SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Faallo iyo falan'qayn Axmed Ismaciil Samatar oo ku biiray Xisbiga Kulmiye.

 
Pro Axmed Ismaciil Samatar waa nin ku dhashay Somaliland gaar ahaan Gobolka Gabiilay ,waa nin ku faana kuna farax san wakhtigan xadirka ka qayb noqoshada siyasada Somaliland ,madama uu wakhti hore kusoo hungoobay hankii iyo hamadii uu lahaa ee dhinaca Muqdisho.

Axmed Ismaciil waxa uu wakhti wakhtiyada ka mid ah isu soo sharaxay in uu Madaxwayne ka noqdo Somaliya taasi oo uu ku hungoobay ,kadibna uu ku soo laabtay Somaliland ,halkaasi oo si garasho iyo caqli ku jiro loogu soo dhaweeyay .

Waxa maanta si rasmi ah ugu biiray masraxa siyasada Somaliland, Pro Axmed Ismaciil Samatar waa Aqoon yahan muddo aad u badan ay laabta kaga jirtay in uu mar uun ka muuqdo masraxa salaanka siyasada .

Axmed waxaa in badan uu ka hadlay warbaahinta,waxa uu inbadan ka faaloday siyasada iyo sida loo horu marin lahaa somaliland ,Axmed waxa uu inbadan Carabkiisa uu ku celceliyay in Marnaba aan Somaliland qaabkii loo aqoonsan laha aanay u marin jidki ku haboonaa.

Axmed Ismaciil waa nin inta badan ay dhacdo in marka uu hadlayo jeedinayana khudbadaha ay dadkuu aad u dhagaystaan una dhag raariciyaan, jeclaystaana hadaladiisa oo la odhan karo waxa ay u badan yihiin waano iyo wax isu sheeg.

Axmed waa nin marka uu doono Heesa ,walibana in badan lagu arkay masraxyada TV yada iyada oo looga garacayo Kamanka Cuudka, inkastoo inta aan ka arkay uu Hal hees oo kaliya kusoo celceliyo.

Axmed Ismaciil Samatar waa nin aad u qurbaha ugu raagay, wakhtigan xadirkana ay haysto dilalyo iyo dareen Wadan jacayl,balse hadana kama maqna la qabsi la'aanta dadka iyo dalka taasi oo aad ka dareemayso fikradaha uu inta badan soo gudbiyo.

Axmed Ismaciil waa nin inta badan marka uu hadlaayo ay ka muqato nacaybka Qabyaaladu,taasi oo la odhan karo hadii uu ku adkaysto waxa uu wax badan kaga duwanan doonaa siyasiyiinta dalka, ee Qabyalada iyo Qolo qolada shaqada ka dhigtay .

Hadaba madama uu Axmed Ismaciil Maanta lugta la galay siyasada Somaliland, maxay ayaa looga bahan yahay in uu qabto amma uu ka run sheego waxyabahii faraha badnaa ee uu ka jeedin jiray Jamacadaha iyo TV yada.

Inta badan dadka siyasada odorosaa waxa ay yidhaahdaan siyasadu waa sida Guurka ,oo marka hore ee aad dibada ka joogto waa wax si fiican looga faalon karo loona sharaxi karo qaladadkeda iyo wanageeda,balse marka aad gudaha u gasho waa ay ka duwan tahay sidii la filaayay.

Axmed Ismaciil Samatar waxa ay dadka qaar ay u arkaan in uu yahay nin si fudud u xanaaqa aadna u cadho dhaw,waxaa la iswaydinayaa ma u dulqadankara Axmed Saxafada Somaliland ee rag badan oo siyasiyiina ciil iyo cadho baday.

Waxa kale oo ay siyasadu leedahay dabar iyo hogaan ku qabanaya marka aad Xisbi ku biirto ,kaasi oo kuu diidaya faladii iyo falanqayntii faraha badnayd ,Axmed Ismaciilna waxa uu ahaa raga ku caan baxay sheegista waxa ay qaladka u arkaan, balse hada qalad waa Ina'daanwaynee muxuu yeeli doonaa .

Dadka qaar waxa ay is waydiinayan Axmed Ismaciil Samatar sidee ayuu u wajahi doona Siyasada wajiyada badan ku shaqaysa, sida Qabyalada,nin jaclaysiga,saxiibtinimada iyo kana siib kana saar.

Suura'gal ma tahay Axmed Ismaciil in uu sida Finiinka uga soo boodo Xisbiga Kulmiye, oo mararka qaar siyasadiisu sida Jirjiroolaha u shaqaysa ,misse Axmed laftiisu waxa uu la iman doonaa siyasad u shaqeeysa sida Maska .

Dadka qaarkii waxa ay is waydiinayaan Axmed maxay ayuu ku doortay ku biirista Xisbiga Kulmiye ,hadana dadka qaar waxa ay ku doodayaan in ay adag tahay in uu Axmed ku biiro Labada Xisbi ee Mucaradka mid ahaan sababta oo ah ,Axmed ma rabo Dhari iminka Dabka la'saarayo in uu dul fadhiisto .

Axmed Ismaciil waa nin kasoo jeeda siyasad ahaan Gobolka Awdal,hadaba madama mararka qaar reer Awdal iyo Somaliland is'fahan waa uu ka dhex dhaco dhinaca siyasada Guud ee dalka(gooni'isutaaga) maxay ayuu Axmed ku soo kordhindoona isu soo dhawaynta iyo isfahansiiska Somaliland iyo reer Awdal.

Waxaa hubaala in uu noqonaayo Axmed Ismaciil wakhtigan xadirkaa siyasiga ugu tunka roon siyasiyiinta Gobolka Awdal ,malaga yabaa in uu Gobolka ku soo kordhiyo khilaaf iyo tashuush horleh oo soo kala dhex gala siyasiyiinta gobolka Awdal oo uu ugu horeeyo Madaxwayne ku xigeenka Saylici.

Pro Axmed Ismaciil waxa ay walalo yihiin Pro Cabdi Ismaciil Samatar oo ah nin wali taagan mawqifkii Somaliweyn ee uu Axmad waa hore kasoo huleelay,hadaba Axmed suura'gal ma ka noqon kartaa in uu walaalkina kusoo jaheeyo siyasada Somaliland.

Axmed Ismaciil waxa ay saaxibo dhaw ahayeen Asmaciil Buubaa iyo Cali Khaliif Galaydh ,waxanu in badan Axmed warbaahinta ka sheegay in uu hayo talada lagu hanan karaayo Bariga Somakliland iyo saxiibkii Cali Khaliif,hadaba ma noqon doona mid taladisii la qaato .

Hadaba Axmed Ismaciil si ay isula jaanqaado hamadisii iyo Riyadisii siyasadeed ee uu inta badan ku tamayay ,waxa kaliya oo hada u hadhay waxa uu yahay , madama uu Xisbigii Kulmiye ee Dawlada uu ku biiray ,waxaa khasab noqonaysa in iyana loo magacabo Jago Wasiir nimo ,si uu ugu xasilo Badhidana uu dhulka u dhigo,taladisa iyo taagtisana ay dadka iyo dalkuba u munafacaadsadaan.

Layskuma hayo in Axmed loo magacaabi doono Wasiir,balse waxa la iswaydiinayaa Axmed maxay ayuu laabta ka jecel yahay in loo magacaabo ,ma wasiirka Arimaha Dibada, oo maxaa ku jaban hadii loo magacaabo wasiirka Waxbarashada ,madama uu yahay in aqoon fiican u leh dhinaca waxbarashada Madigaa .

Somalidu waxa ay k maahmaahdaa ,Nin xil qaaday eed qaad .

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar