SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa maxay caqabadaha hortaagan guusha Jabhadda ONLF ?


Marka hore waxaa aan halkan mahad baladhan uga dirayaa Rabigeena csw Cırka taagay tıır la,aan dhulkana goglay,aadmıgana ka dhigay noole idilkıı kan ugu sharafta badan,una soo diray Nabi Muxamed (N.N.K) ahaana kii lagu khatımey Nabiyada.

Aduunyada aynu ku nool nahay maha mid ay ka dhamaato dhibta
iyo dagaaladu,waana shay dabiici iyo sunne u ah sida Ilahay Quraankiisa ku sheegay iyo Axadiista nabiga oo markasta inoo cadaynaysa in uu Aduunku yahay Daarti Dhibatada.

Hadaba dhibatooyinkaasi iyo dagaladaasi ayaa inta badan waxa ay ka yimadan amma ay ka asaasmaan iska hor-imaatin iyo is-fahan waa dhinacyo badanleh oo ka dhex abuurma,Dawlado,Gobollo iyo Qabaa'il meel wada dagan,kuwaasi oo markasta cadalad daro kala tirsanaaya.

Iyada oo aduunka oo dhami la odhan karo waxa uu soo maray dagaladasi aadka u kala wada gadisan ,hadana wakhtigan xaadirka ah waxa aad mooda in wali dagaladaasi ay kusii baaqi yihiin badan koodii Qarada Afrika,oo aanay marnaba ka dhamaan.

Gobolka iminka loogu magac daray ,ismaamulka Somalida Ethopiya ,amma Kililka shanaad ,waxa uu ka mid ahaa dhulkii shanta Somalida ,waxaanu ahaa dhulkii uu gumaystahuu Ingiriisku ku wareejiyay dalka Ethopiya .

Inkastoo aanay warbaahinta ku badnayn ,hadana waxaa jira dagaalo aan sidaasi u waynayn oo had iyo jeer ka dhexeeya dawlada Ethopiya iyo Jabhada lagu magacaabo "Ogaden National Liberation Front" (ONLF) amma sida ay dadka qaar u yaqanaan "Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya" (JWXO)

Waxaa la asaasay Jabhadan tariikhdu markii ay ahayd 15/8/1984- taasi oo ay asaaseen xubno deegaan ahaan kasoo jeeda dhulkaasi Somalidu ay degto ,iyada oo dadka asasay dhamaan tood la odhan karo waxa ay kasoo jeedeen qabiilka Ogadeen,sida aad magaca ku aragto.

Tariikhdu markii ay ahayd , September 1998-kii waxaa hoggaankii iyo maamulkii jabhadda ONLF oo uu gudoomiye ka ahaa N/Hure Sh.Ibraahim Cabdalla Muxamed oo halganka jabhadda xilligii ugu adkaa soo maray ,waxa uu gudoomiyahii jabhada ku wareejiyay Adhmaral-Maxamed Cumar Cismaan oo ka mid ahaa sarakishii cidamadii Badda ee Somaliya ,kaasi oo ah ninka ilaa hada ku fadhiya gursiga gudoomiya nimada Jabhada.

Hadaba anigu kama waramaayo Jabhadani ma xaq ayay ku dagalamaysaa mise xaq-daro ,balse waxa aan doonayaa in rayigayga aan usoo gudbiyo dad waynaha Somaliyeed ,wax yabaha aan isleeyahay sabab ayay u noqon karaan in Jabhada ONLF muddo dhan 32 sano ay midho ka keeni waydo ,halganka hubaysan ee ay kula jirtay dawlada Ethopiya .

Hadaba waxyabahii ugu wawaynaa ee Jabhadan ku kalifay in ay bilawdo halganka hubaysan ayaa waxa ka mid ahaa , kadib markii ay Dawladii Somaliya ee majaraha u haysay Halgankii WSLF iyo Xukuumaddii Ethopiya uu Heshiis ku dhex maray Wadanka Jabuuti, iyada oo ku heshiiyey in ay dawlad waliba soo afjarto Jabhadaha hubaysan ee wadankeeda ka hawl gala , taasi oo ay laba dawladood u arkayeen in ay maslaxadoooda ay tahay, heshiis kaasi oo dhacay 1986-kii ,inkastoo heshiiskaasi uu jabhado badan sameeyay.

Hadaba tan iyo wakhtigaasi waxa ay jabhadu soo martay marxalado kala wada gadisan,waxa ay soo gashay dagaalo aad u badan oo la odhan karo ilaa hada wax midha dhal ah oo laga hayaa ma jiro.

Wixii ka horeeyay 1991 Jabhada ONLF waxay si qarsoodi ah hawl-galadeeda dagaal uga soo abaabuli jirtay Gudaha dalka Soomaaliya,balse markii ay burburtay dawladii Somaliya , waxay jabhaddu isugu biya shubatay in ay noqoto mid magac ahaan uun u jirta .

Intaa kaa dib Jabhaddu Waxa ay qabsatay shirwayne ay u dhan yihiin dhamaan dadkii iyo madaxdii tabacsanaa fikirka ONLF , shirkaas waxaa lagu qabtay Magaalada Garbo, shirkaasi wuxuu ahaa daah furkii ugu horeeyey ee siyaasadda ONLF ,shirkasi oo la odhan karo waxa uu ahaa mid go'amadii la isla qaatay ay ila hada caqabad ku yihiin ururka ,sida Magaca Ogadeeniya .Top of Form 2

Magaca Ogadeeniya

Jabhada ONLF oo la odhan karo Magaca Ogadeeniya waxa uu ku noqday caqabaha ugu waawayn ee ka horyimi,una diiday in xataa dadkii Somaliyeed ee Dhulka intiisa badan degana in ay ka horyimadaan ,ayaa hadana waxaa nasiib daro kale ah , in Jabhada ONLF madaxdeeda iyo xubnaheeduba ay aaminsan yihiin in Jabhadu ay tahay mid soomali oo dhan u dhaxaysa.

Magacan Ogadeeniya asalkiisu waa uun Magaca qabiilka Ogadeen,waxa ay ku doodan dadka qaar ka mida tageerayasha jabhada ,in uu magacan Ogadeeniya uu bixiyay gumaystihii Ingiriisku ,balse waxa aad modaa in ay ilawsan yihiin in Ingiriisku uu yahay kii dhulkan Somalida wakhtigasi Ethopiya u gacan galiyay ,magaca wakhtigaasi la odhan jirayna uu ahaa RASEEF EERIYA.

Inkastoo aanay Somalidu aanay lahayd tariikh qoran oo la raad-raaco, hadana tariikh ahaan waxaa dhaabad inoo ah, oo wax badan laga dhex heli karaa ,Gabayada ,maahmahaa,heesaa iyo halku dhigyada dhaxal galka ah,ma jirto lamana helaayo xataa tariikhda dhaw meel magaca Ogadeeniya uu kaga jiro tariikhda Somalida.

Yaan loo qadanin in aan kasoo horjeedo amma aan dacayad ku furaayo reerka Ogadeen xaasha ,balse waxa aan iftiminayaa xaqna aan u leeyahay ,in ay qalad tahay ,in dhul ay Somali oo dhami ay wada leedahay in qolo gaari inta at tunka u ridato in ay Magaca ay doontana ay u bixiso.

Caqabadaha kale ee dhinaca qabiilka ah ee ONLF ay la dhaqaqi wayday waxaa kaloo ka mid ah ,iyada oo reerka uu kasoo jeedo gudoomiyaha jabhadu, Adhmaral-Maxamed Cumar Cusmaan ,loo tiriyo in uu si gaar ah ula weecday dhaqdhaqaaqii iyo hirgalintii magaca jabhada.

Waxaa kaloo ka kamida dhibaatooyinka ugu waawayn ee ONLF haysata ,iyaga oo aan saxiib ku lahayn dawladaha la jaarka ah Ethopiya ,sababta oo ah dawladahaasi waxa ay rumaysan yihiin in markasta laga hortago waxkasta oo la isleeyahay waxa ay carqalad ku noqon karaan xasiloonida geeska Afrika ,taasi oo markii danbana keentay in sida dahabka loo ugaadhsado shakhsiyaadka lagu tuhmo in ay ka tirsan yihiin ururka ONLF,mararka qaarna laguba qaldamo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Culays yadii waawaynaa ee ONLF kusoo biiray 2010 waxa kaloo mid ahaa, kadib markii ay garab kooda ka baxeen jabhadii la magac baxday (UWSLF) (United Western Somali Liberation Front) ee uu gudoomiyaha ka ahaa Sheekh Ibrahim Maxamed Xuseen (Ibrahim Dheere) kaasi oo markii ay tariikhdu ahayd 29/6/2010 heshees midha dhalay la galay dawlada Ethopiya ,kasoo 1992-2010 dagaal hubaysan kula jiray dalka Ethopiya aakhirkiina loo aqoonsaday ururkii Islamiga aha ee Al-itixaad .

Waxaa kaloo jiray caqabado aad u waawayn oo ONLF dhexdeeda ka dhex abuurmay, sida murankii dilkii Dr Maxamed Siraad Dolaal oo 17/1/2009 lagu dilay meel u dhaxaysa Qabri-tahare iyo Dhanan ,Dr-Dolaal oo sida la sheego ahaa maskaxdii iyo hal-abuurkii ka danbeeyay jabhada ONLF ,ayaa hadana waxaa dilkiisa loo nisbeeyay ,Gudoomye Maxamed Cumar Cusmaan ,sida ay warbahanta xiligaasi ay u cadaysay Xaaskii uu ka dhintay Marxuumku , inkastoo ay markii danbe Ethopiya cadaysay in ay iyadu dilkaasi ka danbaysay.

Waxyabaha kale ee Jabhada u diiday in ay halgankeeda hore ugu socoto aya waxaa ka mid ah ,dawladaha Aduunka oo dhan oo kasoo horjeestay in ay u aqoonsadaan Xornimo doon,sababta oo ah waxa ay saxiib dhaw iyo mid dheerba ay la yihiin dalka Ethopiya ,sidaas awadeed ma jecla in ay dhagaystaan cidkasta oo Ethopiya wax ka sheeganaysa ,marka laga yimaado ururo kooban oo u dooda xuquuqda Adanaha oo mararka qaar Ethopiya ku eedeya in ay xad-gudubyo ka gaysato dhulkaasi Somalidu ay degto.

Jabhada onlf ma haysato dhul ku haboon oo ay kasoo dagaalami karto.,marka laga reebo in ay ku dhex dhuumaalaysato dhulka cidlada iyo kaymaha u badan ee ku yaala gobolka ay ka dagalamayso ee Somali, kaas oo ay marba ku fuliso weeraro "ku dhufoo ka dhaqaaq ah".

Jabhada onlf uma suura gasho in markasta hesho hub iyo aalad tayo leh oo ay iskaga caabido ciidanka xooga waynleh ee Ethopiya ,waxa kaliya oo mararka qaar ay hubka ka heshaa waxa uu yahay dhul yawga an xasiloonayn ee ka mid ah Somaliya ,taasi oo ay dhici karto in ay mararka qaar kasoo iibsadaan hub tuugo ah.

Inkastoo wakhtiyada qaar ay Jabhada dagaalo hubaysan ay iskaga hor-iman jireen cidamada dawlada dhexe ee Ethopiya ,balse hada arintu waa ay ka duwan tahay sidaasi,ciidamada onlf waxa ay maalin iyo habeen is-weetaynayaan cidan loo tababaray dawlad deegaanka Somalida oo la magac baxay Liyuu Boolis,kuwaasi oo jif iyo joogba u diiday jabhadii onlf.

Waxaa kaloo farta lagu fiiqi kara in uu jiro waxoogaa horu-mar ah oo laga sameeyay ismamulka Somalida ee Ethopiya,arinkasi laftiisu waxa uu shiikhin karaa halgankii ay ku jireen jabhada onlf ,isaga oo dabool ku noqon kara waxyabo badan oo ay gobolka ka horu-markiisa ka sheegi jireen.

Jabhada onlf wixii ka horeeyay 2005 waa ay ku adkayd in ay helaan wax dhaqala ah oo kasoo gala dadka iyagu ku qanacsan fikirkooda ee qurbaha ku nool ,balse waxa aad mooda tariikhdaa laga soo bilaabo ilaa hada in ay heleen waxooga dhaqala ah oo aan baydnayn oo ay ka ururiyaan jaalinyaad fara-badan oo dibadaha usoo qaxay ,kuwaasi oo iyaga laftoodu ay qayb ka ahayeen in ay dibadaha usoo baxaan amma soo Tahriibaan.

Gudoomiyaha Jabhada onlf Maxamed Cumar Cusmaan waxa uu iminka talada Jabhada hayaa ku dhawaad dhawr iyo toban sano, taas lafteeda wax ay u arkaan dad badan oo ka mid ah tageerasha Jabhadu in Gudoomiyahu uu yahay nin aan jeclayn in uu xilka baneeyo si loo helo cedle oo arintan uga far-dhuudhuuban.

Jabhada onlf iyo madaxdeeduba waxa ay ku liitaan aad moodana in anay aqoon u lahayn waxa layidhaado warfaafinta amma saxafada ,taaso ah mida kaliya ee maanta aduunka meelkasta oo wax ka dhacaanba lagu ogaado.

Been sheegi maye waxa aan in badan waraystay dad yaw kala gadisan ,dadkaasi marka aan sadax meelood u qaybiyo ,midkastana aan ka waraysto bal in uu war iyo wacaan ka hayo jabhada onlf waxa ay iigu jawabaan:-

Dadka dhalinyarada ah ee da'duudu u dhaxayso 18-30 jirku waxabay ku odhanayaan manan maqal jabhadaasi sheekhow.

Dadka da'dodu u dhaxayso 30-40 kuna waxa ay ku odhanayaan ,marmar ayaanu ka maqalna dawlad deeganka Somalida oo hadal haysa.

Dadka da'doodu u dhaxayso 40-70 kuna waxa ay hadal kugusoo gunanadayaan ,miyanay jabhadaasi wakhti hore Ethopiya la heshiin.

Taasi waxa ay ku tusinaysaa in halgankani cidlo ku dhamaday , iyada oo Aduunku maanta uu ku jiro xiliyadi ay saxafadu ugu afka dheerayd.

Hadaba anigu waxa aan is idhaahda mararka qaar,waar malaha aduunba moodaaya in meesha halgan ka socdee waa dhako kale ,oo madaxda iyo mamulka jabhaduba waxa ay ku faraxsan yihiin , dhaantada iyo is-lulka quruxda badan ee ay ciyaraan dhalinta jibaysan ee u dhashay gobolkaasi.

Guntii iyo gaba-gabadii ,ma laga yaaba in jabhada onlf iyada oo wakhti badani ka lumay,iyada oo dhimasho iyo dhawac badan yeelatay in ay heshiis nabadeed la qaadato dawlada Ethopiya,sida hadaba aad marar badan ku maqlayso warbahinta oo ka waramaysa ,in wada hadal uu u socdo Ethopiya iyo onlf,taaso waliba madaxda onlf ay cadaynayaan in heshiisku uu ka socon la yahay Ethopiya.

Wa bilaahi tawfiiq.
khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar