SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Nin Bastolad sita ayaa waxa uu soo dacweeyay Nin Qori AK 47 sita.

Xiliyadii Somaliland dadku ay kusoo Gurya noqdeen Magalooyinka isla markana aanay jirin wax abni ah oo la taaban karo ,qofkastana uu gacanta ku haysto hub kiisii,kaasi uu ku ilaaliyo naftiisa iyo maalkiisaba ,madamaa wali anay jirin Dawlad si dhamays-tiran abniga u hanan kartaa.

Hadaba waxaa magaalo ka mida magaloyinka Somaliland ka hawl galay hal Saldhig Boolis,kaasi oo aan si fican u qalabaysnayn ,lana odhan karo xataa dhismaha uu Saldhigu ku shaqaynayaa waa mid dunsan oo Albabada iyo Daqadahuba ay iska banaan yihiin.

Cidanka loogu tala galay in ay abniga gudaha ee Magalada ay ilaaliyaan Dagmo kasta waxaa jooga kuwo isku hayb ah amma qofba sida uu u yaaqano kuwo isku qabiil ah ,Askari kasta oo ciidankaasi ka midii waxa uu ku hubaysan yahay Qori uu isagu leeyahay.

Waxaa si lama filaana mararka qar isaga dhacaya in Askari ka mida ciidankaasi Saldhiga jooga kana tirsan kuwii caawa oo kale lagu ogaa in uu gaadhka hayo ,in si amar la'aana uu magaladiisa iska galo duruufo jira awadeed,kadibna waxaaba laga yabaa in hadana uu bari oo kale uu iskiisa isaga soo noqdo iyada oo anay jirin cid ka daba tagtay oo u yeedhay.

Waa marxalado iska caadi ah oo cidkasta oo xaaladaasi oo kale soo martay ay fahmi karto,ma jiro wax mushaa'har layidhaa oo Askarta lasiiya ,waxaba laga yaaba in Dawlada inteedii kale wali anay si toosa u hawl galin .

Hadaba akhristow iyada oo ay xaaladu is-dhexyaaca iyo kala danbayn la'aanta ay tahay ,hadana dadku waxa ay dareen sanayeen in hadii ay wax isku qabtaan amma ay dhibi dhex dooda ka dhex dhalato in waxa kaliya ee ay ku kala bixi karaan ay tahay sharciga .

Maalin maalmaha ka mid ayaa waxaa Saldhig Boolis usoo dacwad tahay nin dhalinyaro ah ,kaasi oo ka mid ah cidamadii hubaysnaa ee Magalada soo galay,gaar ahaan kuwii caanta ku aha gacan fudaydka dagaalka.kaasi oo ku hubaysan Bostolad rasasteedi ay u dhan tahay.

Ninkii dhalinyarada ahaa markii uu Saldhigoo Boloska yimi ayaa waxa uu u tagay Ninkii Booliska ahaa ee fadhiyay Xafiiska dacwad furashada (Obiiga) kadibna waxa uu sheegtay dacwadisii iyo cida uu ka dacwoonayaba.

Ninkii Booliska ahaa ee dacwada qoraayay kama qarsoona in ninkan dacwoonayaa uu yahay nin Bastoolad ku hubayasan ,balse hadana askariga laftiisu iskama idha tiri karo wacyiga iyo waayaha ku gadaaman Magalada uu joogo iyo halka xaal maraayo .

Ninkii dhalinyarada ahaa ee Bostolada ku hunbaysnaa waxa uu u sheegay ninkii Booliska ahaa halka laga heelaayo ninkan uu ka dacwoonayo ,kadibna Taliyihii saldhiga ayaa waxa uu soo raaciyay ninkii dacwonayay nin askari ah si loosoo ka xeeyo ninka eedaysanaha ah.

Waxa isa soo raacay Ninkii dhaliyarada ahaa oo Bostolada ugu xaragoonaya sidii Kaboyga iyo ninkii Boliska ahaa oo isagu sita Qori oo AK 47 ah ,labadii nin oo wada socda ayaa waxa ay u yimadeen ninkii edaysanaha ahaa oo meel gidaara kada-looba, isaga laftiisuna waxa uu ku hubaysan yahay Qori RBD amma sida Somalidu u taqaano Qori silsilad leh.

Markii ninkii laga dacwoonayay loo yimi loona sheegay in dacwadi ay Saldhiga Boliska u taalo ,ayaa inta uu qoslay isaga oo aan wax kiis-iska waala aan samayn ,sharcigana aan gacantiisa ku qaadan ,ayuu soo racay labadii nin,kadibna waxa ay si wada jira u yimadeen Saldhigii Booliska oo uu markaasi taliyihii joogo.

Markii uu taliyihii mudicigii iyo mudacalaygii midkastaba uu waydiiyay doodisii ,ayaa labadii nin midkastaba waxa uu si adag ugu dooday in uu garta isagu leeyahay ,kadibna waxa uu taliyihii waydiiyay labadii nin in midkastaba uu keeno markhaati cadaynaaya ,taasi oo ay aqbaleen.

Waxaa saldhigii ka wada anbabaxay laba nin oo Boolis ah,kuwaasi oo ay weheliyaan labadii nin ee kiisku ka dhaxeeyay ,midkastana gaar ahaan tiisa uu u hubaysan yahay ,kadibna waxa meel aan sidaasi saldhiga uga fogayn ay kula kulmeen markhatiyadii ay dalbadeen .

Akhristaw waxaaba iyaduna layaab kale ah in afarta nin ee markhatiyada loo qabsaday midkastaba uu ku hubaysan yahay Qoryaha daran-dooriga u dhaca, qaar'koodna ayba u dheer tahay Bombooyinka gacanta laga tuuro.

Sida uu sharcigu yahay waxa ay nimankii Booliska ahaa u sheegen in saldhiga laga rabo Markhaatiyana loo haysto,kadibna nimankii afarta ahaa ee markhatiyada loo haystay inta ay qosqosleen ayay soo raceen,qosolkaasi oo ay uga jedeen iyaga oo layaaban xalada uu dalku maraayo , sida uu qofkastaba u hubaysan yahay iyo aayarta saldhig yada la isaga yeedhaayo.

Markii ay Saldhigii Booliska yimadeen ayaa ninkii Garsooraha ahaa uu damcay in uu kiiskii guda-galo midkastana uu dhagaysto doodiisa,balse waxaa si kadis ah ninkii garsooraha ahaa maskaxdiisa ugu soo dhacday, inta aanu kiiska furin waxa uu ka yeelaayo hubkan faraha badan ee ay nimankani sitaan.

Waxa uu ka baqday ilayn gari laba roox kama wada qoslisee* in marka uu garta qaado ,dhinac ka midii uu gardiid noqdo kadibna si lama filaana la isu adeegsado hubkan faraha badan ee lagu gashaman yahay,iyada oo uu waliba is tusay in isaga laftiisu uu halis gali karo.

Waxa uu isaga oo dhoolo-cadaynaaya Indhaha la raacay lixda nin ee uu dacwadooda guda gali doono, waxa uu arkaa in ninkasta oo ka midii uu yahay mid Qoryaha daran dooriga u dhaca garabka u sudhan yahay,balse in Qoryaha laga dhigo iska daaye cid soo hadal qaadi kartaa ma jirto.

Waxaa laga yaba in askarta saldhiga Booliska joogtaba ay ka hub badan yihiin nimankaasi ,balse ninkii taliyaha ahaa laba ayay u joogsatay, in uu garta sida ay tahay uu u qaado iyo in uu cabsida ka haysa nimankan hubaysan iyo hadhaw waxa kasoo bixi doona oo aanu garanayn,in uu Garta dibada u saaro oo uu yidhaahdo odayashiini haydiin garqadaan.

Balse Ninkii taliyaha ahaa waxa uu go'aan saday in uu Garta sida ay tahay uu u qaado Ilahayna ku tawakalo,isaga ragii ay dacwado ka dhaxaysay intii aanu garta galin si wada jira ugu soo jeediyay wacdi diniya madama uu ahaa ninka taliyaha ahi nin Diinta si fiican wax uga yaqaana. kadibna waxa uu guda galay gartii ,waxa la dhagaystay midkasta doodisii iyo markhatigii uu haystay.

Somalidu waxa ay ku maahmaahda gari laba nin kama wada qoslisee,waxaa gartii yeeshay ninkii markii horaba dacwada soo furtay,kaasi oo sharcigu u xukumay in uu isagu yahay ninka garta leh.

Balse akhristo arintu sidii la moodayay may noqon oo ninkii garta laga helay iyo markhatiyadii uu watayba waxa ay ku qanceen xaakinkii iyo sidii fiicnayd ee uu ugu garsooray.kadibna wax ay lixdii nin Saldhiga ka baxeen iyaga oo kacmaha is haysta .

Akhristoow waxa aynu dhacdadan ka faa'idaysanaynaa in markasta aanay fiicnayn in uu qorigu shaqeeyo ,balse waxaa ay garashada fiicani ku jirtaa adiga oo Qorigaga sita,adiga oo is bidaaya in aad adigu awooda leedahay ayaa hadana waxaa fiican in caqliga iyo garashadu ay shaqayso.

Taasi waxa ay ku tusinaysaa amma aynu qoraalkan ka fa'idaysanaynaa in Hubka iyo caqligu uu kala laba yahay ,isla markana qofku isaga oo qofka kale ka awood badan ayuu hadana hadii Alle haleeshiinayo uu noqonayaa qof fiicana oo gartiisa qaata.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar