SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Gurigii ku yaalay wadada Aakhiro loo maro.

Aduunkan aynu ku nool nahay waxa ii Ilahay csw ugu talagalay in Adanaha uu abuurtay ay maran laba marxaladood oo kala ah nolol iyo geeri ,nolol kastana waxa ay ku dhamaata geeri ,Somaliduna waxa ay ku maahmaahda hadii ay geeriyo ku dayso ma gabawbaa ku dayn.

Qofkasta oo inaga mida oo geeriyi haleesho ,kana guura Gurigiisa Aduunka waxaa hoy iyo Guri u noqota Xabaasha amma Qabriga ,waana mid aan sinaba loo seegayn, Ilahayna csw uu inoogu bushareeyay in nafkastaa ay dhadhamin doonto geerida iyo Xabaasha.

Akhristayaal magaalo ka mida magalooyinka ay Somalidu degto , waxaa jiray qoys daganaa magalada badhtankeeda,kuwaasi oo uu guri fiicana uga dhisnaa ,balse gurigii uu noqday mid ku yaala Suuqa badhtankiisa,sidasaas darteedna ay ad-kaatay in caruur lagu koriyo Gurigaasi ,madama uu ku yaalo meel aad dadka iyo Babuurtu ay ku badan yihiin.

Reerkii waxa ay ku tashadeen in ay gurigii isaga ahaa iibiyan, kadibna ay guri kale ka iibsadaan meel magalada ay dagan yihiin darafkeeda ah, si caruurta iyo dhamaan reerkuba ay u helaan dhul waasica oo ay ku raxaystaan.

Waxa ay gurigii ay daganayeen u direen niman dilaalina ,kuwaasi oo ay ka codsadeen in gurigoodan ay hada ka gurayaan sida ugu dhakhsaha badan loogu soo ibiyo ,isla markana loo radiyo guri kale oo ay Lacagta ay ku ibiyaan ay ku iibsadaan.

Nimankii dilaalinta ahaa madama uu gurigani ay hada ka gurayaan uu ku yaalo meel aad u munasaba waxa ay marrkiiba gurigii u heleen iib iyo Lacag fiican,marlabaadka waxa ay reerkii usoo heleen nimankii dilaalinta ahaa gurigii ay iibsan lahayeen oo ku yaala meel magalada darafkeeda ah aadna u hawo fiican.

Ayaamo ka bacdi reerkii dhamaan waxa uu u guuray gurigii cusbaa ee ay iibsadeen , runtii waa guri aad ufa fican kana waasacsan gurigii yaraa ee ay kasoo gureen,waa guri si aad u qurux badan loo dhisay iyo qaab casri ah oo magalada oo dhan ku cusub.

Maalin maalmaha ka mida ayaa reerkii oo gurigiisii iska jooga isla markana ay tahay xiligii qadada ,dhamaan reerkii uu dhamina uu Miiska ku wada qadaynaayo,ayaa waxa daaqada Guriga laga maqlay dhawaaq dad ,kuwaasi oo ku celcelinaaya kalmada Tawxiidka ah ee "Laa'ilaaha illa'laah Muxamadow Rasululaah" hadaa xaqu-laah xaqu daa'imulaah" ereyadaasi Tawxiidka ah oo badana Somalidu ay isticmaasho xiliga qabuuraha amma xabalaha cid loosii wado.

Markii reerkii ay maqleen dhawaqaasi aan kala joogsiga lahayn ,ayaa sida iska cadadaa caruurtii yaryarayd ayaa waxa ay kusoo yaceen dhinaca daqada Guriga si u bal u eegaan dadkan faraha madan ee meesha maraaya,kadibna waxa ay arkeen caruurtii in Guriga hortiisa wadada ah la marinaayo Mayd amma qof geeriyooday oo xabalaha loo wado.

Madama ay caruurta iyo dhamaan waalidka reerkuba ay yihiin dad muslima ,waxa uun loo arkay amaba ay tahayba in Maydka halka la marinaayo loo wado xabalaha oo aan ka ag fogayn goobta uu murigani ku yaalo.

Malintii labaad isla sacadii aya hadana reerkii isaga oo u fadhiya wakhtigii qadada ayaa hadana waxa ay si lama filaana u maqleen isla kalmadahii Tawxiidka aha ee ay shalayna maqlayeen mid lamida amma kabasii xamasadaysan oo aad kor loogu dhawaaqaayo Tawxiidka.

Reerkii halmar ayay is-eegeen kadibna hadii shalay ay caruurtu Daqada guriga inta ay soo fuleen ay eegeen cida wadada maraysa ,hada waxa soo kacday Hoyadii guriga ,kadibna waxa ay aragtay Babuurta aadka u faraha badan ee galbinaya Maydka lagu wado xabalaha ,balse inta ay daqadii guriga xidhay ayay tidhi iyada oo la hadlaysa ninkeedii ,waxaa wadada maraya Mayd xabalaha loo wado ,Allah haw naxariisto ayaa marqudha lawada yidhi.

Isla habeenkii oo sacadu ay tahay 12 habeenimo,reerkii oo dhami uu wada seexday ,ayaa waxaa markaliya sasay amma salalay qofba sida uu u yaqaano caruurtii guriga jiiftay,kadibna waxa ay dhamaan kusoo wada-yaceen qolkii ay jiifeen abahood iyo hoyadood,kadibna waalidkii waxa ay is waydiyeen waxa caruurta xiligan soo toosiyay.

Daqiiqado yar ka bacdi waxa abihii iyo hoyadii ay maqleen kalmadii Tawxiidka ee ay shalay ilaa doraadba dhagahoodu maqlayeen,abihii Guriga ayaa soo kacay ,kadibna waxa uu furay daqada guriga waxa uu arkay tiraba laba mayd oo xabalaha amma qabriga loosii wado ,kuwaasi oo ay galbinayaan Babuur aad u fara badan.

Reerkii habeenkaasi waxa uu u ahaa soo jeed iyo hurdo la'aan ,marwadii Guriga ayaa waxa ay ninkeedu ku tidhi ,waar nimankii Guriga inoo iibiyay waxa ay ina dajiyeen wadadii loo maraayay aakhiro ,balse waa in aynu nimankii doono oo ay inaga raraan jidkan amma wadadan loo maraayo Akhiro.

Abihii Gurigu madama uu ahaa nin degan isla markana faham san in aanu qofna aduunkan ku waarayn ,qofkastana uu ku arooraayo qabriga iyo guriga aakhiro,ayaa isaga oo u caqli celinaya xaaskisii waxa uu ku yidhi , waxba inaga xumaan mayaan ,dadkan meesha marayana aakhiro ayaynu ku xasuusanaynaa markaa isdaji xaajiyo.

Saxibayaal arintu sidii la moodayay may noqon,odaygii guriga lahaa iyo xaaskisina waxa ay ku sigteen in arimahan meesha ka dhacaya in ay isku af-dhafaan,Guriga iyo hortiisina waxa uu noqotay wadada kaliya ee dadkuba u maro xabaalaha .

Wax ay arintii sidii ahaataba ,caruurtii gurigu waxa ay noqdeen kuwo hadh iyo habeen saaran daqada guriga, iyaga oo eegaya Maydadka iyo dadka geeriyooday ee xabalaha loo wado ee aan kala joog-siga-lahayn ,caruurtii waxa kasoo hadhay hadalka ah "alla aabow hadana waa qaar kale"taaso abihii iyo hoyadii ku abuurtay warwar dheerada.

Wadadii guriga hor'maraysay waxa ay noqotay mid aan jaanisba lahayn waxaana la xaqiiqsaday in gurugani goobtan uu ku yaala ay tahay afaafka kaliya ee loo maro marka xabalaha lagu socdo.

Wax ay arintii sidaas ahataba abihii guriga waxa soo food saaray culays badan oo uu u adkaysan wayay oo kaga yimi dhinaca caruurta iyo hoyadood,isaga laftiisu waxa uu dareemay culays farabadan gaar ahan xiliga habeenkii .

Reerkii waxa ay ku tashadeen in ay Gurigii iibiyaan kana guraan waxa ay u yeedheen dilalintii Gurugan u iibisay,canaan iyo cadho kula dhac dabadeed waxa ay ka codsadeen in gurigan ay soo iibiyaan guri kalan ay ugu badalaan.

Nimankii dilalinta ahaa arintii waa ay u hawl-galeen kadibna reerkii waxa ay u ibiyeen guri kale,kaasi oo ku yaala meel aad uga durugsan gurigoodi hore ee ay uga soo gureen in uu noqday wadada xabalaha loo maro.

Reerkii waxa ay soo dageen gurigii cusbaa, waxanay soo maca-salameeyeen gurigii hore ee ay kasoo gureen,gurigan cusub ee ay hada yimadeen waa guri isaga laftiisu aad u wayn aadna u quruxbadan.

Akhristayaal maalintii uu reerku guriga soo dagey ayaa waxa magaladii ay deganayeen ka da'ay Roob aad u laxaad wayn oo dhamaan magalada wadooyinkeedi oo dhan kala wada xidhay.

Waa xili habeenimo ah sacadu waxa ay ku beegan tahay 8 sideedi habeenimo,qoyskii oo dhami waxa ay ku jiraan gurigoodi gaar ahaan waxa ay markaasi dawanayaan TV guriga u yala,waxa ay ka sheekaysanayaan gurigii ay ku jireen iyo sababtii ay uga soo gureen,wax ay Ilahay ku mahadinayan gurigan ay hada usoo gureen iyo sida uu u quruxda badan yahay .

Iyada oo arintu ay sidaasi tahay ,ayaa waxa si kadisa ah dhamaan reerkii dhagahooda ugu soo duulay kalmadii ahayd "Hadaa xaqulaah xaqu da'imu-laah,taasi oo astaan iyo calamad lagu garto u ahayd in meesha la marinaayi Mayd loo sii sido xabalaha.

Dhagaha ayaa la wada taagay ,waxa la is-yidhi malaha waa TV ga dhawaqa aad maqlaysaan,kadibna waa la bakhtiyay ,hadana dhawaqii ay dhagahoodu maqlayeen waxa uu noqdoy mid marba marka ka danbaysa soo kordhaaya.

Sidii cadada ahayd caruurtii ayaa daqadii guriga ku cararay kuna orday.kadibna waxa ay markiiba isha ku dhufteen tiraba wax ay u fahmeen in uu in uu yahay dad badan oo qabriyada loo sii sido,kuwaasi oo ay galbinayaan babuur aan tan iyo waabariga aan kala joogsanayn fara-badnidooda.

Caruurtii markii ay arkeen ayay waxa ay mar wada yidhaadeen.alla aaboy iyo hoyooy hadana way inaga daba yimadeen,odaygii iyo islaantii ayaa degdeg usoo kacay kadibna waxa ay eegeen waxa ay caruurtu sheegayaan waxanay idha hooda ku arkeen wax aanay filayn.

Akhristow hada mushkilada meesha ka jirta waxa ay tahay ,madama uu magalada ka da'aayo Roob aad u fara-badani ,dhaman wadooyinkii magaladuna ay kala wada xidhmeen,taasi ayaa waxa ay sababtay in reerkani Gurigii hore ee ay kasoo gureen wadadii hormaraysay ay xidhantay Roobkuna uu goyay,kadibna waxa khasab noqotay in wadadan hada xabalaha loo maro.

Dhamaan reerkii waxa ay noqdeen marlabaad kuwo ka niyad jaba arintan daba socota ,safarkii dadkan aakhiro loo galbinayaa waxa uu noqday mid si isdaba joog ah gurigan hortiisa u mara madama aanay jirin wado kale oo ay gadiidku u maraan xabalaha.

Reerkii waxa ay u noqotay habeen oo dhan soo jeed,waxa cadho iyo ciil badan loo qaaday nimankii dilalinta ahaa, kuwaasi oo loo arkay in iyagu ay masuul ka yihiin waxan dhacaaya .

Aabihii guriga waxaa soo foodsaray culays sidii markii hore kaga yimi caruurtii iyo hoyadood ,kuwaasi oo marlabaad ka codsaday in gurigan laga raro loola raro meelkale oo aan u dhawan xabaalo.

Abihii gurigu markan dhamaan caruurtii iyo hoyadood gashaanka ayuu u daruuray,waxa uu u sheegay in xabalaha iyo ka ag dhawaantooda ay tahay wax Aakhiro lagu xasuusto.

Waxa kaloo uu u sheegay caruurtisii in dadkan badan ee maalinkasta xabalaha iyo qabriyada loo wada ay yihiin kuwo shalaytoole nolaa,taas awadeedna waxa uu ku dardaray caruurtisii iyo hoyadood in ay iska dayaan in ay karahsadaan dadkan safarka ugu jira gurigoodii akhro,madama aynu inaguna nahay kuwo ku daba-jira .


Waxa kaloo uu caruurtisii ku waaniyay in midkasta oo iyaga ma mida maalin maalmaha ka mid ah qabriga amma xabalaha la gayndoono cid ka bad-baadaysana anay jirin.

Waxa kaloo uu ku booriyay caruurtii iyo hoyadood in ay tahay arintani mid iyaga lagu imtixaanayo waxna lagu tusaayo,sida awgeed aanay ahayn in aynu kibir iyo isla wayni marba guri aynu u guuro.

Intaasi wixii ka danbeeyay reerkii waxa khasab ku noqotay in ay Gurigoodan iska aminaan ,dadkan muslimiinta ah ee qabriyadooda losii wadana marka ay arkaan ay u duceeyaan ,iyaguna ay noqdaan kuwo ku cibra qaata.

Akhristayaal ha ilaabina geeriga ,qabrigu malahan saaxib ,ehel ,tol iyo qaraabo toona ,waxaa kaliya oo qabriga ciqaabkiisa aan kaga badbadaynaa waa ciibado suuban iyo camal wanagsan oo Ilahay aktiisa raali laga yahay.
khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

Qareen/khadar Ibrahim Aar