduunya ah aan haysan Mood iyo Nool toona,balse Aabah Reerka iska lihi waxa uu ahaa Nin ehelu ciibado ah .

Ninka reerka masuulka ka ah ayaa waxa uu Inanyar(wiil) uu dhalay ku barbarin jiray in markasta oo la yidhaah'do yaad Aduunka u jeceshahay in uu yidhaah'do ALLAH ,kadibna Inankii yaraa waxa uu noqday mid qalbigiisa ay dagtay kalmadda Jacaylka ALLAH ,iyada oo lagaba yaabo caruurnimada darteed in aanu waxbadan ka faham sanayn macnaha badan iyo fa'idada ku jirta Jeclaanshaha ALLAH.

Muddo yar ka bacdi waxaa si xun u xanuun saday Odaygii Reerka ka masuulka ahaa,madamaa ay ahayeen marka horaba reer faqiira oo aan lahayn wax dhaqaale ah, waxa dhacday in Odaygii uu tahli waayo in xataa uu waayo wax uu Daawo siisto ha'yarato amma habadatee,kadibna waxa uu noqday Nin Dhul yaala oo Xanuun dishooday.

Sida cadada inoo ah hadii aynu nahay Dadka Muslimiinta ah,waxa jira in aynu soo booqano dadkeena bukaan jiifka ah,kadibna marka aynu ka anba'baxayno waxa aynu qofkii Xanuun'sanayay ku maca'salamaynaa kalmada ah ALLAH ha ku caafimaadiyo, taasi oo ah duco loogu ducaynayo in Ilahay Bukanka cafimaad ugu badalo.

Inankii yaraa ee caruurta ahaa ayaa waxa uu markasta maqlaa iyada oo qofkasta oo Abihii soo boqanaya marka uu kasii tagaayo uu ku leeyahay ALLAH HA KU CAFIMAADIYO.

Kadibna Inankii yaraa waxa maskaxdiisa ku soo dhacday ,ALLAHAN ay dadku leeyihiin ha ku cafimaadiyo miiyaanu ahayn midkii uu Abahay aadka u jeclaa ee uu adigana ku odhan jiray marka lagu yidhaah'do yaad jeceshahay waxaad tidhaa ALLAAH.

Inankii yaraa waxa uu Go'aan saday In uu ALLAH uu Warqad u qoro kagana dalbanaayo in uu Abihii u caafimadiiyo,inankii yaraa waxa uu u tagay Hoyadii waxanu u sheegay in uu doonayo in uu ILAHAY Warqad u qoro uu kaga codsanaayo in uu Abihii u caafimaadiyo ,ilayn waa meel ILAHAY wax ka wadee Hoyadiina waa ay ka ogolaatay.

Inankii yaraa waxa uu soo qaatay Qalin iyo Warqad kadibna qoraal la fahmi karo in ay Caruuri soo qortay oo iska qalqalooca ayaa waxa uu ku qoray warqadii isaga oo leh .ALLAHII AAN JECLAAYOW WAXAAN KA CODSANAYA IN AAD ABAHAY II CAFIMAADISO .

Kadibna waxa uu Hoyadii ka codsaday in ay gayso una raacdo meesha Boostada ee Warqadaha lagu diro,iyaduna waa Hooyo Khayrlee waa ay ka aqbashay , warqadiina waxa lagu riday Sandooqa boosta taasi oo ah WARQAD KA TIMO WIILYAR KUNA SOCOTA ILAHAY SWT.

Nasiib wanaag Warqadii waxa uu Ilahay u Gacan galiyay nimankii Boosta gaar ahaan Dad xigmad iyo Caqli u saxiiba,kadibna waxa ay arkeen in Warqadan ay ku socoto ILAHAY .

Dhamaan shaqalahii ayaa waxa ay dareemeen in Warqadani ay tahay mid ka awood roon shaqada ay hayaan.waayo waxa ay arki jireen shaqadooduna ay tahay warqad qof soo qoray oo qofkale ku socota,balse Warqad si toosa ALLAH ugu socota may arkin.

Warqadii waxa la gaadhsiiyay nimankii madaxda ahaa ee Dawlada u talinayay, iyada oo la ogaysiiyay in Boostada laga helay Warqad ku socota ILAHAY .

Maalmo ka bacdi madaxdii Dalka ayaa Warqadii shir ka gashay,hadaba si loo arko Warqada gudaheeda waxa ku qoran ayaa la furay Warqadii ,kadibna waxa la ogaaday in Warqadan uu soo qoray ilmayar oo Farbarada kaasi oo ALLAH ka dalbanaya in uu Abihii u caafimaadiyo.

Intii aanay Dawladu qoraalkii warqada aanay go'aan ka gaadhin ,ayaa Warqadii waxaa lagu qoray Jaraa'idka dalka kasoo baxa,taasi oo la leeyahay waxaa Boostada laga helay Warqad uu soo qoray Ilmayar kuna socota ILAHAY.

Fajac iyo amakaag ayaa dadkii ka wada qadeen warqadii, kadibna waxaa ka mid ahaa dadkii Joornaalka akhristay nin ka mida Dhakhaatirta ugu waawayn Dalka Masar kaasi oo markii uu fariinta akhriyay si dagdega u raadiyay Reerkan iyo meesha uu dagan yahay.

Markii uu ninkii Dhakhtarka ahaa uu Gurigii Qoyska uu yimi , ayaa waxa uu yidhi meeyay Wiilkii yaraa ee Warqada ALLAH usoo qoray, kadibna waxa lagu yidhi waakan,waxanu ugu jawabay madama aad ALLAH warqada u qortay ALLAHNA aniga ayuu isoo diray.

Isla wakhtigiiba waxa uu Gurigii ka qaaday Odaygii Xanuusanayay waxaanu geeyay Dhakhtarkisii,reerkii iyo Inankii yarana waxa uu u balan qaaday in uu Abahood halkan ku dawayn doono ALLAH na uu cafimaad uga baryi doono,wax Lacagana aanu ka rabin.

Moddo yar ka bacdi waxa Gurigii Odayga xanuusanayay waxaa kusoo qulqulay Dawladii oo dhan , waxana loo sheegay in uu qaaday ninkii Dhakhtarka ahaa,Dawladuna waxkasta oo ay ku tari karayso waa ay ku kaalmaysay.

Akhristayaal Reerkii waxa uu ku danbeeyay Odaygii oo Ilahay cafiidkisii usoo celiyay, Reerkii oo noqday mid hodana oo Ilahay Risiiqiisa waasica ah uu u furay .taasi oo ay ku heleen Kalsoonidii iyo Xuskii Ilahay ee aan marnaba Carabkooda ka go'ayn .

Marka aad qisadan u fiirsato waxa aad daremaysaa amma kusoo baxaysa, in Wiilka yari uu ahaa mid caruura isla markana aan garanayn ALLAH wax uu gudo iyo wax uu galo, balse xaqiiqda meeesha ku jirta waxa ay tahay Caqidada iyo garashada uu ALLAH U LAHAA ODAYGU IN AY TAHAY MIDAA ILAHAY KU GALADAY ,sababna uga dheegay Warqadaa uu Inanka yari uu ILAHAY u diray.

Akhristayal waxaa fiican in aynu Caruurteena ku barbaarino Jacaylka iyo barashada Ilahay si aynu If iyo Akhiraba ugu liibaano.

Xigasho,Sh Cabdirashiid Cali Suufi.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar