SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Aabbo in aad adigu dhimato ayay ahayd, inta uu Odaygaasi dhimanaayo.


Waa qisso aad u xanuun badan ,sida aynu la wada socono Macalinku waa toosiyaha iyo tilmamaha ardayda,Macalinku waa qofka labaad marka laga yimaado waalinka ee Ardayga wax baro,isla markana ay tahay ardaygu in uu ku daydo haduu yahay macalinku mid wanaagsan oo ku dayasho mudan .

Hadaba maalin maalmaha kamid ah ,ayaa Macallin uu kuwaaniyey ardaydiisii in ay Rabbigood adeecaan isla markana ay shanta salaadood tukadaan ,walibana ay jameeco ku tukadaan ,isaga oo si gaar ah ugala dardaarmay in ay Salaada Subax ay jameeco ku tukadaan Masaajidkana ay tagaan ,waanadaasi oo uu Macalinkii aad ugu celceliyay .

Haddaba waxaa Ardayda kamid ahaa arday da'diisu ay aad u yar tahay Caruurna ah,kaasi oo dhiganayey galaaska saddexaad ee dugsiga hoose , magiciisana la odhan jiray Axmed.

Axmed waxa uu aad ugu qushuucay Macallinka warkiisa ,waxaanu go'aansaday inuu kadhabeeyo qadashada waanadaasi fiican ee uu Macalinku soo jeediyay ,waxaanu go'aan ku gaadhay in laga bilaabo maanta aanu salaad kaliyii dayicin ,isaga oo hoosta ka xariiqay in xataa salaada Subax uu Jameeco ku tukan doono masaajidkana uu tagi doono. .

Axmad waa Inan yar oo caruura isla markana aan gaadhin xiligii ay fuuli lahayd takaliifta cibadada ee ay salaadu ka mid tahay ,balse hadana waa Inanyar oo ilahay qalbigiisa ku ilhaamiyay wanadii macalinkiisa.

Go'aanka Axmed yare uu gaadhay ee ah in uu salada Subax masajidka jameeco kula tukado ayaa waxa caqabad ku noqon kara laba arimood oo kala ah ,cida u toosinaysa ee salada subax u kecinaysa madamaa uu yahay Wiil yar ,mida labaadna waxa ay tahay cida u kaxaynaysa masaajidka madama masajidku waxooga u jiro Guriga axmed yare, abihiina uu yahay nin mararka qaar ay ku adkaato in uu Salada Subax iyo saladaha kalaba uu tukado .

Arrinku si kastaba ha ahaadee, wuxuu goostay Axmed yare inuu salaadda subax lasoo tukado jamaacada Masaajidka, maddaama Macallinku uga sheekeeyay ajarka iyo xasanadka badan ee ay leedahay Jamecada Salada subax Masajidka lagu soo tukadaa.

Axmed yare waxa uu qaatay go'aan khatar ku noqon kara naftiisa ,balse ay geesinimo kujirto, kaas oo ah in'aanu seexan habeenki oodhan ,ilaa laga gaadho wakhtiga salaadda subax ay soogalayso intaana uu soo jeedo.

Axmed yar madamaa uu seexdo meel ka durugsan waalidkii waxa waagu ugu baryay soo jeed kadibna markii uu maqlay adinkii Salaadu Subax ayaa wax uu si qunyara u furay albaabkii hore ee gurigooda, kaddibna bannaanka ayuu usoo baxay, waxaana indhihiisu kudhaceen mugdiga iyo madawga dhulka ka muuqda ,taasi oo ku beertay cabsi iyo argagax dheeraada.

Wakhtiyar markii uu meesha taagna ayaa waxa uu si lama filaana dhagahiisu u maqleen shanqadh ay ku lamaan tahay Ul si fudud dhulka la jiidaayo ,kadibna waxa uu u kuurgalay sidii uu u fahmi laha shanqadhani waxa ay tahay ,kadibna waxa uu noqday nin oday ah oo u tukubaya tukashada salaada subax ee Masaajidka ,odaygaasi oo ah Aawawga Wiilyar oo ay Axmed saxiib yihiin.

Axmed yare isaga oo iska ilaalinaya in Odayga Masaajidka ku socdaa uu arko ayaa waxa u qonyar u daba galay odaygii ilaa laga gadhayay Masajidkii ,kadibna Axmed yare inta uu wayso qaatay ayaa waxa uu la tukaday dadkii jameecada soo xadiray.

Axmed yare markii uu Masajidka kasoo noqday waxa uu si aan la filayn kusoo galay gurigoodi kadibna waxa uu jiifsaday Furaashkisii iyada oo aanay cidina dhaadin,Albabkii gurigana waxa uu u soo xidhay si jabaq la'aana.

Waalidkii dhalay Axmed yare gaar ahaan hoyadii waxa ay dareentay in Wiilkeeda yar ay kusoo korodhay hurdo galab'nimo oo aanu awal caado u lahayn ,balse hadana sidaas looma sii raad raacin sababta keentay hurdadani galabnimo .

Axmed yare waxa uu muddo aan sidaasi usii badnayn tukashada Salada Subax ee Masajidka ku daba gaban jiray sidii cadada u ahayd Odaygii Tukubayay ,balse wax uu xaalku sidaas ahaadaba ,waxaa maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa Axmed yare loo sheegay in uu Geeriyooday Odaygii Awawga u ahaa saxiibkii ,kaasi oo ahaa Odaygii uu Masajidka marka uu tagayo uu wehelka ka dhigan jiray.

Axmed markii uu yiqiin saday geerida Odaygaasi waxa uu bilaabay in uu kor u dhawaaqo isagoo ooyaya lana aamusin kari waayay. Axme yare Aabihii ayaa waaydiiyey sababta uu la ooyaayo isaga oo ku leh "Maxaad la ooyaysaa Aabo, odaygaasi dhintay qaraabadeena miyaa, Hooyadaa miyaa, Aabahaa miyaa"?.

Intaasi kadibna Axmed wuxuu ku jawaabay: " Aabbo waxaan ka-jeclaan lahaa in aad adigu dhimato meesha uu odaygaasi kadhintay!!

Aabbihii waxa uu weeydiiyey Axmed yare sababta uu leeyahay hadalkaas ah"aabbo adaan ka jeclaa inaad dhimatid". dabadeedna wuxuu Axmed yare ku jawaabay: "Odaygaasi wuxuu ahaa odaygii aan masajidka subuxii uraaci jiray sii-socod iyo soo-socodba, marka majeclayn inuu dhinto odaygaasi, ee adaa aabbo kufiicnaa inaad dhimatid, maxaayeelay weligaa iimaad kaxayn masaajid, imana aadan amrin tukashada salaadda"!

Dabadeed Aabihii wuxuu amray Axmed inuu uga sheekeeyo xaaladda uu kasoo maray salaadda iyo masajidka tagistiisa, markuu uga sheekeeyeyna Aabihii wuxuu bilaabay inuu ooyo isagoo kudhawaaday in dhuuntu dillaacdo oohin darteed.

Aabihii markii uu arkay Inankiisa yar oo sidaa khayrka iyo Allah ka cabsiga ugu dadaalaya ,isuna fiirsaday baadida iyo halawga uu kaga sugan yahay Diinta ,ayaa dhamaan reerkii waxa ay ku tashadeen in ay racaan talada iyo toosinta Axmed yare isla markana ay dhamaan tood u wada dareeraan Salada Ilahay .

Axmed yare iyo Reerkoodi waxa ay noqdeen kuwo markasta safka hore kaga jira jameecada salada ee Masaajidka, waxaana uu Ilahay kusoo hanuuniyay taladii Macalinka ee uu qaatay Axmed yare.

Waxa aynu sheekadan ka fa'idaysanaynaa in ay tahay in lagu dhaqmo talada Macalinka fiican,waxa kaloo iyana aynu sheekada ka fa'idaysanaynaa go'aan qadashada cibadada Ilahay in aanay ku xidhnayn wayni iyo yaraan balse ay u bahan tahay oo kaliya geesinimo dheerada.

Waxaan kasoo guuriyay qisooyinka sheekh Ibrahim Al-faaris
khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar