SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Aamiinta kor haw qaadin ilayn Sheekha ina tukunaaya isku Qabiil ma nihine.

 

Qabiilku waa shay Ilahay csw uu kidaabkiisa Quraanka ah ku sheegay kagana waramay xigmada iyo waxa uu uga jeedo isaga oo yidhi , (يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِير.Dadaw waxa aanu idinka abuurnay Lab iyo Dhadig ,waxa kaloo
aanu idinka yeelay Shucuub iyo qabaa'il, si aad isu aqoon sataan,balse Ilahay aktisa waxa sharaf ku leh kuwiina ugu Allah ka cabsiga badan ,Ilahayna waa Khabiir waxkasta og.


Hadaba Qabyaaladu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu liita dhaqamada ka jira Aduunkan aynu ku nool nahay, waana waxyabaha baabi'in kara bulsho kasta xataa hadii ay Diin ,dhaqan, Degaan , Luqad iyo Wadan ay wadaagaan.

Tusaale fiican waxaa u ah dhibaatada ay Somalidu maanta ka dhaxashay qabyalada iyo Qolo'qolada ,taasi oo ku tusinaysa in maanta Taako kasta oo Somaliyi joogto oo aan Qabyalad lagu haynini aanay jirin,waana waxyabaha ay la kuftey ee ilaa maanta ka soo kaban ladahay.

Qabyaladu waxa ay noqotay maanta wax lagu qiimeyo qofka iyada oo aan loo egayn sharaftiisa, karamadiisa iyo xataa Diintiisa ,Qofkasta oo maanta inaga mida waxa uu wax ku qimaynayaa Qabyalad iyo qolo qolo.

Mabay Xumateen hadii Qabyalada lafteedu ay tahay mid leh cabir lagu garto isla markana aan dhaafayn mel cayiman,balse waxa ay dhibtu noqotay Qabyaladii malaha meel go'an oo ay ku istagayso ,waana shay hadii aan Ilahay kaa nabad galin maalinba heer kula istagaysa ilaa ay ku dhaxal siiso in ay iska'kiin horkeento Inan iyo Abtigii ,Sodog iyo seedi iwm

Waxyabaha maanta Qabiilka xooga u yeelay waxaa ka mid ah Mamul Goboleedyada Somaliya loo sameeyay, taasi oo keentay in Reerkastaa uu soo ooto xayndaabkii uu qabiilkiisu dagana ,isaga oo Odaasina kusoo xareeyay Qabiilkii uu islaha waa aad ka awood badan tahay amma waad ka tiro badan tahay .

Habeen habeenada ka mid ah ayaa Nin iyo Xaaskisii oo Tv ga si wada jira u wada dawanaya isla markana ay Caruurtoodii dhamaan wada garab joogaan ,ayaa waxa Tv ga kasoo galay War odhanaya in Laba mamul Goboleed oo Somali ahi ay isku haystaan Xadkii u dhaxeeyay ,iyada oo Tv ga hanjabado la isu marinaayo.

Hadaba Reerkii nabada iyo canaha ku wada nolaa ayaa waxa ay arkeen in ay Tv ga ay iska cayayaan isuna dharanayaan laba mamul goboleed oo ay kasoo kala jeedaan .

Gabidhii amma Marwadii Reerka ayaa waxa ay aragtay oo Tv ga ay ka dawatay isla sacadaasi in Mamul goboleedkii ay Qabiil ahaan kasoo jeeday Dhulkii lagu haysto,iyada oo ay ku haystaan Qabiilada uu ninkeedu kasoo jeedo .

Taasi waxa ay keentay in isla habeenkasi uu Reerkii fadhi ku dirir ,muran iyo dagaal uu dhex maro ,ilaa heer ay gaadhay in Gabadhii ay Gurigii ka du'do ,taasi oo aakhirkiina dhaxal siisay in arinta loo ban'dhigo odayshii Reerka ee ay kasoo jeedeen labadoodu .

Waxaa isu yimi odayshii Reerka , waxaa la guda galay gartii iyo xajadii ,waxa lasoo fadhiisiyay Labadii dhinac ee Reerka waa Ninkii iyo Gabadhii, waxaa midkasta la waydiiyay dhibta iyo xaqdarada uu ka tirsanaayo kan kale .

Mudanahii iyo Marwadii reerka ee mushkilada fadhi-ku-dirirku ay dhex martay ,waxa ay goobtii ka cadeyeen in aanay marnaba wax khilaafa oo iyaga ka dhex oogani in aanu jirin ,balse hadana waxa uu midkastaba hoosta-ka-xariiqay in uu ka cadhooday xadgudubka iyo gabood falka uu ku sameeyay Mamul Goboleedka reer hebel.

Halkii laga filayay in Odayshii reerka ay arinta Qoyska xaliyaan ,ayaa waxa iyaga laftoodii ka dhex bilaabmay xifiltan iyo xanaaq ay isu qabeen ,kaasi oo salka ku hayay isla mashkilada reerka laftiisa dhibta ka dhex dhalisay ee Mamul Goboleedka .

Gartii iyo Gogoshii la isugu yimi waxa ay noqotay mid lagu kala kaco,iska daa in la xaliyo arintii reerkee, waxaaba bilabantay mushkilad kale oo hor leh oo ka dhex abuuran tay labadii qabiil ee ay kasoo kala jedeen Ninkii iyo Gabdhii.

Hadaba hadii mamul goboleedka dhinaca wanaagsan laga eego ma xumo in Wadan amma Dawlad loo qorsheeyo in ay qataan nidaamka ku dhisan mamul goboleedyada ,wana wax fiican hadii sida uu yahay loo raaco ,waxanay dhiiri galinaysaa in Gobolkasta uu isku tashado ,taag iyo tamar waxa uu leyahayna uu muujiyo.

Balse marka loo kuurgalo dhaqan keena Somaliga iyo Qabyalada heerka aynu ka gaadhnay ,waa ay adag tahay in la is wafajiyo mamul Goboleed iyo Qabyaaladan xididaysatay .

Akhristow bal hada qisadan ila akhri:-

Laba nin oo saxiiba ayaa masaajid salaadii Jimcaha soo galay,waxyar ka bacdi Sheekhii masaajidka Imaamka ka ahaa ayaa waxa uu u kacay Khudbadii jimce si uu dadka ugu akhriyo.

Kadibna waxa uu sheekhi akhriyay Khudbad aad iyo aad u qiimo badan ,taasi oo shucuurtooda wada kicisay dhamaan dadki masajidka ku jiray ,oo ay ka mid ahayeen labadasi nin ee saxiibka ah .

Markii Masaajidka laga soo dareeray ayaa waxa isasoo raacay Labadii nin ee saxiibada ahaa,waxa ay cabaar ka sheekaysteen sheekha iyo sidii qiimaha lehayd ee uu maanta u wacdiyay,waxa ay is tuseen in nuxurka khudbada sheekhu ay ahayd mid Ilahay loogu dhawaado.

Labadii nin ee saxibada ahaa, gorfayntii iyo wanagii ay lahayd khudbadii sheekhu ,markii ay isla garteen in ay tahay biya'kama dhibcaan ah , isla markana midkastaba uu ka kale ku dhiiri galiyay in aan marnaba la moogaan dhagaysiga iyo ku camal falka wacdiga sheekha ,ayaa waxaa gadal la iska waydiiyay sida inoo cadada ah Qabiilka Sheekh iyo cida uu yahay:-

-Waar heedhe waxaan ku wadiiyay ,horta sheekhu yuu ahaa?

kadibna kii kale ayaa waxa uu ugu jawaabay isaga oo gafoorka cirka u taagaya :-

-Waar nin yahaw ilayn wax ma ogid oo miyadan garanayn waa Reer Hebile!

Kadibna inta uu ninkii xanaaqay ayaa waxa uu yidhi:-

-Waar hadaa sheekhna mahee waa Beenaale ,oo anaa kaa aqaana Qiiq ayuu isku qarinayaa ,waligii waxba muu baran , waxba ha ka dhagaysan kaasi ,waa tuug .Subxanalaah.

Akhristaw waxa taasi ku tusinaysaa aqoongaabnida iyo qolo nacaybku halka uu inaga gaadhay,bal u fiirso sheekhi ay hada aqoonta iyo cilmiga ku amanayeen, una qirayeen sida uu isu waafajiyay wacyiga jira iyo Diinta , waxa uu sharaftii iyo karamadii ay u qireen uu ku wayay waa qabiilka uu yahay.

Maalin maalmaha ka mida ayaa waxa lagu jiray Masaajid ,waxana lagu guda jiraa Saladii Faralka ahayd ,kadibna sheekhii ayaa markii uu Fataxadii dhameeyay, ayaa halkii laga sugayay in ay dadku yidhaahdaan Amiiiin,ayaa laba Nin oo isku garab tukanayay, qabiil ahana Reer kasoo wada jeeda, ayaa mid ka midii kii kale Suxulka ku gujiyay isaga oo ku leh "Amiinta ha ku saacidin ninkan IMAAMKA isku qabiil ma nihine.

Dhibatooynka Qabiilka waxaa ka mid ah in nin waxmatara ah ,oo aan dal iyo dad toona waxba ugu filayn ,haadii maanta aad wax ka sheegto ood aad wax ka taa'tabato dhaliilaha uu leeyahay iyo fadhiid nimadiisa ,waxa markaba Budka kuu qadanaya qabiilkii uu ahaa iyaga laftoodu aan wax ay ku qabaan aanay jirin.

Waxaa kaloo jira in qof kasta oo maanta soo bandhiga fikir iyo araa waxtar leh oo umada ay dani ugu jirto ,waxaa hubaala in bulshada inteeda badani aanay qimaynayn waxyabahasi uu soo badhigay, balse ay jecel yihiin in ay horta ogadaan Qofkaasi cida uu yahay,si ay misaan qabiilka ee qaldan u saraan.

Taas waxaaba kasii daran,hadii qof aqoon yahan ahi uu soo badhigo fikir dadka iyo dalkaba wax u taraaya , horana loo garan waayo Qabiilka iyo cida uu kasoo jeedo,intaa lagagama hadhee waxa ala raadiya cid isaga taqaana meesha uu ka yimi iyo cida uu yahay ,iyada oo ujeedada loo dabagalaya ay tahay in looga hortago fikirkasi uu soo jeediyay.

Hadaba waxaa iswaydiin leh maxay ayaa ilaa xadkaa loo daba galayaa qofkan aqoonyahanka ah,sababtu waxa ay tahay cida daba galaysaa ma rabto cid aan Qabiil kooda ahayn in fikirkan iyo horumarkan ay soo jeediyaan waana Xasadka maanta Somali halkaasi dhigay.


Waxyabaha iyaguna iminka dhibadada inagu haya waxaa ka mid ah,in Fikir amma qorshe, ha fiic naado amma ha xumaadee uu qof soo jeediyay ,in dusha laga saaro qabiilka uu yahay ninkaasi .

Qofkasta oo Ilahay abuuray waxa uu kasoo jeedaa Qabiil iyo reer mana aha wax uu isagu doortay balse waa wax uu u dhashay ,qabiil kastana waxa uu leeyahay xeerar iyo qawaniin uu qabiilka kale kaga duwan tahay .

Qabiilku maha sida Ururada wax hadii aad ku xad gudubto laga saari karaayo amma aad adiga laftaadu awood u leedahay in aad ka baxdo,balse waa Jimciyay intuu wada dhalaytayba ay isku afgarato.

Abtirsiinta Qabiilku maha wax meeltagan oo leh Oday loogu soo hagaago ,balse qabiilka laftiisu waa wax is badbadala marka ay qarniyo soo wareeganba.

In Qabiilku aanu lahayn Tiir amma Oday loogu soo hagaago waxa ku tusinaysa, dhamaan Bini'aadmigu waxa ay ka yimadeen Adam iyo Xaawa cs,hadana maanta ma jirto cid Aduunka ku abtirsanaysa oo wax isugu qabanaysa isuguna hiilinaysa Adam ayaa ina wada dhalay.

Maanta Somalida gudaheeda waa ay adag tahay in qoysna qoys aminaa ,xataa hadaad u fiirsato kuwa haybta sare wadaaga ayaaba isugu sii daran .

Waxaa kaloo Qabyaladu ay ina dhaxal siisay in xataa horu markii Dalka laga qaban lahaa uu noqday mid fadhiida ,sababta oo ah, dadka qaar waxa ka dhaadhac-san ,in hadii aanu Madaxwaynaha Dalku aanu Qabiilkiisa ahayn in aanu waxba u qabanayn.

Waxa iyana meesha ku jirta ,in Siyasiyiinta Wadanka ka talinayaa ay yihiin kuwa Batroolka iyo Basiinka ku shubaaya si qabiilka iyo qabyaladu ay kor ugu kacdo,taasi oo ay uga jeedaan in ay kaga fa'idaystaan dadkan maskaxdoodi iyo miyir kodiiba ay qabyaladu ka tagtay.

Waxyabaha Qabyaladu ay ina dhaxal siisay waxaa ka mid ah in xataa Masajidii Ilahay ee lagu cibadaysanayay, maanta Qolo qolo loogu kala tukado,taas waxaa u daliil ah Masajiida qaarkood marka aad soo gasho waxa aad dareemaysaa in aad qaloonayso .

Dhibatoyinka Qabyaladu ina dhaxal siisay waxa kaloo ka mid ah , in is dhex galkii Guurku uu kusoo koobmay in Ninkastaba amma Gabadhkastaba ay Guursato qof la qabiil ah, taasina waxa ay lumisay is dhex galkii, xidid iyo xigaal nimadii dadka ka dhaxayn jirtay.

Qabyaladu waxa ay maanta maraysaa in aanad shaqaba siin shaqana aanad u raadin qof aan kula qabiil ahayn,waxa iyaduna marag madoona in xataa Waxbarashada ardaydu ay ka helaan wadamada dibada in lagu xusho qabiil.

Hadaba maxay ayaa sababay in Qabiilku uu markasta sii xoogaysto:-

Sidiisaba Bini'aadmigu waxa uu ka baqaa laba arimood oo kala ah, Sharciga iyo Awooda ,sharcina ma yimaado hadii anay jirin awood fulinaysaa Somalidana sideedaba waxa aad u tamar yaraday Awoodii Dawladnimo,kadibna waxa kor usoo kacay taladii Qabqablayasha qabiilka oo ka casriyaysan tii hore ee aynu naqanay .

Somalida Qabiilku waxaa uu u yahay ,Dawlada kaliya ee ay ku kala qadato Magaha ,Somalidu waxa ay isugu qadhaanta Qabiil iyo qolo,tasi ayay waxa ay kaga kalsoon yihiin shayga Dawladnimada layidhaa ,Qabiilku waa Igshoranka aynu magta ku kala qaadano.

Qabiilkasta waxa uu leeyahay Xerar iyo qawaniin uu ku dhaqmo ,kuwaasi oo uu dadka kalana kula dhaqmo,waxa aad maqlaysaa Labadasi Qabiil xeer ayaa u yaalay .

Awooda Qabiilka waxaa ka mida ,ninkasta oo maanta nin dilaa iyo dhiig iyo Dhagar gaystaa ,waxa uu kalsooni buuxda ku qabaa in Qabiilkisu Gar iyo gardaraba uu garab istagayo,taasina waxa ay keentay in awoodii Dawladi ay lahayn ay liciifta .

Inta badan Xidhiidhka iyo sharciyada ay qabiiladu dhigataa maha wax sugan oo cadalad ku dhisan ,waa wax dhacdo amma mushkilad markaasi dhacday ka samaysmay,waa xeerar iyo dhaqamo maalinkasta isla badala dhacdooyinka iyo xaladaha uu reerka soo mara.

Qabiilka in si qaldan loo isticmaalo waxyabaha kale ee maanta awooda u yeelay waxaa ka mida ,madaxdhaqameedka aan xadka lahayn ee iska soo daba dhalanaaya sida Saladiinta Cuqaasha iwm.

Mabay xumateen hadii Madax dhaqameedku uu ku eekaanayo shaqadii loo caleema saaray amma uu isu caleemasay , balse waxa uu markiiba ka bilabaya shaqada dhinaca siyasada , kaasi oo gacan saar la yeelanaya siyasiyiintii markii horaba soo ababushay Sandanadiisa.

Allah ha u naxasiirtee Cabdilaahi Suldaan Timacadde ayaa Gabayadisii gubabada ahaa ee uu Qabiilka inagala talinaya waxaa ka mid ahaa :-

Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaarede

Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye

Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye

Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe

Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede

Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Ilahay cw waxa ii yidhi : (يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ )


Ilahay csw waxa uu Quranka inoogu sheegay in Qabiilka uu u sameeyay oo kaliya in la isku garto la iskuna aqoonsado.

Waxaa ila fiican in laga fogaado lagana dheerada halku dhigyada ,Gabayada,Maahmah yada iyo dhamaan heesaha dhiiri galiya Qabyalada iyo sida xun ee loo isticmaalayo.

Waxa aan naftayda iyo tiinaba kula dardarmayaa in aynu ka foogaano inta aynu ka fogaan karno qabiil iyo qolo nacayn,taasi oo aynu if iyo akhiraba aynu ku seegayno.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar